War deg deg ah, Milatariga Iran oo ku hanjabay inay furi doonaan jihooyin dagaal oo cusub

Xigashada Sawirka, AFP
Iyaga oo ka jawaabaya hadallada Trump, militariga Iran ayaa Talaadadii ku hanjabay inay furi doonaan “jihooyin cusub” oo dagaal haddii Maraykanku dib u bilaabo weerarrada uu ku hayo Jamhuuriyadda Islaamiga ah.
Wakaaladda Wararka (ISNA) ayaa soo xigatay afhayeenka ciidanka, Mohammad Akrami Nia, isagoo yiri: “Haddii cadowgu si aan ka fiirsasho lahayn mar kale ugu dhaco dabinka Sahyuuniyadda oo uu bilaabo gardarro cusub oo ka dhan ah dalkeenna qaaliga ah, waxaan ka furi doonnaa jihooyin cusub, waxaana adeegsan doonnaa qalab iyo xeelado cusub.”
Akrami Nia wuxuu carrabka ku adkeeyay in “ciidanka Iran ay muddada xabbad-joojinta ula dhaqmayaan sidii marxalad dagaal, isla markaana ay ka faa’iideysteen fursaddan si ay u xoojiyaan awooddooda dagaal.”
Dhankiisa, wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda Iran, Kazem Gharibabadi, ayaa dhaleeceeyay hadallada Trump qoraal uu Talaadadii ku daabacay barta X, isagoo sheegay in Trump “uu hanjabaadda u soo bandhigayo sidii fursad nabadeed.”
WARBIXINO KALE


