Qudus: Saddex arrimood ka ogow magaalada ay Somaliland ka furaneyso safaaradda

Xigashada Sawirka, X
Jamhuuriyadda Iskeed ugu Dhawaaqday Madax-bannaanida ee Somaliland ayaa shaacisay in safaarad ay ka furaneyso magaalada Qudus oo ay isku heystaan Israa'iil iyo Falastiiniyiinta.
Qoraal uu barta X soo dhigay safiirka ay Somaliland u magacowday Israaiil Maxamed Xaaji ayaa lagu sheegay in dhowaan ay Somaliland safaarad ka furaneyso Qudus, taas beddelkeedana ay Israa'iil ka fursaneyso magaalada Hargeysa.
"Waxaan ku faraxsanahay inaan ku dhawaaqo in Safaaradda Jamhuuriyadda Somaliland laga furi doono Quddus – safaaradda mar dhow ayaa la furi doonaa, halka sidoo kale Israa'iil ay ka furan doonto safaaraddeeda Hargeysa, taasoo ka tarjumaysa saaxiibtinnimada sii kordheysa, is-ixtiraamka, iyo iskaashiga istiraatiijiyadeed ee ka dhexeeya labada shacab." Ayaa lagu yiri qoraalka.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Israa'iil Gideon Sa'ar oo ka jawaabay qoraalkaas ayaa isaguna uga mahad-celiyay tallaabadaas.
"Waxaan ku bogaadinayaa saaxiibkay, Madaxweynaha Somaliland, go'aankiisa muhiimka ah ee uu ku aasaasayo Safaaradda Somaliland ee caasimaddeenna daa'imiga ah ee Quddus. Furitaanka safaaradda Quddus wuxuu noqon doonaa tallaabo kale oo muhiim ah oo lagu xoojinayo xiriirka ka dhexeeya dalalkeenna iyo shucuubteenna. Si wadajir ah ayaan uga shaqeyn doonnaa hirgelinta go'aankan si dhow. Tani waxay ka dhigaysaa Safaaradda Somaliland safaaraddii siddeedaad ee ku taalla Quddus. Mudane Madaxweyne, waxaan rajaynaynaa inaan dhawaan kugu soo dhawayno Quddus – caasimaddeenna daa'imiga ah!".
Ma cadda goorta labada safaaradood la daah-furi doono. Somaliland ayaa dhowaan safiir u magacowday Israa'iil kadib markii Israa'iil ay noqotay dalkii ugu horreeyay adduunka ee aqoonsada jamhuuriyaddan sheegtay inay ka go'day Soomaaliya inteeda kale sanadkii 1991.
Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Dhammaadka X boggan
Dalal kale oo dhowr ah ayaa safaaraddooda u raray magaalada Qudus oo Israa'iil iyo Falastiin ay sheegtaan mid walba inay tahay caasimaddiisa.
Sanadkii 2018 ayay ahayd markii Mareykanku uu safaarad cusub ka furtay magaalada Qudus, taas oo ay so dhawaysay Israa'iil balse Falastiiniyiinta ayaa dhigay dibadbaxyo ay kaga soo horjeedaan in safaaradda halkaasi lagu furo.
Saraakiil sare oo ka socota Mareykanka ayaa ka qayb galay munaasabadda xarigga looga jaray safaraadda Qudus, kuwaaso ay kamid aaayeen gabadha uu dhalay Madaxweyne Trump ee Ivanka iyo seygeeda Jared Kushner.
Dadka Falastiiniyiintu waxay doonayan in bariga magaalada Qudus ay tahay caasimaddooda mustaqbalka, waxayna u arkeen go'aanka Mareykanka inuu yahay mid garab lagu siinayo Israa'iil.
Israa'iil waxay dhankeeda ku tilmaantay Qudus inay tahay caasimaddeeda oo aanan kala go'i Karin.
Madaxweyne Trump ayaa muddo-xileedkiisii koowaad, sanadkii 2017 u aqoonsaday in Qudus ay tahay caasimadda Israa'iil, wuxuuna shaki geliyay dhexdhexaadnimada Mareykanka ee qadiyadda Falastiiniyiinta iyo Israa'iil.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Israa'iil ayaa bishii December ee sanadkii hore qaadatay go'aan muran badan dhaliyay oo ah inay Somaliland u aqoonsato dal madax-bannaan, taasoo dhalisay cambaareyn ka timid dalal badan.
Israa'iil waxay noqotay dalkii ugu horreeyay ee sidaas sameeya adduunka, in ka badan 30 sano.
Madaxweynaha Somaliland ayaa arrintan ku tilmaamay "waqti taariikhi ah," balse Soomaaliya ayaa si carro leh u diidday tallaabada Israa'iil, iyadoo u aragtay weerar lagu qaaday madax-bannaanideeda.
Tan iyo markaas, tobannaan dal iyo ururro ay ka mid yihiin Turkiga, Sacuudi Carabiya iyo Midowga Afrika ayaa cambaareeyay bayaankan lama filaanka ahaa.
Shiinaha ayaa sidoo kale ku biiray dhawaaqyada diidmada, iyadoo afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Lin Jian uu wariyeyaasha u sheegay: "Ma jiro dal ay tahay inuu dhiirrigeliyo ama taageero xoogagga gooni-goosadka ah ee dalal kale si uu danihiisa gaarka ah ugu fuliyo."
Maxay tahay muhiimadda ay Islaamka, Yahuudda iyo Masiixiyiinta u leedahay magaalada Qudus?
Qudus (Jerusalem) - waa magac ay maamuusaan Muslimiinta, Yahuudda iyo Masiixiyiinta, waana goob muddo qarniyo ah uu ka taagan yahay khilaaf la xiriira lahaanshaheeda.
Muslimiinta waxay u garanayaan Al-Qudus, halka Yahuuddana ay u yaqaanaan Yerushalayim. Waa mid ka mid ah magaalooyinka ugu qadiimisan caalamka. Marar badan ayaa la kala qabsaday, la burburiyay, dibna loo dhisay. Qeyb kasta oo ka mid ah waxay u taagan tahay taariikh hore.
In kastoo dagaallo badan ay ka dheceen Qudus, haddana goobaha cibaadada ee diimahan kala duwan, way isku xushmeynayeen, wayna ka mideysnaayeen taa.
Waxaa xuddun u ah qeybta qadiimiga ah. Jidadkeeda ciriiriga ah iyo dhismeyaasha taariikhiga ah ee afarta u qeybsan - Muslimiinta, Masiixiyiinta, Yahuudda iyo Armenian-ka. Waxaa qeybtaas ku wareegsan gidaar, waxaana ku yaalla qaar ka mid ah goobaha ugu barakeysan caalamka.
Haddaba aan eegno seddaxda qeyb ee ugu qadiimisan.
Masaajidka Al-Aqsa

Xigashada Sawirka, Getty Images
Qeybta Muslimiinta ee Qudus waa inta ugu wayn, waxaana ka mid ah Masjidka Al-Aqsa oo dhulka sare saaran. Masaajidka waa goobta seddaxaad ee ugu barakeysan diinta islaamka, waxaana hadda maamusho hay'ad Islaami ah oo lagu magacaabo Waqaf.
Sida Diinta islaamka ay qabto, Nabi maxamed (NNKH), waxaa habeenkii dheelminta - ee Al-Israa wal-Micraaj - laga qaaday Masaajidka, iyo in uu halkaas kula tukaday dhammaan naftii nabiyada. Sidoo kale, qeybta sare ee masaajidka waa meesha Nabiga uu ka aaday samada.
Masaajidka waxaa booqdo Muslimiin aad u badan sannad kasta. Xilliga dadka ugu badan ay tagaan waa maalmaha Jimcaha ee Bisha Ramadaan.
Kaniisadda

Xigashada Sawirka, THOMAS COEX
Qeybta ay ku badan yihiin Masiixiyiinta, waxaa ku taalla Kaniisad qadiimi ah oo Masiixiyiinta dunida oo dhan ay ku xiran yihiin. Waxay ku taallaa qeyb ay aaminsan yihiin in ay xuddun u tahay sheekada Nabi Ciisa (CS), Saliibiyadda iyo halka uu ka soo degi doono.
Sida ay qabaan Masiixiyiinta, halkaas waa meesha Nabi Ciise lagu saliibiyeeyay. Waxayna aaminsan yihiin in qabrigiisa uu halkaa ku yaallo, iyo in meeshaas laga soo bixin doono.
Kaniisaddaas waxaa wada maamula Masiixiyiin kala duwan sida Orthodox-ka Giriigga, Roman Catholic iyo Armenian Patriarchate, Sidoo kale waxaa qeyb ka ah Itoobiyaan, Coptics iyo Orthodox-ka Suuriya.
Malaayiin Masiixiyiin ah oo daafaha caalamka ka kala safray ayaa sannad kasta booqda kaniisaddan, gaar ahaan Qabriga Maran ee lagu sheegay midka "Nabi Ciise".
Gidaarka

Qeybta Yahuudda waa Kotel, ama Gidaarka Galbeed, Waa qeyb ka hartay gidaarkii celinayay Kaniisadda Yahuudda ee halkaas mar ka dhisnayd.
Gudaha macbadka, waxay aaminsan yihiin in ay tahay meesha ugu barakeysan goobaha barakeysan. Meesha muqadaska ah ee Yahuudda.
Dadka Yahuudda waxay aaminsan yihiin in halkaas ay tahay goobta laga aasaasay dhagaxa dunida lagu dhisay, iyo halka uu Nabi Ibraahim (CS) uu u diyaariyay in uu wiilkiisa ku yabooho oo lagu gowraco.
Waxaa jiro yahuud badan oo aaminsan in Qeybta sare ee Al-Aqsa ee Qubbat as-sakhra, ay tahay meesha ugu barakeysan caalamka oo dhan. Balse hadda, meesha ugu dhow ee Yahuudda ay ku cibaadeysan karaa waa Gidaarka Galbeed.
Maamulka halkaas waxaa haya qof ay u garanayaan Rabbi, waxaana sannad kasta booqda malaayiin qof. Dad badan oo Yahuud ah oo ka kala yimaada daafaha caalamka ayaa halkaas taga xilliyada fasaxa ee sannadka.











