Sida kareemo isqurxin oo xoog badan ay maqaarkeyga u baabi'iyeen

Xigashada Sawirka, Nice
Kadib markii ay isku dayday in ay wajigeeda qurxiso, muuqaalkii Nice Aston wuxuu isu beddelay mid argagax leh oo laga naxo.
"Subaxdii ayaan argagax ku toosay. Qof kasta oo i arkayay si yaab leh ayuu ii eegayay, wajigeygu wuu bararsanaa, cuncun daran ayaana i hayay," ayay tiri Nice Aston, oo ah gabar 32 jir ah oo ku nool magaalada Dar es Salaam ee dalka Tanzania.
Nice waxay sheegtay in arrintan oo dhan ay ku bilowday xiiso fudud. Markii ay aragtay saaxiibadeed oo leh waji jilicsan oo dhalaalaya, ayay weydiisay sirta quruxdooda. Halkaas ayay ka bilowday safar ay suuqa uga raadinaysay xal ay kaga bogsato finankii muddada dheer lala soo daalaa dhacayay kalsoonideedana baabi'iyay.
Waxay sheegtay xilligaas in aysan aqoon dheer u lahayn sida loo daryeelo maqaarka, balse ay go'aansatay in ay xal u raadiso finankii muddada dheer ragaadiyay.
Yaraanteedii waxay aaminsanayd, sida dadka kale ku odhan jireen, in ku-baxyada ka soo baxayay wajigeeda, dhabarka iyo xabadkeeda ay iskood u baabi'i doonaan marka ay weynaato.
Laakiin wax isbeddel ah ma arag xitaa muddo dheer ka dib. Markii ay dhaqaale ahaan madax-bannaani noqotay, ayay go'aansatay in ay si dhab ah ula tacaasho dhibaatadeeda.
Nice waxay qirtay in jees-jeeska joogtada ah ee lagu hayay uu aad u niyad-jabin jiray.
"Waan is necbahay. Dadku waxay igu tilmaami jireen 'finan u eg digir cagaaran baad leedahay'. Kuwo kale waxay igu eedeyn jireen 'alaabta maqaarka lagu caddeeyo ayaad isticmaashaa, taas baa wajigaaga baabi'isay'," ayay tiri iyadoo xasuusanaysa waayihii adkaa.
Erayadaas culculus ayay sheegtay in ay ku qasbeen in ay raadsato isbeddel, sidaas darteedna ay isku dayday alaabooyin badan oo quruxda lagu sameeyo, kuwaas oo nasiib darro aan waxba ka qaban xaaladdeeda.

Xigashada Sawirka, Nice
Maxaa ku kalifay in ay isticmaasho kiriimada waddada lagu iibiyo?
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Intii ay xal u raadinaysay dhibaatada maqaarkeeda, Nice waxaa loogu dhiirrigeliyay in ay samaysato facial-ka wajiga lagu nadiifiyo, iyadoo loo sheegay in uu ka caawin doono daaweynta finankeeda.
"Maalin, markii daryeelkaas wajiga loo sameeyay kadib, ayaan subaxdii ku waabariistay anigoo xaaladdeydu aad uga dartay sidii hore. Wajigeygu wuxuu u bararay si xun sida qof gubtay oo kale, cuncun daran ayaa qabtay, maqaarkuna wuxuu bilaabay inuu qolof qolof u diirmado," ayay tiri.
"Argagax baa i galay. Waxaan la xiriiray dadkii daryeelka ii sameeyay, waxayna igu eedeeyeen in aanan raacin tilmaamihii la ii siiyay," ayay raacisay.
Nice waxay sheegtay in aysan weligeed hilmaami doonin xanuunkii ay dareentay iyo sida ay uga shalaysay daryeelkaas wajiga. Waxay tiri, finankii hore ay qabtay ayaa ka qurux badnaa muuqaalkii naxdinta lahaa ee ay yeelatay markii dambe.
Xilligaas ma ogeyn in kareemadii loo adeegsaday ay ku jireen kiimikooyin halis ah oo maqaarkeeda sii gubay halkii ay ka daweyn lahaayeen.
"Wajigeyga oo dhaawacmay awgiis ayaan ku waayay fursad shaqo oo aan ka heli lahaa telefishin."

Xigashada Sawirka, Nice
Xaalad murugo leh, Nice waxay sheegtay in ay u tagtay wareysi shaqo oo ay ku doonaysay in ay noqoto soo-jeediyaha barnaamijyada, balse loo sheegay in maqaarka wajigeeda uu aad u dhaawacmay sidaas darteedna aysan telefishinka ka shaqeyn karin.
Wixii intaas ka dambeeyay waxay dooratay in ay gurigeeda isku soo xirto, iyadoo aan dibadda u bixin, wakhtigeedana ku luminaysa daawashada filimada iyo ku mashquulida taleefankeeda.
"Mararka qaar hurdo ma heli jireen. Madax-xanuun daran ayaa i hayay, ugu dambeyntiina waxaan bilaabay inaan qaato kaniiniyada hurdada si ay xaaladdayda wax uga taraan, inkastoo ay adkeyd in la helo," ayay tiri.
Wixii markaas ka dambeeyay, waxay si qarsoodi ah u qaadan jirtay kaniiniyada hurdada si ay walaaceeda u yareyso. Waxay intaas ku dartay in isticmaalkeeda joogtada ah uu ugu dambeyntii saameyn ku yeeshay caadadeedii billaha ahayd.
"Waxaan go'aansaday inaan qoyskeyga ka fogaado; ninkii i guursan lahaa ayaa keliya ahaa halka aan ka heli jirey raaxo iyo taageero," ayay tiri.
Nice ma rumaysan karin wixii ku dhacay. Waxay dooratay in ay qoyskeeda ka fogaato, iyadoo ka cabsi qabta in aan la fahmi doonin wajigeeda awgiis.
"Qoyskeyga lama hadli kareyn, hooyadey aad bay u adag tahay. Habka ay noo soo korisay darteed, weligey kuma dhiiran kareyn inaan u sharaxo waxa aan isticmaalay iyo sida ay maqaarkeyga u dhaawacday," ayay tiri.
Waxay sheegtay in kaliya taageerada ay heshay ay ka timid ninkii guursan lahaa, kaas oo aan marnaba joojin in uu ku dhiirrigeliyo in ay isku aqbasho sida ay tahay.
"Ugu dambeyn waxaan go'aansaday inaan la tashado dhakhtar ku takhasusay maqaarka. Intuusan wax daawo ah ii qorin ka hor, wuxuu marka hore ii sharxay dhabta ka dambeysa dhibaatada finanka iyo muhiimadda ay leedahay in qofku is-aqbalo sida uu yahay," ayay tiri.
Maanta, waxay ku dhowdahay hal sano iyo ka badan tan iyo markii ay ku guuleysatay in ay is-aqbasho islamarkaana ay ka baxdo ku tiirsanaanta khaldan ee kaniiniyada hurdada.
Waxay heshay daaweyn caafimaad oo habboon, si daacad ahna way u raacday.
"Dadku way yaabeen markii ay arkeen inaan bogsanayo isla markaana aan bilaabay inaan isku aqbalo sida aan ahay."
Dadkii horey u yiqiinnay ayaa arkay isbeddelka ku yimid muuqaalkeeda waxayna weydiiyeen wixii dhacay.
"Waxaan bilaabay inaan dib ula xiriiro dadka, xitaa waxaan furtay akoono baraha bulshada ah si aan sheekadeyda ula wadaago, si dadka kale ay wax uga bartaan," ayay tiri.
Waxay intaas ku dartay in dadka qaar, marka ay hadda arkaan, ay u maleynayaan in ay wali isticmaasho kiriimada maqaarka lagu caddeeyo.
Akoonnada ay ku leedahay Instagram iyo TikTok ayaa u horseeday in ay hesho taageerayaal tiro badan. Hase yeeshee, waxaa jira kuwo aan sheekadeeda si fiican u fahmin, kuwaas oo mararka qaar dhaliila islamarkaana ku eedeeya in ay been sheegayso.
Sida ay sheegtay, bulshada qaybteeda ugu badan weli si dhab ah uma fahmin muhiimadda uu leeyahay caafimaadka maqaarka iyo halista ka dhalan karta isticmaalka waxyaabaha isqurxinta ee been abuurka ah ama aan tayadooda la hubin.
"Waxaa iska caadi ah in qof uu i weydiiyo waxyaabaha aan isticmaalo, isagoo doonaya in uu maqaarkiisa si degdeg ah u caddeeyo, sababtoo ah kuma qanacsana midabkiisa dabiiciga ah," ayay tiri.
"Finanku wuxuu ii noqday fursad nololeed"
Nice waxay sheegtay in dhibaatadii finanka ay ugu dambeyn u noqotay albaab u furay fursad cusub oo nolosha ah. Markii la daweeyay kadib, waxay bilowday in ay si gaar ah u daneyso caafimaadka maqaarka, islamarkaana ay caawiso dadka ku xeeran.
"Dad aad u tiro badan ayaa i raaca, waxayna si joogto ah ii weydiiyaan su'aalo ku saabsan finanka iyo sidii aan uga soo kabsaday. Taasi waxay igu dhiirrigelisay inaan baraha bulshada u isticmaalo wacyigelinta iyo la-talinta dhalinyarada, maadaama ay iyagu yihiin kuwa ugu badan ee talo ii soo doonta," ayay tiri.
Akoonnada ay ku leedahay Instagram iyo TikTok, Nice waxay ku yeelatay bulsho ballaaran oo taageereyaal ah. Hase yeeshee, waxaa jira dad aan si sax ah u fahmin safarkeedii nololeed, kuwaas oo mararka qaar dhaliila oo xitaa ku eedeeya in ay been sheegayso.
"Mararka qaar, qaar ka mid ah dadka iibiya waxyaabaha isqurxinta ayaa soo sheega qoraalladeyda wacyigelinta ah ee ku saabsan alaabta quruxda ee been abuurka ah, si loo xiro boggaga aan ku leeyahay baraha bulshada," ayay tiri.
Talo ku socota bulshada

Xigashada Sawirka, Nice
"Wax kasta oo aan ka bartay waayo-aragnimadeyda gaarka ah kadib, waxaan jeclaan lahaa inaan waalidiinta ku dhiirrigeliyo inay waqti la qaataan carruurtooda, gaar ahaan xilliga qaan-gaarka. Waa muhiim inay u sharxaan isbeddellada jirkooda ku dhacaya, si looga hortago inay naftooda naceen ama ay galaan dhaqammo waxyeello u leh caafimaadkooda.
Carruurnimadeydii iyo qaabkii la ii soo koriyay ayaa weli i xanuujiya, waayo waalidkeygu aad bay u ad-adkaayeen. Xilligii wajigeygu finanku ka buuxsamen oo qof walba igu jees-jeesayay, weligey waan la hadli kari waayay.
Waxaan jeclaan lahaa in waalidkey ay i dhageystaan oo ay dareemaan dhibaatadii aan soo maray, balse taas ma suurtagelin qaabka adag ee ay noo soo koriyeen awgiis."
Sharaxaadda uu bixiyay dhakhtarka maqaarka
Dhakhtarka maqaarka ee u dhashay Tanzania, Eli Minja, wuxuu sheegay in ujeeddada alaabta isqurxintu ay tahay in ay qurxiso muuqaalka qofka, ee aysan ahayn in ay gebi ahaan beddesho dabeecadda maqaarkiisa. Hase yeeshee, alaabta qaar waxaa ku jira kiimikooyin awood u leh in ay beddelaan midabka maqaarka islamarkaana keenaan dhibaatooyin caafimaad.
Sida uu khabiirku sheegay, heerka waxyeellada ka dhalata isticmaalka alaabtaas waxay ku xiran tahay nooca kiimikada ku jirta, inta wakhti ee la isticmaalayo, iyo meesha jirka ka mid ah ee lagu marsado.
Wuxuu intaas ku daray in alaabtaasi ay maqaarka ka dhigi karto mid dhuuban, jilicsan oo si fudud u dhaawacma. Waxay kaloo keeni kartaa nabarro, dildillaaca maqaarka iyo gabow degdeg ah oo ku yimaada maqaarka.
Dhakhtarka maqaarku wuxuu sidoo kale xoogga saaray in dhibaatooyinka kale ay noqon karaan kuwo ka sii halis badan, sida hoos u dhaca difaaca dabiiciga ah ee maqaarku leeyahay. Taasina waxay kordhinaysaa halista uu ugu nugul yahay cudurro gaar ah, sida caabuqyada fangasku keeno ama xitaa kansarka maqaarka.


























