Mareykanku ma hub ayuu u diray dibadbaxayaasha Iran isagoo adeegsanaya Kurdiyiinta?

.

Xigashada Sawirka, Matthew Goddard/BBC

Published
Waqtiga akhriska: 5 daqiiqo

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa dhowr jeer oo ka mid ah toddobaadyadii la soo dhaafay ku andacooday inuu hub u diray dibadbaxayaasha Iran "iyadoo la adeegsanayo Kurdiyiinta", balse Kurdiyiintu ay hubkaas iska haysteen.

Baaritaanno BBC ay sameysay ayaa muujinaya in qayb ka mid ah hadalka Trump laga yaabo inuu sax yahay, isla markaana ay jirtay qorshe lagu hubaynayo laguna taageerayo Kurdiyiinta si ay uga qayb qaataan dagaal suurtagal ah oo ka dhan ah Iran, hase yeeshee fulintiisu ay dhibaato la kulantay.

James Jeffrey, oo ahaa safiirkii hore ee Mareykanka u fadhiyay Turkiga iyo Ciraaq, isla markaana laba sano ahaa ergaygii gaarka ahaa ee Trump ee dagaalka ISIS ee Suuriya iyo Ciraaq, ayaa sheegay in Gobolka Kurdistan iyo Turkiga labaduba ay "kasoo horjeesteen in Kurdiyiinta Iran la hubiyo."

"Waxaan u shaqeeyay Madaxweyne Trump," ayuu yiri. "Markuu la hadlayo saxaafadda, badanaa qayb ka mid ah runta ayuu sheegaa. Waxay u badan tahay in dood arrintan ku saabsan ay jirtay iyo hawlgal ay Mareykanka iyo dal saddexaad wadeen, oo hub loogu dirayo Kurdiyiinta Iran. Laakiin ma ahayn qorshe dhab ah oo si dhab ah loo fulinayo."

Hogaamiyeyaasha xisbiyada Kurdiyiinta Iran ma ogaayeen dagaalka Iran ka hor weerarka?

Bartamihii Febraayo ee sanadkan, qiyaastii laba toddobaad ka hor weerarkii Mareykanka iyo Israa'iil ku qaadeen Iran, dhowr xisbi Kurdish ah oo ka soo horjeeda dowladda Iran ayaa si qarsoodi ah ugu yeeray xubnahooda dibadda inay ku noqdaan Kurdistan Ciraaq. Boqolaal Kurdiyiin ah oo ku nool dalalka reer galbeedka, laga bilaabo Australia ilaa Canada iyo Yurub iyo Turkiga, ayaa u safray gobolka ka hor inta uusan dagaalku bilaaban, isla markaana aan la xirin hawada gobolka.

Dhowr maalmood ka hor dagaalka, dhaqdhaqaaqa xisbiyada Kurdish-ka ee Iran ee xuduudda ayaa kordhay. Warar qaar ayaa sheegaya in wakiillo ka tirsan xisbiyada ay iibsadeen gaadiid 4x4 ah (afar-taayir leh).

Waxaa la sheegay in wakiil xisbi uu hal mar iibsaday 30 gaari, mid kalena uu 50 Toyota Land Cruiser ka iibsaday bandhig baabuur oo Erbil ka dhacay. Sidoo kale waxaa la sheegay in qaar ka mid ah xisbiyadan ay hub ka iibsanayeen suuqa madow.

Ilaha xisbiyadaas ayaa xaqiijiyay in Mareykanku uu siiyay taageero dhaqaale oo kooban si iibsashada loo sameeyo, isla markaana ay filayeen in si ballaaran loo siiyo hub iyo rasaas.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Si kastaba, waxaa muuqata in PJAK aan lagu darin qorshahan sababo la xiriira xasaasiyadda Turkiga. Turkigu wuxuu u arkaa PJAK inay qayb ka tahay PKK, isla markaana ay khatar ku tahay amnigiisa qaran.

Sida ilo aan magacooda la shaacin ay sheegeen, qaar ka mid ah xisbiyada waaweyn ee Kurdiyiinta Iran ayaa qorsheynayay inay dagaalka galaan 72 saacadood kadib bilowga dagaalka.

Isla waqtigaas, diyaaradaha Mareykanka iyo Israa'iil ayaa duqeeyay xarumo talis, saldhigyo xuduudeed, xeryo iyo xitaa saldhigyo boolis oo ku yaalla Kurdistan Iran. Xafiisyada sirdoonka iyo ilaalada kacaanka (IRGC) ayaa sidoo kale la beegsaday.

Dad badan ayaa rumeysan in duqeymahaas ay ujeedkoodu ahaa in la fududeeyo in Kurdiyiintu galaan magaalooyinka Kurdistan, kadibna ay ka dhalato kacdoon ballaaran gudaha Iran.

"Suurtagal ma ahayn kacdoon ballaaran oo Iran ka dhaca iyadoo la hubeynayo kooxo Kurd ah," ayuu yiri James Jeffrey. "Gaar ahaan iyadoo PJAK laga reebay qorshaha; PJAK waa qayb ka mid ah PKK waxayna ka awood badan tahay kooxaha kale ee Kurdish-ka. Waxaan la xiriiray mas'uuliyiinta Kurdistan Ciraaq ee Erbil, iyaga iyo Madaxweyne Erdogan labaduba way ka soo horjeedeen hub siinta Kurdiyiinta."

Toddobaad kadib bilowga dagaalka, waxaa wareysi lala yeeshay Rivar Abdanan oo ah afhayeenka PJAK, isaga oo ku sugnaa god (tunnel) ku yaalla xadka Iran.

PJAK ayaa lagu tilmaami karaa awoodda Kurdish-ka ee ugu isku xiran, lehna khibrad dagaal oo ka dhan ah ISIS ee Suuriya iyo Ciraaq. Waxay beenisay inay heshay taageero hub ama dhaqaale oo ka timid Mareykanka ama Israa'iil, balse waxay sheegeen inay xiriir la leeyihiin saraakiil Mareykan ah.

Afhayeenka PJAK wuxuu yiri: "Habka Mareykanka iyo isbahaysigiisa ay ula macaamilaan Kurdiyiinta 'Rojava' ee Suuriya, iyo taageerada ay siiyaan dowladda Suuriya iyadoo laga soo horjeedo Kurdiyiinta, waxay abuurtay walaac iyo shaki badan oo Kurdiyiinta Iran ka qaba iskaashi lala yeesho Mareykanka." Wuxuu intaas ku daray in PJAK aysan rabin in loo adeegsado dano Mareykanka iyo Israa'iil.

Reza Kaabi, hogaamiyaha PKK, ayaa wareysi uu BBC siiyay ku sheegay in Kurdiyiintu aysan geli karin dagaalka ilaa ay hubiyaan in dadka Iran oo dhan ay kacaan.

Wuxuu yiri: "Haddii Mareykanku kusoo rogo aag aan duulimaad lahayn Kurdistan Iran oo uu taageero Kurdiyiinta, xisbiyada Kurdish waxay diyaar u noqon doonaan inay dagaalka galaan."

Maxuu Trump uga noqday qorshaha Kurdiyiinta ee ka qayb galka dagaalka?

Intii uu socday dagaalka Iran, CNN ayaa sheegtay in Trump uu wicitaan la yeeshay Mustafa Hejri, hogaamiyaha Xisbiga Dimuqraadiga Kurdistan Iran.

Xisbigaas ma beenin mana xaqiijin wicitaanka. CIA ayaa sidoo kale la sheegay inay lahayd qorshe lagu hubaynayo Kurdiyiinta si ay uga qeyb galaan dagaalka Iran.

Warar kale ayaa sheegay in madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan uu Trump ugu hanjabay in haddii Kurdiyiintu galaan Iran, Iran ay weerari doonto Kurdiyiinta.

Waxaa la sheegay in kadib wicitaanka Erdogan, Trump uu beddelay go'aankiisii isla markaana uu joojiyay qorshihii hubeynta Kurdiyiinta. 8-da Maarso, Trump ayaa yiri: "Waxaan aad u saaxiib nahay Kurdiyiinta. Ma rabno in dagaalku sii adkaado. Haa, waan joojiyay qorshaha."

.

Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images

Maxay Israa'iil u rabtay Kurdiyiinta inay galaan dagaalka Iran?

Ka hor dagaalka, Axios ayaa sheegtay in Netanyahu uu Trump ku qanciyay in Kurdiyiintu ay noqon karaan awood muhiim ah oo lagu wiiqo Iran.

Isra'iil ayaa rumeysanayd in haddii Kurdiyiinta Iran la taageero oo Mareykanka iyo Israa'iil duqeeyaan, ay suurtagal tahay in gobollada xadka ay gacanta Iiraan ka baxaan, taasoo keeni karta burbur amni iyo kacdoon dadweyne.

Trump ayaa la sheegay inuu la hadlay hoggaamiyeyaasha Kurdiyiinta Ciraaq si uu u helo taageero, balse madaxda Kurdiyiinta Ciraaq ayaa sheegay inaysan rabin in gobolkoodu ku lug yeesho dagaal deris.

Mareykanku dhab ahaan ma u diray hub dibadbaxayaasha Iran?

Toddobaadkii hore, Trump ayaa mar kale ku celiyay sheegashada ah inuu hub u diray dibadbaxayaasha Iran isagoo adeegsanaya Kurdiyiinta.

Isbahaysiga xisbiyada Kurdish-ka ee Iran ayaa si cad u diiday in Mareykanku uu hub u soo mariyay iyaga.

Dowladda Kurdistan Ciraaq ayaa sidoo kale sheegtay inaysan jirin wax hub ah oo la keenay gobolka si loogu gudbiyo Iran.

Afhayeenka dowladda Kurdistan Ciraaq, Pishva Hawrami, ayaa sheegay in Mareykanku uu faahfaahinta soo bandhigo si loo caddeeyo arrintan. Wuxuu yiri: "Waxaa fiican in Mareykanku caddeeyo goorta, sida, iyo cidda uu wax u siiyay. Kaliya Mareykanka ayaa caddeyn kara runta."

Qaar ka mid ah falanqeeyayaasha Kurdish-ka ayaa sheegaya in Trump laga yaabo inuu si ula kac ah u sii wado sheegashadan si uu Iran ugu cadaadiyo wadaxaajood, una tuso in uu furi karo furin militari oo kale haddii heshiis la gaari waayo.