Ku xigeenka Trump: Ma doonayno inaan ciidamo lugta ah u dirno Iiraan

Mareykanka

Xigashada Sawirka, Reuters

Published
Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo

J.D. Vance, madaxweyne ku xigeenka Mareykanka, ayaa sheegay in dirista 150,000 oo askari oo ciidanka lugta ah oo loo diro Iiraan ay "dhab ahaantii ka dhigan tahay in ciidamada Mareykanku ay qabtaan shaqadii ay ahayd in shacabka Iiraan ay iyagu qabtaan. Laakiin mar dambe ma doonayno inaan ku lug yeelanno arrin noocaas ah. Runtii ma doonayno."

Vance ayaa hadalladan ka sheegay wareysi uu siiyay Joe Rogan, oo ah martigeliyaha barnaamij caan ah oo podcast ah. Hadalladiisa ayaa imanaya xilli maalmihii la soo dhaafay mar kale la hadal hayay suurtagalnimada in ciidamada Mareykanka loo diro Iiraan ama tallaabooyin kale oo ay ka mid yihiin in Mareykanku la wareego Jasiiradda Kharg.

Vance waxa kale oo uu ka digay in Iiraan ay la kulanto xaalad la mid ah tii Liibiya, isagoo yiri: "Markii Mareykanku xukunka ka tuuray Muammar Qaddaafi, kaligii-taliyihii Liibiya, dalkaasi wuxuu si dhab ah u noqday dowlad burburtay. Waxaa bilowday qalalaase qaxooti, dad badanna waxay u qaxeen Yurub, qaybo ka mid ah Aasiya iyo Afrika. Waxaa sidoo kale ka dhashay rabshado baahsan iyo kororka argagixisada."

Wuxuu intaas ku daray: "Waxaan runtii aaminsanahay inay jiraan dad doonaya in Iiraan ay la kulanto natiijo la mid ah. Laakiin waxaan mar kale is weydiinayaa: maxay taasi faa'iido noogu tahay annaga? Sidee ayay dan ugu tahay Mareykanka in 94 milyan oo qof oo tabaaleysan ay u qulqulaan Yurub iyo Mareykanka, isla markaana ay taasi fursad u siiso in la abuuro saldhigyo ay argagixisadu ku faafto iyadoo dunida oo dhan ku kala firdhisan? Hore ayaan waayo-aragnimadaas u soo marnay."

"Qaar ka mid ah Israa'iiliyiinta waxay doonayaan inay ra'yiga dadweynaha Mareykanka ka leexiyaan is-afgaradka lagu soo afjarayo dagaalka Iiraan"

J.D. Vance, madaxweyne ku xigeenka Mareykanka, ayaa sheegay in qaar ka mid ah xubnaha dowladda Israa'iil ay isku dayeen inay saameyn ku yeeshaan ra'yiga dadweynaha Mareykanka si ay u abuuraan mucaaradad ka dhan ah heshiiskii looga gol lahaa in lagu soo afjaro dagaalka Iiraan.

Wuxuu yiri: "Wax shaki ah igagama jiro in dad ka tirsan dowladda Israa'iil ay isku dayeen inay naga leexiyaan siyaasaddan, sababtoo ah waxay doonayaan in howlgalka milatari uu sii socdo."

Vance, oo sidoo kale hoggaaminayay wafdiga Mareykanka ee wadaxaajoodyada la lahaa Iiraan, ayaa sheegay in inkasta oo uu "xiriir wanaagsan" la leeyahay qaar ka mid ah xubnaha dowladda Israa'iil, haddana "ay jiraan dad ku jira hay'adaha dowladda Israa'iil oo isku dayaya inay saameeyaan oo beddelaan ra'yiga dadweynaha Mareykanka si dagaalku u sii socdo muddo aan xad lahayn."

Vance wuxuu intaas ku daray in dalal badan, ha noqdaan xulafada Mareykanka ama kuwa ay is hayaan, ay mar walba isku dayaan inay saameyn ku yeeshaan siyaasadda M areykanka. Wuxuu yiri:"In Israa'iil ay sidaas sameyso ima dhibayso; xitaa haddii Ruushka ama dalal kale ay isku dayayaan inay saameyn noocaas ah yeeshaan, taasna ima dhibeyso."

Mareykanka

Xigashada Sawirka, NurPhoto via Getty Images

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Vance ayaa hadalkiisa sii watay isagoo yiri: "Tani waa qayb ka mid ah dabeecadda hoggaaminta siyaasadeed ee sannadka 2026. Waxa i dhibaya waa marka ololayaashan iyo dadaalladan saameynta lagu raadinayo ay si dhab ah u saameeyaan go'aannada siyaasadeed ee Mareykanka."

Reuters ayaa sheegtay in hadalladan ay ka tarjumayaan dhaleeceyntii hore ee Vance uu u jeediyay siyaasadaha dowladda Israa'iil. Dad badan ayaa u arka inuu ka mid yahay musharraxiinta suuragalka ah ee doorashada madaxtinnimada Mareykanka ee soo socota, waxaana hadalladiisa cusub loo fasiran karaa inay muujinayaan sii qoto dheeraanshaha khilaafka si cad uga dhex muuqda Washington iyo dowladda Israa'iil.

Bishii hore, Vance ayaa si kulul u dhaleeceeyay dadka Israa'iiliyiinta ah ee ka soo horjeeday heshiiska lala galay Iiraan, isagoo sheegay in Donald Trump, madaxweynaha Mareykanka, uu yahay saaxiibka dhabta ah ee keliya ee Israa'iil. Hadalladan ayuu ku ladhay xusuusin ku saabsan balaayiinta doollar ee Mareykanku ku bixiyo taageerada milatari ee Israa'iil.

Saraakiil sare oo Israa'iili ah oo codsaday inaan magacyadooda la shaacin ayaa u sheegay Reuters in qodobbada heshiiskaasi ay waxyeello u yihiin Israa'iil, maaddaama aysan wax ka qaban walaacyada la xiriira barnaamijka nukliyeerka iyo gantaallada riddada dheer ee Iiraan. Sida ay sheegeen, aragtidan waxaa si ballaaran u wadaaga hoggaanka Israa'iil.

Intii uu wareysigu socday, markii Vance la weydiiyay inuu aaminsan yahay in Mareykanku xitaa haddii aysan jirin saameynta Israa'iil uu geli lahaa dagaalkii dhowaan la galay Iiraan, wuxuu ku jawaabay: "Haa, haa, wuu geli lahaa."

Gabagabadii wuxuu yiri: "Aniga iyo Madaxweynaha, iyada oo aan loo eegin saameyn kasta oo Israa'iil leedahay, waxaan si qoto dheer u aaminsanahay in Iiraan aysan marnaba yeelan karin hub nukliyeer."