War deg deg ah, Sida drones-ka Iiraan ay u beddeleen awoodda dagaalka

Xigashada Sawirka, Getty Images
Intii uu socday dagaalka u dhexeeya Mareykanka iyo Isra'iil oo dhinac ah iyo dhanka kale Iiraan ayaa khabiir ka faalooda arrimaha milatariga oo la ydhaahdo Akram Khareef waxa uu daabacay buuggiisa Markhaatiga Dahsoon, kaas oo uu ku sharaxayo asalka diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Iiraan. Wuxuu sidoo kale iftiiminayaa istaraatiijiyadda ay Iiraan u adeegsatay inay kaga hortagto cunaqabataynta Mareykanka islamarkaana ay ku xoojiso awooddeeda milatari ee caalamka.
Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Iiraan ayaa si joogto ah laga arkaa hawlgallada Hezbollah ee xadka Isra'iil. Sidoo kale waxaa adeegsada Xuutiyiinta dalka Yemen. Bishii Sebteembar 2022, dunida ayaa la yaabtay wararka sheegaya in Iiraan ay siisay Ruushka tiknoolajiyadda diyaaradaha drones-ka.
Sidee ayay waddan muddo 40 sano ah ku jiray cunaqabatayn ugu suurtagashay in uu gaadho dhammaan arrimahaas?

