Muxuu seynisku ka sheegay sida qiyaamuha u dhacayo?

Xigashada Sawirka, Photo via Getty Images
Waxaa laga yaabaa in la arko marka dunidu dhamaaneyso qabow, mugdi ama welwel. Waxaa suuragal ah in dagaal iyo burbur ku dhamaado.
Kuwani waa qaar ka mid ah aragtiyaha ugu waaweyn ee ku saabsan sida dhammaadka adduunku u ekaan karo mustaqbalka fog, marka qiyaamaha la gaaro.
Su'aalaha ugu dahsoon cilmi-seyniska waxaa ka mid ah sida dunida ku noqoneyso mid dhammaata. Seynisyahanada ayaa aaminsan in su'aalaha la xiriira qiyaamaha in ay ka badan yihiin jawaabaha.
Si aan u fahanno qaar ka mid ah siyaabaha uu koonku ku dhammaan karo, marka hore waa in aan fahannaa sida uu koonku ku bilowday.
Bilowga Koonka
Sida ay sheegtay hay'adda sahanka hawada sare Mareykanka ee NASA, waxay cirbixiyeenda ku sheegeen koonku iyo waxkasta oo saaran in ay ku bilowdeen waxa loogu yeero Big Bang.
Aragtidani waxay sheegaysaa in qiyaastii 13.8 bilyan oo sano ka hor, koonku uu ahaa walax aad u kulul oo aad isugu urursan, isla markaana uu sii ballaaranayay tan iyo markaas.
Koonku wuu sii fidayay, muddo aad u dheer gudahoodna waxaa sameysmay qaab-dhismeedyo sida xiddigo iyo meerayaal.
Nidaamka uu koonku ku sii fidayay sida ay seynisyahanada sheegayaan weli way sii socotaa.

Xigashada Sawirka, FlashMovie via GettyImages
Laakiin xaqiiq ahaan, wax aad u yar ayey seynisyahanada ka kala socdaan adduunka.
"Shaqadeennu waxay la mid tahay qof eegaya dhaqanka iyo socodka webi dhan isaga oo aan awoodin in uu si buuxda u qiimeeyo dhammaan dhibcaha biyaha ee ku qulqulaya," ayuu yiri Prof. Alexandre Zabot, oo ah fiisigis yaqaan ka tirsan Jaamacadda Santa Catarina ee dalka Brazil.
Qabow aad u daran
Machadka boqortooyada UK u qaabilsan cilmiga xidigaha ee Greenwich wuxuu sheegay, haddii koonku uu sii ballaarto, in tamartiisu ay si aad ah u kala firdhi doonto, iyadoo xidigahana ay sii kala fogaan doonaan ilaa ugu dambayn ay dhici doonto in aanay xiddigo cusub dhalan doonin, xiddigaha jirana ay dabar go'i doonaan. Xaaladdaas waxaa loo yaqaan "Qabowga Weyn" ama "Dhammaadka kulaylka ee koonka".
Aragtidan waxay leedahay in ugu dambayn dhammaan atom-yada koonka ay gaari doonaan heer kuleylkoodu isku dheelitirmo, taasoo sababaysa in wax walba ay ku dhowaadaan in ay joojiyaan dhaqaaqa iyo isbeddelka.
Sida aragtidani sheegtay, maalin maalmaha ka mid ah heerkulka adduunka oo dhan wuxuu noqon doonaa isku mid, kadibna wax walba si tartiib tartiib ah ayay u istaagi doonaan.

Xigashada Sawirka, Arctic Images via Getty Images
Kala go' weyn
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Haddii rajadani aysan fiicneyn, waxaa jira aragti kale. Madxafka boqortooyada UK ee Greenwich sida ay sheegeen, aragtidani waxay ku salaysan tahay fikradda ah in koonku ku sii ballaaranayo xawaare sii kordhaya, taas oo ay waddo tamarta mugdiga ah. Haddii tani sii socoto, koonku wuxuu noqon karaa mid aad u xoog badan oo cufisjiidadku aysan awoodin in ay isku hayaan qaab-dhismeedka koonka.
Cufisjiidadku wuxuu meerayaasha ku hayaa wareegga qorraxda, wuxuu dhulka ku hayaa meeshiisa, wuxuuna ka hortagaa in bini'aadamku ku lumaan hawada sare. Waa awoodda isku haysa nidaamyada sida xiddigaha, qorraxda, iyo waxyaabo kale.
Tamarta mugdiga ah, waa arrin aad u dahsoon, waxayna u muuqataa in ay leedahay saameyn gabi ahaanba ka soo horjeedda. "Weli ma naqaan waxa ay ka samaysan tahay, laakiin waxaan ognahay in ay sababto nooc riixid ah, ama si ka duwan cufisjiidadka," ayuu sheegay Prof. Zabot.
NASA waxay sheegtay in tamarta mugdiga ahi ay sababeyso in koonku ku fido xawaare sii kordhaya. NASA waxay kaloo sheegtay in qiyaastii 68.3 ama ilaa 70 boqolkiiba in koonka oo dhan uu ka kooban yahay tamarta mugdiga ah. Arrintan waxaa markii ugu horreysay la ogaaday dabayaaqadii 1990-meeyadii.
Aragtiyo kale
Haddii tamarta mugdiga ahi daciifto oo ugu dambayn ay dib isu rogto, cufisjiidadku wuxuu dib u soo jiidi doonaa koonka. NASA waxay sheegaysaa in tani ay horseedi doonto xaalad keenaysa in koonku qarxo.
Aragti kale waxay sheegaysaa in koonku mar kale isku laaban karo, kadibna "Big Bang" kale ay dhici karo, taasoo abuureysa koon cusub. Aragtidan waxaa loo yaqaan "Big Bounce", taas oo sheegaysa in koonka iyo adduunyo kale ay jiri doonto.

Xigashada Sawirka, Photo via Getty Images
Ma la saadaalin karaa goorta adduunku dhammaan doono?
"Ma jiraan wax cadeynaya in kala go' weyn ama burbur uu dhici doono mustaqbalka" ayuu yiri Prof. Abramow.
"Dadka qaar waxay qiyaasaan in dhammaadkani uu dhici doono dhowr tirilyan oo sano kaddib, halka kuwo kale ay sheegaan waqtiyo aad uga dheer," ayuu hadalkiisa ku daray Prof. Zabot.
Cilmi-baaris cusub oo ay soo saartay Jaamacadda Radboud ee Netherlands waxay soo jeedinaysaa in koonku uu sii burburayo oo sii yaraanayo si ka dhakhso badan sidii hore.
Haddii koonku ugu yaraan jiro 13.8 bilyan oo sano, wali waxaa u harsan 986.2 bilyan oo sano si uu u gaaro hal tirilyan oo sano.
"Xaqiiqdu waxay tahay in seynisku uu wax yar ka ogyahay koonka," ayuu yiri Prof. Abramow. Qalabka xaddidan ee maanta aan haysanno ayaa adkeynaya in la sameeyo cabbirro sax ah.











