Messi iyo Ronaldo: xifaaltanka bedelay taariikhda kubadda cagta

Messi iyo Ronaldo

Xigashada Sawirka, Getty Images

Published
Waqtiga akhriska: 7 daqiiqo

Sanadkii 2007, xiddiga Brazil ee Kaka ayaa ku guuleystay abaal-marinta FIFA Player of the Year, balse dhacdo waji-gabax lahayd oo ka dhacday xafladdii abaal-marinta ayaa isu beddeshay fadeexad dadweyne, waxaana xilligaas bilowday loollan adag oo u dhexeeya laba ka mid ah ciyaartoyda ugu caansan dunida kubbadda cagta.

Waqtigaas, Lionel Messi oo aad u da'yaraa iyo Cristiano Ronaldo ayaa galay kaalmaha labaad iyo saddexaad ee liiska musharraxiinta abaal-marinta.

Si kastaba ha ahaatee, halyeeyga Brazil Pelé ayaa qalad sameeyay markii uu guddoonsiinayay abaal-marinta, isagoo si khaldan ugu dhiibay Ronaldo halkii uu ka siin lahaa Messi munaasabaddii lagu qabtay Zurich Opera House.

Madaxweynihii FIFA ee xilligaas, Sepp Blatter, ayaa soo farageliyay, isagoo ka codsaday labada ciyaaryahan inay isdhaafsadaan galoofyada, maadaama ay labadooduba ay u muuqdeen kuwa dareemayay waji-gabax.

10-kii sano ee xigay, Messi ama Ronaldo ayaa si buuxda u maamulay abaal-marinnada Ballon d'Or iyo kuwa FIFA.

Dhab ahaantii, tan iyo 2007, 20 ka mid ah 29-ka jeer ee la bixiyay abaal-marinta Ciyaaryahanka Yurub ee Sanadka waxaa ku guuleystay ciyaartoydan u kala dhalatay Argentina iyo Portugal.

Labadooda waxay wadajir u dhaliyeen ku dhowaad 2,000 gool intii ay ku jireen xirfaddooda ciyaareed. Marka lagu daro 85-ka koob ee ay ku guuleysteen heer qaran iyo heer kooxeed, billadaha ay heleen, iyo taariikhda weyn ee ay ka sameeyeen kubbadda cagta, waxaa lama huraan ah in la qiro lana maamuuso dadaalkooda iyo guulahooda aan caadiga ahayn.

Loollanka u dhexeeya labadan ciyaaryahan ayaa noqday astaan kubbadda cagta lagu garto 20-kii sano ee la soo dhaafay. Wuxuu ka gudbay xuduudaha kooxaha, dalalka iyo tartamada, isagoo beddelay habka ay dadku u daawadaan, uga doodaan uguna fahmaan ciyaarta, maadaama ay si joogto ah isu dhiirrigelinayeen oo u soo tartamayeen.

Rabitaankooda ah inay ku guuleystaan koobab, sameeyaan taariikh cusub, isla markaana ka fiicnaadaan kuwa ay la tartamayaan ayaa ku kallifay inay is riixaan oo ay gaaraan heerar aan hore loogu arag taariikhda kubbadda cagta.

Loollankoodu wuxuu ka weynaa doodda ah "yaa ah ciyaaryahanka ugu weyn taariikhda?" Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo.

Sababtoo ah marka la eego hibada iyo awoodda cajiibka ah ee Messi, waxaa sidoo kale lama huraan noqotay in la qiro kartida iyo heerka sare ee Ronaldo. Taas ayaana furtay bog gaar ah oo ka mid ah taariikhda kubbadda cagta, bog weli aan si buuxda loo xirin maadaama saameyntooda iyo dhaxalkoodu ay weli sii socdaan.

Messi iyo Ronoldo

Xigashada Sawirka, Getty Images

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Dad badan ayaa u arka Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo inay yihiin ciyaartoy leh shakhsiyado iyo qaabab ciyaareed oo aad u kala duwan.

Mid waa xariif ku yahay kubbad wadista, dhaafista difaacyada iyo aragtida ciyaarta, halka kan kalena uu yahay ciyaaryahan xoog badan oo leh karti dabiici ah iyo hammi weyn oo guul lagu gaaro.

Mid waxaa loo arkaa xariif deggan oo aan hadal badnayn, halka kan kale lagu yaqaan kalsooni weyn iyo isku hallayn.

Loollankoodu wuxuu sidoo kale ka dhex muuqday kooxihii waaweynaa ee xilligaas, sida FC Barcelona ee uu hoggaaminayay Pep Guardiola iyo Real Madrid CF ee uu tababarayay José Mourinho. Xitaa shirkadaha ay xayeysiin jireen, Adidas iyo Nike, ayaa qayb ka noqday tartankaas.

Si kastaba ha ahaatee, inkastoo loollankoodu ku dhisnaa kala duwanaanshahooda, waxaa jiray waxyaabo badan oo ay wadaagaan tan iyo yaraantoodii.

Labadooduba waxay ka soo jeedeen qoysas aan dhaqaale badan haysan. Waxay guryahooda ka tageen iyagoo aad u yar si ay u daba galaan riyadooda kubbadda cagta.

Messi wuxuu ka tagay Argentina isagoo 13 jir ah si uu ugu biiro Barcelona, halka Ronaldo uu ka tagay jasiiradda Madeira isagoo 12 jir ah si uu ugu wareego Lisbon. Labadooduba waxay la kulmeen murugada ka dhalata ka fogaanshaha qoysaskooda.

Waxa ugu weyn ee ay wadaagaan waa go'aankooda adag ee guusha iyo dadaalka joogtada ah. Waxay mar walba muujiyeen rabitaan ah inay horumar sameeyaan iyagoo aan muujin calaamado quus ama guuldarro.

Iyagoo da' yar ayay bilaabeen inay sumcad ku yeeshaan inay yihiin ciyaartoy hibo gaar ah leh oo ka duwan kuwa kale.

Dhanka kale, gudaha England, Ronaldo oo da'yar ayaa heshiis la saxiixday Manchester United FC, kadib markii uu ka soo wareegay Sporting CP kuna biiray garoonka Old Trafford.

Kadib, sanadkii 2008, intii lagu jiray wareegga nus-dhamaadka ee UEFA Champions League, Manchester United iyo Barcelona ayaa kulmay. Ronaldo iyo Messi ayaa markaas markii ugu horreysay iska hor yimid masraxa ugu weyn ee kubbadda cagta adduunka, taasoo noqotay bilowga loollan xukumi doona kubbadda cagta caalamka sannado badan.

Labadooduba waxay muujiyeen ciyaar heer sare ah, taasoo keentay in taageerayaasha kubbadda cagtu ay bilaabaan doodda ah: "Yaa fiican Messi iyo Ronaldo?" Dooddaasna ilaa maanta way sii socotaa.

Messi

Xigashada Sawirka, Getty Images

Kadib markii Cristiano Ronaldo uu ku biiray Real Madrid CF sanadkii 2009 lacag rikoor caalami ah ahayd waqtigaas oo gaareysay £80 milyan, isaga iyo Lionel Messi waxay sii xoojiyeen loollankoodii, kaas oo si weyn u saameeyay tartanka u dhexeeya Real Madrid iyo **FC Barcelona>.

Si kastaba ha ahaatee, markii Ronaldo uu ka tagay Real Madrid kuna biiray Juventus FC sanadkii 2018, isaga iyo Messi waxay horey u kala haysteen shan abaal-marin oo Ballon d'Or ah midkiiba.

Mudadii sagaalka sano ahayd ee ay ku wada sugnaayeen Spain, Ronaldo wuxuu dhaliyay 450 gool 438 kulan oo uu u saftay Real Madrid, halka Messi uu dhaliyay 471 gool 476 kulan oo uu u saftay Barcelona.

Waxay ahayd xafiiltan adag oo soo jiitay indhaha dunida oo dhan. Barcelona iyo Messi waxay si weyn u maamuleen tartanka La Liga, halka dhinaca UEFA Champions League ay Real Madrid iyo Ronaldo ka muujiyeen awood iyo guulo badan.

Sanadkii 2012, Ronaldo ayaa hoggaamiyay Real Madrid si ay ugu guuleysato horyaalka La Liga markii ugu horreysay muddo afar sano ah. Si kastaba ha ahaatee, Messi ayaa ku guuleystay Ballon d'Or markii afraad oo xiriir ah, arrin si weyn uga niyad-jabisay Ronaldo.

Markii dambe, Messi wuxuu ku guuleystay afar ka mid ah shantii Ballon d'Or ee xigtay, taas oo sii hurisay xafiiltanka u dhexeeyay labadan xiddig ee waaweyn kuwaas oo in ka badan toban sano maamulayay kubbadda cagta adduunka.

Inkastoo xafiiltankii u dhexeeyay Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo ee Spain uu dhammaaday markii Ronaldo uu u wareegay Juventus FC sanadkii 2018, haddana doodda caalamka ee ku saabsan yaa ka fiican Messi iyo Ronaldo weli ma joogsan.

Ronaldo ayaa markii dambe ku laabtay Manchester United FC, ka hor inta uusan ku biirin kooxdiisa hadda ee **Al Nassr FC> ee dalka Sacuudigaa.

Dhanka kale, Messi wuxuu u wareegay Paris Saint-Germain FC, kadibna wuxuu saxiixay Inter Miami CF oo ka ciyaarta horyaalka Major League Soccer, halkaas oo uu weli ka ciyaaro.

Saameynta ay ku yeesheen Spain iyo kooxaha cusub ee ay ku biireen waxay muujisay in doorkoodu aanu ku koobnayn oo keliya horumarinta kubbadda cagta, balse sidoo kale uu lahaa dhinac ganacsi iyo xayeysiin oo xooggan.

Sanadkii 2018, markii Ronaldo uu ku biiray Juventus, waxaa la iibiyey 520,000 funaanadood oo magaciisa wata 24 saacadood gudahood. Sidoo kale, sanadkii 2021 markii Messi uu ku biiray Paris Saint-Germain, waxaa la iibiyey 150,000 funaanadood toddobo daqiiqo gudahood.

Markii Manchester United ay dib ula soo wareegtay Ronaldo sanadkii 2021, dakhliga ka soo xarooday iibka funaanadihiisa wuxuu gaaray £187 milyan, ku dhowaad labanlaab lacagta laga helay funaanadaha Messi ee PSG.

Dhanka baraha bulshada, Ronaldo wuxuu leeyahay ku dhowaad 700 milyan oo ku xiran bartiisa Instagram, halka Messi uu lee taariikhda Instagram-ka waa kii Messi oo kor u haya koobka FIFA World Cup, kaas oo helay in ka badan 75 milyan oo "likes" ah.

Marka laga hadlayo dakhliga, Ronaldo ayaa sidoo kale hoggaaminaya liisaska dakhliga ciyaartoyda. Majalladda Forbes ayaa ciyaaryahanka reer Portugal u aqoonsatay ciyaaryahanka ugu mushaharka badan dunida afar sano oo xiriir ah, iyadoo dakhligiisu gaarayo $300 milyan (£223 milyan).

Messi ayaa galay kaalinta saddexaad isagoo helay $140 milyan (£104 milyan).

Xafiiltankooda waxaa sii xoojinaya inay matalaan laba shirkadood oo waaweyn oo dhanka qalabka ciyaaraha ah kuwaas oo si adag u tartama. Messi wuxuu xayeysiiyaa Adidas, halka Ronaldo uu xiriir la leeyahay Nike.

Sidoo kale, dad badan ma illoobi doonaan sawirkii caanka ahaa ee la qaaday ka hor 2022 FIFA World Cup, kaas oo Messi iyo Ronaldo lagu muujiyey iyagoo ciyaaraya shax dusha saaran boorso ay samaysay Louis Vuitton, si loo xayeysiiyo ololaha cusub ee shirkadda.

Laakiin waxa ugu muhiimsan ayaa ah in sheekadani aysan weli dhammaan. Haddii Argentina iyo Portugal ay ku kulmaan 2026 Koobka adduunka , dunidu waxay markhaati ka noqon kartaa cutubkii ugu dambeeyay ee mid ka mid ah xafiiltannadii ugu waaweynaa taariikhda kubbadda cagta.

Koobka Adduunka ee 2026 wuxuu ka dhici doonaa Mareykanka, Canada, iyo Mexico. Messi iyo Ronaldo mid kasta wuxuu ka qeyb geli doonaa tartankiisii lixaad ee weyn ee caalami ah, waxaana suuragal ah inuu noqdo kii ugu dambeeyay ee xirfaddooda.

Hase yeeshee, Messi wuxuu hore ugu guuleystay Koobka Adduunka sanadkii 2022 ee Qatar, waana koobka uu Ronaldo muddo dheer ku hamminayay inuu ku guuleysto. Su'aasha weli taagan ayaa ah: ma rumoobi doontaa riyadiisa ka hor inta uusan ka fariisan kubbadda cagta?