You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Maxay raga mayalka adag ee hugaamiya Iran uga xanaaqsan yihiin xabad joojintii lala galay Maraykanaka?
- Author, Kasra Naji
- Role, Special correspondent, BBC News Persian
- Waqtiga akhriska: 3 daqiiqo
Maalmo ka hor, kooxaha mayalka adag ee jamhuuriyadda Islaamiga ah ayaa magaalada Tehraan suray boor aad u wayn mid ka mid ah isgoysyada ugu mashquulka badan ee caasimadda Iran.
"Marinka Hormuz wuxuu ahaan doonaa mid xiran," ayaa lagu dhawaaqay.
Tan waxaa loola jeeday in lagu muujiyo amar ka soo baxay Hogaamiyaha Sare ee cusub ee Iran, Mojtaba Khamenei, kaas oo aan lagu arag meel fagaare ah tan iyo markii loo magacaabay hogaamiyaha bishii hore.
Balse calankaas ayaa laga yaabaa in hadda la dejiyo ka dib markii Iran ay ogolaatay xabbad joojin laba toddobaad ah iyo dib u furista marin biyoodka sida ay codsatay Pakistan, oo dhexdhexaadinaysay Maraykanka iyo Iran.
Arrinkaas ayaa dhaqan galay inkasta oo Iran ay marar badan sheegtay in aysan aqbali doonin xabbad joojin ku meel gaar ah oo ay doonayso in si joogto ah loo joojiyo dagaalka Maraykanka iyo Israa'iil ee Iran.
Kuwa mayalka adag kuma faraxsana. Waxay ku dhiiradeen in Iran ay xirto marin biyoodka oo ay dhibaato u geysato wadamada Khaliijka oo haysta gantaalada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn – iyagoo ku adkeysanaya in Iran ay ahayd inay sii wado dagaalka maadaama ay iyadu gacanta sare ka lahayd Maraykanka iyo Israel.
Wararka ka imaanaya Tehran ayaa sheegaya in ay dab qabadsiiyeen calamada Mareykanka iyo Israa'iil kadib markii lagu dhawaaqay heshiiska xabad joojinta Talaadadii.
Koox ka tirsan maleeshiyaatka mutadawiciinta ah ee Basij oo ay gacanta ku hayaan ciidamada ilaalada kacaanka islaamiga ah ayaa saqdii dhexe ee xalay u dhaqaaqay dhanka wasaarada arimaha dibada si ay uga soo horjeestaan go'aankan.
Dhowr saacadood ka dib, tifaftiraha wargeyska mayalka adag ee Kayhan ayaa qoray in oggolaanshaha xabbad joojinta ay "hadiyad u ahayd cadowga", taas oo u oggolaanaysa inay dib u soo celiso oo ay sii wado dagaalka.
Go'aanka ay ku aqbaleen codsiga Ra'iisul Wasaaraha Pakistan Shehbaz Sharif iyo taliyaha ciidamada ayaa waxaa gaaray Golaha Sare ee Amniga Qaranka (SNSC) – oo ah hay'adda ugu sareysa ee go'aan ka gaarista Iran oo hoos timaada hogaamiyaha ugu sarreeya, kaas oo uu madax u yahay madaxweynaha qunyar socodka ah Masoud Pezeshkian.
SNSC waxay ku dhawaaqday in ay suurtagal noqon karto in la maro marin biyoodka Hormuz muddo laba toddobaad ah si ay xabbad-joojin uga helaan Maraykanka iyo Israa'iil, halka Washington iyo Tehraan ay wadahadleen.
Wararka ayaa sheegaya in Shiinuhu uu kaalin mug leh ka qaatay ku qancinta Iran, oo ah saaxiibka dhow, inay ogolaato codsiga Pakistan.
Nafis kumeel gaar ah
Iran ayaa burbur weyn kasoo gaaray dagaalka socday 40-ka maalmood.
In ka badan 3,000 oo qof ayaa la dilay, sida ay sheegeen dadka u dhaqdhaqaaqa xuquuqda aadanaha, waxaana madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu ku hanjabay dhimasho iyo burbur kale oo intaas ka sii badan.
Xataa kuwa mayalka adag dhexdooda, waxa caddaatay in dariiq laga baxo ay ahayd in la helo ka hor inta aan la burburin kaabayaasha muhiimka ah ee Iran.
Saacado uun ka hor inta aan lagu dhawaaqin xabbad joojinta, ayuu madaxa mayalka adag ee maxkamadda sare, Gholamhossein Mohseni Ejei, u sheegay TV-ga qaranka Iran in Iran ay raadinayso joojinta dagaalka iyada oo weli gacanta sare leh.
Waxa uu si weyn ugu celcelinayay wixii uu wasiirkii hore ee arrimaha dibadda ee dalkaas Mohammad Javad Zarif, oo qunyar socod ah, uu maalmo ka hor ku qoray maqaal ku soo baxay daabacaadda Mareykanka ee arrimaha dibadda.
Golaha SNSC ayaa heshiiska xabbad joojinta ku tilmaamay guul u soo hoyatay Iran, isagoo ugu baaqay taageerayaasha nidaam iyo inay midoobaan.
Sida laga soo xigtay warbaahinta Iran, afhayeenka baarlamaanka, Mohammad Bagher Ghalibaf, ayaa hogaaminaya wafdiga Iran ee wadahadalka kula leh Mareykanka Islamabad, isaga oo si toos ah ula xaajoonaya madaxweyne ku xigeenka Mareykanka JD Vance.
In kasta oo ay xabbad-joojintu dhacday, Iiraan iyo Maraykanku waxay weli ka fog yihiin nabad waarta.
Waxaa laga yaabaa in dagaalku dib u bilaabmo haddii wada hadalku burburo. Taasi waa rajada qaar ka mid ah Iiraaniyiinta taageeraya dagaalka.