Sawirro: Maamuuska Boqortooyada iyo Boqornimada Charles

Catherine, William, Harry iyoMeghan
Published

Dadki tirada badnaa ee isugu yimid qalcadda weyn ee Windsor Castle si ay Boqoradda greeriyootay ixtiraam ugu muujiyaan, waxaa la yaab ku noqotay marki albaabka qasriga laga galo ay ka soo muuqdeen William iyo Catherine, Amiirka cusub iyo Amiirada Wales, oo ay wehliyaan Amiir Harry iyo Meghan.

Si wadajir ahna waxay u maamuseen boqoradda ugu muddada dheereed ee geeriyootay iyo dadki kale oo halkaa ku sugnaa.

Muddo ka badan laba sano waa marki ugu horreysay oo meel fagaara ah lagu arko afartooda oo wada socota.

Amiir William oo salaamaya dadki isugu yimid qalcadda weyn ee Windsor Castle
Amiir Harry oo dad ku salaamaya mar uu ka soo baxay qalcadda weyn ee Windsor Castle
Amiirad Catherine oo qalcadda weyn ee Windsor Castle dad ku salaameysa
Megan oo qalcadda weyn ee Windsor Castle dad ku salaameysa

Crathie Kirk, oo ah kaniisad u dhow Balmoral ee Scotland, saddexda carruurta ee boqoradda, Amiirad Anne, Amiir Andrew iyo Amiir Edward, ayaa ka mid ahaa xubnaha qoyska ee daawaday ubax sharafeed halkaa la dhigay.

Amiir Eugenie, Amiirad Zara oo daawanaya ubax sharafeedka
Louise Windsor (Midig) Amiiradda York ee Beatrice (Bidix) iyo Sophie, oo daawanaya ubax sharafeedka halkaa la dhigay

Afarta gabdhood oo ay Boqradda ayeyda u tahay Zara Tindall, Amiirad Beatrice iyo Eugenie iyo Louise windsor, iyo wiilka ugu yar ilmaha ay ayeyda u tahay Peter Phillips ayaa sida oo kale booqashada ku wehliya.

Louise oo ubax ku daawaneysa qalcadda Balmoral Castle

Horaantii maalintaas, Boqor Charles III ayaa si rasmi ah loogu dhawaaqay inuu boqor yahay, ka dib marki ay Khamiistii geeriyootay hooyadii, Boqorad Elizabeth II..

Boqor Charles III oo khudabaddiisi ugu horreeyey jeediyey

Boqor Charles xilli uu Qasriga St James uu kula kulmay guddiga xilwareejinta wuxuu sheegay inta noloshiisa ka dhiman inuu boqortooyada u adeegayo.

Khudbadiisa wuxuu ku amamanay boqoradda geeriyootay isaga oo sheegay "qasaaraha geerida boqoradda ka soo gaaray iney tahay mid aad u weyn."

Boqor Charles III

Waxaa boqorka munsabadii Sabtidi dhacday ku garab joogay boqorad Camilla iyo dhaxal-sgaha Amiir William.

Amiir William Amiirka Wales (Bidix), Camillaa xaaska Boqoradda (Dhexda) iyo Boqor Charles III (Midig)

Munaasabadda waxaa goob joog u ahaa hoggaamiyeyaal siyaasadeed oo ay ka midtahay Ra'isal wasaare Liz Truss, oo xilka loo magacaabay horraantii toddobaadkan.

Waxaa kale oo xubnaha goob joogga u ahaa munaasabaddaasi waxaa ka mid ah hoggaamiyaha xisbiga Labour Keir Starmer oo ay wehliyaan Raysal wasaarayaashi hore Gordon Brown, Boris Johnson, David Cameron, Theresa May iyo John Major.

Hoggaamiyeyaasha siyaasadeed

Shaacinta Boqorka cusub waxaa saxiixay mas'uuliyiin sarsare uu ka mid ahayd madaxweynaha golaha xil wareejinta Penny Mordaunt iyo wasiirka koobaad ee Scotland Nicola Sturgeon.

Madaxweynaha golaha xil wareejinta Penny Mordaunt oo Axdiga saxiixeyso
Wasiirka koobaad ee Scotland Nicola Sturgeon oo saxiixeysa oo axdiga saxiixeyso
Munaasabadda oo Boqorka si rasmi ah ugu dhawaaqayo
Munaasabadda Boqornimada Bor Charless III lagu shaacinayo

Kooxda Babmayda boqortooyada oo salaan sharaf bixinaya.

Kooxda Babmayda boqortooyada oo salaan sharaf bixinaya.

Shacab dibadda qasriga ku soo uruuray oo dhageysanaya shaacinta Boqorka.

Shacab dibadda qasriga ku soo uruuray oo dhageysanaya shaacinta Boqorka.

Marki lagu dhawaaqay Boqornimada Boqor Charles III waxaa loo riday madaafiic boqorka lagu maamuusayo.

Marki lagu dhawaaqay Boqornimada Boqor Charles III waxaa loo riday madaafiic boqorka lagu maamuusayo.

Shaacinta labaad waxaa laga akhriyey isgoyska boqortooyada oo ku yaalla magaalada London.

Dad ku sugan afaafka goobta lagu shaacinayey
Marki lagu dhawaaqay Boqornimada Boqor Charles III waxaa loo riday xabbado boqorka lagu maamuusayo.
Bannaaka kore ee qasriga Boqortooyada

Munaasabadda shaacinta kaddib Boqor Charles III wuxuu ku laabtay qasrika Buckingham. Caleema-saarka rasmiga ee boqorka waxaa laga yaabaa inuu wakhti dheer qaadan, 16 bilood ayaana ka soo wareegtay dhimashadii Boqorad Elizabeth II uu caleemo saarkeedu ahaa June 1953.

Boqor Charles III oo gaaray qasriga Buckingham