Waa kuma Amiin Cabdullaahi, halyeygii lagu dilay weerarkii maanta ee masjidka San Diego

Amin Abdullahi

Xigashada Sawirka, Islamic Center of San Diego

    • Author, Ana Faguy
  • Published
  • Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo

Geesinimada askari ilaalo ah oo la toogtay isaga iyo laba qof oo kale oo masaajid ku yaala San Diego ayaa ka hortagay in qasaaraha weerarku uu ka sii xumaado inta uu hadda yahay, sida ay booliisku sheegeen.

Ninkaan ayaa ahaa Amin Abdullah, oo ah aabbe siddeed carruur ah dhalay, afhayeenka golaha xiriirka Maraykanka iyo Islaamka-San Diego (Cair-SD), Tazheen Nizam, ayaa u sheegtay BBC.

"Waa cadaalad in la yiraahdo ficilladiisu waxay ahaayeen geesinimo," ayuu taliyaha booliiska San Diego Scott Wahl ku sheegay shir jaraa'id. "Shaki la'aan, wuxuu badbaadiyey nolosha dad badan maanta."

Abdullah iyo laba qof oo kale - oo Cair-SD ay magacyadooda ku kala sheegeen Mansour Kaziha iyo Nader Awad - ayaa waxaa dilay laba dhalinyaro ah oo weerarka soo qaaday oo aan weli la aqoonsan, ka dibna naftooda dilay, sida ay booliisku sheegeen.

Dadka yaqaan Abdullah ayaa u sheegay warbaahinta Mareykanka inuu ilaalin jiray bulshada. Kuwo kale ayaa baraha bulshada ku soo qoray in uu yahay "ninkii ugu fiicanaa ee aad waligaa la kulmi leheed".

Masjidka ayaa ugu yeeray "Nin geesi ah oo naftiisa u huray badbaadada dadka, kaasoo xitaa daqiiqadihii ugu dambeeyay aan joojin ilaalinta bulshadayada".

Security guard Amin Abdullah who was killed in a shooting at the Islamic Center of San Diego

Xigashada Sawirka, Islamic Center of San Diego

Qoraalka sawirka, Amin Abdullah was a father of eight

Nizam, oo ah afhayeenka Cair, ayaa BBC u sheegtay: "Amiin qof walba wuu jeclaa, maalinba maalinta ka dambaysa ayuu halkaas taagnaa, had iyo jeer wuu dhoola caddeeyn jiray, qof walba wuu soo dhawaynayay, sidoo wuu soo dhawayn jiray carruurta dugsiga u timaado xarunta.

"Waxa uu ahaa iftiin baxaya, waa geesi dhab ah, shahiidku."

Nin saaxiib la ah qoyska ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AP in Cabdalla uu si weyn looga yaqaanay masjidka oo uu ka shaqeynayey in ka badan toban sano.

"Wuxuu rabay inuu difaaco kuwa aan waxba galabsan sidaas darteed wuxuu go'aansaday inuu noqdo waardiye," Shaykh Cuthman Ibn Faaruuq, ayaa u sheegay wakaalada wararka.

Sam Hamideh waxa uu masjidka ku yaqaanay Abdullah, waxa uuna u sheegay warbaahinya ay xulafada yihiin BBC ee CBS in waardiyaha lagu xasuusan doono wanaagiisa.

"Una kala soocnayn dadka oo dhan... qof kasta iyada oo aan kala sooc lahayn ayaa soo aadi karay oo, [Cabdullaahi] wuu salaami jiray, hubin jiray inay fiican yihiin," ayuu yiri Hamideh.

"Haddii ay yihiin kuwa gurya la'aanta ee waddooyinka seexda oo wax raadinaya, hadday ilmo ama waayeel tahay intaba."

Lacag u uruurin online ah oo loo sameeyay ayaa gaartay $1.6m oo doolarka Maraykanka ah.

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Labada of ee kale ee la dilay waxay ahaayeen dad ku cibaadaysanayay masaajidka, ayay tiri Cair-SD.

Toogashadan khasaaraha badan dhalisay ayaa dhacday duhurnimadii manta kadib markii hooyada dhashay mid ka mid ah labada nin ee la sheegay in ay weerarka soo qaadeen ay wacday booliiska si ay ugu wargaliso in wiilkeeda uu la baxsaday saaxiibkii lagana yaabo in uu isdilo.

Saacado ka dib, iyadoo booliisku ay baadigoob ugu jireen labada dhallinyaro, boolisku waxay ku baraarugeen saddex ruux oo dhibaneyaal oo ay ku yaalan dhaawacyo ka soo gaaray rasaas lagu dhuftay bannaanka Xarunta Islaamka ee San Diego, oo uu ku jiro Abdullahi.

Wax yar ka dib, booliisku waxay heleen labada tuhmane - da'dooduna tahay 17 iyo 18 - oo meyd ah oo iskood isku dhaawacay, iyagoo yaallay meel ka fog masaajidka.

Toogashada ayaa la baarayaa iyada oo loo diiwaan galiyay in ay tahay dambi naceyb la xiriria, Wahl ayaa yiri, isagoo xusay in "hadallo nacayb ah" ay sidoo kale goobta ka sheegeen.

Map