Wasaaradda Waxbarashadu Iiraan oo shaacisay tirada macallimiinta iyo ardaydii lagu dilay dagaalka
Wasaaradda Waxbarashada ee Iiraan ayaa sheegtay in tirada ardayda iyo macallimiinta lagu dilay dalka intii uu socday dagaalka Mareykanka iyo Israa’iil ay gaartay 344 qof.
Tiradan la shaaciyay, 277 qof waxay ahaayeen arday, halka 67 ay ahaayeen macallimiin.
Wasaaraddu waxay sidoo kale sheegtay in 857 dugsi ay waxyeello soo gaartay ama gebi ahaanba la burburiyay tan iyo markii uu dagaalku bilowday.
Weerarkii lagu qaaday dugsiga Shajare Tayyiba ee ku yaalla magaalada Minab subaxnimadii Sabtida, 29-ka Maarso, qiyaastii afar saacadood kadib markii ay bilaabmeen duqeymaha cirka ee Mareykanka iyo Israa’iil ee Iiraan, ayaa noqday mid ka mid ah arrimaha ugu muranka badan tan iyo bilowga dagaalka, wuxuuna dhaliyay cambaareyn ballaaran.
Weerarkaasi wuxuu sababay dhimashada tobanaan arday.
Inta badan dadka dhintay waxay ahaayeen arday wiilal iyo gabdho ah oo da’doodu u dhaxaysay 7 ilaa 12 sano.
Macallimiin dhowr ah iyo waalidiinta ardayda ayaa sidoo kale lagu dilay weerarka.
Wasaaradda Waxbarashada ayaa ku dhawaaqday in tirada guud ee macallimiinta iyo ardayda lagu dilay dagaalka ay tahay 344.