Ebola oo u fidiya si ka dhaqsiyo badan intii la filayay

'Bigboy'
    • Author, Sofia Ferreira Santos
  • Published
  • Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo

Wakiilka hay'adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa ka digay in kiisasku xanuunka Ebola ay u fidaan si ka dhaqso badan sidii markii hore la moodayay, waxaana dadka ku nool meel u dhow xudunta cudurka Ebola oo dilay 131 qof BBC-da u sheegay cabsida ay qabaan.

Mid ka mid ah dadka ku nool gobolka Ituri ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, ahna halka xudunta u ah cudurka dillaacay, ayaa sheegay in dadka cudurku ka dhacay ay "si degdeg ah u dhimanayaan", wuxuuna intaas ku daray: "Ebola way na silcisay".

Saraakiisha ayaa sheegay in in ka badan 513 ruux looga shakisan yahay xanuunka gudaha DR Congo Talaadadii, halka hal qof uu ku dhintay dalka deriska la ah ee Uganda.

Dr Anne Ancia oo ka tirsan WHO ayaa BBC-da u sheegtay in mar kasta oo ay hay'addu baarto cudurka dillaacay, ay sii caddaanayso in kiisasku ay ku faafeen meelo kale.

Xarunta MRC ee fadhigeedu yahay London ee Falanqaynta Cudurada Caabuqa ee Caalamiga ah ayaa falanqayn ay sii daysay Isniintii waxay soo jeedisay inaysan meesha ka saari karin inay hore u jireen in ka badan 1,000 kiis.

Daraasadu waxay soo jeedisay in faafitaanka hadda jira uu "ka weyn yahay inta hadda la hubo" balse "xajmiga dhabta ah uu weli yahay mid aan la hubin".

Nin la hadlay BBC-da oo magaciisa ku sheegay Bigboy ayaa sheegay in dadku "runtii ay cabsanayaan" oo ay sameynayaan waxa ay awoodaan si ay naftooda u difaacaan.

Waxa uu sheegay in dadka deegaanka ay sameynayaan taxadaro ay ka mid yihiin in gacmaha lagu dhaqo biyo nadiif ah, laakiin waxa uu intaa ku daray in loo baahan yahay agab kale oola isaga ilaaliyo caabuqa.

Map Ebola, DR Congo
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Laanqayrta cas ayaa ka digtay in Ebola uu si degdeg ah u sii fidi karo haddii aan kiisas horey laga ogaan, maadaama bulshooyinka ay xog la'aani hayso, goobaha caafimaadkuna ay shaqadii ka badatay, waxaana ay intaa ku dartay "waxaan aragnaa dhammaan xaaladahaas" cudurka dillaacay hadda.

Talaadadii, madaxweynaha DR Congo Félix Tshisekedi ayaa ku baaqay "in la is dajiyo" wuxuuna ku booriyay muwaadiniinta Congo inay feejignaadaan, ka dib markii uu qabtay kulan degdeg ah fiidnimadii Isniinta.

Madaxa WHO Tedros Adhanom Ghebreyesus, oo ku dhawaaqay cudurka dillaacay xaalad degdeg ah oo caalami ah usbuucii hore, ayaa sheegay inuu "aad uga walaacsan yahay baaxadda iyo xawaaraha cudurka".

Waxaa laga cabsi qabaa in cudurka dillaacay uu socday dhowr toddobaad ka hor inta aan si rasmi ah loo ogaan jiritaankiisa 24-kii Abriil.

Ma jiro wax tallaal ah oo loogu talagalay nooca fayraska Ebola oo sii hurinaya kororka ugu dambeeyay ee kiisaska, laakiin WHO ayaa qiimeyneysa haddii dawooyinka kale laga heli karo difaac.

Haweeneey

Xigashada Sawirka, World Health Organization/Handout via Reuters

Waxay intaas ku dartay in cudurkan uu ku fiday gobolka Koonfurta Kivu, halkaasoo dadka ay saameysay dhibaatooyin bini'aadantinimo sannado badan.

Waxa kale oo jirta kiis ka dhacay bariga DR Congo magaalada ugu weyn ee Goma, oo ay ku nool yihiin ku dhawaad ​​850,000 oo qof, isla markaana ay gacanta ku hayaan fallaagada ay Rwanda taageerto.

Heerarka sare ee ammaan-darrada ee dhowr gobol ayaa ka dhigan in dadku ay inta badan guuraan, taasoo kordhinaysa khatarta iyo faafitaanka fayraska, ayay tiri.

Dhowr waddan oo Afrikaan ah ayaa samaynaya taxadar iyagoo adkeynaya baaritaanka xuduudaha iyo diyaarinta xarumaha caafimaadka. Dalka ay jaarka yihiin ee Rwanda ayaa sidoo kale xiray xudduudaha ay la wadaagto DR Congo.

Soomaaliya ayaa iyaduna sidoo kale sheegtay in ay u diyaargarowday caabuqaan, ayna qaadayso tallaabooyinka loo baahan yahay si ay uga gaashaantaan.

Wasaradda caafimaadka ayaa sheegtay in shaqaalaha caafimaadka ee ku sugan baraha laga soo galo dalka ay galisay heegan buuxa ayna diyaar yihiin.

Muwaadin Mareykan ah, oo la rumeysan yahay inuu yahay dhaqtar, Peter Stafford, ayaa laga waday DR Congo ka dib markii ay calaamado isku arkeen dhamaadkii usbuuca.

Wasaaradda caafimaadka Jarmalka ayaa BBC-da u sheegtay in muwaadin Mareykan ah loo qaadayo dalka si loogu daweeyo.

Xarunta Xakamaynta iyo Kahortagga Cudurrada ee Maraykanka (CDC) ayaa sheegtay inay ka shaqaynayso sidii ay u daad gurayn lahayd ugu yaraan lix qof oo kale oo Maraykan ah oo xanuunku ku dhacay.

WHO iyo hay'adaha kale waxay la shaqeynayaan dawladaha iyo bulshada si ay isugu dayaan joojinta faafitaanka fayraska, iyagoo ku boorriyay dadka deegaanka inay raacaan tallaabooyinka ka hortagga oo ay u soo sheegaan xarunta caafimaadka ee ugu dhow haddii ay la kulmaan wax calaamado ah.