Sidee ayuu dagaalka Iiraan u burburiyey aragtidii amniga ee laga haystay dalalka Khaliijka

.

Xigashada Sawirka, FADEL SENNA / AFP via Getty Images

Waqtiga akhriska: 6 daqiiqo

Sanadihii u dambeyey gobolka waxaa ka dhacayey xaalado amni darro ah kuwaas oo ay kamid tahay, duqeymaha lubnaan, ismiidaaminta ka dhaceesay suuqyada ciriiriga ee Ciraaq, afduubyo loo geesanayey dadka ajaanibta gudaha suuriya, intaas oo dhan oo dhacaya hadana Dubai waxa ay ahayd meel marti galineesay dabaaldegyo waaweyn iyo dalxiisayaal

Taajiriinta caalamka ayaa guryo waaweyn ka iibsaday xeebaha jasiiradaha macmalka ah ee Dubai, waxay ku wareegi jireen Louvre Abu Dhabi, ama waxay safarro ugaarsasho iyo madadaalo u aadi jireen saxaraha Qadar. Iyadoo dalalka deriska ahi ay si joogto ah u ruxayeen dagaallo, mudaharaadyo iyo qalalaase.

Siyaasadaha canshuurta faa'iidada leh ayaa soo jiitay balaayiin doollar oo maalgelin shisheeye ah, waxaana magaalooyin sida Dubai, Abu Dhabi iyo Doha ay noqdeen meelo heer sare ah oo ay u safraan bilyaneerrada iyo dalxiiska qaaliga ah, iyo sidoo kale goobaha lagu qabto shirar iyo munaasabado caalami ah.

Maalintii, Maraykanka iyo Israa'iil ayaa bilaabayn dagaal ka dhan ah Iiraan, waxa bilowday isbedel amni, cabsi badan iyo qalqal siyaasadeed oo jiho kale saameeyey, kadib markii Iiraan ay weerartay waddamada gacanka ku yalla, iyada oo sababta ka dhigeysa in ay xulufo yihiin Israa'iil iyo Maraykanka.

Dalalkan ayaa si lama filaan ah iskaga dhex arkay bartamaha dagaal aysan iyagu dooran.

Anna Jacobs-Khalaf, oo ah khabiir ku takhasusay arrimaha Khaliijka kana tirsan Machadka Nabadda Yurub, ayaa BBC-da u sheegtay: "Waxay sameeyeen wax kasta oo ay awoodaan si ay uga u tusaan madaxweynaha Maraykanka inuu ka baaqsado tallaabadan qiimo kasta ha ku kacdee."

Gantaallada Iiraan ayaa si lama filaan ah ugu dhacay goobaha shacabka gudaha Qadar, Imaaraatka, Kuwayt, Baxrayn, Sacuudi Carabiya iyo Cumaan, iyo sidoo kale tobanaan kun oo dalxiisayaal iyo ajaanib ah, meel u dhow suuqyo waaweyn, dhismayaal raaxo leh iyo dekedo ay yaalliin doonyo yaryar oo qaali ah.

Dagaalku wuxuu gaaray xitaa hoteellada ugu waaweyn ee ku yaalla dalalkaas. Qaybo ka mid ah diyaarad aan duuliye lahayn oo Iiraan laga soo riday ayaa ku dhacay Burj Al Arab ee Dubai, halka Fairmont Palm Hotel ee Palm Jumeirah uu la kulmay weerar toos ah.

Kadib, shirkadda shidaalka dowladda Qadar ayaa sheegtay in xarunta warshadaha ee Ras Laffan ay soo gaarayn "khasaare ballaaran" oo ka dhashay weerarrada gantaallada. Ras Laffan waxa uu kamid ahaa goobo ay hore u sheegtay in ay weerari doonto oo "tallaabo adag ", ka qaadayso, kadib weerarkii Israa'iil ee xarumaha gaaska Iiraan.

dhibaatada ka dhalatay dagaalka waxa ay caro weyn galisay waddamada khaliijka.Sidoo kale, waxa ay keentay in meesha ka baxaan safaro badan iyo khorshooyin, hoteello, shirar iyo munaasabado caalami ah sida tartanka Formula One ee Baxrayn iyo Sacuudi Carabiya.

Intaas waxaa dheer, xiritaanka marin-biyoodka Hormuz ayaa hoos u dhigay dhoofinta shidaalka ee gobolka.

Muuqaal been ah?

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Badr Al-Saif, oo ah macallin ka tirsan Jaamacadda Kuwayt isla markaana hore u ahaa raysal wasaare ku-xigeen, ayaa yiri: "Dalalka Khaliijka waxay isku dayeen inay isu arkaan in ay yihiin meelaha ugu amniga badan Bariga Dhexe, waxaase meesha ka saaray sawirkaas, dhacdooyinkii toddobaadkii hore."

Dowladaha Carabta ee halkaas ka jira, oo ah nidaamyo adag, ayaa si weyn u maalgeliyey ilaalinta iyo amniga si ay uga badbaadaan argagixisada, sidoo kalena waxay cadaadiyaan cid kasta oo wax u dhimaysa sumcaddooda.

Tusaale ahaan, saddexda toddobaad ee dagaalka, tobanaan qof oo ay ku jiraan ajaanib ayaa la xiray kadib markii ay faafiyeen muuqaallo ku saabsan weerarrada Iiraan.

Dalalkan Muslimiinta muxaafidka ah ayaa sidoo kale sameeyay meelaha xorriyadda xaddidan si ay u soo jiitaan shaqaale xirfadlayaal ah, dalxiisayaal iyo maalgashadayaal. Khamriga meelaha qaarkood waa la oggol yahay, balse waxa la muujin karin oo aan si cad loo soo bandhigi karrin dadka ka hela jinsiga lamidka ah.

Dadaalladan iyo canshuuraha hoose ayaa ka dhigay dalalkan kuwo aad loo jecel yahay tobannaan sano, iyagoo noqday meelaha dalxiiska badan, inkasta oo waxaas oo dhan ay meesha ka baxayaan hadda.

Sida ay sheegayaan Financial Times iyo Golaha Dalxiiska Adduunka, shirkadaha dalxiiska ee Khaliijka waxay luminayaan ku dhawaad $600 milyan maalintii.

Joojinta duulimaadyaduna waxa uu meesha ka saaray boqolaal safar iyo malaayiin rakaab oo ku safri lahaa garoomada.

Sanadihii u dambeeyey, Khaliijku waxa uu noqday xarun duuliimaad oo ku kala gooshaan diiyarado caalami ah. Balse tan iyo 28-kii Febraayo, garoomada Dubai, Kuwayt iyo Abu Dhabi waxaa weeraray gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn, taasoo keentay in ay joogsadaan kumannaan duulimaad.

Elham Fakhro, oo ah cilmi-baare ka tirsan Harvard, ayaa sheegtay: "Sawirka amniga ee jira qayb ahaan waa mid macmal ah, qaybna waa mid dhab ah, sababtoo ah dalalka Khaliijka waxay muddo dheer ka fogaayeen rabshadaha ba'an ee gobolka."

Waxay aaminsan tahay in dib u dhiska kalsoonida maalgashadayaasha iyo dalxiisayaasha ay suurtagal tahay, balse waxay ku xiran tahay muddada uu dagaalku socdo.

.

Xigashada Sawirka, Planet Labs PBC via REUTERS

Qoraalka sawirka, .

Carro iyo quus

Dagaalka Iiraan wuxuu keenay caro iyo niyad-jab xooggan oo soo wajahay shacabka iyo hoggaamiyeyaasha Khaliijka.

Ganacsade bilyaneer ah oo Imaaraati ah, Khalaf Ahmed Habtoor, ayaa si cad u dhaleeceeyey go'aanka Donald Trump. Wuxuu weydiiyey: "Yaa ku siiyey awood aad gobolka noogu geliso dagaal Iiraan lala galo? Ma xisaabisay khasaaraha ka dhalan kara?"

Elham Fakhro ayaa tiri: "In la khiyaanay ayaa si cad looga dareemayaa caasimadaha Khaliijka, inkastoo aan si furan loo muujin muddo."

Dalalkan waxay si weyn u dhiseyn xiriirkooda Washington, iyagoo martigelinaya saldhigyo militari, sameynaya maalgashi waaweyn, isla markaana la jaanqaadaya siyaasadaha Maraykanka.

Laakiin waxay filayeen in ugu yaraan lala tashado ka hor inta aan la gelin dagaal ay bartilmaameed ka noqonayaan, taasina ma dhicin.

Xiriirka dalalka Khaliijka iyo Iiraan wuxuu ahaa mid aan wanaagsaneyn tan iyo Kacaankii Islaamiga ahaa yimid Iiraan.

Iiraan waa Shiico u badan, halka dalalka Khaliijku yihiin Sunni u badan. Iiraan waxay noqotay cadawga ugu weyn ee Maraykanka ee gobolka, halka dalalka Khaliijku yihiin saaxiibadiisa.

Sidaas darteed, amniga dalalkan wuxuu ku xirnaa xiriirka Washington, gaar ahaan Sacuudi Carabiya, Imaaraatka iyo Qadar.

Neil Quilliam ayaa sheegay inay doonayaan dammaanad la mid ah qodobka 5aad ee NATO, oo dhigaya in weerar lagu qaado hal dal ay dhammaan difaacayaan.

Si kastaba, dhacdooyin hore, sida weerarkii 2019 ee xarumaha shidaalka Sacuudi Carabiya ayaa muujiyey in Maraykanku uusan mar walba si buuxda u difaaci doonin Sacuudiga ama dal kale.

Dalalka Khaliijka ayaa hadda bilaabay inay kala duwanaansho u sameeyaan xiriirkooda militari iyo inay dhistaan warshado difaac.

Elham Fakhro waxay sheegtay in amniga Khaliijka lagu dhisay saddex fikradood:

In Maraykanku difaaci doono

In xiisadda Iiraan la xakameeyo si looga fogaado weerar

In xiriir la sameeyo Israa'iil si faa'iido istaraatiiji ah loo helo

Balse dagaalkan ayaa muujiyey xaddidaadda fikradahaas.

.

Xigashada Sawirka, Anadolu via Getty Images

Qoraalka sawirka, .

Rajada Muuqata

Mustaqbalka, xal fudud ma jiro, xabbad-joojin degdeg ah ayaa yareyn karta khasaaraha, balse dagaal daba dheeraada wuxuu sii kordhinayaa burburka, wuxuuna keeni karaa in shaqaale xirfadlayaal ah iyo maalgelin ay baxaan.

Xiritaanka Hormuz wuxuu sidoo kale dhaawac weyn u geysanayaa dhaqaalaha.

Xitaa haddii dagaalku maanta joogsado, khatarta Iiraan waxay weli dul taagnaan doontaa gobolka sida "seefta Damocle ayaa sidaa yiri. Khabiiradu waxay aaminsan yihiin in xal waara uu ku jiro wadahadal iyo dib u dhis xiriirka Iiraan, sida heshiisyadii dhawaan dib loo soo nooleeyey ee Sacuudi Carabiya iyo Iiraan.

Sida ay Elham Fakhro sheegtay, "Xalka keliya ee waari kara ee dalalka Khaliijka waa inay si madax-bannaan u maareeyaan xiriirkooda Iiraan."