Dowladda Qadar ayaa shalay sheegtay inay rajo ka qabto in
dadaalladeeda dhexdhexaadinta ee u dhexeeya Iran iyo Mareykanka ay natiijo ka
soo baxdo, inkastoo Madaxweyne Donald Trump uu beeniyay warar sheegayay inuu
diyaar u yahay fududeynta cunaqabateynta Iran iyo sii deynta lacagaha Iran ee
dibadda ku xayiran.
Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qadar, Majed
Al-Ansari, ayaa sheegay in Doha ay weli labada dhinac farriimo isaga gudbinayso,
si loo helo heshiis lagu soo afjaro colaadda.
Wadahadallada ayaa xoogaystay intii uu socday shirka
Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, balse illaa hadda heshiis laga gaaro dib u
furista marin-biyoodka muhiimka ah ee Marinka Hormuz lama gaarin.
Qadar ayaa mar kale dhex-dhexaadinaysa labada dhinac,
iyadoo mas’uuliyiinta Iran iyo Mareykanka ay Isniintii si gooni-gooni ah ula
kulmeen dhexdhexaadiyeyaasha Qadar.
Dagaalka ayaa waxyeello u geystay awoodda militari iyo
dhaqaalaha Iran, halka Tehran ay weerarro gantaallo iyo diyaarado aan duuliye
lahayn ku qaaday xulafada Mareykanka ee gobolka, isla markaana ay xannibtay
qayb ka mid ah marinka Hormuz, taasoo saameyn ku yeelatay qiimaha tamarta
adduunka.
Trump ayaa mar kale sheegay in Iran aysan yeelan karin hub
nuclear ah, halka uu beeniyay warar sheegayay inuu Tehran u soo bandhigay
fududeynta cunaqabateynta iyo sii deynta lacagaha xayiran.
“Waxba uma aanan soo bandhigin,” ayuu Trump ku qoray
bartiisa Truth Social.