Puntland oo Turkiga ku eedeysay duqeymaha ka socda xeebaheeda

Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images; naqshadeynta: BBC
- Author, Abdinasir Ali
- Role, BBC Somali
- Reporting from, Nairobi, Kenya
- Published
- Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo
Puntland ayaa Turkiga ku eedeeysay inuu ka dambeeyo duqeymo aan weli cidina sheegan oo maalmihii lasoo dhaafay ka dhacay xeebaha gobolka Nugaal, kaddib markii burcad-badeed Soomaali ahi afduubteen markabka M/V Lutuf.
Cabdiraxmaan Yuusuf Dujaana, oo ah wasiir ku-xigeenka amniga Puntland, ayaa wareysi uu siiyay BBC Newsday iyo BBC Somali ku sheegay in Puntland ay Turkiga ku eedeyneyso duqeymahaas.
Waxa uu sidoo kale ku eedeeyay dowladda federaalka Soomaaliya inay qeyb ku leedahay waxa socda.
Cabdiraxmaan Yuusuf uma uusan soo bandhigin BBC-da caddeyn si madax-bannaan u xaqiijineysa cidda fulisay duqeymaha, mana jirto illaa hadda dowlad, ciidan ama koox si rasmi ah u sheegatay mas'uuliyaddooda.
"Anagu burcad-badeed waan la dagaallameynaa, laakiin qofku xuquuq buu leeyahay. Qofka la iska ma dili karo," ayuu BBC-da u sheegay.

Xigashada Sawirka, Abdirahman Yusuf Dujana
Duqeymaha ayaa billowday kaddib markii burcad-badeeddu 17-kii Agoosto afduubteen markabka M/V Lutuf oo ku gooshayay calanka Cameroon.
Sarkaal Soomaali ah ayaa wakaaladda wararka AP u sheegay in markabku siday hub laga keenay Turkiga iyo qalab isgaarsiin iyo dayax-gacmeed, kuwaas oo ku sii jeeday xarun tababar milatari oo Turkigu ku leeyahay Muqdisho.
Burcad-badeedda ayaa markabka iyo shaqaalihii saarnaa u soo jiheeyay xeebaha gobolka Nugaal.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
18-kii Agoosto, afar qof ayaa lagu soo warramay inay ku dhinteen, laba kalena ay ku dhaawacmeen duqeyn ka dhacday agagaarka Garmaal, kaddib markii doon yar ay xeebta kusoo laabatay iyadoo kasoo laabatay dhinaca markabka la afduubtay.
Wararkii hore qaarkood ayaa dadka dhintay ku tilmaamay rag looga shakisan yahay burcad-badeednimo.
Eheladooda iyo qaar kamid ah dadka deegaanka ayaa taas beeniyay, iyagoo sheegay in qaar kamid ah dadka dhintay ay ahaayeen kalluumeysato.
23-kii Agoosto ayaa duqeyn kale oo dhimasho sababtay laga soo sheegay deegaanka Jiifle ee degmada Godob-Jiraan.
Duqa degmada ayaa BBC Somali u sheegay in sagaal qof lagu dilay duqeyntaas.
Qof deegaanka ah oo goobta tegay ayaa BBC-da u sheegay inuu arkay siddeed meyd oo si xun u gubtay. Waxa uu sheegay in qaar kamid ah dhalinyarada doonta saarneyd deegaanka looga yaqaanay kalluumeysato, hase yeeshee uusan xaqiijin karin sababta ay badda ugu jireen iyo in dhammaan dadka saarnaa ay xiriir la lahaayeen burcad-badeedda.

Xigashada Sawirka, Anadolu via Getty Images
Markabka M/V Lutuf ayaa la sheegay in maalmo kahor loo soo wareejiyay dhinaca deegaankaas.
Illaa hadda cidina ma sheegan mas'uuliyadda labada duqeyn.
Mar ay BBC horay wax uga weydiisay Turkiga eedeymaha madaniga ah ee la xiriirinayay duqeymaha, sarkaal ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga ayaa sheegay in Ankara aysan wax xog ah ka hayn weerarradaas.
Hadda, Cabdiraxmaan Yuusuf oo Puntland metelaya ayaa si toos ah Turkiga ugu eedeeyay duqeymahaas.
"Caddeymo waan haynaa," ayuu yiri, isagoo sheegay in Puntland ay hayso xog la xiriirta dhaqdhaqaaqyada Turkiga ee markabka iyo xeebaha ku hareeraysan.
BBC-du si madax-bannaan uma xaqiijin karto eedeymahaas.
Hadalkiisa ayaa kusoo beegmaya xilli su'aalo kale laga qabo waxa dowladda federaalka Soomaaliya ay ka ogtahay howlgallada.

Xigashada Sawirka, Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed
22-kii Agoosto, wasiiru-dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, Cumar Cali Cabdi, ayaa warbaahinta maxalliga ah u sheegay in dowladda federaalka ay ka warqabto howlgallo milatari iyo duqeymo ka socda xeebaha Puntland.
Waxa uu sheegay in dowladda ay diyaarineyso "warbixin dhameystiran".
Cumar Cali Cabdi ayaa sidoo kale sheegay in haddii howlgal milatari oo ka dhan ah burcad-badeedda laga fulinayo xeebaha Soomaaliya, dowladda federaalka ay tahay maamulka sharci ahaan mas'uulka ka ah fasaxa howlgalkaas.
Ma uusan sheegin cidda fulineysa duqeymaha.
Sidaas darteed waxaa weli taagan su'aalo muhiim ah: yaa duqeymaha fulinaya, dowladda federaalku ma iyadaa amartay kuwaan hadda socda, maxaase dedaal ah oo laga sameeyay ilaalinta nolosha dadka rayidka ah?
Cabdiraxmaan Yuusuf ayaa sheegay in khilaafka siyaasadeed ee Puntland iyo dowladda federaalka uu adkeeyay dagaalka ka dhanka ah burcad-badeedda.
Waxa uu dowladda federaalka ku eedeeyay inay ku lug leedahay arrimaha socda, balse wax caddeyn madax-bannaan oo lagu xaqiijin karo uma uusan soo bandhigin BBC-da.
Waxa uu sidoo kale sheegay in Puntland ay baareyso shabakado dambiilayaal ah kuwaas oo uu sheegay inay taageeraan burcad-badeedda.
Waxa uu sheegay in Puntland ay qabatay dad dibadda ka yimid oo watay qalabka GPS-ka iyo kombiyuutarro loo adeegsanayay la socodka maraakiibta boqollaal mayl u jirta xeebaha.
Mar la weydiiyay in Al-Shabaab ama kooxda isku magacawda Dowladda Islaamka ee IS ay xiriir la leeyihiin burcad-badeedda, waxa uu sheegay in Puntland aysan hadda hayn caddeyn si toos ah kooxahaas ugu xiriirineysa dhacdooyinka socda.
Inkasta oo ay Puntland ka cabaneyso duqeymaha, waxay ay sidoo kale sheegtay inay sii xoojin doonto dagaalka ka dhanka ah burcad-badeedda.
Cabdiraxmaan Yuusuf ayaa sheegay in Puntland ay leedahay ciidamo iyo qalab ay burcad-badeedda kula dagaallami karto berriga iyo baddaba, balse howlgalladu ay adkaanayaan maadaama shaqaalahii maraakiibta afduub ahaan loo haysto.
"Dadka ay afduubka u haystaan waa in aysan wax dhibaato ahi soo gaarin," ayuu yiri.
Waxa uu dalbaday taageero caalami ah oo dhinaca badda ah, isagoo xusay iskaashigii hore ee Puntland iyo ciidamada badda ee caalamiga ah xilligii hore ee dagaalka burcad-badeeddu cirka isku shareeray.
BBC-du waxay jawaab iyo faahfaahin dheeraad ah ka dalbatay Safaaradda Turkiga ee Muqdisho iyo xafiiska saraakiisha ciidamada Turkiga.
BBC-du waxay sidoo kale la xiriirtay Wasaaradaha Gaashaandhigga iyo Warfaafinta ee dowladda federaalka Soomaaliya, iyadoo weydiisay cidda fulineysa duqeymaha, in dowladda federaalku amartay iyo jawaabta ay ka bixineyso eedeymaha Puntland.












