Soomaaliya oo cambaareysay safaaradda ay Somaliland ka furanayso Quddus

Xigashada Sawirka, Reuters
Dawladda Soomaaliya ayaa cambaareysay wax ay ku tilmaantay "tallaabada maamulka Woqooyi Galbeed ugu xadgubay qadiyadda magaalada Quddus".
Qoraal ay baahisay wakaaladda wararka SONNA ee ku hadasha afka dawladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay inay ka soo horjeeddo safaaradda ay Somaliland sheegtay inay ka furayso magaalada Quddus.
"Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay mar kale xaqiijinaysaa sida ay uga go'an tahay ilaalinta midnimada, madaxbannaanida, wadajirka dhuleed iyo qarannimada dalka, iyadoo si cad u diiddan tallaabo kasta oo hal dhinac ah oo wax u dhimaysa sharcinimada iyo jiritaanka dowladnimada Soomaaliya, kana hor imaanaysa qawaaniinta caalamiga ah iyo go'aannada ay soo saareen hay'adaha heer gobol iyo kuwa caalami ah" ayaa lagu yiri qoraalka.
Waxaa kale oo wakaaladdu ay intaa ku dartay in talaabadaas ay ka soo horjeeddo "dareenka iyo mowqifka dalalka carabta iyo islaamka".
Arrintan ayaa soo shaac baxday markii uu danjiraha Somaliland sheegay Talaadadii, sida ay soo werisay wakaaladda wararka Reuters, in goor dhow ay Somalland ay safaarad ka furan doonto magaalada Quddus ka dib markii Israa'iil ay noqotay dalkii ugu horreeyey ee si rasmi ah u aqoosada jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madax banaanida.
Qoraal uu soo dhigay bartiisa X ayuu danjiraha Somaliland u qaabilsan Israa'iil Maxamed Xaaji ku yiri "Waxa aan ku faraxsanahay in aan ku dhawaaqo in safaarada jamhuuriyada Somaliland ay oolli doonto Quddus – safaarada dhawaan ayaa la furi doonaa, halka Israa'iil ay sidoo kale ka samaysan doonto Hargeysa safaaradeeda, taas oo ka turjumaysa saaxiibtinimada, ixtiraamka iyo iskaashiga istiraatijiyadeed ee u dhexeeya labadayada shacab".
Inkastoo doodda arrintan aan isku meel laga taagnayn, haddana dadka aaminsan gooni isu taagga Somaliland waxay qabaan in ay soo bilaabatay markii uu Netanyahu telefoonka kula soo hadlay madaxweynaha Somaliland xilligii ay Israa'iil ku dhawaaqday aqoonsiga sida uu BBC u sheegay Axmed-Saki Faarax Iidle oo falanqeeya arrimaha islaamka iyo bariga dhexe.
"Markii ra'iisul wasaaraha Israa'iil uu aqoonsiga siinayey Israa'iil ayaa fiidiyow uu kula soo hadlay madaxweynaha Somaliland wuxuu u ballan qaaday inuu ku soo dhaweyn doono Quddus, taasina macnaheedu inta aqoonta leh way fahamsanayd in heshiisku u dhacayey in la aqoonsado Somaliland, safaaradoodana ay ka furtaan Quddus, taa beddelkeedana ay Israa''iil uga dhex ololeyso qaddiyadda Somaliland dalalka reer galbeedka".

Xigashada Sawirka, JNS
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Mar uu ka hadlayey sababta loogu malayn karo in Somaliland aysan xal kale oo ka duwan Quddus u raadin ayuu Axmed Zaki yiri "Khilaafka Israa'iil iyo Falastiin maaha mid cusub, dunida Islaamka oo idil way la socotaa, Qaramada Midoobay dhowr jeer bay qaraarro ka soo saartay, ha yeeshee khilaafkaas maaha mid ay xallin karto Somaliland, markaa markii ay qiimaysay arrimaha Falastiin, waxay go'aansadeen inay ka hormariyaan dantooda" ayuu yiri Axmed Zaki.
Quddus waxaa ku yaalla masjidka Al-Aqsa oo ah meesha seddexaad ee ugu muhiimsan dadka Islaamka marka laga yimaado magaalooyinka barakaysan ee Maka iyo Madiina, masjidkaasoo ah halkii laga dheelmiyey nabi maxamed (NNKH). Gacan ku haynta Israa'iil ee Masjidka Al Aqsa ayaa khilaaf weyn ka dhex abuurtay muslimiinta iyo Israa'iil, ilaa haddana ma jiro dal Islaam ah oo ay safaarad uga furan tahay magaalada Quddus.
Hase yeeshee waxay sidoo kale u tahay dadka Yuhuudda meel barakaysan oo ku yaallo Temple mount, halkaasoo ay u jeestaan sidii qiblada oo kale marka ay doonayaan inay tukadaan meel kasta oo ay dunida ka joogaan.
Magaalada Quddus waxaa wakhtigan ku yaalla lix safaaradood, kuwaasoo kala ah safaaradaha Maraykanka, Fiji, Guatemala, Honduras, Papua New Guinea, Paraguay iyo jamhuuriyadda jiritaankeeda lagu muransan yahay ee Kosovo.











