Haweeney bangi lacag ka dhacday oo 30 sano la raadinayay oo hadda gacanta lagu dhigay

Xigashada Sawirka, Pool/Getty Images
Xubin horay uga tirsanaan jirtay Jabhadda Jarmalka ee Red Army Faction (RAF) ayaa lagu xukumay 13 sano oo xarig ah, kaddib markii ay geysatay falal burcadnimo ah intii u dhexeysay sannadihii 1999-kii ilaa 2016-kii.
Daniela Klette, oo 67 jir ah, ayaa ugu dambeyntii lagu qabtay guri ku yaal magaalada Berlin sanadkii 2024-kii ka dib in ka badan 30 sano oo baxsad ay ahayd. Sanadkii hore ayaa maxkamad la soo taagtay.
Kooxda qareennada ee difaacaya ayaa ku baaqay in la sii daayo balse maxkamada ku taal Verden ee gobolka Lower Saxony ayaa Arbacadii ku heshay danbi ah in ay gaysatay xatooyo aad u daran, kuna xad gudubtay sharciga hubka iyo dambiyo kale muddo 17 sano ah.
Kooxda Klette ee RAF, oo sidoo kale loo yaqaannay burcadda Baader-Meinhof, ayaa ugu dambeyntii la kala diray ka dib olole dil, afduub iyo qaraxyo ah oo ay sameyeen laga soo bilaabo horraantii 1970-meeyadii ilaa horraantii 1990-meeyadii.
Maxkamaddu waxay ogaatay in Klette ay xadday dukaamada waaweyn iyo baabuurta gaashaaman oo ay weheliyaan laba xubnood oo hore uga tirsanaan jiray kooxda RAF, Burkhard Garweg iyo Ernst-Volker Staub, kuwaas oo aan weli la qaban.

Xigashada Sawirka, BKA/Interpol
Maxkamadeynta ayaa diiradda lagu saaray siddeed tuug oo dhac ka gaystay waqooyiga iyo galbeedka Jarmalka, taasoo ka billaabatay magaalada Duisburg bishii Luulyo 1999-kii, markaasoo weeraryahanno wejiyada soo qarsaday ay jidka u galeen gaari nooca lacagta qaada ah oo ay ugu hanjabeen ilaalada qoryo iyo bam-gacmeed, ka hor inta aysan la tegin lacag aad u badan.
Weerarkii ugu dambeeyay, bishii Juun 2016, waxaa loo gaystay gaari gaashaaman, meel u dhow magaalada Braunschweig. Tuugada ayaa la wareegay ku dhawaad €1.4m (£1.2m).
Ilaa iyo laga gaaray Febraayo 2024 lama qaban Klette, iyadoo intaa ku dhuumanaysay magac aan keeda ahayn iyo baasaboor shisheeye, waxayna degganayd waddo xasilloon oo ku taalla Kreuzberg.
Waxaa loo soo wareejiyey gobolka Lower Saxony, halkaas oo kiisas badan oo tuugo ah ay ka dhaceen, si loogu maxkamadeeyo.
Inkastoo Daniela Klette ay baxsad ku jirtay muddo gaaraysa tobanaan sano, dacwad oogayaasha ayaa sheegay in aysan isku dayin in ay qariso aqoonsigeeda.













