Kadib markii ay wadahadalladii Iran fashilmeen, su'aasha weyn waa: "maxaa xiga?"

Xigashada Sawirka, Getty Images
- Author, Lyse Doucet
- Role, Chief international correspondent, in Islamabad
- Waqtiga akhriska: 5 daqiiqo
Labaatan iyo kow saacadood kuma filna inay soo afjaraan 47 sano oo cadaawad ah oo u dhexeysa Iran iyo Maraykanka.
Wadahadalladan heerka sare ah ee taariikhiga ah ee ka dhacay Islamabad, intii lagu jiray hakad ku yimid toddobaadyo dagaal culus ah, mar walba suurtagal ma ahayn inay si kale ku dhammaadaan.
In kulankan dheer ee wadahadalka lagu tilmaamo guuldarro waxay hoos u dhigaysaa baaxadda caqabadaha jira ee lagu yaraynayo farqiga weyn ee arrimo adag, laga bilaabo shaki soo jireen ah oo ku saabsan barnaamijka nukliyeerka Iran ilaa caqabado cusub oo dagaalkani keenay – gaar ahaan xakamaynta Iran ee marinka istaraatiijiga ah ee Hormuz, kaas oo xiritaankiisu uu sababay dhibaato dhaqaale oo caalami ah.
Si heshiis loo gaaro, waxay sidoo kale u baahnaayeen inay ka gudbaan kalsooni darro qoto dheer oo u dhaxaysa labada dhinac.
Maalin ka hor, xitaa lama hubin in labada dhinac ay kulmi doonaan, iskaba daa inay isla fadhiistaan hal qol gudihiis.
Waxaa la jebiyey caado siyaasadeed oo muddo dheer jirtay.
Su'aasha degdegga ah ee hadda taagan waa: maxaa xiga?
Maxaa ku dhici doona xabbad-joojinta muranka dhalisay ee labada toddobaad ah, taas oo dib uga celisay dunida hanjabaaddii halista ahayd ee Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ee ahayd inuu burburin doono "ilbaxnimo dhan" oo ku taal Iran?
Madaxweynuhu ma diyaar buu u noqon doonaa inuu dib ugu diro wakiilladiisa miiska wadahadalka?
Waxaan maqlaynaa warar ka imanaya ilo ku sugan Islamabad oo sheegaya in wadahadallo qaar ay sii socdeen kadib markii Madaxweyne-ku-xigeenka Maraykanka JD Vance uu saaka hore diyaarad saaray, isagoo ku dhawaaqay in wafdiga Maraykanku ay soo bandhigeen "soo jeedintoodii ugu dambeysay uguna fiicneyd."
Haddaba, Maraykanku ma sii kordhin doonaa xiisadda mise wuu sii wadayaa wadahadalka?
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Weli si buuxda looma oga waxa ka dhacay albaabbada sida adag loo xiray ee hoteel shan-xiddigle ah oo ku yaal Islamabad oo si adag loo xakameeyey, intii ay socdeen wadahadalladii habeenkii oo dhan dheeraaday.
Weli faahfaahin yar ayaa laga hayaa khilaafaadka iyo doodihii u dhexeeyey labada dhinac, oo ay caawiyeen dhexdhexaadiyeyaal Pakistani ah, wicitaannada lala yeeshay khubaro iyo lataliyeyaal, iyo sidoo kale, sida uu sheegay Vance, "tobanaan" wicitaan oo loo diray Trump laftiisa.
Madaxweyne-ku-xigeenku wuxuu ka hadlay "ujeeddada aasaasiga ah" ee Maraykanka intii uu ku jiray shir jaraa'id oo kooban oo aroortii hore ah.
"Waxaan u baahanahay inaan aragno ballan cad oo ah in [Iran] aysan doonayn hub nukliyeer ah, isla markaana aysan raadin qalab u sahli kara inay si degdeg ah u helaan hub nukliyeer," ayuu yiri.
Wareeggii ugu dambeeyay ee wadahadallada bishii Febraayo, ka hor intii aan mar kale la bilaabin weerarrada milatari, Iran waxay soo bandhigtay tanaasulaadyo cusub oo ay ka mid tahay in la khafiifiyo kaydkeeda 440kg ee uranium-ka oo lagu hodmiyey 60% — taas oo si khatar ah ugu dhow heerka loo isticmaalo hubka.
Laakiin weli waxay ku adkaysanaysaa "xuquuqdeeda" ah inay sii waddo hodminta, mana diyaar u ahayn inay ka tanaasusho kaydkaas, oo hadda la sheegay inuu si qoto dheer ugu aasan yahay burburka ka dhashay duqeymo ay sameeyeen Maraykanka iyo Israa'iil sanadkii hore.
Sidoo kale waxay diidday dalabaadyo soo noqnoqday oo ahaa inay furto marinka Hormuz — si loo oggolaado socodka xorta ah ee shidaalka, gaaska, iyo badeecooyin kale oo muhiim ah — iyadoo aan la gaarin heshiis cusub.

Xigashada Sawirka, EPA
Labada dhinac ee Maraykanka iyo Iran waxay Islamabad ku yimaadeen iyagoo ku dhiirran kalsoonida ay ku qabeen in iyaga ay yihiin dhinaca guusha ka dhow ee dagaalkan.
Waxayna wada-hadallada galeen iyagoo og in, haddii ay ku guuldareystaan, ay jirto ikhtiyaar ah in dagaalka la sii wado — iyada oo aan loo eegin dhibka sii kordhaya ee ku dhacaya dadkooda iyo adduun dhan oo ka naxsan kharashaadka dagaalkan baahsan.
Waxaa sidoo kale jiray waxa Dr Sanam Vakil oo ka tirsan Chatham House ku tilmaamtay "faham nafsiyeed oo xaddidan oo ku saabsan cadowga iyo waxa tanaasul dhab ah u baahan yahay."
Vance wuxuu ka hadlay war wanaagsan — "waxaan yeelanay wada-hadallo badan oo nuxur leh" — iyo war xun: "Heshiis ma aanan gaarin."
Wuxuuna caddeeyay in tani ay tahay "war xun oo Iran ka badan Maraykanka."
Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iran Esmail Baghaei ayaa dhaleeceeyay "dalabaadka xad-dhaafka ah iyo codsiyada sharci-darrada ah" ee Maraykanka, isagoo qoraal ku soo dhigay X.
Sidoo kale, guddoomiyaha baarlamaanka Iran Mohammad Bagher Ghalibaf, oo hogaaminayay wafdiga Iran, ayaa qoray in "dhinaca ka soo horjeeday ugu dambayn uu ku guuldareystay inuu kasbado kalsoonida wafdiga Iran wareegan wada-hadallada."
Iran waxay muujinaysaa inay diyaar u tahay inay sii waddo wadahadalka. Wasiirka Arrimaha Dibadda Pakistan Ishaq Dar ayaa ku boorriyay dhammaan dhinacyada inay ilaaliyaan xabbad-joojinta jilicsan, isla markaana sheegay inay sii wadi doonaan dadaalladooda lagu dhiirrigelinayo wadahadalka — aragtiyo ay la wadaagayaan caasimado kale oo walaac ka qaba xaaladda.
Haddii taariikhdu wax ina barayso, markii ugu dambeysay ee Iran ay heshiis nukliyeer la gasho Maraykanka iyo quwadaha kale ee adduunka sanadkii 2015, waxay qaadatay 18 bilood oo ay ku jireen horumar iyo burbur soo noqnoqday.
Trump wuxuu si cad u sheegay inuusan rabin inuu ku dhex milmo wada-hadallo daba dheeraada. Vance horey ayuu u digay in Maraykanku uusan aqbali doonin haddii Tehran isku daydo inay "na khiyaamayso."
Suxufiga reer Pakistan Kamran Yousaf — oo ka mid ahaa boqollaal suxufiyiin ah oo habeen dhan shaqeynayay si ay u tabiyaan xaaladda iyadoo faahfaahin yar la helayo — wuxuu sheegay in wareeggan uu ahaa mid "aan guul cad keenin, laakiin sidoo kale aan si buuxda u burburin."
Dunidu waxay sugaysaa go'aanka kama dambaysta ah, gaar ahaan kan Trump.












