War deg deg ah, War cusub: Maxaa ka socda magaalada Baydhabo, xog dheeraad ah
Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo, ayaa sheegay in halkaasi ay ku dagaallamayaan ciidamada maamulka Koonfur galbeed iyo ciidamo kale oo daacad u ah madaxweynihii hore ee maamulkaasi Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen).
Ilo madax bannaan ayaa BBCSomali, u xaqiijiyay in dagaalka oo bilowday waaberigii hore ee saaka uu ku faafay xaafado ka tirsan Baydhabo.
Ilaa iyo hadda lama xaqiijin karo khasaaraha dhabta ah ee dagaalka ka dhashay, laakin hugunka rasaasta ayaa laga maqlay qaybo ka tirsan magaalada.
Afhayeen u hadlay madaxweynihii hore ee Laftagareen ayaa sheegtay in ciidamadoodu ay guulo dagaalka ka gaareen hase-yeeshee BBC-du si madax bannaan uma xaqiijin karto sheegashadaas.