You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Dhowr ciqaabood oo Man City ay wajihi karto, ka dib markii dembiyo lagu helay
In ka badan laba sano kadib, ugu dambeyntii go'aan ayaa laga gaaray 115-kii eedood ee loo heystay Manchester City ee ku saabsanaa jabinta xeerarka dhaqaalaha ee Premier League-ga England.
Kadib baaritaan qaatay muddo afar sano ah, Manchester City ayaa maxkamad la horgeeyay, waxaana la qorsheeyay in dhageysiga kiiska uu furmo 16-kii September 2024.
BBC Sport ayaa shaacisay in gunaanadka kiiska la gaaray, iyadoo soo xiganeysa warbixin ay qortay The Athletic oo sheegaysa in City lagu helay dambi u badan eedeymaha loo jeediyay.
Laakiin maxay xaaladdan uga dhigan tahay City? Maxaa ku dhici doona booskooda Premier League-ga? Ma racfaan ayay qaadan doonaan? Iyo intee in le'eg ayay qaadaneysaa inta arrintan gebi ahaanba lagu soo afjarayo?
115-ka Eedood
Bishii February 2023, kooxda City waxaa lagu soo eedeeyay jabinta xeerarka, waxaana dacwadeeda loo gudbiyay guddi madax-bannaan, iyadoo lagu tuhmayo inay gashay xad-gudubyo dhacay intii u dhexeysay 2009-kii ilaa 2018-kii.
Eedaha la xiriira xeerarka dhaqaalaha ee Premier League-ga England waa sidan:
- 54 jeer in ay ku guul-darreysatay bixinta xog dhaqaale oo sax ah laga soo bilaabo xilli-ciyaareedkii 2009-10 ilaa 2017-18.
- 14 jeer in ay ku guul-darreysatay bixinta xog faahfaahsan oo ku saabsan bixinta mushaaraadka ciyaartoyda iyo tababarayaasheeda laga soo bilaabo xilli-ciyaareedkii 2009-10 ilaa 2017-18.
- 5 jeer in ay xad-gudub ku sameysay xeerarka UEFA, oo uu ku jiro xeerka caddaaladda dhaqaalaha ee FFP, intii u dhexeysay xilli-ciyaareedkii 2013-14 ilaa 2017-18.
- 7 jeer in ay jabiyeen Xeerarka Faa'iidada iyo Joogteynta ee PSR ee Premier League-ga laga soo bilaabo xilli-ciyaareedkii 2015-16 ilaa 2017-18.
- 35 jeer in ay ku guul-darreysatay la shaqeynta baaritaanka Premier League-ga laga soo bilaabo December 2018 ilaa February 2023.
Kooxda City ayaa marar badan beenisay inay ku lug leedahay dambiyadaas, waxaana BBC Sport loo sheegay inay racfaan qaadan doonaan haddii lagu helo dambi.
Balse maxay taasi dhab ahaantii ka dhigan tahay?
Wargeyska Jarmalka ee Der Spiegel ayaa soo bandhigay dukumeentiyo, oo ay ku jiraan farriimo email ah oo la sheegay inay is-dhaafsadeen saraakiisha sare ee kooxda City (kuwaas oo qaarkood weli ka tirsan kooxda) muddo dhowr sano ah kadib markii kooxda uu iibsaday maalqabeen ka yimid Abu Dhabi sanadkii 2008.
Waxay sheegeen in tallaabadaas ay muujineyso in kooxdu ay kordhisay maalgelinta ka timid shirkadda diyaaradaha ee dowladda ay leedahay ee Etihad, iyo shirkadda isgaarsiinta ee Etisalat, iyadoo qarisay maalgashi toos ah oo ka yimid shirkaddooda gaarka ah (Abu Dhabi United Group ama ADUG, oo uu leeyahay Sheikh Mansour) isla markaana ka dhigtay mid u muuqata lacag kafaala-qaad ah iyadoo la adeegsanayo lacag ka timid akoonnada shirkadahaas.
Waxaa la sheegay in tani ay ahayd qaab lagu buuxinayo xeerarka Caddaaladda Dhaqaalaha ee FFP ee ay dejisay UEFA sanadkii 2011 - iyo xeerarka Faa'iidada iyo Joogteynta ee PSR ee uu dejiyay Premier League-ga England sanadkii 2012 - kuwaas oo xadidaya khasaaraha loo ogol yahay kooxaha.
Kadibna waxaa soo baxay eedeymo la xiriira xadgudubyo dhaqaale oo ka dhashay dukumeentiyo la sheegay inay muujinayaan lacag-bixinno sir ah oo loo sameeyay tababarihii hore ee kooxda, Roberto Mancini, iyadoo loo maray gunno shaqo gaar ah oo ka yimid hal koox oo fadhigeedu yahay Abu Dhabi.
Waxa kale oo la sheegay in kooxdu ay ciyaartoyda siisay lacag ka badan tii si rasmiga ah loo diiwaan-geliyay, sidaas darteedna qaddarka kharashka la soo sheegay uu ka yaraa xaqiiqada dhabta ah.
Kooxda City, oo ku adkeysanaysa in ADUG ay tahay hay'ad madax-bannaan oo aan ahayn qayb ka mid ah dowladda, ayaa diiday inay ka hadasho wax kasta oo uu soo bandhigay wargeyska Der Spiegel, iyadoo sheegtay in farriimihii email-ka ahaa lagu helay si sharci-darro ah isla markaana ay ahaayeen "isku day lagu wiiqayo sumcadda shirkadda".
City iyo shirkadihii la xiriiray ayaa dafiray inay ku xad-gudbeen xeerarka maaliyadda, balse taasi kama aysan joojin UEFA iyo Premier League-ka England inay baaritaan furaan.
Marxalad Adag
Waaqicaadka dhacay:
- November 2018: Fadeexaddii 'Football Leaks' ayaa soo ifbaxday markii wargeyska Der Spiegel uu daabacay eedeymo sheegaya in Manchester City ay ku xad-gudubtay xeerarka maaliyadda.
- Maarso 2019: UEFA ayaa si rasmi ah u furtay baaritaan kadib faafinta warbixintii Der Spiegel.
- May 2019: City ayaa dhaliishay baaritaankaasi waxayna billowday diyaarinta racfaan.
- Noofambar 2019: Maxkamadda Garsoorka Isboortiga ee CAS ayaa diiday racfaankii ay qaadatay City.
- Febraayo 2020: UEFA ayaa ku dhawaaqday ganaax ah in City laba sano laga mamnuuco ka qeybgalka tartamada Yurub iyo ganaax lacageed oo dhan 30 milyan oo Euro.
- Luulyo 2020: Mamnuucidii City ee tartamada Yurub waa la qaaday kadib racfaan loo gudbiyay CAS.
- Luulyo 2021: City ayaa ku guuldareysatay dacwad ay ku doonaysay in warbaahinta laga mamnuuco inay tebiso in Premier League-ga England uu baaritaan ku wado kooxda oo ku saabsan eedeymo jabinta xeerarka caddaaladda dhaqaalaha (FFP).
- Abriil 2022: Der Spiegel ayaa daabacay warbixin cusub oo sheegaysa in Premier League-ga England uu kooxda baarayay muddo saddex sano ah, isagoo bixinaya xog faahfaahsan.
- Febraayo 2023: Premier League-ga England ayaa ku soo oogay City 115 eedeymood oo la xiriira jabinta xeerarka dhaqaalaha.
- Sebteembar 2024: Dhageysiga kiiska, oo la qorsheeyay inuu qaato 10 toddobaad, ayaa ka dhex billowday Premier League-ga England iyo City kaasoo ku saabsan 115-kii eed.
- Febraayo 2025: Tababaraha City, Pep Guardiola, ayaa sheegay in kooxdu ay filayso inay maqasho go'aan "bil gudaheed". Guardiola ayaa ka tagay Etihad dhamaadkii xilli ciyaareedkii hore.
- Sebteembar 2026: Warbixino ayaa soo baxay sheegaya in go'aan la gaaray, iyadoo ilo xog-ogaal ah ay BBC-da u sheegeen in City lagu helay dambi ku dhawaad dhammaan eedaha.
Waa maxay ciqaabta ay Man City wajihi karto?
Go'aankan lama filayo inuu keeno saameyn degdeg ah.
Hadda waxaa la sugayaa waqtiga uu go'aankani si rasmi ah uga soo bixi doono guddi madax-bannaan.
Lama yaqaan cidda ku jirta guddiga dhageysiga sameeyay ee go'aanka gaaray; xogtaas waxaa la ogaan doonaa oo keliya kadib marka go'aanka qoraal ahaan loo soo saaro.
Si kastaba ha ahaatee, guddiga anshaxu wuxuu leeyahay doorashooyin ciqaabeed oo kala duwan:
- Ka jarista dhibcaha (hadday tahay mid degdeg ah ama mid dib loo dhigay).
- Ganaax lacageed (hadday tahay mid si degdeg ah loo bixinayo ama dib loo dhigay).
- Ka saarista City Premier League-ka iyo u soo dejinta heerka hoose.
- Tani waxay sidoo kale ku imaan kartaa qaab dhibco badan laga jaro, taas oo keeni karta in kooxda loo diro horyaalka heerka hoose.
Premier League-ga ayaa diiday inay ka hadlaan arrintan markii la weydiiyay maalintii Jimcaha.
Kooxda City-na waxay soo saartay bayaan ay ku muujineyso sida ay uga xun tahay eedeymaha faafay.
Waxay tiri: "Premier League-ku wuxuu sii wadaa shaqadiisa iyadoo arrimaha muhiimka ah la soo gabagabeynayo."
"Sidaas darteed, Manchester City FC waxay ku taagan tahay mowqifkeedii ay ku dhawaaqday bishii Febraayo 2023".
"Kooxdu waxay ixtiraamtay qorshayaasha guddiga Premier League-ka muddo siddeed sano ah, iyadoo aaminsan inay u shaqeyn doonto si madax-bannaan, caddaalad ah oo aan cidna saameyn ku yeelan".
Racfaan ma jiri doonaa?
Waxaa la filayaa in racfaan-ka City uu noqdo mid sharci ahaan aad u adag.
Qareennada City waxay ku shaqeynayaan hoggaaminta Lord Pannick KC, oo la sheegay inuu ku qaato £5,000 saacaddii adeeggiisa.
Isaga ayaa u dooday racfaan-kii ay ka qaateen mamnuucidda laba sano ee ka qeybgalka tartamada Yurub sanadkii 2020.
Si kastaba ha ahaatee, iyadoo la tixgelinayo in siddeed sano laga joogo markii kiiskan uu billowday - iyo laba sano tan iyo markii dhageysiga kiiska la bilaabay - ma fududa in la saadaaliyo goorta uu soo gabagaboobi doono.
Si kastaba ha ahaatee, inkastoo racfaan toos ah laga qaadan karo go'aanka guddigaas, uma suurtagali doonto City inay go'aankaas u gudbiso maxkamadda CAS.
Koobabkee ayay City qaadday xilliyadaas, yeyse saameyntu gaari kartaa?
City waxay ku guuleysatay Premier League saddex jeer muddadii la hadal hayay.
Waxaa ku jira koobkoodii ugu horreeyay ee Premier League xilli ciyaareedkii 2011-12, iyo xilli ciyaareedkii 2013-14 iyo 2017-18.
Waxay ku guuleysteen FA Cup 2011, iyo EFL Cup saddex jeer - xilli ciyaareedkii 2013-14, 2015-16 iyo 2017-18.
Tan iyo markii ADUG la wareegtay 2008, City waxay ku guuleysatay 8 horyaal, iyo koobab kale oo badan, oo uu ku jiro Champions League 2023.
Haddii guddiga uu go'aansado inuu koobabkaas ka qaado City oo uu siiyo kooxo kale, kuwa ka faa'iideysan kara waa:
Premier League
- 2011-12: Manchester United
- 2013-14: Liverpool
- 2017-18: Manchester United
FA Cup
- 2010-11: Stoke City
EFL Cup
- 2013-14: Sunderland
- 2015-16: Liverpool
- 2017-18: Arsenal
Ma jirtaa in kooxaha dhibaatadu gaartay ay magdhow ka dalban karaan City?
Kooxaha Premier League-ka ayaa horay u dalbaday talo sharci ah oo ku saabsan inay heli karaan magdhow dhaqaale ah haddii City lagu helo inay jabiyeen xeerarka.
Kooxaha boosaskooda horyaalka uu saameeyay khaladaadka City waxay sheegan karaan inay lumiyeen fursad ay ku heli lahaayeen abaalmarino.
Dacwadahaas kala duwan waa inuu dhageysto guddi madax-bannaan.
Horraantii sanadkan, Everton waxaa lagu amray inay siiso Burnley £35 milyan oo magdhow ah, kadib markii lagu helay inay jabiyeen xeerarka dhaqaalaha ee Premier League-ka.
Kiiskaas - oo uu dhageystay guddiga Premier League-ka - wuxuu khuseeyay xilli ciyaareedkii 2021-22, markaas oo Everton lagu helay inay jabiyeen xeerarka PSR muddo saddex sano ah.
Burnley waxay sheegatay in jabinta xeerkaas ay saameysay fursaddoodii ay ku sii joogi lahaayeen Premier League-ka, waxayna dalbatay magdhow khasaaraha ka soo gaaray hoos u dhaca.
Kooxda Burnley waxaa la siiyay magdhow dhan £26 milyan iyo £9 milyan oo faa'iido dheeraad ah.
Kiiskan imisa ayuu ku kacayaa?
Kiiskan wuxuu socday lix sano, sidaas darteed waxaa lagu qiyaasaa in malaayiin pound ay ku baxeen labada dhinacba xitaa ka hor inta aysan bilaaban dhageysiga dacwadda.
Dhinac kasta oo guuleysta waxaa la filayaa inuu dalbado kharashkaas.
Kiiskaas oo kale, Premier League-ku wuxuu doonayay in Everton ay bixiso dhammaan kharashka sharciga ah oo ahaa £4.9 milyan marxaladdii hore ee laga jaray lix dhibcood oo ay ku muteysteen jebinta xeerarka PSR.
Si kastaba ha ahaatee, maxkamadda racfaan-ka ayaa go'aansatay in Everton ay bixiso £1.7 milyan, halka Premier League-ku uu bixiyo inta hartay oo ah £3.2 milyan oo kharash sharci ah.
Lacag kasta oo uu Premier League-ku bixiyo dhamaadka kiiska City waa in loo qeybiyaa 20-ka kooxood ee ka qeybgala horyaalka.
Ma jiraan kiisas kale oo ku saabsan kooxaha Premier League-ka?
Waxaa jiray tixraacyo kiisas Premier League-ku ka furay Nottingham Forest iyo Everton oo ku saabsan jabinta xeerarka PSR (Faa'iidada iyo Waarta Dhaqaalaha).
Xilli ciyaareedkii 2023-24, labada kooxoodba waxaa lagu ciqaabay in laga jaro dhibco, sababtoo ah khasaare ka badan xadka loo oggol yahay muddo saddex sano ah, laga bilaabo 2020-21 ilaa 2022-23.
Kiisaskani waxay khuseeyeen hal eed oo keliya, wayna fududeyd in la fahmo, mana u baahnayn caddaymo badan.
Everton waxaa laga jaray dhibco laba jeer. Markii ugu horreysay waxaa laga jaray 10 dhibcood, kadibna racfaanka kaddib waxaa la dhimay lix dhibcood. Markii labaadna waxaa laga jaray laba dhibcood oo kale.
Dhanka kale, Nottingham Forest waxaa laga jaray afar dhibcood.
Si kastaba ha ahaatee, kiisaskan oo dhan waxay khuseeyeen oo keliya jabinta xeerka PSR ee Faa'iidada.