Maxay eersatay xoghayihii warbaahinta ee Trump ee xilka bannaysay?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Katie Zacharia, oo dhawaan loo magacaabay afhayeenka Aqalka Cad, ayaa xilka ka tagtay kadib markii ay la kulantay dhaleeceyn xooggan iyo su'aalo la xiriira aqoonteeda iyo u-qalmitaankeeda shaqada. Waxay xilka haysay shan maalmood oo keliya.
Jimcihii, wax yar ka hor inta aan lagu dhawaaqin bixitaankeeda, Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa la hadlay wariyeyaasha, wuxuuna sheegay inuu Zacharia ku yiri: "Haddii aadan rabin inaad shaqadan qabato, khasab kuguma aha. Run ahaantii, haddii aan adiga booskaaga joogi lahaa, dib ayaan uga fikiri lahaa."
Zacharia ayaa Talaadadii la kulantay dhaleeceyn xooggan kadib shirkeedii ugu horreeyay ee ay warbaahinta la yeelato. Shirku wuxuu socday wax ka yar 15 daqiiqo, waxaana wariyeyaashu weydiiyeen saddex su'aalood oo keliya.
Maalmihii xigay waxay ku jirtay xaalad ay isku difaacayso, iyadoo ka jawaabaysay su'aalo adag oo warbaahintu ka weydiinaysay aqoonteeda iyo sida ay ugu diyaarsanayd xilka.
Trump ayaa Jimcihii duhurnimadii, intii uu si aan rasmi ahayn ula hadlayay wariyeyaasha, muujiyey in bixitaankeeda ay suuragal tahay.
Wuxuu yiri: "Waxaan Katie ku iri, 'Ma hubtaa in shaqadani adiga kugu habboon tahay? Run ahaantii, uma baahnid inaad la kulanto sidaan oo kale.'"
Trump ayaa intaas ku daray in warbaahintu si aad u adag ula dhaqantay Zacharia.
"kuma aan ku guuleysan imtixaanka qareennimada"
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Ka hor inta aysan xilka ka tagin, Katie Zacharia ayaa xaqiijisay inaysan ku guuleysan imtixaanka qareennimada ee Mareykanka, kaas oo loo yaqaan Bar Exam.
Zacharia ayaa wajahaysay su'aalo isa soo tarayay oo ku saabsan shahaadooyinkeeda sharciyeed, maadaama ay hore u sheegtay inay qareen ahaan u shaqayn jirtay ka hor inta aysan siyaasadda gelin.
Mareykanka, qofka ka qalin-jabiya kulliyadda sharciga looma oggola inuu qareen ahaan uga shaqeeyo dalka ilaa uu buuxiyo shuruudaha ruqsadda qareennimada ee gobolka uu ka shaqaynayo, oo ay ku jirto inuu ku guuleysto imtixaanka looga baahan yahay.
Wareysi ay Khamiistii siisay Fox News, ayaa weriyuhu weydiiyey inay sax tahay inay wax ka baratay kulliyadda sharciga ee Jaamacadda Pepperdine, balse aysan ku guuleysan imtixaanka qareennimada.
Waxay ku jawaabtay: "Haa."
Markii la weydiiyey inay mar kale imtixaanka gashay kadib markii ay markii ugu horreysay ku dhacday, waxay sheegtay inaysan dib u gelin.
Zacharia waxay sheegtay inay Shiinaha u guurtay kadib markii ay waxbarashada dhamaysatay, halkaasna ay uga shaqaysay shirkad sharciyeed oo Shiine ah.
Urur ilaaliya isla-xisaabtanka dowladda oo la yiraahdo Campaign for Accountability ayaa ka codsaday Ururka Qareennada California inuu baaritaan ku sameeyo arrintan.
Aqalka Cad ayaa hore u difaacay Zacharia markii su'aalo laga keenay aqoonteeda iyo taariikhdeeda sharciyeed.
Agaasimaha isgaarsiinta Aqalka Cad, Steven Cheung, ayaa sheegay in Zacharia ay leedahay "kartiyo gaar ah, oo ay aad u caqli badan tahay, isla markaana ay awood u leedahay inay shacabka Mareykanka siiso xog muhiim ah."
Su'aalaha ku saabsan shahaadooyinkeeda sharciyeed
Toddobaadkii hore, markii Trump ku dhawaaqay magacaabisteeda, wuxuu Zacharia ku tilmaamay qareen. Iyaduna hore ayay marar kala duwan isugu tilmaantay qareen.
Hase yeeshee, Talaadadii, markii wariye uu weydiiyey gobolka Mareykanka ee ay ku gudubtay imtixaanka qareennimada, waxay ku jawaabtay: "Markii aan Shiinaha u guuray."
Diiwaannada la heli karo ma muujinayaan inay ka diiwaangashanayd ururka qareennada ee gobolladii Mareykanka ee ay ku noolayd.
Iyada oo ka jawaabaysa su'aalaha ku saabsan aqoonteeda, Zacharia waxay sheegtay inay ka shaqaysay dhinaca sharciga ee heshiisyada ganacsiga caalamiga ah, isla markaana ay haysatay shahaadooyinkii looga baahnaa shaqadaas.
Katie Zacharia, oo 42 jir ah, ayaa sannadkii 2011 ka qaadatay Jaamacadda Pepperdine shahaadada sharciga, taas oo jaamacaddu xaqiijisay.
Waxay sheegtay in jawaabteedii ku saabsanayd Shiinaha ay ahayd isfaham la'aan
Waxaa muhiim ah in la ogaado in Mareykanka, helitaanka shahaadada sharciga oo keliya aysan qofka siinayn xaq uu qareen ahaan ugu shaqeeyo. Waxaa loo baahan yahay in la buuxiyo shuruudaha ruqsadda qareennimada, oo ay ku jirto imtixaanka ku habboon.
Waxay sheegtay in guddoomiyaha jaamacaddu kula taliyey inay isku tilmaami karto qof bartay sharciga ama qareen (lawyer), balse aysan isku magacaabi karin attorney haddii aysan buuxin shuruudaha ruqsadda.
Waxay sidoo kale sheegtay in jawaabteedii ahayd "markii aan Shiinaha joogay" ay ka dhalatay isfaham la'aan. Sida ay sheegtay, buuqa diyaaradda qumaatiga u kaca ee Marine One awgiis, waxay u malaysay in wariyuhu weydiinayay halka ay tagtay kadib markii ay dhammaysatay waxbarashada sharciga.
Dhanka kale, wargeyska The Wall Street Journal ayaa sheegay in Zacharia ay imtixaanka qareennimada ee California gashay kadib markii ay shahaadada sharciga qaadatay, balse aysan ku guuleysan.
Imtixaanka qareennimada California waxaa loo arkaa mid ka mid ah imtixaannada ugu adag Mareykanka.
Qof arrintan xog-ogaal u ah ayaa wargeyska u sheegay in Zacharia ay imtixaanka gashay xilli ay ku mashquulsanayd diyaarinta arooskeeda, isla markaana ay qorshaynaysay inay ninkeeda mustaqbalka ula guurto Shiinaha.

Xigashada Sawirka, EPA
Sida ku qoran boggeeda LinkedIn, Zacharia waxay intii u dhexeysay 2011 iyo 2013 ka shaqaynaysay shirkadda sharciga ee Zhong Lun, oo ku taalla magaalada Beijing.
Shiinaha, ruqsadda qareennimada waxaa la siiyaa muwaadiniinta Shiinaha oo keliya, hase yeeshee dadka ajaanibta ah waxay shirkadaha sharciga ka qaban karaan shaqooyin kale oo xirfadeed.
Wareysi ay siisay barnaamij raadiye bishii Febraayo 2025, Zacharia waxay sheegtay in muddadii ay Shiinaha joogtay ay lataliye sharci oo dibadeed u ahayd Hay'adda Maaliyadda Caalamiga ah (International Finance Corporation – IFC) iyo Bangiga Adduunka.
BBC ayaa la xiriirtay Bangiga Adduunka, IFC iyo shirkadda Zhong Lun si ay uga hesho faahfaahin iyo xaqiijin ku saabsan sheegashadaas.
Kooxda Bangiga Adduunka ayaa mararka qaarkood adeegsatay shirkado sharciyeed oo dibadeed, shirkadahaas ayaana go'aamiya shaqaalaha iyo khubarada ka qaybqaadanaya mashaariicda.
Boggeeda LinkedIn wuxuu sidoo kale muujinayaa inay Zacharia hore u ahayd la-taliyaha guud ee sharciga ee hay'adda aan macaash doonka ahayn ee Fix California, oo ah urur muxaafid ah oo uu aasaasay Rick Grenell, oo Trump aad ugu dhow.
Ka hor magacaabisteeda afhayeenka Aqalka Cad, Zacharia waxay xiriir shaqo la lahayd shirkadda Trump Media & Technology Group.
Marka la isku daro labada xilli ee madaxweynenimada Trump, waxay noqotay afhayeenkiisii lixaad ee Aqalka Cad. Waxay sidoo kale muddo kooban afhayeen uga soo shaqaysay Waaxda Amniga Gudaha ee Mareykanka (Department of Homeland Security – DHS).
Jimcihii, Trump ayaa baraha bulshada ku qoray inuu ku kalsoon yahay in Zacharia ay si wax ku ool ah uga shaqayn doonto xilka afhayeenka, isla markaana ay xiriir wanaagsan la yeelan doonto warbaahinta, shacabka Mareykanka iyo maamulkiisa.

























