Yaa hadda gacanta ku haya Buurhakaba?

Xigashada Sawirka, SOCIAL
Wararka laga helayo magaalada Buurhakaba ee gobolka Bay ayaa sheegaya in saakay aroortii uu dagaal ka qarxay hareeraha iyo bartamaha magaalada.
Ciidamo taabacsan maamulkii hore ee Laftagareen oo ay la socdaan saraakiil ka tirsan maamulkaas ayaa duullaan ku qaaday saldhigyada ciidamada dowladda, waxaana halkaasi ka billowday dagaal muddo kooban socday, sida ay BBC-da u sheegeen dad ku sugan magaalada.
Muuqaal markii dambe lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinaya xubno ka tirsan maamulka Laftagareen oo ka hadlaya Aargada magaalada, iyagoo sheegay inay guud ahaan gacanta ku dhigeen magaalada.
Afhayeenka madaxweynihii hore ee Koofur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, John Xuseen oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay in Buurhakaba laga qabtay howl-gallo sifeyn ah.
"Waxaa laga sifeynayay ciidamadii calooshood u shaqeystayaasha ahaa ee Xasan Sheekh iyo qaar ka mid ah kuwii isaga ka wakiilka ahaa ee maamulka sheeganayay, waxayna ku jirtaa gacanta dowladda Koofur Galbeed, daraawiishtii iyo madaxdii dowlad goboleedka qaarkood ayaa meesha jooga hadda."
Qaabka ay magaalada kusoo galeen ayuu ku sheegay inuu yahay mid dagaal.
"Sidaan kusoo galnay waa sidii aan awalba ku geli jirnay degmooyinka ay Baydhabo ka mid tahay oo Qansaxdheere ka mid tahay. Markii hore waxaan u sheegnay qolada meesha joogtay inay is dhiibaan, markey diideen oo ay xabbad bilaabeen waxay noqotay in laga itaal roonaado. Waqti badan ma qaadan. Daqiiqado kadib way isaga huleeleen magaalada. Intii ka dhimatay iyo intii gacanta looga dhigay ma ahee, intooda kale qaarkood waxay galeen xarunta nabad ilaalinta ee ciidamada Itoobiya ay ku sugan yihiin, qaarna duurka ayay aadeen, laakiin intooda badan waxay isku soo dhiibeen ciidamada Koofur Galbeed".

Xigashada Sawirka, SOCIAL
Khasaaraha ka dhashay dagaalka, ayuu sheegay inuu hadda socdo baaritaan.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Waxaa jiray warar sheegayay in dagaalka saakay ay qeyb ka ahaayeen al-Shabaab, oo dowladda federaalka ay maamulkii Laftagareen ku eedeysay inay la shaqeeyaan.
"Weligood nalama socon, haddana manala socon doonaan, maanta nalama socon. Dadka ajandaha ay u dagaallamanaan waa la yaqaannaa, siyaasad maaha," ayuu yiri.
Colaadda Koofur Galbeed ayaa soo laalaabatay, iyadoo dhowaan dagaal khasaare geystay uu ka dhacay Baydhabo. Waxaa haatan socda dadaallo nabadeed oo colaaddan lagu soo afjarayo. John ayaa sheegay inay diyaar u yihiin nabad balse ay shuruudo ku xirayaan.
"Horta dowlad goboleedka Koofur Galbeed markii hore waa lagu soo duulay, wada hadalna ma diiddana. Laakiin mar walba wada-hadalka meesha yaalla oo hadda la leeyahay wada hadal baa furan, mid aan aqoonsannahay ma aha, mid aan diyaar u nahay inaan gogol galnana ma aha. Sheekh Aadan-ka soo magacaabay guddiyadaas iyo kuwa halkan ka tegay iyo cidda ay u tageen oo Sheekh Aadan ahba ma aqoonsanin. Annaga wada hadal wuuxu noo furmayaa markii magaalada Baydhabo ay kusoo laabato sidii ay ahayd 28-kii Maarso, madaxweynaheedana uu noqdo Laftagareen, ninka hadda meesha la keensaday ee Sheekh Aadanna uu meesha ka baxom ciidanka calooshood u shaqeystayaashana laga rarao oo Baydhabo laga bixiyo ayuu wada hadal inoo furmayaa." Ayuu yiri.
Dhanka kale maxay leeyihiin?

Xigashada Sawirka, SOCIAL
Wasiirka Warfaafinta Koonfur Galbeed, Nuur Siidow Baaba oo BBC-da la hadlay ayaa isagana beeniyay in dagaal uu ka qaray magaalada.
"Dagaal kama qarxine, waxaa meesha weerar kusoo qaaday qolyihii khawaarijta aahaa, magaalada Buurhakaba, saaka waabarigii, ciidamada SNA iyo kuwa daraawiishta KGS waxa ay muujiyeen dhabar adeeg, sida caaadada u ahayd kooxaha khawaarijta ahaa waxa ay sheeganayaan in ay weli gacanta ku hayaan magaalada."
"Magaalada weli gacanteenna kama bixin qolyaha khawaarijta ayaa weli dhinac ka joogta, waxaa rajeeneynaa in aysan sii joogi doonin," ayuu yiri.
Wuxuu sheegay in magaalada ay kooxda al-Shabaab qabteen, oo ay soo weerareen.
"Shacabkana waad weydiin kartaa, magaalada waxaa weeraray al-Shabaab, Al-Shabaab ayaana qabatay, xitaa maaha magaalada oo dhan ee qeyb kamid ah ayey u qabteen, markaa ciidamadaan hal xabbad xitaa magaalada kama aysan ridin," ayuu intaa raaciyay.
"Annaga waxaa caddeyn u haynaa in magaalada ay khawaarijtu soo weerartay, qeyb kamid ah u qaybteen magalaada hareeraheeda ayey joogaan".
Wasiirka ayaa sheegay inuu jiro heshiis ka dhaxeeya labada dhinac.
"Heshiis waxaa jira ka dhaxeeya labada dhinac oo adiga dil anaa sheeganaya'e".
Wuxuu intaa raaciyay inay haatan wadaan xog ururin ku saabsan khasaaraha dagaalka.
Wasiirka ayaa sheegay in guddiga dib u heshiisiinta ay wadaan howlahooda.
"Guddigeennii dib u heshiistiinta dolwaddu magacowday illaa iyo hadda dhaq-dhaqaaqyadoodii waa ay ka wadaan gudaha magaalada Baydhabo, guddi kale oo aan annaga ognahay oo Nairobi tagay ma jiro, annagana wada hadal la geli mayno qolyahaan Shabaabka ah, cid kasta oo tabasho siyaasadeed qabta waxaa diyaar u nahay in ay dowladdu la fariisato, laakiin cid rabto in dhiigga ummadda Soomaaliyeed kursi ku gaarto ama daadiso, marna dowladda KGS raalli kama noqoneyso mana la fariisaneyso." Ayuu yiri.
Maalin kahor ayay ahayd markii dowladda federaalka Soomaaliya ay cunaqabateyn kusoo rogtay xubno ka tirsan maamulkii hore ee Koofur Galbeed, oo uu ka mid yahay Laftagareen, iyagoo sheegay inay ku saleynayaan xog ay ka hayaan inay la shaqeeyaan al-Shabaab.



























