Sidee ayuu Marin-biyoodka Hormuz u noqday hubka ugu xoogga badan ee Iiraan?

Waqtiga akhriska: 6 daqiiqo

Ka dib dagaal socday 40 maalmood oo dhex maray Iran, Maraykanka, iyo Israa'iil, natiijo lama filaan ah ayaa soo baxday oo muujinaysa in kaarka ugu xooggan ee Tehran aysan ahayn awooddeeda nukliyeerka, balse uu yahay awooddeeda ay ku carqaladeyn karto marin- biyoodka istaraatiijiga ah ee Hormuz.

Bilowgiiba dagaalka, waxaa si ballaaran loogu arkayey inuu ahaa isku day lagu doonayay in lagu beddelo nidaamka xukunka Iran, iyadoo lagu fulinayo olole duqeyn culus oo lagu beegsanayo goobaha muhiimka ah iyo hoggaamiyeyaasha dalka.

Iran waxay kaga jawaabtay inay gantaallo iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ku garaacdo xulafada Maraykanka ee Khaliijka, balse markii uu dagaalku sii xoogaystay, waxay u weecisay dareenkeeda inay carqaladayso isu-socodka maraakiibta marta marin-biyoodka ciriirga ah ee isku xira Khaliijka suuqyada caalamka.

Tallaabadan ayaa si degdeg ah cadaadis weyn u saartay Maraykanka iyo xulafadiisa, kuwaas oo ku tiirsan socodka aan kala go'a lahayn ee shixnadaha saliidda iyo gaaska ee ka gudba marin-biyoodka.

Saraakiisha Ciidanka Ilaalada Kacaanka ayaa qirtay in adkaynta xakamaynta marin-biyoodkan muhiimka ah ay siin karto faa'iido istiraatiijiyadeed oo ka culus guulaha laga gaadhi karo sare u qaadista iska horimaadka milatari. Iyadoo Iran ay ku hanjabtay inay carqaladeyn karto sahayda tamarta caalamiga ah, waxay ku qasabtay Washington inay dib u eegto habkeeda, taasoo keentay in dib-u-furidda iyo sugidda ammaanka marin-biyoodka lagu daro shuruudaha muhiimka ah ee wada-hadallada xabbad-joojinta.

In kasta oo Iran ay dhowr jeer ku hanjabtay inay xiri doonto marinka haddii la weeraro, weligeed si buuxda looma xirin qaabkan oo kale, xitaa intii lagu jiray Dagaalkii Iran iyo Ciraaq (1980–1988), inkastoo maraakiibta saliidda la beegsaday, marinku waligiis lama xirin.

Qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha iyo saraakiisha Iran ayaa hadda ka doodaya mustaqbalka saamaynta dalku ku leeyahay Marinka, halka baarlamaanka Iran, gaar ahaan Guddiga Amniga Qaranka, uu diyaariyay soo-jeedin ah lacago lagu soo rogayo maraakiibta adeegsanaysa.

Xubin ka tirsan baarlamaanka ayaa soo jeediyay in Iran ay lacag dhan hal doollar ku soo rogto saddex foosto oo kasta oo saliid ah oo marinka ka gudbaysa.

Sawirka guusha

Warbaahinta dawladda Iran waxay isku dayday inay muujiso guul markii ay xabbad-joojintu dhacday. Safaaradda Iran ee Kuwait ayaa soo dhigtay muuqaal uu ku jiro Hoggaamiyihii hore ee Sare oo cinwaankiisu yahay "Markay timaado gargaarka Ilaahay iyo guushu," taas oo ka turjumaysa sheekada ka dhex jirta Iran ee ah in dalku uu si guul leh uga hor yimid cadaadisyadii dibadda.

Wakaaladda Wararka ee Fars ee dalka Iran ayaa sidoo kale werisay: "Qorshaha xabbad-joojinta ee Iran waxaa ku jira qaadista cunaqabataynta, bixinta magdhowga dagaalka, iyo bixitaanka ciidamada Maraykanka."

Saraakiil sare oo Iran ah ayaa sidoo kale taageeray hadalkan, iyadoo hadallada madaxweyne ku xigeenku ay dagaalka xabbad-joojinta u sawireen mid guul ah oo ka tarjumaya 'mabda'a Khamenei,' taas oo ah tixraac loo jeediyay Cali Khamenei, hoggaamiyihii hore ee sare ee Iran oo lagu dilay maalmaha hore ee dagaalka.

Isla macnahaas, Mohsen Rezaei, oo hore u ahaan jiray taliyaha Ilaalada Kacaanka isla markaana hadda la-taliye u ah Hoggaamiyaha Sare ee cusub ee Iran, ayaa ka digay in ciidamada Iran ay weli heegan sare ku jiraan isla markaana 'Keebka farta ku hayaan"

Balse sheegashadan guusha ah waxaa ka dambeeya xaqiiqo aad u nugul. Milatariga Iran waxa soo gaaray khasaare aad u baaxad weyn, dhaqaalihii dalkuna, oo markii horeba la dhibaataysnaa cunaqabataynta Maraykanka ee sannadaha badan socotay, ayaa sii xumaaday si weyn. Ugu yaraan 13 qof ayaa la daldalay intii uu iska horimaadku socday, kuwaas oo badankooda lagu eedeeyay basaasnimo, halka qaar kalena loo xiray dibad-baxyadii dalka oo dhan ka dhacay bishii Jannaayo.

Tallaabooyinkan waxay muujinayaan walaac aad u qoto dheer oo ka dhex jira nidaamka ku saabsan mucaaradnimada gudaha, iyadoo mas'uuliyiintu ay ku dhaqaaqayaan sidii ay dib ugu xoojin lahaayeen xakamaynta.

Dib-u-furista marinka waxay ahayd dalabka ugu weyn ee Maraykanka ka hor wada-hadallada nabadda, balse guusha laga gaarro arrintaas waxay u muuqataa mid aan hawl yarayn.

Iran ayaa ka digtay Arbacadii in maraakiibta ka gudba iyada oo aan oggolaansho ka helin Ciidanka Ilaalada Kacaanka "la beegsan doono, lana baabi'in doono."

Ku-xigeenka Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iran Saeed Khatibzadeh ayaa u sheegay BBC-da maalintii Khamiista in Iran ay "hubin doonto marin ammaan ah" oo laga helo marinka, kaas oo uu ku sifeeyay inuu ahaa mid "furan kumanaan sano" ilaa intii uu bilaabmay dagaalkii Maraykanka ee ka dhanka ahaa Iran.

Khatibzadeh wuxuu adkeeyay in Iran ay u hoggaansami doonto "xeerarka iyo sharciyada caalamiga ah," balse isla markaana wuxuu sheegay in marinku uusan ku jirin biyaha caalamiga ah, isla markaana marinka badbaadada leh uu ku xiran yahay "niyadsamida Iran iyo Saldanadda Cumaan."

Marin-biyoodkan waxaa uu hoos yimaada sharciga badda ee caalamiga ah iyo Axdiga Qaramada Midoobay ee Sharciga Badda, kuwaas oo ujeeddadoodu tahay in la xaqiijiyo maritaanka nabdoon ee maraakiibta rayidka ah.

Tusaale khatar ah

Haddaba, maxay Iran samayn kartaa ee xigta? Soo-jeedinta hortaalla baarlamaanka Iran ee ku saabsan xakamaynta marinka waxay ka kooban tahay sagaal qodob.

Mid ka mid ah qodobbada ugu muhiimsan ayaa dhigaya "in laga hortago adeegsiga marinka maraakiibta cadawga." Beddelkeedana, Iran waxay bixin doontaa adeegyo gudbin ah, iyadoo shirkadaha looga baahan yahay inay ku bixiyaan lacagta ay isticmaasho Iran, ayna yeeshaan akoon bangi oo Iran ah. Sidoo kale, maraakiibta waxaa lagu waajibin doonaa inay caddeeyaan xogta rarka ay sadaan.

Soo-jeedintani waa mid aad u adag, ilaa haddana looma codeyn.

Haddii Iran ay lacago ku soo rogto maraakiibta adeegsanaysa Marinka Hormuz, su'aasha ugu muhiimsan waxay noqon doontaa haddii Maraykanka iyo xulafadiisa reer Galbeedka iyo kuwa gobolkaba ay aqbali doonaan tallaabadaas. Falcelinnadii dhowaan waxay muujinayaan mucaaradad xooggan, maadaama xorriyadda socdaalka badda ay tahay mabda' saldhig u ah Maraykanka iyo saaxiibbadiis, nidaam kasta oo lacag lagu soo rogayana waxaa loo arki karaa tusaale khatar ah oo la bilaabay.

Haddii ay Iran ku guulaysato arrintan, waxay ka dhignaan doontaa guul weyn oo istiraatiiji ah iyo mid astaan u ah, taas oo muujinaysa awoodda ay u leedahay inay xakamayso mid ka mid ah marinnada badeed ee ugu muhiimsan adduunka.

Balse khatartu waxay ku jirtaa xaqiiqada ah in tallaabadan oo kale ay dhabar-jab ku noqon karto Iran, iyadoo midayn karta xulafada Maraykanka, dalalka NATO, iyo quwadaha gobolka si ay uga hor yimaadaan Iran, taas oo horseedi karta falcelinno isku-duuban oo dhinaca diblomaasiyadda, dhaqaalaha, ama xataa milatariga ah.