Dowladda Shiinaha oo ugu baaqday Israa'iil in ay joojiso arrin ay ka wado gudaha Gaza

Labada wasiir
Published
Waqtiga akhriska: 3 daqiiqo

Wasiirka Arrimaha Dibadda Shiinaha Wang Yi ayaa ugu baaqay Israa'iil inay joojiso dhismaha "laga dhaqan galiyay" Daanta Galbeed ee la haysto iyo inay dib u celiso tallaabooyinka loo qaaday arrintan.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Shiinaha ayaa sheegtay in Mr. Wang uu ugu yeeray arrinta Falastiin "cadaalad darro taariikhi ah, oo ah tii ugu weynneed qarnigan" intii uu socday kulan uu la yeeshay Madaxweynaha Israa'iil Isaac Herzog Khamiistii, Oktoobar 13, oo ka dhacay Jamhuuriyadda Azerbaijan.

Shiinuhu wuxuu muddo dheer taageeray qadiyadda Falastiin wuxuuna aaminsan yahay in xalka lagu dhisayo laba dowladood oo madax-bannaan oo Israa'iil iyo Falastiin ah uu yahay waddada saxda ah ee lagu xallinayo khilaafkan.

Shiinuhu wuxuu sidoo kale isku dayay inuu door dhexdhexaadin ah ka ciyaaro khilaafaadka Bariga Dhexe.

Sannadkii 2023, Shiinaha, isagoo dhexdhexaadinaya Iiraan iyo Sacuudi Carabiya, wuxuu u gogol xaaray dib u soo nooleynta xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal ka dib sannado xiisad iyo cadaawad ah.

Horraantii sanadkan, Shiinaha, oo ay weheliyaan Pakistan, ayaa ka qayb qaatay dadaallo lagu doonayay in xabad joojin lagu sameeyo dagaalkii Mareykanka iyo Israa'iil ee Iiraan.

Dadaallada Shiinaha ee lagu joojinayo dagaalka Gaza ayaa sidoo kale si weyn diiradda u saaray dhisidda midnimada kooxaha Falastiiniyiinta.

Sannadkii 2024, Shiinaha wuxuu ku guuleystay inuu dhexdhexaadiyo heshiis dhex maray kooxaha Falastiiniyiinta ee iska soo horjeeda si loo sameeyo "dowlad ku meel gaar ah oo dib u heshiisiin qaran ah" oo xukumi doonta Daanta Galbeed ee la haysto iyo Gaza ka dib dagaalkii Israa'iil. Si kastaba ha ahaatee, heshiiska waligiis lama hirgelin.

Hadda, Wang Yi wuxuu sheegay in "mudnaanta degdegga ah" ay tahay in si buuxda dib loogu furo waddooyinka loo maro Qaza, isla markaana laga hortago in "masiibada bini'aadamnimo" ay ku sii fido gobolka.

Kulan uu la yeeshay madaxweynaha Israa'iil, wuxuu ku sheegay in Shiinuhu diyaar u yahay inuu la shaqeeyo beesha caalamka si loogu dhiirrigeliyo dhinacyada isku haya colaadda inay dib u billaabaan wadahadallada, ayna "helaan xal siyaasadeed" oo lagu soo afjarayo colaaddaas.

Gaza
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali xayeysiin WhatsApp
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Dhanka kale, Isaac Herzog ayaa farriin uu ku qoray barta bulshada ee X ku sheegay inuu "ku faraxsan yahay" kulanka uu la yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda Shiinaha iyo in wadahadalladoodu ay diiradda saareen xiriirka labada dal iyo horumarka Bariga Dhexe.

"Waxaan xoogga saaray rabitaanka Israa'iil ee ah inay nabad ka hirgeliso gobolka, isla markaana waxaan tilmaamay khataro istiraatiiji ah oo ku wajahan amniga dalkeenna, gaar ahaan Iiraan iyo wakiilladeeda argagixisada," ayuu qoray.

Shiinuhu wuxuu xiriir dhow la leeyahay Iiraan waana waddanka ugu badan ee iibsada saliidda dalka, kaasoo bartilmaameed u ahaa cunaqabataynta Mareykanka ee barnaamijka nukliyeerka Iiraan.

Sannad ka dib xabbad-joojinta Gaza, dadka deggan gobolka ayaa weli wajahaya khatarta weerarrada Israa'iil, barakaca, iyo dhibaatooyinka ay sababaan cunto yaraanta.

In kasta oo duqeymaha baaxadda leh ee Gaza ay joogsadeen, Israa'iil waxay sii wadday weerarradeeda gobolka ku dhawaad ​​maalin kasta.

In ka badan 1,400 oo Falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay weeraradii Israa'iil ay ka geysatay Qaza tan iyo markii la aasaasay xabad joojinta bishii Oktoobar 2025.

Xabad joojinta ay dhexdhexaadisay Mareykanka ayaa ahayd marxaladdii ugu horreysay ee heshiis lagu soo afjarayo dagaalkii Qaza, kaas oo bilaabmay ka dib weerar dhimasho leh oo ay Xamaas hoggaaminaysay ku qaadday Israa'iil Oktoobar 7, 2023.

Si kastaba ha ahaatee, horumarka loo marayo wejiga xiga ee heshiiska ayaa hakad galay, iyadoo Israa'iil iyo Xamaas ay midba midka kale ku eedeeyeen inuu jebiyay shuruudaheeda.