Dowladda Soomaaliya oo BBC-da u sheegtay mowqifkeeda ku aadan xiisadda ka dhex taagan dalalka Itoobiya iyo Eritrea

AFP via Getty Images
Published
Waqtiga akhriska: 6 daqiiqo

Geeska Afrika, waxaa mar kale soo baxay walaaca laga muujinayo inay sii kordhaan xiisadaha ka dhex taagan dalalka qaar.

Ka dib markii toddobaadyo uu qarxay dagaalka waqooyiga Itoobiya, mar kale waxaa sare u kacday xiisadda u dhaxaysa dalalka deriska ah ee Itoobiya iyo Eritrea, taas oo markii dambe gaartay heer labada dal ay safaaradaha kala qaataan.

Addis Ababa ayaa Asmara ku eedeysan inay taageerayso kooxaha fallaagada ah ee dagaalka kula jira dowladda gaar ahaan Tigraay balse dhowr jeer ayey Eritrea eedeymahaas si cad u beenisay.

Maalmo ka hor ciidamo Eritrean ah ayaa galay waqooyiga Itoobiya, iyagoo ku sii jeeda deegaan ay iska horimaadyo ka socdaan oo u dhexeeya ciidamada dowladda Itoobiya iyo ciidamada gobolka, sida ay BBC-da u sheegeen dadka deggan magaalada Adigrat ee Tigray.

Dagaallada gobolka ayaa billowday laba toddobaad ka hor, kaddib bilo ay jireen xiisado u dhexeeyay dowladda Itoobiya iyo xisbiga maamula Tigray, TPLF.

Labada dhinac ayaa midba midka kale ku eedeynaya inuu jebiyay heshiiskii 2022-kii soo afjaray dagaal sokeeye oo socday laba sano.

Xiisadda cusub ayaa timid kaddib markii bishii Sebtembar la sameeyay isbahaysi cusub oo ay ku mideysan yihiin kooxo hubeysan ee ka jira Itoobiya, kaas oo ay TPLF ka mid tahay.

Mowqifka Soomaaliya ka taagan tahay xiisadda ka dhex taagan dalalka Itoobiya iyo Eritrea

Wasiir xigeenka arrimaha dibadda ee Soomaaliya, Xasan Maxamed Cali Nadaar
Qoraalka sawirka, Wasiir xigeenka arrimaha dibadda ee Soomaaliya, Xasan Maxamed Cali Nadaara

Iyadoo xiisaddaas ay taagan tahay, madaxda dalalka Masar, Sudan iyo Eritrea ayaa kulan ku yeeshay dalka Masar, kaas oo fallanqeeyayaashu ku sheegeen shir ku soo beegmay xilli xasaasi ah iyadoo saddexda dalba Itoobiya ku eedeysay inay taageerayaan kooxaha ku kacsan, Balse saddexda dalba eedeyntaas waa ay beeniyeen.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali xayeysiin WhatsApp
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Soomaaliya oo xaduud dheer oo dhulka ah la leh Itoobiya, xiriirkooda Eritrea iyo Masarna uu wanaagsan yahay ayaa shirka ka qayb gashay iyadoo Madaxweyne Xasan Sheekh oo shirkaas ka hor sii maray Addis Ababa uu Al-calameyn ugu qayb galay shirka afar geesoodka ahaa.

Haddaba su'aasha waxaa weeye halkee Soomaliya ka taagan yahay xiisaddaaha gobolka gaar ahaana tan u dhaxaysa Addis Ababa iyo Asmara?

Wasiir xigeenka arrimaha dibadda ee Soomaaliya, Xasan Maxamed Cali Nadaar ayaa BBC-da u sheegay, "dowladda Soomaaliya, runti Meesha ay ka taagan tahay waa mid nabaddeed, dhexdhexaad ah, maadaama dalalkaas iyo Soomaaliya wax badan oo dano wadaag ka dhaxeeyo, dalalka qaarkood taariikhiyan xiriir fiican ka dhexeeyey, iyo diiniyan qaarkood xiriir juquraafi ah ka dhexeeyo oo ay deris yihiin, qaarkood heshiisyo badan oo dhinacyo badan taabanaya kala dhexeeyo."

Wuxuu intaas raaciyey in Soomaaliya ay isbaddelada ka socda gobolka ay si dhaba ula socoto, sidoo kalana ay ka shaqayso danaha Soomaaliya kaga xiran dalalkaas iyo gobolka oo dhan.

"Gobolkan dhibaatooyin badan ayaa hadda ka taagan, sidii aan dhibaato kale loogu dari lahayn oo lagu xamayn lahaa waxyaabaha caqabadaha ka jira oo dhinacyo badan taabanaya oo amni leh, dhaqaale leh , isku socod leh, iyo in sidii loo yarayn karo ama loo xalin karo in dowladda Soomaaliya qayb ka noqo, iyadoo dabcan ujeedadeeda iyo midnimadeeda ilaalinayso haddana waa in kaalinta ay ku leedahay gobolka oo masuuliyad ah iny ka qayb qaado ayey ka shaqaynaysaa" ayuu BBC-da u sheegay wasiir xigeenka arrimaha dibadda Soomaaliya.

Mar la waydiiyey Wasiirka in dad badan oo arrimaha ka faallooda ay dareemayaan inay Soomaaliya ahayn dhexdhexaad marka la eego dalalkan is haysa, ayuu ku jawaabay "Soomaaliya dhexdhexaad ayey ka tahay arrintaas, waxaana kala dhexeeya dalalkaas oo dhan xiriir fiican , wax hadda isbaddel ah oo xiriiradaas wanaagsan kala dhexeeyey oo annagu ognahay oo ku yimid ma jirto.

"Dabcan Itoobiya xiriirka kala dhexeeya Soomaaliya waa sidiisa. Sida aad la socotiin dalalka kale khilaafkoodu meel adag taagan yahay, ciidamo Itoobiya ka jooga Soomaaliya ka tirsan UASOM, laakiin maanta wax dhibaato ah oo labada dowladood ka dhextaan ma jiraan, Soomaaliya kaalintii iyo wadashaqayntii kala dhexeeyey dalalkaas ayey ciyaaraysaaa."

Aragtida fallanqeeyasha

Prof, Liibaan Cigaal (midig), Axmed Kaboole(bidix), fallanqeeyaal siyaasadda iyo ammaanka gobolka
Qoraalka sawirka, Prof, Liibaan Cigaal (midig), Axmed Kaboole(bidix), fallanqeeyaal siyaasadda iyo ammaanka gobolka

Marka laga yimaado hadalka wasiir xigeenka arrimaha dibadda Soomaaliya Xasan Nadaara, fallanqeeyasha BBC-da la hadlay ayaa ka aragti duwan iyagoo xusay inay sawrika muuqda uusan ahayn in Soomaliya dhexdhexaad ka tahay arrinta.

Axmed Kaboole oo arrimaha ammaanka ka faallooda, ayaa qaba in sawirka muuqda uu bixinayo kala duwanaanshaha ficilka iyo hadalka Soomaaliya ka dib shirkii Masar ee uu madaxweyne Xasan ka qayb galay kaas oo kulmiyey Madaxweynaha Masar Cabdifataax Al-Siisi, oo martigeliyey, madaxweynaha Ereteriya Isaias Afwerki, iyo Hoggaamiyaha Golaha Xukunka Suudaan, General Cabdifataax Al-Burhaan.

Isagoo ka jawaabayey su'aashaas ayuu wasiir xigeenka arrimaha dibadda Soomaaliya tilmamaay "inuusan aaminsanayn arrintaas, Soomaliya waa dal madaxbananaan, dalalkas weligood heshiis baa naga dhexeeyey " ayuu yiri.Wasiir Nadaara.

Proff, Liibaan Cigaal, oo arrimaha geeska Afrika ka fallooda, ayaa xusay "waxay ahayd in Soomaaliya inay ku koobnaato amniga gobolka oo aysan dhexgelin waxyaabaha is dul-saaran ee ka dhaxeeya dalalkan, oo ah Masar, Eritrea iyo Sudan, sidii Soomaaliya ugu dabaalan lahayna waa inay xadkeeda ku joogsataa, oo aysan noqon qolo dhan u janjeerta" ayuu yiri Liibaan.

Mar BBC-du wayiisay wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda Soomaali Xasan Nadaara, sida Soomaaliya u ilaalin karto xiriirka dalalkan iyaguna is haya, aysana qilaafkaas ugu lugyeelan ayuu ku jawaabay.

"Soomaaliya waxay xubin ka tahay IGAD, Midowga Afrika, jaamacad Carabta iyo Qaramada Midoobay, waxa jira heshiisyo ay dalalkan saaxiibka la tahay la gashay , dabcada adduunku waa siin iyo qaadasho Soomaaliya danay leedahay iyaduna meesha ay ku taallo marka la eego dowladdo badan masaalix kala dhaxaysaa"

studiyaha BBC-da

Sida Soomaaliya u aragto colaadda Tigraay

Wasiir xigeenka arrimaha dibadda ee Soomaaliya, Xasan Maxamed Cali Nadaar oo si gaara BBC-da wax uga waydiisay colaadda ka aloosan waqooyiga Itoobiya ee u dhaxaysa dowladda federalka Itoobiya iyo TPL, iyo haddii ay welwel ku hayso saamayn ay ku yeellan karayso maadamaada ay Soomaaliya iyo Itoobiya daris yihiin.ayuu ku jawaabay, "dabcan Saameynteeda way leedahay oo Bariga Afrika oo dhan ayey saamayn ku yeelan kartaa. Adduunku hadda waa hal mid, cudur meel ka dilaaca ayaa meelo badan gaari kara, colaad meel ka dilaacda ayaa dalal badan saamayn ku yeellan karta. Itoobiya waa dal weyn oo gobolka ku yaalla dowladdo badan daris lah ah dabcan hadii dagaalada ka socda dhexdeeda sii kordhaan ama u gudbo mid dowladda kale dhexmaro ay noqoto, Soomaaliya saamayn dhaqaale, mid amni iyo isku socod intab awaa ku yeellan kartaa"ayuu yiri wasiir Nadaara.

Wuxuu intaas raaciyey inuusan shaki ku jirin in haddii dagalo culus dhacaan oo colaaddu sii baahdo ay saamaynteeda leedahay.

Warar ay warbaahino gudaha Soomaaliya qoreen oo la faafiyey ayaa dhawaan sheegay in laga yaabo in ciidamada Itoobiya ee jooga Soomaaliya ay bixi karaan ka dib dagaalada ka soo cusboonaaday dalkaa inkasta oo wararkaas aysan BBC-du si madaxbannaan u xaqjijin karin.

Su'aasha iyo wararka soo baxay oo ay BBC-du waydiisay wasiir xigeenka arrimaha dibadda Soomaaliya in ciidamada Itoobiya ay ka baxayan dalka ayuu sheegay "Intaan ogahay wax sugan oo naga soo gaaray oo ciidan baxayo ma jirto, dabcan meelihii iyo xarumihii ay joogen ayey joogaan shaqooyinkii awalba ay dowlada Soomaliya ka caaw jireen, ay kala shaqayn jireen ayey kala shaqaynayaan"

Midowga Afrika, Maraykanka iyo Qaramada Midoobay ayaa dhinacyada ugu baaqay inay is xakamayn Muujiyaan.