Trump oo tirtiray sawirkiisa oo loo ekeysiiyay Ciise Masiix ka dib markii uu dhaleeceyn la kulmay

Qoraalka Muuqaalka, Sawirka Trump
    • Author, Bernd Debusmann Jr
    • Role, at the White House
  • Waqtiga akhriska: 3 daqiiqo

Isagoo wajahaya dhaleecayn sii kordhaysa, Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa u muuqda mid meesha ka saaray qoraal lagu muransan yahay oo uu soo dhigay barta Truth Social, kaas oo isaga ku muujinayay shakhsi la mid ah Nebi Ciise.

Sawirkan oo uu soo saaray garaadka macmalka ah (AI), ayaa muujinayay Trump oo u muuqda mid bogsiinaya nin buka oo jiifa sariirta cusbitaalka. Tani waxay dhalisay falcelin xooggan oo ka timid labada dhinac ee siyaasadda Maraykanka, oo ay ku jiraan xataa qaar ka mid ah taageerayaasha ugu daacadsan Trump.

Qoraalkan ayaa yimid saacado uun ka dib markii Trump uu soo dhigay farriin dheer oo uu ku weerarayo Baadari Leo XIV, kaas oo si weyn u dhaleeceeyay hawlgallada ciidan ee Maraykanka iyo Israa'iil ay ka wadaan Iiraan.

Trump ayaa qirtay in sawirkaas la soo dhigay, isagoo saxafiyiinta u sheegay inuu u qaatay inuu yahay "isaga oo dhakhtar ah".

Sawirka AI sameeyay ee Donald Trump

Xigashada Sawirka, TruthSocial.com/@realDonaldTrump

Sawirka hadda la tirtiray wuxuu muujinayay Trump oo xiran go' cad, isagoo gacantiisa oo ifaysa saaraya foodda nin buuka, taas oo dadka dhaleeceeya ay sheegeen inay u dhowdahay sawirada diiniga ah ee muujiya Ciise oo bixinaya dadka xanuunsan. Gadaasha sawirrada waxaa ku jiray Taallada Xorriyadda, calanka Mareykanka oo lulanaya, diyaaradaha dagaalka iyo gorgor, iyo sidoo kale kalkaaliye caafimaad, haweeney duceysaneysa iyo qof u muuqday askari xiran dareeska ciidanka.

Isagoo la hadlayay weriyayaasha dhowr saacadood ka dib markii sawirka la saaray, Trump wuxuu sheegay inuu aaminsan yahay in sawirku uu u muujiyay isaga sidii dhakhtar ag taagan shaqaale ka tirsan Laanqayrta Cas.

"Waxaa loola jeeday inaan noqdo dhakhtar dadka bogsiinaya," ayuu yidhi. "Aniguna dadka waan bogsiiyaa. Dadka si weyn baan u wanaajiyaa." Ka dib wuxuu u sheegay CBS News, oo ah lammaanaha BBC-da ee Mareykanka, inuu sawirka u saaray sababtoo ah "ma uusan doonayn in qofna uu jahawareero. Dadkii way jahawareereen".

Dhaleeceynta sawirka ayaa timid si degdeg ah, oo ay ku jiraan shakhsiyaad loo arko inay ku dhow yihiin Trump iyo maamulkiisa.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

"Tani waa in isla markaaba la tirtiro," ayuu qoray Sean Feucht, oo ah dhaqdhaqaaqa masiixiga ah kaas oo ka shaqeynaya munaasabado taxane ah oo ku saleysan diinta si loo xuso sanadguurada 250-aad ee Baaqii Madax-bannaanida Mareykanka ee sanadkan.

"Ma jirto xaalad ay tani ku habboon tahay," ayuu raaciyay. Riley Gaines, oo ah dhaqdhaqaaqa caanka ah ee muxaafidka ah, ayaa qortay in "Ilaah aan lagu digan karin".

Inta badan dhaleeceynta waxay sidoo kale ka timid xarumaha warbaahinta Mareykanka ee ku saleysan diinta. "Tani aad bay uga fogaatay. Xadkii bay ka gudubtay," ayuu qoray David Brody, oo ah weriye ka tirsan Christian Broadcasting Network. "Taageeruhu wuu taageeri karaa hadafka, wuuna diidi karaa tan."

Sawirka muranka dhaliyay ayaa la soo dhigay wax ka yar saacad ka dib markii qoraal kale uu soo dhigay madaxweynaha Mareykanka kaas oo uu ku naqdiyay Baadariga, isagoo ugu yeeray "mid ku liita dambiyada" iyo "mid aad u xun xagga siyaasadda dibadda".

Pope Leo—oo ah kii ugu horreeyay ee Mareykan ah—ayaa dhowr jeer cambaareeyay dagaalka Iiraan, isagoo sheegay inuu horseeday "rabshado aan macno lahayn oo bini'aadantinimada ka baxsan".

Pope-ka ayaa Isniintii sheegay inuusan "wax cabsi ah" ka qabin maamulka Trump.

Isagoo weriyeyaasha kula hadlayay Aqalka Cad, Trump ma uusan bixin raalligelin. "Pope Leo waxyaabo khaldan ayuu yiri," ayuu yiri.

"Aad ayuu uga soo horjeeday waxa aan ka samaynayo arrinta Iran, mana oggolaan kartid Iran oo leh hubka nukliyeerka. Baadariga Leo kuma faraxsanaan lahayn natiijada ugu dambaysa."

Sawirkan ay soo saartay garaadka macmalka ah (AI) ma aha markii ugu horreysay ee barta Truth Social ee Trump ay sababto dhaleeceyn. Bishii Febraayo, muuqaal cunsurinimo ah oo Barack iyo Michelle Obama u ekaysiinaya daayeer ayaa la soo dhigay boggiisa, markii dambena waa laga saaray.

Aqalka Cad ayaa markii hore difaacay muuqaalka iyagoo ku tilmaamay "muuqaal kaftan ah oo internet-ka laga helay," waxayna dadka dhaleeceynayay u sheegeen inay "joojiyaan carada beenta ah".

Laakiin ka dib dhaleeceyn xooggan, oo ay ku jireen xubno dhowr ah oo ka tirsan senatarrada xisbiga Jamhuuriga, qoraalkii waa laga saaray, sarkaal ka tirsan Aqalka Cadna wuxuu sheegay in shaqaale uu "si khaldan" u soo dhigay.