Madaxweynaha Somaliland oo caddeeyey mowqifka dowladdiisa ee xiisadda ka taagan gobolka

Xiisadda Gobolka
Published
Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo

Madaxweynaha Jahmhuuriyadda Iskeed Madaxbanaanida ugu dhawaaqdey ee Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi, ayaa maaanta dib ugu gurya noqday Somaaliland kaddib safari shaqo oo muddo qaatay oo ku tagay Maraykanka iyo Imaaraaadka Carabta.

Madaxweyne Cirro, dabadeed jeediyey khudbad dhinacyo badan lahayd oo uu kaga hadlay waxyaabihii uga soo qabsoomay safarkiisii Maraykanka, isagoo markii ugu horreysayna ka hadlay xiisadda ka taagan Geeska Afrika, gaar ahaan xaaladda Itoobiya.

Madaxweynaha Somaliland ayaa sheegay inuu ka soo horjeedo faragelin kasta oo lagu sameeyo Itoobiya oo khatar gelinaysa xasilloonida iyo madax-bannaanida dalkaas.

Waxa kale oo uu dhaliilay isbahaysiga ay ku mideysan yihiin Masar, Soomaaliya, Suudaan iyo Ereteriya, isaga oo sheegay inaan go'aannada arrimaha gobolka la gaarin iyada oo aan Somaliland laga qaybgelin.

"Itoobiya waa dal aan deris nahay , oo aan kalsooni bada ku qabno iskaaashigiisa iyo wax-wadaqabsigiisa," ayuu yiri Madaxweyne Cirro.

"Waxaan si adag uga soo horjeednaa tallaabo kasta oo khatar gelinaysa xasilloonida iyo madax-bannaanida dalkaas," ayuu intaas ku daray madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi.

Wuxuu intaa raaciyey in Siyaasadda Somaliland ay tahay inay daris wanaag iyo nabad kula noolaato dalalka deriska la tahay balse.... " Waxaan ugu digaynaa dalkasta oo isku daya faragelinta arrimaha gudaha, amniga iyo xasillonida Somaliland inuu jawaab ku munaasiba heli doono"a

Madaxweynuhu waxa uu dhaliilay iskaashiga afarta dal ee kala ah Masar, Soomaaliya, Suudaan iyo Ereteriya ee ku saabsan arrimaha amniga Badda Cas.

Waxa uu intaas ku daray in Somaliland ay iyaduna qayb ka noqoto go'aannada laga gaarayo gobolka.

"Annaga oo ah dowlad iyo shacab, waxaan ka soo horjeednaa tallaabooyinkii ugu dambeeyey ee ay qaadeen dowladaaha ay Masar hormuudka u tahay ee isbahaystay, waxaan u sheegaynaa inaysan marnaba suurtagal ahayn iskaashi gobolka dhexmara oo ay Soomaaliland qayb ka ahayn"

"Waxaan diyaar u nahay wada xaajoodkasta oo ku dhisan is-tixgelin iyo qaranimadaya oo aan gor-gortan la gelin," ayuu yiri.

Somaliland
Qoraalka sawirka, Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali xayeysiin WhatsApp
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Xiriirka Itoobiya iyo Somaliland ayaa si weyn loo hadal hayey, gaar ahaan arrimaha marin-biyoodka iyo xiriirka dalalka gobolka.

Bishii Maarso 2024, Itoobiya iyo madaxdii Somaliland ee xilligaas ayaa kala saxiixday heshiis is-afgarad.

Heshiiska ayaa ku saabsanaa in Itoobiya ay isticmaasho aagga dekedda Berbera, halka Somaliland ay aqoonsi ka hesho Itoobiya.

Hase yeeshee, Soomaaliya ayaa ka hortimid heshiiskaas, waxaana xumaaday xiriirkii diblomaasiyadeed ee u dhexeeyey Itoobiya iyo Soomaaliya.

Inkasta oo xiisadda lagu xalliyey dhexdhexaadinta Turkiga, haddana tallaabadaas kaddib Soomaaliya waxay xoogga saartay xoojinta xiriirka ay la leedahay Masar iyo Ereteriya.

Dalalkan ayaa dhowr jeer wadahadallo ka yeeshay iskaashiga dhinacyada amniga iyo milatariga.

Soomaaliya ayaa dhowaan muujisay mowqifkeeda gaarka ah ee ku aaddan xiisadda u dhexeysa Itoobiya iyo Ereteriya.

Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Xasan Maxamed Cali, ayaa BBC Somali u sheegay in mowqifka dowladda Soomaaliya uu ku salaysan yahay nabadda iyo madax-bannaanida dalka.

"Dowladda Soomaaliya, runti Meesha ay ka taagan tahay waa mid nabaddeed, dhexdhexaad ah, maadaama dalalkaas iyo Soomaaliya wax badan oo dano wadaag ka dhaxeeyo, dalalka qaarkood taariikhiyan xiriir fiican ka dhexeeyey, iyo diiniyan qaarkood xiriir juquraafi ah ka dhexeeyo oo ay deris yihiin, qaarkood heshiisyo badan oo dhinacyo badan taabanaya kala dhexeeyo."

Wuxuu intaas raaciyey in Soomaaliya ay isbaddelada ka socda gobolka ay si dhaba ula socoto, sidoo kalana ay ka shaqayso danaha Soomaaliya kaga xiran dalalkaas iyo gobolka oo dhan.

"Gobolkan dhibaatooyin badan ayaa hadda ka taagan, sidii aan dhibaato kale loogu dari lahayn oo lagu xamayn lahaa waxyaabaha caqabadaha ka jira oo dhinacyo badan taabanaya oo amni leh, dhaqaale leh , isku socod leh, iyo in sidii loo yarayn karo ama loo xalin karo in dowladda Soomaaliya qayb ka noqo, iyadoo dabcan ujeedadeeda iyo midnimadeeda ilaalinayso haddana waa in kaalinta ay ku leedahay gobolka oo masuuliyad ah iny ka qayb qaado ayey ka shaqaynaysaa" ayuu BBC-da u sheegay wasiir xigeenka arrimaha dibadda Soomaaliya.

Hadalka wasiirka ayaa yimid maalmo ka hor markii madaxweyne Xasan Sheekh uu Masar kaga qayb galay shir-madaxadeed afar geesood aha oo u dhaxeeyey madaxda dalalka Masar oo martigelisay, Sudan, Eritrea iyo Soomaliya.

Madaxweynaha Masar, Cabdifataax Al-Siisi, Madaxweynaha Ereteriya, Isaias Afwerki, Guddoomiyaha Golaha Ku-meelgaarka ah ee Suudaan, Cabdifataax Al-Burhaan, iyo Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa heshiiska ku saxiixay kulan ka dhacay magaalada El Alamein ee dalka Masar.

Somaliland ayaa ku dhawaaqday inay Soomaaliya ka go'day sannadkii 1991-kii, hase yeeshee weli ma helin aqoonsi caalami ah oo ballaaran balse bishii Diseembar 2025, Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil, Benjamin Netanyahu, ayaa Somaliland siiyey aqoonsi rasmi ah oo dalnimo.