Dastuurka miyaa u oggol Dowladda Federaalka faragalinta maamul goboleedyada?

Sawir la nakhshadeeyay qaybta dambe Dastuurka, Xildhibaan Mukhtar Guuleed, Wasiir hore Maxamed Mukhtar iyo Xildhibaan Aqalka Sare Prof Cabdi Ismaaciil Samatar

Xigashada Sawirka, Baraha Bulshada

Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo

Dhammaadkii bishii aynu soo dhaafnay, ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa la magac baxay badbaadada Koonfur Galbeed ayaa la wareegay maamulka Magaalada Baydhabo, kadib markii ciidamadu ay xoog ku galeen.

Madaxweynihii maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen ayaa 30-kii Maarso oo ah xilliga lagala wareegay gacanta ku haynta magaalada ku sheegay inuu iska casilay xilkii madaxweynaha, gaar ahaan qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook oo uu ku yiri ''Laga bilaabo Maanta oo ay taariikhdu tahay 30-ka Maarso 2026, waxaan iska casilay xilka madaxweynaha DGKS anigoo ah Md Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen''

Kadib dhacdadaasi waxaa ay dhalisay su'aalo badan oo la xiriira sharciyada ay dowladda Soomaaliya u adeegsatay inay si awood ah ay kula wareegto xarunta KMG ee maamulka Koonfur Galbeed iyo inay sidoo kale maamul usoo magacowdo.

Muxuu yahay qodobka ay dowladdu cuskatay

Xildhibaan Mukhtaar Maxamed Guuleed

Xigashada Sawirka, Facebook

Xildhibaan Mukhtar Maxamed Guuleed oo ka tirsan baarlamanka Federaalka, gaar ahaana taageersan talaabada ay dowladdu qaaday ee ay kula wareegtay maamulkii Koonfur Galbeed ayaa BBC u sheegay in dastuurka wax laga beddelay ee ay ansixiyeen golayaasha dowladda uu siinayo oggolaansho dowladda Federaalka.

''Dastuurka wax ka beddelka lagu sameeyay qodobadiisa 73aad, faqradiisa Koowaad iyo qodobka 75aad, faqradiisa Koowaad ayaa u oggolaanaysa, haddii deegaanka dhibaato amni, amniga iyo madax banaanida qaranka taabanaysa iyo haddii la dareemo dhibaato dadka shacabka ee deeganadaasi in dowladda federaalka ay soo dhex gali karto''

Waxaa uu intaa ku daray ''Tusaale ahaan qoddobka 73aad wuxuu dhigayaa in dowladda Federaalka Soomaaliya ay awood u leedahay inay soo dhex gasho dowlad goboleedyada kali ah marka midnimada dhuleed, amniga qaranka ama madax banaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay khatar ku jirto iyo duruufo adag oo ku yimaada dowlad goboleedka ee uu maarayn waayo''

Xildhibaanka ayaa sheegay in kacdoon bulsho uu deegaanka ka dhacay ''gudihii ayaa waxaa ka dhashay kacdoon siyaasi, shacab iyo ciidan. Degmada Buurhakaba ayay kasoo bilaabatay iyada oo degmadii ay ka go'day maamulkii, ayna ku xigtay degmada Qansaxdheere oo ay ku xigtay degmada Xudur, Waajid, degmadii u dambaysay oo ahayd Bardaale iyo dagaalo ka dhacay Baydhabo, taas oo maamulka ku khasabtay inuu yiraahdo waxaan xiriirkii u jaray dowladda federaalka, sidaas darteed qodobkaasi 73aad ayaa u oggolaanaya dowladda federaalka inay masuuliyadii deegaankaasi ay soo dhex gasho oo ay la wareegto oo ay maamul u magacowdo''

Xilligan ma fuli karaa dastuurka wax laga beddelay?

Prof Cabdi Ismaaciil Samatar oo ka tirsan aqalka sare ee baarlamanka Soomaaliya ayaa qaba in uusan ku fulayn qaanuun la ansixiyay, dad iyagu xil hayay kahor inta aan la ansixin sharcigaasi.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

''Marka qaynuun la keeno ee baarlamanka la mariyo ee la beddelo, qaynuunkaasi laguma fulin karo dadka horteed jagooyin hayay maalintaasi, dowladda soo socota ayaa lagu fulin karaa sharcigaasi. Meel sharci inta la keeno la yiraahdo sharcigaas waxaa lagu xukumayaa dadkii horay wax u sameeyay adduunka laguma arag.

Waxaa uu intaa ku daray ''Waxay ahayd baarlamanka inta la isugu yeero, xildhibaanada gaar ahaan matala gobolada oo uu aqalka sare ku jiro arrintan lagala tashado, si meeshu nabad u ahaato, si ciidan dowladda dhexe ka socda ugu duulin meesha oo sharci daro ah iyadana''

Prof Samatar waxaa kale oo uu sheegay in ahayd ''Inta aad qalalaase wadanka ama gobolka galin in laga fikiro waxaan bay ahayd, marka haddii dan Soomaaliyeed laga shaqaynayo waxa ay ahayd in maskaxda la dejiyo, qalalaasaha la dajiyo oo la yiraahdo ninkan inta uu sii joogo aan samayno wixii dadku heshiiska ku ahaa, laakiin haddii dan umadda laga hadlayo waxan oo dhan waa laga baxsan lahaa''

Falanqeeye arrimaha siyaasadda Soomaaliya Maxamed Mukhtaar Ibraahim ayaa dhankiisa ku raacsan Xildhibaan Mukhtaar Guuleed jiritaanka qodobada oggolaanaya in dowladdu ay ku lug yeelato arrimaha maamul goboleedka marka ay timaado baahida ay qodobadu sheegayaan.

Waxaase kale oo uu qabaa sida uu yiri ''Qodob waa muhiim, qoraal ahaan wuu ku qoran yahay 'Dastuurka wax laga beddelay' laakiin dhibka jiraa waxa uu yahay dowlad goboleedyadii fursad looma siin in dastuuradoodii ay beddelaan oo ay waafajiyaan midkan ay hadda federaalka samaysay.

Waxa uu intaa raaciyay ''Qoraal ahaan 'dastuurka wax laga beddelay' waa ku qoran tahay in dowladda Federaalka dhex gali karto, balse la isma waafajin dasuurka dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada, sidaas daraadeed dhaqan gal ma noqon karo iyada oo aan fursad la isasiin''

Dasuurka Koonfur Galbeed ayaa isaguna qaba in haddii madaxweynuhu meesha uu ka baxo ay tahay in madaxweyne ku-xigeenku uu la wareego talada. Laakiin Koonfur Galbeed ayaanba lahayn madaxweyne ku-xigeen.

''Midda marka ay noqoto Koonfur Galbeed madaxweyne ku-xigeenkii lama samayn KG ayaa ka gaabisay, marka mar haddii madaxweynihii iyo afhayeenkii baarlamanka ay meesha ka baxeen ma cadda dastuuriyan cidda xaqa u leh'' ayuu yiri Maxamed Mukhtar.