Madaxweyne Trump oo ku hanjabay inuu dib u bilaabi doono duqeymo ballaaran haddii Iraan aysan aqbalin shuruudihiisa

Qiiq

Xigashada Sawirka, X

Published
Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo

Ciidamada militariga Maraykanka ayaa qaaday weerarro cusub oo ka dhan ah Iraan, iyagoo bartilmaameedsaday goob militari oo ku taalla Bandar Abbas, oo ah magaalo dekedeed muhiim ah, weerarkan ayaa noqonaya kii labaad muddo sadex maalin gudahood ah

Taliska Dhexe ee Maraykanka (Centcom) ayaa sheegay in ciidamadoodu sidoo kale soo rideen afar diyaaradood oo nooca aan duuliyaha lahayn ah oo Iraan leedahay, kuwaas oo ahaa "weerarro hal dhinac ah" islamarkaana "khatar ka abuurayay agagaarka marin-biyoodka Hormuz".

Goobta ku taalla Bandar Abbas ayaa la weeraray xilli ay isku diyaarinaysay inay riddo diyaaraddii shanaad ee drone-ka ahayd, sida ay sheegtay Centcom. Warbaahinta Iraan ayaa sheegtay in qaraxyo laga maqlay bariga magaalada.

Weerarradan ayaa imanaya iyadoo ay jirto xabbad-joojinta oo u dhaxaysa Maraykanka iyo Iran, iyo wadaxaajoodyo dheer oo lagu doonayo in lagu soo afjaro dagaalka saddexda bilood socday ee carqaladeeyay isu socodka maraakiibta ee marin-biyoodka Hormuz isla markaana sare u qaaday qiimaha tamarta caalamka.

Centcom ayaa ku tilmaantay tallaabooyinkeeda "kuwa xaddidan, oo ay isku ilaalinayaan, looguna talagalay ilaalinta xabbad-joojinta".

Horaantii toddobaadkan, waxay xaqiijisay in ay geestayn weerarro hore u dhacay Isniintii, kuwaas oo lagu qaaday koonfurta Iraan, iyada lala beegsaday goobaha gantaallada Iran iyo doomaha isku dayayay inay miinooyin dhigaan marin-biyoodka, halkaas oo kumannaan maraakiib ganacsi ahi ku xanniban yihiin colaadda awgeed.

Centcom ayaa sheegtay in weerarradaasi loogu talagalay "in lagu ilaaliyo khataraha ka imanaya ciidamada Iran".

Iran ayaa cambaareysay weerarradaas, iyadoo ku tilmaantay "xadgudub culus oo ka dhan ah xabbad-joojinta" waxayna ballanqaadday in dowladda Iran "aanay jawaab la'aan uga tagi doonin fal kasta oo gardarro ah."

Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran ayaa sidoo kale Talaadadii sheegay inay soo rideen diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ah Maraykan ah isla markaana rasaas ku fureen diyaarad dagaal iyo drone kale oo soo galay hawada Iran, balse ma aysan sheegin waqtiga ay dhacdadu dhacday.

KHARIIRAD
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Intii lagu jiray shirkii golaha wasiirrada Arbacadii, Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Iran ay "wadaxaajoodka ku jirto iyada oo aan awood lahay", isaga oo ku adkaystay in istiraatiijiyaddiisa dagaal aysan saameyn doonin doorashooyinka dhexe ee Maraykanka ee bisha Nofeembar.

"Waxaa laga yaabaa inaan dib ugu noqono oo aan dhamaystirno, ama laga yaabee inaanan samayn," ayuu yiri.

Isla shikraa , madaxweynuhu wuxuu sidoo kale ku booriyay waddamada Khaliijka inay ku biiraan Heshiisyada Abraham si loo xoojiyo xiriirka ay la leeyihiin Israa'iil

Israa'iil ayaa dagaalka ka dhanka ah Iraan billowday iyadoo garab ka helaysa Maraykanka 28-kii Febraayo, waxayna sidoo kale ku lug leedahay dagaal ay kula jirto ururka Xisbullaah ee ay Iraan taageerto ee Lubnaan.

Madaxweyne Trump ayaa ku hanjabay inuu dib u bilaabi doono olole ballaaran oo duqeymo ah haddii Iraan aysan aqbalin shuruudihiisa.

Inkasta oo Trump uu dhammaadkii toddobaadkii hore uu si rajo leh uga hadlay heshiiska, isagoo sheegay in heshiis nabadeed oo lala gaaro Iran "si weyn looga wada xaajooday", haddana shirkii golaha wasiirrada ee Arbacadii wuxuu sheegay in Maraykanku "uusan weli ku qanacsanayn".

Wuxuu sheegay in Tehran ay "aad ugu heelan tahay" in heshiis lagu soo afjaro colaadda la gaaro, balse wuxuu raaciyay "illaa hadda ma aysan gaarin halkaas", isagoo ku celiyay diyaar garowga Washington ee ah inay dib u billowdo weerarro haddii heshiis la gaari waayo.

Hadalladiisa ayaa yimid kadib markii telefishinka dowladda Iraan uu baahiyay waxa uu sheegay inay yihiin faahfaahinta heshiis qabyo ah, kaas oo ay ku jireen dib u furista marin-biyoodka Hormuz iyo ka bixitaanka ciidamada Maraykanka ee gobolka.

Aqalka Cad ayaa qoraalkaas ku tilmaamay "been abuur wayn".

Labada dhinacba waxay muujiyeen in horumar laga sameeyay heshiiska dhammaadkii toddobaadkii hore, taas oo dhalisay mala-awaal ah in dhawaan lagu dhawaaqi karo heshiis.

Si kastaba ha ahaatee, Tehran ayaa durba ka digtay in heshiisku "uusan dhowayn", halka Trump uu sheegay inuu faray ergadiisa "inaysan ku degdegin" heshiiska ay la galayaan Iiraan.

Isagoo la hadlayay weriyeyaasha shirkii golaha wasiirrada Arbacadii kadib, madaxweynaha Maraykanka wuxuu yiri: "Waxay doonayaan oo keliya inay heshiis sameeyaan, uma maleynayo inay doorasho kale haystaan."