Waxa aan ka ognahay shilka diyaaradeed ee ka dhacay Sacuudiga

Muuqaal guud oo laga qaaday warshadda sifaynta shidaalka ee Raas Tanuura iyo xarunta shidaalka ee shirkadda Aramco ee Sacuudiga

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Muuqaal guud oo laga qaaday warshadda sifaynta shidaalka ee Raas Tanuura iyo xarunta shidaalka ee shirkadda Aramco ee Sacuudiga
Published
Waqtiga akhriska: 3 daqiiqo

Ilaa 14 muwaadiniin Sacuudi ah ayaa Axaddii ku geeriyooday shil ay ku burburtay diyaarad qumaatiga u kacda oo ay leedahay shirkadda shidaalka ee Aramco, kaas oo ka dhacay Raas Tanuura, bariga Boqortooyada Sacuudiga, sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka Sacuudiga ee rasmiga ah.

Wakaaladdu waxay intaas ku dartay in dhammaan rakaabkii saarnaa diyaaradda ay ku dhinteen shilka.

Waxay sidoo kale sheegtay in baaritaanno ay socdaan, iyadoo ay ka qayb qaadanayaan hay'adaha ay khusayso, si loo ogaado sababta keentay in diyaaraddu soo dhacdo ayna burburto.

Riyaad ma aysan sheegin wax caddeyn ah oo muujinaysa in shilka uu ka dhashay fal cadowtinimo, inkastoo tan iyo Khamiistii ay dib u soo cusboonaadeen is-weydaarsiga duqeymaha u dhexeeya Iiraan iyo Maraykanka ee gobolka Khaliijka.

Shirkadda Aramco ayaa Jimcihii dib u billowday hawlihii rarista shidaalka cayriin ee dekedda Raas Tanuura, kaddib hakad socday ku dhowaad afar bilood.

Wakaaladda Wararka Sacuudiga waxay sheegtay in shilku dhacay saacaddu markay ahayd lixda subaxnimo waqtiga maxalliga ah (03:00 GMT), iyadoo aan la bixin faahfaahin dheeraad ah.

Sacuudiga ayaa ku biiray dalalka Bariga Dhexe ee soo saara shidaalka, kuwaas oo isu diyaarinayay inay kordhiyaan dhoofinta shidaalka iyo gaaska muddadii ka horreysay heshiiskii ku-meel-gaarka ahaa ee dhex maray Maraykanka iyo Iiraan ee lagu joojinayay dagaalka.

Shilalka noocan oo kale ah ayaa loo arkaa kuwo aad dhif u ah.

Astaanta shirkadda Aramco ee Boqortooyada Sacuudiga

Xigashada Sawirka, Reuters

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Sida ay sheegtay Aramco, shirkaddu waxay maamushaa ciidan diyaaradeed oo ka kooban in ka badan 60 diyaaradood, oo ay ku jiraan diyaaradaha qumaatiga u kaca, kuwaas oo u adeega in ka badan 300 garoon oo ay diyaaradaha qumaatiga u kaca ka degaan gudaha Boqortooyada Sacuudiga. Tani waxay ka dhigaysaa mid ka mid ah ciidamada diyaaradaha gaarka loo leeyahay ee ugu waaweyn gobolka.

Aramco waxaa la aasaasay sannadkii 1933, markii Sacuudigu heshiis la galay shirkaddii Maraykanka ee Standard Oil (oo markii dambe noqotay Chevron), oo xarunteedu ahayd gobolka California, si ay uga baarto ugana soo saarto shidaalka gudaha Sacuudiga.

Shirkaddu waxay qaadatay magaca Aramco sannadkii 1944, waana soo gaabinta magaca Arabian American Oil Company. Lahaanshaha shirkadduna si tartiib tartiib ah ayuu ugu wareegay dowladda Sacuudiga ilaa ay gebi ahaanba dawladdu yeelatay sannadkii 1988.

Sacuudiga, oo ah dalka ugu weyn dunida ee dhoofiya shidaalka cayriin, ayaa soo saara wax ka badan 10 milyan oo foosto oo shidaal ah maalintii.

Raas Tanuura

Jasiiradda Raas Tanuura ee Sacuudiga waxaa ku taalla mid ka mid ah warshadaha sifaynta shidaalka ee ugu waaweyn Bariga Dhexe, waana tiir muhiim u ah waaxda tamarta ee dalka. Warshaddu waxay awood u leedahay inay sifayso 550,000 foosto oo shidaal ah maalintii.

Warshadda sifaynta ayaa marar badan la kulantay weerarro, waxaana ugu weynaa weerar ay Iran ku qaadday diyaarad aan duuliye lahayn billowgii dagaalka, kaas oo sababay in qayb ka mid ah hawlaheedu hakad galaan.

Wakaaladda Bloomberg ayaa ka soo xigatay ilo aan la magacaabin in hawlgallada warshaddu dib loo bilaabay tan iyo xilligaas.

Bishii Abriil, Wasaaradda Tamarta ee Sacuudiga ayaa sheegtay in Iran ay toddobaadyadii ka horreeyay fulisay "weerarro badan" oo lagu bartilmaameedsaday xarumo tamareed oo muhiim ah gudaha boqortooyada.

Wasaaraddu waxay sheegtay in weerarradaasi ay beegsadeen warshadaha sifaynta ee Al Jubayl, Raas Tanuura, Yanbu, iyo Riyaad, kuwaas oo si toos ah u saameeyay dhoofinta shidaalka la sifeeyay ee loo iibgeeyo suuqyada caalamka.

Magaalada Raas Tanuura waxay ku taallaa cirifka waqooyi ee Gacanka Carabta. Waa dhul badeed af ahaan ugu fidsan dhinaca koonfur-bari, dhererkiisuna yahay qiyaastii 20 kiiloomitir.

Raas Tanuura waxaa sidoo kale loo yaqaannaa Raxiima.

Magaca "Raas Tanuura" waxaa loogu bixiyay sababtoo ah waxaa jira dhul af ahaan ugu sii fidsan badda oo u eg carrab. Erayga Carabiga ee "tannuur" wuxuu tilmaamayaa foorno aad u kulul. Biyaha ku hareeraysan cirifkaas, gaar ahaan dhinaca koonfureed, waxaa ka jira qulqullo badeed oo aad u kulul. Sida laga soo xigtay wargeyska Sacuudiga ee Al Riyadh, kulaylkaas awgiis ayay badmaaxiintii hore ugu bixiyeen magaca Raas Tanuura.