You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Sidee Pakistan ugu suuragashay in ay xabad-joojin dhex dhigto Iran iyo Maraykanka?
Saacado ka hor inta aan lagu dhawaaqin xabbad joojinta labada toddobaad ah ee Iran iyo Mareykanka, waxaa jiray calaamado yar yar oo rajo ah oo ka yimid Pakistan.
ilo Pakistani ah oo aan magacooda shaacin ayaa BBC u sheegay in wada-hadallada ay ku sii socdeen "xawaare", iyada oo Pakistan ay ka shaqaynaysay dhexdhexaadinta Iran iyo Maraykanka.
Dadka ka socday dhinaca Pakistan waxa ay ka koobnaayeen "koox yar" jawiguna waxa uu ahaa "mid daran oo halis ah, laakiin weli rajo leh in joojinta dagaalka ay natiijada soo baxda noqon doonto. Saacado yar ayaa harsanaa." Isha ayaa sheegtay in aanay qayb ka ahayn kooxdaas yar ee howsha loo xilsaaray.
Pakistan waxay u dhaqantay sidii dhexdhexaadiye u dhexeeya Iran iyo Maraykanka dhawrkii toddobaad ee la soo dhaafay, iyada oo kala gudbinaysay farriimaha labada dhinac. Waxay xiriir taariikhi ah la leedahay Iran, xuduud ayay la wadaagtaa waxayna si joogto ah u tixraacdaa xiriirka "walaaltinimo" ee ay la leedahay dalka.
Dhanka xiriirka Mareykanka, Madaxweyne Trump wuxuu ku tilmaamay madaxa ciidamada Pakistan, Field Marshall Asim Munir, inuu yahay mid "uu jecel yahay" Field Marshall, wuxuuna sheegay inuu Iran ka yaqaan "wax ka badan inta dadka kale ogyihiin".
Heshiis in la galo niyad lagumahayn. Isagoo ka hadlayay baarlamaanka habeenkii talaadada, wasiirka arrimaha dibadda Pakistan Isxaaq Dar ayaa yiri: "Ilaa shalay waxaan aad ugu rajo weynahay in arrimuhu ay u socdaan jihada wanaagsan," ka hor inta aysan Israa'iil weerar ku qaadin Iran Isniintii, Iranna ay weerartay Sacuudi Carabiya.
Pakistan waxa uuay sheegtay in "ay wali isku dayayso in ay wax maamusho intii suurtagal ah".
Field Marshall Munir xitaa aad buu u naqdiyay. Isagoo la hadlayay saraakiisha ciidamada Talaadadii, wuxuu sheegay in weerarka lagu qaaday Sacuudi Carabiya "ay xumeynayaan dadaallada daacadda ah ee lagu xallinayo khilaafka qaab nabadeed".
Tani waxa ay ahayd qaar ka mid ah luuqadii ugu xooganeed ee Pakistan u adeegsato Iran tan iyo markii uu dagaalku bilaabmay.
Falanqeeyayaasha qaar ayaa soo jeediyay in tani ay sii kordhin karto cadaadiska Iran. Pakistan waxa ay heshiis difaac ah la gashay Sucuudiga, kaas oo aan hadda loo baahan, inkasta oo marar badan la weeraray Sucuudiga.
Kadib saqdii dhexe ee xalay gudaha Pakistan, Ra'iisul Wasaaraha dalka ayaa ku daabacay barta X in "dadaal diblomaasiyadeed… uu u socdo si isdaba joog ah, xoog leh oo awood leh iyadoo suurtagal ay tahay in ay horseedaan natiijooyin la taaban karo mustaqbalka dhow", wuxuuna ka codsaday madaxweyne Trump inuu ku kordhiyo waqtiga kama dambaysta ah laba toddobaad iyo in Iran ay furto marinka Hormuz isla muddadaas.
Safiirka Iran ee Pakistan, Reza Amiri Moghadam, ayaa ku daabacay X 03:00 wakhtiga maxaliga ah in ay jirtay "tallaabo hore loogu qaaday marxalad xasaasi ah".
Wax yar ka hor 05:00, Ra'iisul Wasaaraha Pakistan ayaa ku dhawaaqay in xabbad joojin la isku afgartay, wuxuuna ku casuumay labada dhinac inay ku kulmaan Islamabad Jimcaha, 10-ka Abriil si "wada xaajood dheeraad ah looga gaaro heshiis dhameystiran".
"Weli aad baa naloo ixtiraamaa," Ilaha Pakistan ayaa u sheegay BBC. Ilaa hadda ma jirto wax kalsooni ah oo ka dhaxeeya labada dhinac, iyadoo mawqif adag ay ka taagan yihiin.
Iyadoo laga yaabo in Pakistan ay weli labadaba ku martigeliso miiska wadahadalka su'aashu waxay tahay maxay heli karaan oo ay ku heshiiyaan.