Xuutiyiinta iyo al-Shabaab: Xidhiidh noocee ah ayaa ka dhaxeeya labada kooxood?

    • Author, سمية نصر
    • Role, بي بي سي نيوز عربي
  • Published
  • Waqtiga akhriska: 6 daqiiqo

Dhaqdhaqaaqa Xuutiyiinta Yemen ayaa u muuqda mid sii xoogaysanaya oo saamayn badan yeelanaya, kaddib markii ay dhawaan la wareegeen goobo istiraatiiji ah oo ku dhow marin-biyoodka Bab al-Mandab, isla markaana ay qaadeen weerarro lagu bartilmaameedsaday goobo ku yaalla gudaha Sucuudiga. Arrimahan ayaa muujinaya horumarka weyn ee ku yimid awoodda milatari ee Xuutiyiinta sannadihii u dambeeyay.

Guulahan ayaa imanaya xilli ay soo badanayaan caddeymaha muujinaya in Xuutiyiintu ballaadhinayaan joogitaankooda iyo xidhiidhadooda guud ahaan Badda Cas. Warbixin ay dabayaaqadii bishii hore soo saartay hay'adda cilmi-baadhista Maraykanka ah ee The Century Foundation ayaa diiwaangelisay xidhiidh sii kordhaya oo u dhexeeya Xuutiyiinta iyo kooxo hubaysan oo ka hawlgala Geeska Afrika.

Warbixin Qaramada Midoobay ka soo baxday ayaa sidoo kale xustay caddeymo la xidhiidha hub iyo dad la kala gudbiyay iyo tababbarro dhex maray Xuutiyiinta iyo mid ka mid ah kooxahaas oo ah Al-Shabaab Soomaaliya oo xidhiidh la leh Al-Qaacida.

Su'aashu waxay tahay: intee le'eg ayay gaadhsiisan yihiin xidhiidhada Xuutiyiintu ka samaysteen Geeska Afrika, iyo xiriirrada sii kordhaya ee kooxaha hubaysan ee labada dhinac ee Badda Cas ma isku xidhi karaan colaadaha gobolka?

Xidhiidhka Al-Shabaab: Laga bilaabo dano gaar ah ilaa mid istaraatiiji ah

Nadwa Al-Dawsari, oo ah cilmi-baare iyo mid ka mid ah qorayaasha warbixin ay soo saartay The Century Foundation, ayaa BBC-da Carabiga u sheegtay in xidhiidhadii Xuutiyiinta ee Geeska Afrika markii hore ku koobnaayeen is-dhaafsi dano iyo heshiisyo, balse ay si weyn u ballaadheen, gaar ahaan wixii ka dambeeyay 7-dii Oktoobar.

Caddeymaha ayaa laga helayaa Soomaaliya, halkaas oo sida ay sheegayaan warbixinta The Century Foundation iyo midda Qaramada Midoobay, xidhiidhka u dhexeeya Xuutiyiinta iyo Al-Shabaab uu sannadihii u dambeeyay sii qoto dheeraaday.

Warbixinta Qaramada Midoobay waxay sheegtay in iskaashiga labada dhinac uu ku jiro tahriibinta hubka, tababbarro farsamo iyo hawlgallo, is-dhaafsiga khibradaha milatari iyo taageero dhinaca saadka ah. Waxa kale oo ay sheegtay in Soomaaliya lagu qabtay hub iyo walxaha qarxa oo Yemen laga soo tahriibiyay.

Warbixintu waxay intaa ku dartay in muwaadin Soomaali ah oo ka tirsan Al-Shabaab uu qirtay in uu ka qayb qaatay fududaynta safarka ku dhowaad 400 oo Soomaali ah oo Yemen loogu qaaday tababbarro milatari iyo kuwo fikradeed. Waxa kale oo ay sheegtay in xubno ka tirsan Al-Shabaab ay joogitaan hawlgal ku leeyihiin gobolka Xadramawt, halkaas oo ay hub ka soo iibsadaan xubno ka tirsan Xuutiyiinta oo ay Soomaaliya u soo tahriibiyaan.

The Century Foundation ayaa iyaduna sheegtay in Xuutiyiintu doonayaan in ay Soomaaliya ku tababbaran xubno la askareeyay, iyadoo injineerro Xuutiyiin ahi ay tageen goobo ay Al-Shabaab ka maamusho Soomaaliya. Warbixintu waxay sheegtay in tababbarada ay ku jiraan samaynta walxaha qarxa, diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo dayactirka hubka.

Al-Dawsari waxay sheegtay in Xuutiyiintu saamayn iyo xidhiidho ballaadhan ka samaysanayaan Geeska Afrika, halka Al-Shabaab ay ka faa'iidaysanayso hubka, tiknoolajiyadda iyo khibradda milatari ee Xuutiyiintu heleen intii uu socday dagaalka Yemen.

Hase yeeshee, Cabdulgani Al-Zubaydi, oo ah falanqeeye iyo khabiir milatari oo loo arko in uu ku dhow yahay Xuutiyiinta, ayaa beeniyay jiritaanka xidhiidh u dhexeeya Xuutiyiinta iyo Al-Shabaab. Wuxuu sheegay in aanay suurtagal ahayn in Sanca ay xidhiidh la yeelato Al-Shabaab ama ay hub u dirto Soomaaliya.

Al-Zubaydi waxa kale oo uu shaki geliyay saxnaanta warbixinnada Qaramada Midoobay, isagoo sheegay inay inta badan ku salaysan yihiin ilo reer Galbeed iyo Maraykan oo aan si madax-bannaan loo xaqiijin.

Hazaam Al-Asad, oo ka tirsan xafiiska siyaasadda Xuutiyiinta, ayaa isna sheegay in qaar ka mid ah warbixinnada Qaramada Midoobay ay ku salaysan yihiin xog uu ku tilmaamay "mid Sucuudi ah oo marin-habaabin iyo cadowtinimo leh".

Waxaa muhiim ah in la xuso in Xuutiyiinta iyo Al-Shabaab ay leeyihiin ujeeddooyin kala duwan, isla markaana ay ka hawlgalaan deegaanno kala duwan. Dhinaca fikirka, Xuutiyiintu waxay ka tirsan yihiin mad'habka Shiicada Zaydiga, halka Al-Shabaab ay ka tirsan yihiin mad'habka Sunniga. Sidaas awgeed, su'aashu waxay tahay in xidhiidhka labada dhinac uu ku ekaan doono dano iskaashi ah, iyo in uu ka sii gudbi karo.

Professor Stig Jarle Hansen, oo ah bare cilmiga siyaasadda ka dhiga Jaamacadda Norwegian University of Life Sciences, ayaa BBC-da u sheegay in kala duwanaanshaha fikirka awgiis uu u arko xidhiidhka labada dhinac mid ku salaysan dano.

Hansen wuxuu sheegay in qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha Al-Shabaab laga yaabo in ay doonayaan inay ka faa'iidaystaan khibradda Xuutiyiinta ee samaynta diyaaradaha aan duuliyaha lahayn. Waxa kale oo uu sheegay in Al-Shabaab ay haysato dhaqaale badan, taasina ay Xuutiyiinta u noqon karto arrin soo jiidasho leh.

Dhanka kale, Nadwa Al-Dawsari waxay ka digtay in xidhiidhka labada dhinac mustaqbalka uu abuuri karo xidhiidh toos ah oo u dhexeeya colaadda Yemen iyo dagaalka Soomaaliya. Waxay sheegtay in haddii ay sameystaan xidhiidho shaqsiyeed, waddooyin tababbar, marinno hub lagu kala gudbiyo iyo habab khibrad farsamo la isugu dhaafsado, xidhiidhadaasi ay sii jiri karaan xitaa haddii xaaladihii siyaasadeed ee markii hore isu soo dhoweeyay ay isbeddelaan.

Iksu ballaadhinta guud ahaan Badda Cas

Soomaaliya ma aha dalka keliya ee Geeska Afrika ee ay Xuutiyiintu danaynayaan. Warbixinta The Century Foundation waxay sheegtay in Jabuuti, Suudaan iyo Ereteriya ay sidoo kale ka mid yihiin meelaha ay ka jiraan ama ay mustaqbalka ku ballaadhin karaan hawlaha iyo shabakadaha Xuutiyiintu.

Jabuuti ayaa si gaar ah muhiim u ah, maaddaama ay ku taallo marin-biyoodka Bab al-Mandab, isla markaana ay leedahay deked muhiim ah. Warbixintu waxay sheegtay in Xuutiyiintu ka faa'iidaystaan kaabayaasha ganacsiga iyo shabakadaha gaadiidka si ay u helaan qalab iyo qaybaha hubka, kaddibna ugu gudbiyaan Yemen.

Suudaan, warbixintu waxay sheegtay in Xuutiyiintu tan iyo bartamihii 2024 taageero siinayeen ciidanka Suudaan, oo ay ku jiraan hub ay laga yaabo in laga keenay Iiraan. Waxaa sidoo kale la sheegay in xubno Xuutiyiin ahi ka hawlgalaan Port Sudan, balse warbixintu waxay xustay in caddaymaha arrintani aanay weli ahayn kuwo go'aan kama dambays ah laga gaadhi karo.

Ereteriya, warbixintu waxay sheegtay in Xuutiyiintu laga yaabo in ay dib u dhisaan xidhiidhkooda iyagoo kaashanaya Iiraan, ayna u adeegsan karaan marin ay hubka ugu gudbiyaan Yemen, balse caddaymo furan oo arrintan si buuxda u xaqiijinaya lama hayo.

Nadwa Al-Dawsari waxay sheegtay in caddaymo aan dhamaystirnayn aanay sabab u noqon in la iska indho tiro dhaqdhaqaaqyada Xuutiyiinta ee Geeska Afrika. Dhanka kale, Cabdulgani Al-Zubaydi, oo ku dhow Xuutiyiinta, wuxuu sheegay in laga yaabo in xidhiidh wanaagsan oo u dhexeeya Xuutiyiinta iyo Ereteriya uu suurtagal noqon karo, balse aanu rumaysnayn in Ereteriya ay hadda doonayso xidhiidh noocaas ah.

Ma waxaynu markhaati ka nahay samaysanka shabakad goboleed?

Warbixinta Hay'adda Century Foundation waxay sheegtay in fiditaanka Xuutiyiinta ee Geeska Afrika iyo hareeraha Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed uu la mid noqon karo dadaalladii Iran iyo Xisbullah ay hore ugu dhiseen shabakado kooxo hubaysan oo Bariga Dhexe ah. Warbixintu waxay sheegtay in Xuutiyiintu doonayaan inay noqdaan xarun cusub oo ka tirsan waxa loo yaqaan "dhidibka iska-caabbinta".

Balse Professor Stig Jarle Hansen ayaa sheegay in in xidhiidhada hadda jira lagu tilmaamo shabakad goboleed oo ballaadhan ay tahay buunbuunin, isaga oo xusay in hawlaha Xuutiyiintu Afrika ay weli xaddidan yihiin oo ay aad uga yar yihiin kuwa Iran.

Hansen wuxuu sheegay in Xuutiyiintu ay xulafo dhow la yihiin Iran oo ay ka faa'iidaysteen taageeradeeda milatari, balse aanay ahayn koox Tehran si buuxda u maamusho. Waxa uu sheegay in Xuutiyiintu Iran taageeri karaan ilaa inta aanay taasi iyaga kharash weyn ku keenin.

Cabdulgani Al-Zubaydi ayaa xidhiidhka Xuutiyiinta iyo dalalka Geeska Afrika ku tilmaamay mid xaddidan, isaga oo sheegay in Xuutiyiintu xilligan diiradda saarayaan sidii ay u heli lahaayeen cunto iyo hub maaddaama ay dagaal ku jiraan.

Nadwa Al-Dawsari waxay sheegtay in ay adag tahay in la ogaado heerka uu xidhiidhkani gaadhay, maadaama uu inta badan qarsoodi u socdo. Waxay tilmaantay in calaamadaha muhiimka ahi noqon karaan adeegsiga diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ama hub la xidhiidha farsamooyinka Xuutiyiinta ama Iiraan, weerarro badeed oo isku-dubaridan, joogitaan Xuutiyiin oo ku fida Soomaaliya, ama tahriibinta hubka iyo ababarka iyo saadka oo noqda kuwo ka sii habaysan.

Waxay sheegtay in haddii xidhiidhadani sii dheeraadaan, khataraha amniga maraakiibta ee Bab al-Mandab iyo Gacanka Cadmeed ay noqon karaan kuwo baahsan oo si fudud isu beddeli kara, taas oo adkayn karta in la ogaado cidda ka dambaysa iyo sida looga hortagi karo.