You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Wax ka ogow taariikhda faneed ee fannaanadda Shankaroon
Ilaaheey ha u naxariistee waxa dalka Maraykanka ku geeriyootay fannaanaddii Soomaaliyeed ee caanka ahayd ee hoballada Waaberi Shankaroon Axmed Yuusuf (Sagal). Shankaroon waxa ay waayadan danbe ku nooleyed dalka Maraykanka halkaas oo geerideeda ka hor ay ku xanuunsaneyd sida lasoo weriyay.
Shankaroon Axmed Yuusuf, waxa ay fanka kusoo biirtay sanadkii 1970meeyadii sida ay BBCda u sheegtay Khadiijo Foodeey.
Haddaba waxa aan Taariikhda faneed ee shankaroon ka wareysanay oo ay Khadiijo Foodeey Nuur oo ay fanka kasoo wada shaqeeyeen.
Khadiijo Foodeey waxa ay sheegtay in Shankaroon ay ahayd fanaanad af gaaban oo ay fankeeda iyo heesaheedaba ay Soomaali oo dhan ay wada taqaan. " aniga iyo iyadu waxa aan wada deganayn guryihii fanaaniinta la siiyay ee Xamar Bile" ayeey tiri Khadiijo Foodeey.
Khadiijo oo ka sheekeeyneysa sida ay fanka ugusoo biirtay waxa ay sheegtay in iyaga oo riwaayad ka qaaday magalaada Muqdisho, riwaayaddaas oo lagu magacaabo Wad iyo Wacad ayna geeyeen magaalooyinka Hargeysa iyo Boorama, ayaa iyagoo Boorama jooga oon aan weli arkin Shankaroon loo keenay cajalad ay kusoo heestay Shankaroon, taas oo ay dhageysteen codkeeda iyo heesaheeda ayna isla garteen in ay cod macaantahay halkaasina ay isku raaceen in ay fanka anfaceyso, iyada oo abwaanadii la socday markaasi ay ka mid ahaayeen Maxamed Cali Kaariye .
"Maxamed Cali Kaariye ayaa soo jeediyay in Shankaroon la qoro, oo ay Muqdisho ugu timaado" ayeey tiri Khadiijo Foodeey iyagoo sheegay in ay u baahanyihiin markii ay codkeeda dhageysteen.
" Markii aan dhageysanay codkeeda macaan ee halaasiga ah, waxa la isku raacay in aan qorano" ayeey tiri Khadiijo oo intaas ku dartay in ay xilligaasi koox ahaan ahaayeen Xoogga Dalka.
Markii ay fanka kagasoo biirtay magaalada Hargeysa waxa ay usoo wareegtay magaalada Muqdisho oo ay ku biirtay kooxdii Xoogga Dalka.
Mar aan weeydiinay Khadiijo Foodeey in Shankaroon ay ku dhameysatay fankeeda Xoogga Dalka iyo in ay kooxo kale usoo wareegtay waxa ay sheegay in markaas ka dib kooxdii Xoogga dalka iyo kooxdii Raadiya Muqdisho la isku daray loona bixiyay Waaberi, Shankaroonna ay sidaas uga mid ahayd kooxda Waabari.
Markii la isku daray labada kooxood ee loo bixiyay Waaberi waxa la geeyay Tiyaatarka Qaranka halkaas oo ay kooxda Waaberi ka howlgalaysay.
Shankaroon waxa ay ka qeeyb gashay riwaayado badan iyo barnaamijyo badan oo ay soo wada dhigeen fanaaniinta ay fan wadaagga ahaayeen. " waxa ay sidoo kale ka qeybagashay munaasabado badan sida musaabaddii Oktoobar iyo kuwa kale" ayeey sheegtay Khadiijo Foodeey.
"Inta badan abwaanada waaweyn ayaa u dhiibay heeso kuwaas oo ay qaaday anoon hadda tiri karin caddakooda "ayeey tiri Khadiijo Foodeey.
Riwaayado ay kala allifeen, Abwaan Xasan Qawdhan, Maxamed Aadan Dacar, Maxamed Cali Kaariye, ayey qayb ka ahayd.
Mar aan wax ka weeydiiyay Khadiijo Foodeey dabeecadahii, Ilaahey ha u naxariistee ee ay Shankaroon lahayd, waxa ay sheegtay in ay ahayd " qof hab dhaqan wanaagsn oo iyado iyo qof kale aan weligeed la kala celin" iyadoo intaas ku dartay in ay ahayd qof afgaaban oo fanaaniinta si wanaagsan ula dhaqanta.
Geerideeda ka hor ayey sheegtay in ay maqashay xanuunkeeda iyadoo Maraykanka joogta " anaga waxa aan leenahay bar kulan lagu magacaabo "Kulanka Waaberi" halkaas oo aan ku wada hadalno oo aan iska wareysano , ha loo duceeya ayaa la yiri halkaas ayaan uga duceeynay kadibna teedii ayaa gashay oo geerideedii ayaa naloosoo sheegay" ayey tiri Khadiijo Foodeey.
Markii ay Muqdisho Fanka ka bilowday waxa ay kasii shaqeeynaysay oo ay joogtay magaalada Muqdisho .
Abwaan Maxamed Cali kaariye oo ka mid ahaan fanaanatii soo jeediyay in fanka loo qoro Shankaroon "ayey markii danbe is guursadeen in kasta oo markii danbe ay kala tageen oo uu calafku kala geeyeey" sida ay BBCda u sheegtay Khadiijo Foodeey oo intaas ku dartay in Kaariye inta badan heesihiisa ay ku socdeen iyada jacaylkeeda. " waxana ka mid ahayd hees aan anigu qaado oo la yiraa Haba Baran lahaydaa" ayey Khadijo Foodeey u sheegtay BBCda.
Naxariistii Janno Ilaaheey ah ka waraabiya Shankaroon Axmed Yuusuf (Sagal).