You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Magaalo uu maamulo garaadka macmalka ah iyo walaaca laga qabo
Laga bilaabo iibsashada alaabooyinka iyo diiwaangelinta safarrada ilaa samaynta mareegaha internetka, "wakiillada garaadka macmalka ah" ayaa si isa soo taraysa loogu adeegsanayaa hawlaha maalinlaha ah.
Wakiilladani waa nooc ka mid ah barnaamijyada wada sheekaysiga, kuwaas oo loo sameeyay in ay qabtaan hawlo gaar ah. Waxaana loo habayn karaa in ay hawlahaas si iskood ah u fuliyaan, taas oo qofka u oggolaanaysa inuu waqtigiisa ku bixiyo hawlo kale.
Hase yeeshee, cilmi-baadhisyo isa soo taraya iyo dhacdooyin walaac leh ka muujinaya in awooddan ay wakiilladu u leeyihiin inay iskood u shaqeeyaan ay keeni karto natiijooyin aan la sii saadaalin karin, isla markaana laga yaabo inay khatar noqoto.
Iyadoo shirkadaha waaweyn ee tiknoolajiyadu ay malaayiin lacago ah ku maalgelinayaan horumarinta garaadka macmalka ah, isla markaana ay sii kordhinayaan adeegyada ku salaysan "wakiillada garaadka macmalka ah", khubarada qaar ayaa isweyddiinaya in si ku filan looga fiirsaday waxa dhici kara haddii wakiilladani ka baxaan xakamaynta aadanaha.
Sidee ayay u shaqeeyaan?
Mid ka mid ah tijaabooyinkii ugu dambeeyay ayaa lagu sameeyay iyadoo wakiillada garaadka macmalka ah lagu dhex daayay adduun macmal ah, si loo daraaseeyo saamaynta ay ku yeelan karaan dunida dhabta ah.
Waxay ahayd daraasaddii ugu horreysay oo muddo dheer qaadatay ee noocan ah, waxaana loogu talagalay in lagu baadho hab-dhaqanka jilayaal kala duwan oo macmal ah, kuwaas oo ay maamulayeen afar nooc oo garaadka macmal ah: Claude, Grok, GPT iyo Gemini. Ujeeddadu waxay ahayd in la ogaado sida nidaamyadani u dhaqmaan muddo 15 maalmood ah, iyadoo aanu jirin faragelin bini'aadan.
Robot-yadu waxay haysteen xorriyad ay ku doortaan mid ka mid ah 140 hawlood oo kala duwan, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen bilaabista dood, samaynta hawl ama qorista baloog.
Waxa kale oo ay awood u lahaayeen inay is khilaafaan, dab qabadsiyaan ama midba midka kale ka xado lacagaha dhijitaalka ah ee danabaysan, inkasta oo si cad loogu faray inaanay samayn waxyaabahaas.
Satya Nita, madaxa shirkadda Emergence AI oo samaysay tijaabadan, ayaa tidhi: "Waxa aanu ogaannay waxay ahayd in mid kasta oo ka mid ahi uu yeeshay hab-dhaqan gebi ahaanba ka duwan kan kale. Adduunkii uu Grok sameeyay ayaa dhab ahaantii burburay afar maalmood gudahood. Dadkii ku noolaa si aad ah ayay ugu yaaceen inay rabshad u adeegsadaan, way is dhaceen, waxayna qaadeen tallaabooyin la mid ah; ilaa ugu dambayntii dhammaantood ay dabar go'een."
Dhanka kale, adduunkii lagu sameeyay wakiilka Claude waxa ka samaysmay bulsho deggan oo si wanaagsan u shaqaynaysa. Muddo 15 maalmood ah, lama diiwaangelin wax rabshad ah.
Cilmi-baadhayaashu waxay sheegeen in dunidii ay maamulayeen wakiillada Gemini ay abuureen jawigii ugu hodansanaa dhinaca fikirka.
Waxay sheegeen in dunidii ay sameeyeen wakiillada ChatGPT, wakiillada garaadka macmalka ahi aanay weligood si dhab ah ugu guulaysan inay wax qabtaan. Waxa jiray isku dayo ay ku doonayeen inay iska kaashadaan, balse bulsho ma samaysmin. Wakiilladuna waxay si aan ujeeddo lahayn u dhex wareegayeen ilaa ugu dambayntii ay dabar go'een.
Cilmi-baadhayaashu waxay sheegeen in natiijooyinka tijaabadani ay tilmaamayaan arrin ka weyn: wakiillada garaadka macmalka ahi waxay ka bixi karaan xuduudaha loo dejiyay, iyagoo iska indhatiraya xeerarka lagu dhex sameeyay naqshadaha aasaasiga ah ama ay isticmaalayaashu u dejiyeen.
Falanqeeyayaal kale ayaa sidoo kale qaba in tijaabadan iyo kuwo la mid ahi muujinayaan in loo baahan yahay in shaqo dheeraad ah laga qabto dejinta xeerar adag oo lagu hago wakiillada.
Margaret Mitchell, oo khabiir ku ah anshaxa garaadka macmalka ah kana tirsan shirkadda Hugging Face, ayaa tidhi: "Wakiillada garaadka macmalka ahi waxay dadka ka saaraan geeddi-socodka go'aan-qaadashada, sababtoo ah habka ay u fekeraan mararka qaarkood ma cadda, waxayna u shaqeeyaan xawaare ka dheereeya awoodda aadanaha. Sidaas darteed, xitaa ma awoodid inaad la jaanqaaddo."
Daraasado kale ayaa sidoo kale muujiyay tusaalooyin ku saabsan go'aanno aan caadi ahayn oo walaac leh oo ay wakiilladu qaateen markii loo daayay inay si madax-bannaan u shaqeeyaan iyadoo aan la kormeerayn.
Shirkadda garaadka macmalka ah ee "Andon Labs" ayaa maamusha afar idaacadood oo internetka ah oo kala duwan, kuwaas oo ay maamulaan wakiillo ku shaqeeya isla naqshadahan garaadka macmalka ah.
Robot-yadu waxay soo jeediyaan barnaamijyada, waxay maamulaan jadwalka iyo liisaska heesaha, xitaa waxay raadiyaan maalgeliyeyaal dibadda ah iyagoo adeegsanaya xayaysiisyo.
Cilmi-baadhayaashu waxay ogaadeen in idaacaddii uu maamulayay Gemini ay qaadatay go'aan aan caadi ahayn: waxay marka hore soo bandhigi jirtay xog ku saabsan masiibooyin dabiici ah oo taariikhi ah, kaddibna, si aan caadi ahayn oo xoogaa ciyaar ah, waxay u sii dayn jirtay heeso pop ah oo la xidhiidha dhacdooyinkaas.
Cilmi-baadhayaashu waxay sidoo kale ogaadeen in wakiilkii ku shaqaynayay moodalka Claude uu u muuqday inuu dhacdooyinka wararka awgood ugu janjeeray aragtiyo xagjir ah.
Tijaabo kale oo ay samaysay shirkadda garaadka macmalka ah ee "Irregular" ayaa muujisay in wakiillada garaadka macmalka ahi, iyagoo hareer maraya xeerarka ilaalinta xogta gaarka ah, ay xog xasaasi ah oo shirkad leedahay si cusub oo aan caadi ahayn ugu gudbiyeen meel ka baxsan shirkadda.
Weerar iyo farriimo isdaba-joog ah oo aan loo baahnayn
Dabcan, tijaabadaas oo ku lug lahayd ilbaxnimooyin macmal ah iyo idaacado raadiye oo la matalay, waxyeello dhab ah oo dunida u soo gudba kama dhicin.
Hase yeeshee, waxa jira tusaalooyin badan oo muujinaya in nolosha iyo shaqada dadka ay khalkhal galeen kaddib markii wakiillada garaadka macmalka ahi ay ka baxeen xakamaynta.
Sanduuqyada farriimaha iimayllada ayaa la tirtiray, kaydkii xogta shirkadaha ayaa la masaxay, xitaa nin ayaa isagoo yaabban indhihiisa ku arkay wakiilkiisa garaadka macmalka ah oo boqollaal farriimood oo SMS ah oo aan macne lahayn u diraya dad aan kala sooc lahayn oo ku jiray liiska xidhiidhadiisa.