Maxay Maraykanka iyo Iiraan ka yiraahdeen fashilka wadahadalladii Nabadda ee Pakistan?

Maraykanka iyo Iiraan

Xigashada Sawirka, Reuters

Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo

Dhowr iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay waxaa isha lagu hayey wadahallada nabadda ee Islamabad ka socday kuwaas oo u dhaxeeyey wufuud ka kala socotay Maraykanka iyo Iiraan.

Wadahallada oo ahaa kii ugu horreeyey ee ay yeeshaan labada dhinac ayaa yimid ka dib laba toddobaad oo xabbad-joojin ah oo ay dhinacydu ku gaareen in dagaalka la joojiyo.

Pakistan oo doorka dhexdhexaadinta xabbad-joojinta horseeday ayaa hoggaaminaysay inay dhinacyada ku martigelisay magaalada caasimada u ah dalkaas ee Islamabad.

Sida uu shirkiisii jaraa'id ku sheegay madaxeyne xigeenka Maraykanka ayaa xusay in dhankooda Mareykanku uu wadahadallada u yimid isagoo dabacsan isla markaana muujinaya "niyad-sami", balse ay tahay wax laga xumaado in labada dhinac ay heshiis gaari waayeen.

"Waxaan halkan uga tegaynaa soo-jeedin aad u fudud, taasoo ah hab lagu fahmayo in kani yahay dalabkayagii ugu dambeeyay ee ugu fiicnaa. Waxaan arki doonnaa haddii Iiraan ay aqbasho."

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Pakistan ayaa soo saaray bayaan ka dib markii ay soo dhammaadeen wada-hadalladii nabadda, isagoo ku boorriyay labada dhinac inay "lagama maarmaan tahay in dhinacyadu sii wadaan ilaalinta ballanqaadkooda ku aaddan xabbad-joojinta."

"Waxaan rajaynaynaa in labada dhinac ay ku sii socdaan niyad wanaag si loo gaaro nabad waarta iyo barwaaqo u soo hoyata gobolka oo dhan iyo meelo ka baxsanba," ayaa ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa X.

Qoraalka ayaa lagu soo gabagabeeyay in Pakistan ay sii wadi doonto inay door ka qaadato fududeynta wadada hadalka ee u dhexeeya labada dhinac "maalmaha soo socda."

Sababta ay u fashilmeen wada-hadalladii nabadda ee ay sheegeen Maraykanka iyo Iiraan

Wadahalladii Maryanka iyo Iiraan
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Mareykanka iyo Iiraan waxay bixiyeen sababo kala duwan oo ku saabsan sababta ay u fashilmeen wada-hadalladii nabadda.

Sida ay sheegtay warbaahinta dowladda Iiraan, "dalabyo aan macquul ahayn" oo ka yimid Mareykanka ayaa carqaladeeyay dadaalladii lagu doonayay in lagu soo afjaro dagaalka.

"Inkastoo ay jireen dadaallo kala duwan oo ay soo bandhigeen wafdiga Iiraan, dalabaadka aan macquulka ahayn ee dhinaca Mareykanka ayaa hor istaagay horumarka wada-hadallada. Sidaas darteed, wada-hadalladu way dhammaadeen," ayay idaacadda dowladda Iiraan ee IRIB ku sheegtay qoraal ay ku daabacday Telegram.

Dhanka kale, Mareykanku wuxuu sheegay inay ahaayeen kuwo u "dabacsan" oo "u fududaynayay" wada-hadallada.

JD Vance ayaa sheegay in madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, uu ku amray inuu "halkan yimaado isagoo niyad wanaagsan leh oo dadaalkiisa ugu fiican geliyo sidii heshiis loo gaari lahaa. Taas waan sameynay, nasiib darro se horumar ma sameynin." Wuxuu sidoo kale sheegay inuu ka tagayay isagoo soo bandhigay "soo jeedin aad u fudud, hab is-afgarad ah oo ah dalabkeenna ugu dambeeya uguna fiican."

Ilaa hadda ma cadda tallaabooyinka xiga ee ku saabsan heshiiska xabbad-joojinta ee labada toddobaad ah ama in wada-hadallo kale la qorsheynayo.

Sida uu ahaa xaalka hotelka shirku ka dhacayey

Islamabad

Xigashada Sawirka, AFP

Daqiiqado yar kadib markii uu dhammaaday shirkii jaraa'id, annaga iyo dhawr suxufi oo kale oo ku sugnayn xarunta shirka, waxaan u soo gudbnay dhanka kale ee jidka si aan u aragno waxa ka dhacaya bannaanka huteelka uu Vance ka qudbaynayay.

Markii aan halkaas gaarnay, waxaa durba la arkaysay kolonyo dheer oo baabuur ah oo oo diyaar u ah inay baxaan. Kolonyadaas waxay isugu jireen kuwa ammaanka ee Pakistan iyo sidoo kale kale ilaalada gaarka ah ee uu la safro madaxweyne ku-xigeenka Mareykanka.

Waxaan sidoo kale aragnay baabuur uu ka babanayo calanka Mareykanka oo si degdeg ah uga baxaya huteelka. Sidaa darteed, waxaa loo qaadan karaa in Madaxweyne ku-xigeenka JD Vance uu diyaar u ahaa inuu magaalada ka baxo ka dib markii wada-hadalladii dheeraa ay ku guuldareysteen inay horseedaan heshiis.

Hareeraheenna oo dhan, waxaa laga dareemayay niyad-jab xooggan oo ku aaddan natiijada wada-hadalladan.

Dad badan ayaa xaqiiqsaday in labada dhinac oo gaara heshiis nabadeed ay ahayd fursad aad u fog, madaama ay jireen kala duwanaansho weyn oo u dhexeeyay mowqifyada Mareykanka iyo Iran. Laakiin haddana, qaar badan ayaa rajo ka qabay in marka loo eego miisaanka ergooyinka ay soo direen labada dhinac, ay taasi muujinaysay calaamad muujinaysa in qof kastaa uu dhab ka ahaa isku dayga in heshiis la gaaro.

Dareenkaas niyad-jabka ah laguma koobnaan doono oo kaliya gudaha hoolkan shirarka, balse meelo ka fog ayaa laga dareemi doonaa.