Xog cusub oo ka soo korortay xaaladda hoggaamiyaha sare ee Iran Mojtaba Khamenei

Iiraan

Xigashada Sawirka, Reuters

Waqtiga akhriska: 6 daqiiqo

Hoggaamiyaha cusub ee sare ee Iran, Mojtaba Khamenei, ayaa wali ka kabanaya dhaawacyo darran oo wejiga iyo lugaha ah oo ka soo gaaray weerarkii cirka ahaa ee lagu dilay aabbihii billowgii dagaalka, sida ay saddex qof oo u dhow saaxiibbadiisa gaarka ah u sheegeen wakaaladda wararka ee Reuters.

Wejiga Khamenei ayaa ku doorsoomay weerarkii lagu qaaday xarunta hoggaamiyaha sare ee bartamaha Tehran, wuxuuna dhaawac weyn ka soo gaaray mid ama labada lugoodba, sida ay sheegeen dhammaan saddexda ilood.

Si kastaba ha ahaatee, 56-jirkan ayaa ka kabanaya dhaawacyadiisii, maskaxdiisuna wali waa mid firfircoon, sida laga soo xigtay dadkan codsaday in aan magacyadooda la sheegin.

Wuxuu ka qayb qaadanayaa kulamo uu la leeyahay mas'uuliyiinta sare isagoo adeegsanaya shirarka cod ahaan, wuxuuna ku lug leeyahay go'aan ka gaarista arrimaha waaweyn oo ay ka mid yihiin dagaalka iyo wada-xaajoodyada lala leeyahay Washington, sida ay sheegeen laba ka mid ah ilahaas.

Su'aasha ku saabsan in caafimaadka Khamenei ee u oggolaanaysa inuu maamulo arrimaha dawladda ayaa timid xilli Iiraan ay ku jirto xilligii ugu xasaasisaneed muddo tobanaan sano ah, iyadoo wadahadallo nabadeed oo xasaasi ah ay Islamabad ugu soo dhammaadeen Maraykanka kuwaas oo furmay shalay.

Xogta ay bixiyeen dadka u dhow saaxiibbada gaarka ah ee Khamenei ayaa bixinaysa sharraxaaddii ugu faahfaahsanayd ee xaaladda hoggaamiyaha muddo toddobaadyo ah. Reuters si madax-bannaan uma xaqiijin karto sharraxaadahaas.

Halka uu ku dambeeyo Khamenei, xaaladdiisa, iyo awooddiisa hoggaamineed ayaa weli inta badan ka qarsoon dadweynaha, iyadoo aan la helin wax sawir, muuqaal, ama cod ah oo laga baahiyay tan iyo weerarkii cirka iyo magacaabistii xigtay ee loogu beddelay aabbihii 8-dii Maarso.

Ergada Iran u fadhida Qaramada Midoobay kama jawaabin su'aalaha Reuters ee ku saabsan inta ay le'eg yihiin dhaawacyada Khamenei ama sababta uusan weli ugu soo muuqan wax sawirro ama cajalado ah.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Khamenei waxaa la dhaawacay 28-kii Febraayo, maalintii ugu horreysay ee uu billowday dagaalkii ay Maraykanka iyo Israa'iil ku qaadeen Iiraan, weerarkaas oo lagu dilay aabbihii, Ayatollah Ali Khamenei, kaas oo xukumayay dalka tan iyo 1989-kii. Xaaska Mojtaba Khamenei, seeddigiis, iyo dumaashidiis ayaa ka mid ahaa xubnaha kale ee qoyskiisa ee ku dhintay weerarkaas.

Ma jiro wax hadal rasmi ah oo ka soo baxay Iran oo ku saabsan inta ay le'eg yihiin dhaawacyada Khamenei. War akhriye ka tirsan telefishinka Qaranka ayaa ku tilmaamay isaga "janbaz" oo ah erey loo isticmaalo dadka ku dhaawacma dagaalka ka dib markii loo magacaabay hoggaamiyaha sare.

Warbixinaha ku saabsan dhaawacyada Khamenei waxay la jaan qaadayaan bayaankii uu soo saaray xoghayaha difaaca Mareykanka Pete Hegseth 13-kii Maarso, markaas oo uu sheegay in Khamenei uu "dhaawacmay, ayna u badan tahay in "wajigu waxyeelobay."

Ilo xog-ogaal u ah qiimaynta sirdoonka Maraykanka ayaa u sheegay Reuters in la rumeysan yahay in Khamenei ay lug ka maqan tahay ama ka go'day.

Hay'adda CIA ayaa diidday inay ka hadasho xaaladda Khamenei. Sidoo kale, xafiiska ra'iisul wasaaraha Israa'iil kama jawaabin su'aalaha la weydiiyay.

Alex Vatanka, oo ah xubin sare oo ka tirsan Machadka Bariga Dhexe, ayaa sheegay in iyada oo aan loo eegin darnaanta dhaawacyadiisa, ay adag tahay in hoggaamiyahan cusub ee aan khibradda badan lahayn uu awoodo adeegsiga awooddii baaxadda lahayd ee uu lahaa aabbihii.

Vatanka ayaa intaa ku daray, in kasta oo loo arko inuu matalo sii socoshada nidaamka, ay haddana ku qaadan karto sannado inuu dhisto isla heerkii awoodda ee aabbihii si tooska ah ugu dhisnayd.

"Mojtaba wuxuu noqon doonaa hal cod, laakiin ma noqon doono midka go'aanka kama dambaysta ah leh," ayuu yidhi. "Wuxuu u baahan yahay inuu isu muujiyo inuu yahay cod la aamini karo, awood leh, oo ka sarreeya kuwa kale. Nidaamka talada haya oo dhan waa inuu go'aan ka gaaraa halka ay u socdaan."

Mid ka mid ah dadka u dhow saaxiibbada gaarka ah ee Khamenei ayaa sheegay in sawirrada hoggaamiyaha sare la filayo in la baahiyo muddada hal ama laba bilood gudahood ah, uuna xataa fagaaraha soo istaagi karo xilligaas, inkastoo dhammaan saddexda ilood ay ku adkeeyeen inuu soo muuqan doono oo kaliya marka ay caafimaadkiisa iyo xaaladda amniguba oggolaadaan.

'Ma naqaanno wax badan oo ku saabsan aragtida uu adduunka ka qabo'

Iiraan

Xigashada Sawirka, Getty Images

Nidaamka maammulka ee ku dhisnaan diinta ee Iran, awoodda ugu sarraysa waxaa loogu talagalay inuu adeegsado hoggaamiyaha sare, oo ah wadaad Shiicada Muslimka ah oo ay ixtiraamaan, kaas oo ay magacaabaan golaha ay ku jiraan 88-ka aayatullah. Hoggaamiyuhu wuxuu kormeeraa madaxweynaha la doortay, isagoo isla markaana si toos ah u amra hay'adaha is-barbar socda oo ay ku jiraan Ilaalada Kacaanka , oo ah quwad awood badan oo dhinaca siyaasadda iyo milatariga ah.

Hoggaamiyihii ugu horreeyay ee sare ee Iran, Ayatollah Ruhollah Khomeini, wuxuu haystay awood aan la isku khilaafsanayn isagoo ahaa hoggaamiyihii soo jiidashada lahaa ee kacaanka iyo wadaadka ugu aqoonta badnaa xilligiisii.

Aabbihii Cali Khamenei, wuxuu ahaa wadaad aan la ixtiraamin sida kii hore, balse wuxuu soo noqday madaxweynaha Iran. Wuxuu tobnaan sano ku qaatay xoojinta awooddiisa ka dib magacaabistii 1989-kii, isagoo qayb ahaan u adeegsaday dhiirrigelinta awoodda Ilaalada Kacaanka.

Wiilkiisa Mojtaba ma haysto awood dhab ah oo la mid ah tii aabbihii, sida ay saraakiil sare oo reer Iran ah hore ugu sheegeen Reuters. Ilaalada Kacaanka, oo gacan ka geystay inuu xilka ugu sarreeya qabto ka dib dilkii aabbihii, ayey soo baxday inay yihiin codka rasmiga ah ee go'aamiya qorshayaasha istiraatiijiga ah inta uu dagaalku socdo. Ergada Iran ee Qaramada Midoobay kama jawaabin su'aalaha ku saabsan awoodda ay leeyihiin Ilaalada Kacaanka iyo hoggaamiyaha cusub ee sare.

Isagoo ahaa qof saamayn ku leh xafiiska aabbihii, Khamenei wuxuu hore u qaatay sanado badan isagoo ku lug leh adeegsiga awoodda heerarka ugu sarreeya ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah, sida ay sheegeen saraakiil iyo dad xog-ogaal ah, isagoo xiriir la samaystay shakhsiyaadka sare ee Ilaalada Kacaanka.

In kasta oo si weyn loo rumeysan yahay inuu sii wadi doono hab-raacii adkaa ee aabbihii sababtoo ah xiriirka uu la leeyahay Ilaalada Kacaanka, "ma naqaanno wax badan oo ku saabsan aragtida uu adduunka ka qabo," ayuu yidhi Vatanka oo ka tirsan Machadka Bariga Dhexe.

Xiriirkii ugu horreeyay ee Khamenei uu la sameeyo dadka reer Iran isagoo ah hoggaamiyaha sare waxay ahayd 12-kii Maarso, isagoo soo saaray bayaan qoraal ah oo uu akhriyay wariye telefishinka qaranka ah, kaas oo lagu sheegay in Marinka Hormuz uu ahaanayo mid xiran.

Xafiiskiisu tan iyo xilligaas wuxuu soo saaray dhowr bayaan oo kale oo qoraal ah oo kooban, oo ay ku jirto kii 20-kii Maarso markii uu ka hambalyeeyay sanadka cusub ee Faarisiga, kaas oo uu u bixiyay "sannadkii iska caabbinta".

Hadallada fagaaraha ee ku saabsan mowqifka Iran ee dagaalka, habka ay u wajahayso diblomaasiyadda, deriska, wada-hadallada xabbad-joojinta, iyo kacdoonnada gudaha, waxaa soo saarayay mas'uuliyiin kale oo sare.