Xiriirka ka dhaxeeya madaxda Soomaaliya iyo muddo-kordhinta

Xigashada Sawirka, Getty Images, Naqshadeynta: BBC
- Author, Abdinasir Ali
- Role, BBC Somali
- Published
- Waqtiga akhriska: 10 daqiiqo
15-ka May waxay noqotay maalinta ay mucaaradka Soomaaliya ku xireen dhammaadka muddo-xileedka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Dowladda federaalkana waxay ku doodaysaa in wax-ka-beddelkii dastuurka ee 2026 uu muddada hay'adaha qaranka ka dhigay shan sano. Mucaaradka iyo qaar ka mid ah maamul-goboleedyaduna waxay ku tilmaamayaan arrintaas inay tahay muddo-kordhin lagu muransan yahay. Laakiin doodda muddo kordhintu maanta iyo mar u dhow ma soo bilaaman.
Taariikhda siyaasadda Soomaaliya ee casriga ah, gaar ahaan tan ka dambeysay dib-u-dhiska dowladnimada ee 2000, waxay muujineysaa in muddo-xileed dhammaaday iyo doorasho dib u dhacday ay marar badan noqdeen xuddunta khilaafka siyaasadeed ee dalka.
Dr Abdiweli Gurey, oo ku xeel dheer arrimaha siyaasadda gobolka iyo xiriirka caalamiga ah, ayaa BBC-da u sheegay in soo noqnoqoshada muddo-kordhinta iyo dib-u-dhaca doorashooyinka Soomaaliya aysan ka dhalan hal sabab oo keliya.
"Waxaa jira sababo is-biirsaday. Mararka qaar doorashooyinka looma diyaar garoobo waqtigooda; mararka qaarna waxaa jira khilaaf siyaasadeed oo aan heshiis laga gaarin intii muddada xilka lagu jiray. Waxaa intaas dheer kalsooni-darrada qotada dheer ee ka dhex jirta saamileyda siyaasadda, taas oo ka dhalatay taariikhda murugsan ee Soomaaliya," ayuu yiri Dr Gurey.
Wuxuu intaas ku daray in hay'ad garsoor oo awood leh, madax-bannaan, laguna kalsoon yahay ay muhiim u tahay xallinta murannada waaweyn ee qaranka.
"Marka uusan jirin garsoor awood u leh inuu go'aan kama dambeys ah ka gaaro arrimaha qaranka sida doorashooyinka, khilaaf kasta wuxuu u nuglaanayaa inuu isu beddelo muran siyaasadeed oo ku dhammaada muddo-kordhin ama xil-sii-hayn," ayuu yiri.
Cabdiqaasim iyo bilowgii doodda muddo kordhinta
Kiiska ugu horreeya ee si rasmi loogu tilmaami karo xil-sii-hayn ka dhalatay muddo dhammaatay wuxuu dhacay xilligii Cabdiqaasim Salaad Xasan.
Dowladdii Ku-meelgaarka ahayd ee lagu dhisay Carta, Jabuuti, sanadkii 2000, waxay lahayd muddo saddex sano ah. Muddadaas waxay dhammaatay 13 August 2003. Hase yeeshee Cabdiqaasim wuxuu xilka sii hayay iyadoo shirkii dib-u-heshiisiinta ee Kenya uu weli socday, laguna muransanaa qaabka loo dhisayo dowladdii xigtay. Mareegta Arab News waxay xilligaas qortay in wasiirkii arrimaha dibadda ee TNG, Yuusuf Xasan Ibraahim, uu sheegay in madaxweynuhu xilka sii hayn doono ilaa madaxweyne kale laga doorto. Wuxuu sabab uga dhigay in laga fogaado "faaruq awoodeed".
Mohamed Haji Ingiriis, oo wax ka daraaseeya African Leadership Centre ee King's College London, isla markaana ah aqoonyahan Soomaaliyeed oo ku takhasusay taariikhda, siyaasadda iyo bulshada Soomaalida, ayaa sheegay in kiiska Cabdiqaasim uusan la mid ahayn muddo-kordhinnada siyaasadeed ee Soomaaliya markii dambe ka dhacay.
"Kiiska Cabdiqaasim waa in laga soocaa muddo-kordhinnada dambe. Isaga oo madaxweyne ah ayaa shirkii Kenya lagu dhisayay dowlad kale, wuxuuna ku dooday in ilaa madaxweyne kale la doorto uu xilka sii hayo, si aan faaruq awoodeed u imaan," ayuu yiri Ingiriis.
Haddii laga tiriyo 13 August 2003 ilaa 10 October 2004, maalintii Cabdullaahi Yuusuf Axmed lagu doortay Kenya, xil-sii-haynta Cabdiqaasim waxay noqoneysaa qiyaastii 424 maalmood.

Xigashada Sawirka, KHALED HAIDAR/AFP via Getty Images
Xilligii Cabdullaahi Yuusuf Axmed, ma aysan dhicin muddo-kordhin la mid ah tii TNG ama tii xilliyadii dambe. Waxaa loo doortay madaxweyne 2004, xilligaas oo loo qorsheeyay dowlad ku-meelgaar ah oo shan sano ah inuu hoggaamiyo. Laakiin wuxuu iscasilay 29 December 2008, ka hor intii aysan muddadiisu dhammaan. Reuters waxay xilligaas qortay in iscasilaaddiisu ay soo afjartay khilaaf ka dhex jiray hoggaanka dowladda ku-meelgaarka ah.
Mar uu baarlamaanka kula hadlayay Baydhabo, Cabdullaahi Yuusuf wuxuu sheegay in uu hore u ballan qaaday inuu xilka celin doono haddii uu ku guuldareysto inuu keeno nabad, xasillooni iyo dimuqraadiyad. Halkaas ayuuna isku casilay isagoo xilka ku wareejiyay guddoomiyihii baarlamaanka.
Sheekh Shariif iyo muddo kordhintii kala-guurka
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Xilligii Sheekh Shariif Sheekh Axmed, muddo-kordhintu waxay ku timid xaalad ka duwan tii Cabdiqaasim. Markan sababtu ma ahayn keliya in dowlad ku-meelgaar ah uu waqtigeedu dhammaanayo, balse waxaa jiray khilaaf xooggan oo u dhexeeyay madaxda sare ee dowladda, gaar ahaan madaxweynaha iyo guddoomiyaha baarlamaanka, Sheekh Aadan Madoobe.
Dowladda Federaalka Ku-meelgaarka ah ee Sheekh Shariif waxaa lagu dhisay heshiiskii Jabuuti ee 2009. Muddadeeda iyo tan baarlamaanka waxay ahayd in ay dhammaato 20 August 2011. Ka hor taariikhdaas, dowladda waxaa loo igmaday in ay dhammeystirto qodobbo muhiim ah oo kala ahaa: dastuur cusub, dib-u-habeyn hay'adeed, mid amni, iyo mid doorasho lagu soo afjarayo ku-meelgaarnimada.
Laakiin intaasiba ma dhicin.
Bishii January 2011, IGAD waxay sheegtay in loo baahan yahay in muddada baarlamaanka ku-meelgaarka ah la kordhiyo, si uu u go'aamiyo qaabka maamulka xiga. Isla wakhtigaas, guddoomiyihii Midowga Afrika Jean Ping wuxuu sheegay in Dowladda Federaalka Ku-meelgaarka ah ay ku guuldareysatay horumar muuqda oo ku saabsan nabadda iyo xasilloonida.
Reuters waxay ka soo xigatay IGAD in "baahi degdeg ah" loo arkay in muddada baarlamaanka la kordhiyo, balse IGAD ma aysan rabin inay si toos ah u kordhiso muddada madaxweynaha, ra'iisul wasaaraha iyo guddoomiyaha baarlamaanka, maadaama taas ay noqon lahayd in ay qaataan "mandate"-ka shacabka Soomaaliyeed.
Kadib, 4 February 2011, Baarlamaanka Federaalka Ku-meelgaarka ah wuxuu muddo-xileedkiisa ku kordhiyay saddex sano. Tallaabadaas waxaa dhaliilay qaar ka mid ah saaxiibbada caalamiga ah ee Soomaaliya.
Bishii Maarso 2011, golaha wasiirrada ee Sheekh Shariif wuxuu isna ku dhawaaqay in muddada dowladda lagu daro hal sano, ilaa August 2012.

Xigashada Sawirka, PETER BUSOMOKE/AFP via Getty Images
Muranka ka dhashay muddo kordhintaas ayaa keenay hehiiskii Kampala Accord, oo lagu gaaray Uganda 9 June 2011. Waxaa saxiixay Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan, iyadoo ay door ku lahaayeen Uganda, Qaramada Midoobay iyo dhinacyo caalami ah. Heshiiska Kampala wuxuu dhigay in doorashada madaxweynaha, guddoomiyaha baarlamaanka iyo ku-xigeennadiisa dib loo dhigo ilaa ugu dambeyn 20 August 2012, "si loo diyaariyo loona dhameystiro hawlaha mudnaanta leh ee kala-guurka".
Waxaa kale oo heshiiskaas ku jiray qodob muran badan dhaliyay oo ahaa: in Ra'iisul Wasaarihii xilligaas, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, uu xilka ka dego 30 maalmood gudahood si gole wasiirro cusub loo dhiso. Security Council Report waxay qortay in Farmaajo markii hore diiday inuu iscasilo haddii aan baarlamaanku ansixin heshiiska, isla markaana uu helay taageero bannaanbaxyo waaweyn oo Muqdisho ka dhacay. Ugu dambeyn wuxuu iscasilay 19 June 2011.
Xilligii Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Baarlamaanka ayaa markii hore isku kordhiyay saddex sano, golaha wasiirrada ayaa soo jeediyay hal sano, balse heshiiskii Kampala ee June 2011 ayaa ugu dambeyn kala-guurka ku daray 12 bilood, ilaa 20 August 2012. Sababta lagu sheegay heshiiska waxay ahayd in la diyaariyo lana dhameystiro hawlaha mudnaanta leh ee kala-guurka.
Isku darka muddada uu Sheekh Shariiif sii joogay waxay noqotay 366 maalmood.
Xasan Sheekh: doorasho dib u dhacday teeramkii 1aad
Markii Xasan Sheekh Maxamuud la doortay 10kii September 2012, Soomaaliya waxay ka baxday xilligii ku-meelgaarka ahaa ee muddada dheer socday. Doorashadaas waxaa lagu arkay bilow cusub oo siyaasadeed, maadaama dalku yeeshay baarlamaan federaal ah, dastuur ku-meelgaar ah, iyo dowlad aan lagu tilmaameen mid ku-meelgaar ah.
Laakiin dowladdii 2012 dhalatay waxaa mataaneeyay su'aal ah: sidee Soomaaliya uga gudbi kartaa nidaamka doorashooyinka dadban, una gaari kartaa doorasho qof iyo cod ah?
Xilligaas, rajada siyaasadeed waxay ahayd in doorashada xigta ee 2016 lagu qabto hannaan ka ballaaran kii 2012. Dowladda Xasan Sheekh waxay ballanqaadday in dalka loo diyaarin doono doorasho guud oo qof iyo cod ah, balse qorshahaas ma hirgelin.
Sababaha la sheegay waxaa ka mid ahaa amni-darro, dhameystir la'aanta dastuurka, xuduudaha iyo awood-qeybsiga federaalka oo aan weli si buuxda looga heshiin, iyo hay'adaha doorashada oo aan diyaar u ahayn inay qabtaan codbixin guud.
Sanadkii 2015, Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu sheegay in doorasho qof iyo cod ah aysan dhici karin 2016. Taas beddelkeeda, madaxda dowladda federaalka iyo maamul-goboleedyada waxay galeen wada-hadallo lagu dhisayo hannaan doorasho dadban ah. Nidaamkaas wuxuu ahaa mid ka ballaaran kii 2012, laakiin weli ma ahayn doorasho toos ah oo shacabka oo dhami ay codkooda dhiibanayaan.
Hannaankaas laftiisa ayaa dib dhacay. Doorashadii baarlamaanka iyo tii madaxweynaha waxay qaadatay waqti ka badan intii la filayay, iyadoo ay jireen muranno ku saabsan qoondada haweenka, metelaadda beelaha, doorashada xildhibaannada, iyo faragelin siyaasadeed oo dhinacyo kala duwan lagu eedeeyay. Ugu dambeyn, doorashadii madaxweynaha waxay dhacday 8 February 2017, markaas oo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo loo doortay madaxweynaha Soomaaliya.
Sidaa darteed, Xasan Sheekh wuxuu xilka sii hayay 151 maalmood kadib dhammaadka muddadii afarta sano ahayd.
Farmaajo: muddo-kordhintii ugu muranka badneyd
Madaxweynihii xigay, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, wuxuu galay mid ka mid ah murannadii siyaasadeed ee ugu waaweynaa tan iyo dib-u-dhiska dowladnimada Soomaaliya. Muddadiisa afarta sano ahayd waxay ku ekeyd 8 February 2021, balse doorashadii beddeli lahayd ma dhicin waqtigeedii. Khilaafka wuxuu ka dhashay qaabka loo qabanayo doorashada dadban, magacaabista guddiyada doorashada, kaalinta maamul-goboleedyada, iyo kalsoonida mucaaradka ee hannaanka doorashada. Mucaaradka iyo qaar ka mid ah maamul-goboleedyadu waxay ku eedeeyeen Farmaajo inuu guddiyada doorashada ku daray dad taageersan isaga, arrintaas oo xukuumaddu diidday.
Bishii April 2021, murankaas wuxuu isu beddelay muddo-kordhin rasmi ah. Golaha shacabka ayaa ansixiyay sharci muddo-xileedka madaxweynaha iyo hay'adaha federaalka ku kordhinayay laba sano. Guddoomiyaha baarlamaanka, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, ayaa ku dooday in tallaabadu fursad siinayso in dalka loo diyaariyo doorasho toos ah. Laakiin aqalka sare ayaa sheegay in go'aankaasi yahay mid aan dastuuri ahayn, taas oo muujisay kala-jab sharci iyo mid hay'adeed uu ka dhex dhashay dowladda federaalka.
Farmaajo wuxuu saxiixay sharcigaas 14 April 2021. Tallaabadaas waxay dhalisay cadaadis siyaasadeed oo gudaha iyo dibadda ah, waxaana Muqdisho ka dhacay xiisad amni oo ay ku lug yeesheen cutubyo ka tirsan ciidamada oo kala taageeray dhinacyada siyaasadda isku hayay.
Mucaaradka waxay tallaabadaas ku tilmaameen isku day lagu sii joogayo xukunka. Dowladda iyo taageerayaasheedu waxay ku doodeen in muddada dheeriga ah loo baahan yahay si loogu gudbo doorasho qof iyo cod ah, halkii lagu celin lahaa hannaan dadban oo ay madaxda siyaasadda iyo odayaasha dhaqanku door weyn ku leeyihiin. Hase yeeshee, muranku wuxuu gaaray heer khatar geliyay xasilloonida caasimadda, iyadoo xitaa qaybo ka mid ah ciidamada dowladda ay dhinacyada la kala safteen.
Cadaadis kadib, Farmaajo wuxuu 27 April 2021 sheegay inuusan sii wadi doonin muddo-kordhinta, wuxuuna ra'iisul wasaarihii xilligaas, Maxamed Xuseen Rooble, u xilsaaray hoggaaminta diyaarinta doorashada.
Ugu dambeyn, 1 May 2021, baarlamaanka ayaa si wadajir ah u laalay muddo-kordhintii labada sano ahayd. Sidaas darteed, muddo-kordhintii rasmiga ahayd waxay sharci ahaan jirtay 17 maalmood, laga bilaabo 14 April ilaa 1 May 2021. Laakiin haddii laga tiriyo dhammaadka muddadiisii afarta sano ahayd, 8 February 2021, ilaa doorashadii Xasan Sheekh Maxamuud ee 15 May 2022, Farmaajo wuxuu xilka sii hayay 461 maalmood kadib muddadii loo doortay.
Xasan Sheekh, teeramka labaad: doodda 15 May
Doodda maanta taagan waxay ku soo laabatay Xasan Sheekh Maxamuud, oo mar labaad loo doortay madaxweynaha Soomaaliya 15 May 2022. Taariikhdaas ayay mucaaradka iyo qaar ka mid ah maamul-goboleedyadu ku saleeyeen doodda ah in muddadiisa afarta sano ah ay ku egtahay 15 May 2026. Dowladda federaalka, dhinaceeda, waxay ku doodaysaa in wax-ka-beddelkii dastuurka ee baarlamaanka meel mariyay 2026 uu muddada madaxweynaha iyo baarlamaanka ka dhigay shan sano, sidaas darteedna maamulka hadda jira uu sii soconayo ilaa 2027.
Muranka hadda taagan wuxuu taabanayaa su'aalo ay kamid yihin; wax-ka-beddel dastuuri ah ma lagu dabaqi karaa hay'adaha hadda xilka haya, mise wuxuu khuseeyaa hay'adaha la dooran doono mustaqbalka?
Bishii Maarso 2026, baarlamaanka federaalka Soomaaliya wuxuu ansixiyay wax-ka-beddel dastuuri ah oo "keeni kara" in muddada madaxweynaha hal sano ku darsanto, isla markaana doorashada dib loo dhigo.

Xigashada Sawirka, Murat Gok/Anadolu Agency via Getty Images
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tallaabadaas ku tilmaamay guul taariikhi ah oo soo afjaraysa sannado badan oo dib-u-eegis dastuuri ah. Warbaahinta dowladda iyo qoraallo rasmi ah ayaa arrinta ku soo bandhigay in ay tahay dhameystirka geeddi-socod dastuuri ah oo muddo dheer soo socday.
ConstitutionNet waxay qortay in baarlamaanka federaalka uu 4 March 2026 ansixiyay qaybihii ugu dambeeyay ee wax-ka-beddelka dastuurka, taas oo ay ku tilmaantay marxalad rasmi ah oo ka mid ah dhismaha dowladnimada, balse sidoo kale dhalisay falcelin siyaasadeed oo xooggan.
Dowladda federaalka waxay ku doodaysaa in isbeddelku qayb ka yahay dadaalka loogu gudbayo doorasho qof iyo cod ah, lagana baxayo nidaamka doorashada dadban ee odayaasha, madaxda siyaasadda iyo xildhibaannadu door weyn ku leeyihiin. Taageerayaasha aragtidan waxay sheegayaan in muddo shan sano ah ay siin karto hay'adaha qaranka waqti ay ku diyaariyaan doorasho toos ah, ku dhameystiraan xeerarka doorashada, kuna xoojiyaan hay'adaha federaalka.
Laakiin mucaaradka iyo maamul-goboleedyada qaar waxay doodda u arkaan si ka duwan. Waxay leeyihiin wax-ka-beddelka dastuurka laguma gaari karo heshiis aan loo dhammeyn, gaar ahaan marka uu saameynayo muddada madaxda xilka haysa.
CSIS waxay qortay in 15 May 2026 ay noqotay imtixaanka siyaasadeed ee lagu qiimeynayo qaab-dhismeedka federaalka Soomaaliya, iyadoo dowladda federaalka ay sheeganeyso in wax-ka-beddelku kordhiyay muddada maamulka, halka Puntland, Juballand iyo xubno mucaarad ahi ay taas diiddan yihiin.
Arrintan waxay sii xoojisay khilaafkii hore uga jiray dowladda federaalka iyo qaar ka mid ah maamul-goboleedyada. Puntland hore ayay u hakisay wadashaqeyntii ay la lahayd dowladda federaalka kadib wax-ka-beddelladii dastuurka ee 2024. Jubbaland-na sidoo kale waxay xiriirka u joojisay, khilaaf kala dhex galay dowladda federaalka ka dib doorashooyinkii maamulkaas iyo muranka la xiriiray awoodda federaalka. Sidaa darteed, doodda 15 May way dhaafsiisan tahay dood ku saabsan Xasan Sheekh, oo waxay noqotay dood ku gedaaman cidda go'aamisa qaabka iyo waqtiga doorashada Soomaaliya.
Waxaa sidoo kale jira cabsi siyaasadeed oo la xiriirta xusuustii 2021, markii muddo-kordhintii Farmaajo ay keentay xiisad amni iyo kala qaybsanaan ciidan oo Muqdisho ka dhacday. AP waxay qortay in murankii baarlamaanka ee January 2026 ku saabsan wax-ka-beddelka dastuurka uu xusuusiyay dad badan xiisaddii 2021, markii isku day muddo-kordhin uu horseeday iska horimaadyo hubeysan oo Muqdisho ka dhacay.
Haddii aan xisaabta ka dhigno mid siyaasadeed oo laga tiriyo 15 May 2026 ilaa 15 May 2027, waxay noqonaysaa 365 maalmood oo uu Xasan Sheekh xafiiska sii joogayo. Laakiin waxa lagu magacaabayo 365-kaas maalmood ayaa ah halka muranku ka taagan yahay. Dowladdu waxay ugu yeereysaa natiijo ka dhalatay dhameystirka dastuurka iyo muddo-xileed shan sano ah. Mucaaradkuna waxay ugu yeerayaan muddo-kordhin aan lagu heshiin.









