You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

TOOS, Trump oo ku dhawaaqay wadahadallo uu la furayo Iiraan maalmaha soo socda

Iiraan waxay sheegtay in xal lagu gaaro wada-xaajood oo keliya uu horseedi karo dib u furista Marinka Hormuz. Hore, Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu diiday dalabkii Iiraan ee ahaa in marinka dib loo furo muddo toddobaad gudihiis ah.

Kooban

Tebin toos ah

  1. Garoonka diyaaradaha Najaf oo dib loogu furayo duullimaadyada Iiraan

    Wakaaladaha wararka ee Iriaan ayaa sheegaya in garoonka diyaaradaha ee Najaf ee Ciraaq “dib loo furi doono” 24-ka saacadood ee soo socda, si ay duulimaadyada Iiraan uga soo degi karaan.

    Wakaaladahan ayaa soo xigtay Middle East News oo sheegtay in ilo ku dhow dawladda Ciraaq ay warkan faafiyeen.

    Garoonka Caalamiga ah ee Najaf ayaa weli ka xidhan duulimaadyada ka imanaya Iiraan.

  2. Netanyahu oo la sheegayo in uu Abu Dhabi kula kulmi doono Sheekh Zayed

    Warar aan rasmi ahayn ayaa sheegaya in Raysalwasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu uu u safri doono Abu Dhabi, halkaas oo uu kula kulmi doono Sheekh Maxamed bin Zayed Al Nahyan, Madaxweynaha Imaaraadka Carabta.

    Wargeyska The Times of Israel, oo soo xiganaya Channel 12 ee Israa’iil, ayaa warkan baahiyay fiidnimadii Axadda. Hase yeeshee, xafiisyada madaxda labada dal ayaan weli si rasmi ah u xaqiijin ama u beenin kulanka la sheegay.

    Kulankan ayaa imanaya wax yar kaddib markii ay soo baxeen warar sheegaya in Imaaraadku Israa’iil uga digay weerarkii Xamaas ee 7-dii Oktoobar.

  3. Dugsiyada caasimadda Sucuudiga oo la xidhay iyo ardayda oo internetka casharrada ku qaadanaya - AFP

    Waalidiinta ku nool caasimadda Sacuudiga ee Riyadh ayaa Axaddii farriimo ka helay dugsiyada, kuwaas oo lagu shaaciyay qorshe degdeg ah oo dhigaya in casharrada dugsiyada muddo toddobaad ah lagu qaadan doono internetka, iyadoo ardaydu guryahooda wax ku baranayaan. Sidaas waxaa werisay AFP oo soo xiganaysa farriimo ay aragtay.

    Wakaaladda wararka ayaa intaas ku dartay: “In laba farriimood oo kala duwan ay u dhignaayeen: ‘Dhawaan ayaa mas’uuliyiinta Sacuudigu nagu wargeliyeen in dugsiyadu toddobaadkan oo dhan xidhnaadaan.’”

    Sababta rasmiga ah ee go’aanka lama sheegin, balse tallaabadan ayaa imanaysa xilli xiisadda gobolka ay sii kordhayso, isla markaana uu dagaal u dhexeeyo Sacuudiga iyo Xuutiyiinta Yemen.

    Muwaadin Lubnaani ah oo ku nool Riyadh ayaa isna yidhi: “Tani waxay ahayd go’aan lama filaan ah oo daqiiqaddii ugu dambaysay la qaatay. Wax fikrad ah kama hayno waxa dhacaya.”

    Sida ay warbixintu sheegtay, mas’uuliyiinta Sacuudigu weli si rasmi ah ugama hadlin xidhitaanka dugsiyada ama amarro ku saabsan in ardaydu toddobaadkan dib ugu noqdaan waxbarashada fool-ka-foolka ah.

    Warkani wuxuu imanayaa maalin kaddib markii isbahaysiga uu Sacuudigu hoggaamiyo ee dagaalka kula jira Xuutiyiinta Yemen uu sheegay in uu qabtay oo burburiyay diyaarado aan duuliye lahayn iyo gantaallo ballistic ah oo lagu bartilmaameedsaday Sacuudiga.

    Dhanka kale, Xuutiyiinta ayaa Axaddii sheegay in duqaymo cirka ah oo Sacuudigu ka fuliyay duleedka magaalada Tacis ee koonfur-galbeed Yemen ay dileen ayna dhaawaceen tobannaan qof. Deegaannadan ayaa gacanta ugu jira Xuutiyiinta.

  4. Diyaarad aan duuliye lahayn oo duqaysay telefishinka Tigraay - AFP

    Diyaarad aan duuliye lahayn ayaa Axaddii duqaysay xarun telefishan oo ku taalla Tigray, xilli ilo bani’aadamnimo ay AFP u sheegeen in xooggagu ay horumar ka sameeyeen dagaalka ay kula jiraan ciidammada dawladda ee waqooyiga Itoobiya.

    Dagaallo culus ayaa toddobaadkan dib uga dhex qarxay Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray (TPLF) iyo dawladda federaalka, taas oo walaac ka abuurtay in dalku uu dib ugu laabto dagaalkii sokeeye ee baaxadda lahaa ee 2020 ilaa 2022, kaas oo lagu qiyaasay in ay ku dhinteen 600,000 oo qof.

    TPLF ayaa la wareegtay garoomo diyaaradeed oo maxalli ah, waxayna weerarro ku qaaday gobollada deriska la ah ee Canfarta iyo Amxaarada, iyadoo sheegtay in ay “dagaal is-difaac ah” kula jirto dawladda uu hoggaamiyo Raysalwasaare Abiy Ahmed.

    Ilo bani’aadamnimo ayaa sheegay in magaalada Erebti ee gobolka Canfarta, oo u dhow xadka Tigray, ay Axaddii gacanta u gashay fallaagada kaddib markii madaafiic culus lagu garaacay.

    Warku waxa uu intaas ku daray in TPLF ay hadda u sii gudbayso dhanka magaalada Afdeera, oo qiyaastii 100 kiiloomitir bari ka xigta.

    Ishan warka laga helay ayaa qiyaastay in ugu yaraan 150,000 oo qof ay hore ugu barakaceen gobolka Canfarta, balse waxay sheegtay in aanay suurtagal ahayn in la helo tiro sax ah.

  5. Iiraan oo Maraykanka digiin u dirtay: “Ciidammadayadu waxay diyaar u yihiin in ay si xooggan uga jawaabaan haddii weerar lagu soo qaado”

    Milatariga Iiraan ayaa Maraykanka uga digay in haddii Washington ay gobolka ka qaaddo tallaabo milatari, ciidammada Iiraan ay diyaar u yihiin inay ka jawaabaan.

    Afhayeenka milatariga Iiraan, Sareeye Guuto Mohammad Akramanieh, ayaa sheegay in xaaladda Maraykanka ee gobolka “aanay wanaagsanayn”, sidaas darteedna uu qaadi karo tallaabo milatari.

    Wuxuu sheegay in ciidammada qalabka sida ee Iiraan ay si buuxda ugu diyaar garoobeen in ay ka hortagaan khatar kasta oo iman karta.

    Hore, Abolfazl Shekarchi, oo ah afhayeen sare oo ka tirsan ciidammada qalabka sida ee Iiraan, ayaa sidoo kale Maraykanka uga digay in haddii uu farageliyo marin-biyoodka Hormuz, Iiraan ay si xooggan uga jawaabi doonto.

    Shekarchi ayaa sheegay in Maraykanku “aanuu haysan wax doorasho ah oo aan ka ahayn in uu ka baxo Galbeedka Aasiya”, isla markaana in sida ugu dhakhsaha badan ciidammada Maraykanku uga saaro gobolka ay yaraynayso khasaaraha soo gaadhi kara.

    Hadalladan saraakiisha Iiraan ayaa imanaya xilli Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu diiday qorshe ay Iiraan soo jeedisay oo ku saabsanaa in la furo marin-biyoodka Hormuz iyo in xiisadda la yareeyo.

  6. Wasiirka Maaliyadda Maraykanka: Iiraan toddobaadyada soo socda ma heli doonto wax ay ku gorgortanto

    Xoghayaha Maaliyadda Maraykanka Scott Bessent ayaa sheegay in Iiraan toddobaadyada soo socda aanay haysan doonin wax ay ku gorgortanto.

    Wuxuu hadalkan ku sheegay waraysi uu siiyay Fox News, isagoo ka hadlayay saamaynta tallaabooyinka Maraykanku ku yeelanayaan dhaqaalaha Iiraan.

    Xoghayaha Maaliyadda Maraykanka ayaa sidoo kale yiri: “Waxa badda ku jira oo keliya 15 milyan oo foosto oo shidaal Iiraan leedahay. Iiraan wax ay ku beddesho ama ku gorgortanto uma hadhi doonaan. Waxay u badan tahay in labada toddobaad ee soo socda ay Shiinaha gaadhsiin doonaan shixnaddii ugu dambaysay ee shidaalkooda, kaddibna waxba uma hadhi doonaan.”

    Scott Bessent ayaa hore u sheegay in Maraykanku ergooyin u diri doono dalal kale, si uu ugu boorriyo inay joojiyaan ganacsiga ay la leeyihiin Tehran. Hanjabaaddaas ayaa jawaab kulul ka dhalatay wasiir-ku-xigeenka arrimaha dibadda ee Iiraan, Kazem Gharibabadi.

    Mr Gharibabadi ayaa qoraal uu ku baahiyay shabakadda X ku yidhi: “Dawladaha madaxbannaan waxay xidhiidhka ay la leeyihiin Iiraan ku saleeyaan danahooda iyo walaacyadooda; mana aha amarro ka imanaya Wasaaradda Maaliyadda Maraykanka. Xilligii rabitaanka lagu khasbi jiray hanjabaado iyo cunaqabatayn ayaa dhammaanaya.”

  7. Trump oo ku dhawaaqay wadahadallo uu la furayo Iiraan maalmaha soo socda

    Madaxweyne Donald Trump ayaa maanta sheegay in uu maalmaha soo socda wadahadallo la yeelan doono masuuliyiin Iiraan ah, wax yar kaddib markii uu sheegay in Iiraan ay dhawaan is dhiibi doonto.

    Mr Trump ayaa shalay diiday soo jeedintii Iiraan ee ahayd in dib loo furo marinka Bab al-Mandab. Dhanka kale, Cabbas Araqchi oo weli ku sugan New York ayaa sheegay in “ay iska caabbin doonaan gardarro kasta, xitaa haddii ay gaadho dagaal buuxa, waxa kale oo uu sheegay in dhanka kale ay diyaar u yihiin wadaxaajood.”

  8. Xuutiyiinta oo sheegay in duqeyn cirka ah oo Sacuudiga gaystay ay bartilmaameedsatay suuq ku yaalla magaalada Taiz

    Toddoba qof ayaa la dilay, 40 kalena waa ay ku dhaawacmeen duqeyn xagga cirka ah oo ay geysteen Sacuudiga, taas oo lagu bartilmaameedsaday suuq ku yaalla magaalada Taiz ee koonfur-galbeed Yemen, sida ay maanta oo Axad ah sheegtay warbaahin xiriir la leh kooxda Ansar Allah (Xuutiyiinta).

    Telefishinka Al-Masirah oo xiriir la leh Xuutiyiinta ayaa sheegay in diyaarad dagaal oo Sacuudiga laga leeyahay ay fulisay duqeynta, iyadoo aanu jirin wax hadal ah oo degdeg ah oo ka soo baxay dhinaca Sacuudiga oo ku saabsan weerarka ama tirada dadka waxyeelladu soo gaartay.

    Duqeyntan ayaa timid xilli ay sii xoogeysanayaan dagaallada u dhexeeya Xuutiyiinta iyo ciidamada daacadda u ah xukuumadda Yemen ee caalamku aqoonsan yahay, ka dib muddo ay jirtay xaalad xasillooni ah.

    Dhanka kale, xukuumadda Yemen ee caalamku aqoonsan yahay ayaa sheegtay in ciidankeedu ay bartilmaameedsadeen xero iyo gaadiid militari oo ay leeyihiin Xuutiyiinta, kuwaas oo ku yaallay isla aaggaas.

  9. Shan qof oo looga shakisan yahay falal dambiyeed iyo inay waxyeello u geystaan saldhig ay Mareykanku ku leeyihiin Britain oo la xiray

    Booliiska Britain ayaa ku dhawaaqay in la xiray shan qof oo lala xiriirinayo "dhacdo weyn" oo ka dhacday tuulada Wilford—oo u dhow saldhigga ciidamada cirka ee RAF Fairford oo ay ku sugan yihiin ciidamo ka tirsan Ciidanka Cirka ee Mareykanka, iyadoo isla markaasna uu Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump xaqiijiyay in dadkaasi ay qorsheynayeen inay geystaan ​​"waxyeello baaxad leh".

    Tani waxay ka dambeysay markii la xiray dhowr nin oo looga shakisan yahay dambiyo hoos yimaada Xeerka Qaraxyada. Booliska Ingiriiska ee la dagaallanka argagixisada ayaa loo xilsaaray inay baaraan dhacdada.

    Xoghayaha Arrimaha Gudaha Shabana Mahmood ayaa sheegtay in kooxaha gurmadka ee ka hawlgalaya dhacdada ay aaminsan yihiin in xaaladdu ay hadda "gacanta ku jirto".

    Booliiska ayaa sheegay in dadka degganaa dhowr guri oo ku yaalla aaggaas loo raray xarun madadaalo oo u dhow.

    Waxay intaas ku dartay in koox gaar ah oo ka tirsan Ciidamada Ingiriiska, oo ku takhasustay wax ka qabashada rasaasta iyo walxaha qarxa, ay baarayaan dhowr gaari, iyadoo booliiskuna ay aaggaas ku soo rogeen xayndaab amni.

    Afhayeen u hadlay dawladda Britain ayaa sheegay in Ra'iisul Wasaare Andy Burnham si joogto ah loogu wargelinayay xaaladda iyo horumarka la xiriira dhacdada, wuxuuna yiri: "Waxaan uga mahadcelinaynaa kooxaha gurmadka degdegga ah sida ay si degdeg ah uga hawlgaleen xiridda dhowr qof oo looga shakisan yahay falka, iyo tallaabooyinka ay u qaadeen sugidda amniga bulshada."

  10. Laba dhacdo oo ah toogashooyin baahsan oo ka dhacay Koonfur Afrika ayaa sababay dhimashada 27 qof

    Labaatan iyo toddoba qof ayaa ku dhintay laba toogasho oo ay saacado u dhexeeyeen Koonfur Afrika, waana rabshadihii ugu dambeeyay ee rasaasta lagu furay dalkaas.

    Toddoba iyo toban qof ayaa ku dhintay markii siddeed nin oo hubaysan ay weerareen baar ku dhow Johannesburg fiidnimadii Sabtida, iyadoo 15 kale ay ku dhaawacmeen.

    Toogasho kale oo dhacday aroornimadii hore ee Axadda, 10 qof ayaa lagu dilay bannaanka goob madadaalo ah oo ku taal magaalo u dhow Cape Town, 11 kalena waa la dhaawacay.

    Koonfur Afrika waxay ka mid tahay meelaha ugu badan ee dilalka lagu geysto, waxayna ku dhibtoonaysay inay xakamayso rabshadaha la xiriira qoryaha ee kooxaha sannadihii ugu dambeeyay. Booliisku ma aysan sheegin sababta dhabta ah ee ka dambeysay mid ka mid ah weerarradii ugu dambeeyay.

    Magaalada Johannesburg, rag hubeysan ayaa rasaas ku furay macaamiisha bannaanka baarka ka hor inta aysan sii wadin weerarka gudaha oo ay gubeen laba gaari ka hor inta aysan cararin.

    Boliisku waxay sheegeen in saddex iyo toban nin iyo afar dumar ah la dilay.

    Taliyaha Booliska Gauteng Lt Gen Tommy Mthombeni ayaa sheegay in dad ka yimid Itoobiya iyo Lesotho ay ka mid ahaayeen dadkii lagu toogtay toogashada, laakiin in badankoodu ay ahaayeen Koonfur Afrikaan.

    Wuxuu sidoo kale sheegay in booliisku ay aaminsan yihiin in ujeeddada ka dambeysa toogashada ay ahayd dhac, maadaama hanti shaqsi ah la qaatay, laakiin aysan meesha ka saari karin dagaallo u dhexeeya kooxaha macdan qodista sharci darrada ah.

  11. Todoba markab oo xalay lagu beegsaday marinka Hormuz - wakaaladda Fars

    Wakaaladda wararka ee Fars ayaa sheegtay in labadii habeen ee la soo dhaafay, ciidamada qalabka sida ee Iran ay "ka hortageen maraakiib isku dayayay inay maraan waddooyin aan loo oggolayn oo ku yaalla marinka Hormuz.

    Sida ay sheegtay wakaaladda wararka, oo xiriir dhow la leh hay'adaha amniga iyo milatariga, "todobo markab ayaa la beegsaday xalay, halka 12 kalena la beegsaday habeenkii ka horreeyay."

    Ilo-wareedyo kale ma aysan soo werinin in maraakiibtaas la beegsaday, balse labadii habeen ee la soo dhaafay, dadka deegaanka qaarkood ayaa soo sheegay inay maqleen qaraxyo ka dhacayay badda ku hareeraysan marinka Hormuz.

    Ciidanka Ilaalada Kacaanka (Revolutionary Guard Corps) ayaa bayaan ay soo saareen saacado ka hor ku sheegay: "Marinka Hormuz waa xiran yahay, waxaana qaadaynaa tallaabooyin adag oo aan kala joogsi lahayn oo ka dhan ah dhaqdhaqaaqyada khatarta ah iyo isu-socodka aan loo oggolayn ee marinka Hormuz."

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrisan karto:

  12. Ciidamada Iran oo sheegay in ay dabin galiyeen markab quusa oo Maraykanku leeyahay

    Ciidamada Badda ee IRGC waxay sheegeen in "markab is wada" oo ay leeyihiiin ciidamada Mareykanka ay "dabin galiyeen" iyaga oo adeegsanay "Ai iyo aalado elektaroonig ah oo dagaalka loogu talagalay."

    War-saxaafadeedka Ciidamada Badda ee IRGC ayaa lagu sheegay in markabkan quusa ee aan cidina wadin balse meel fog laga hago uu yahay "mid ka mid ah maraakiibta casriga ah ee horumarsan ee loo yaqaan Remus 600" haddana loo wareejiyay khubaro si ay u helaan "macluumaad."

    Ilaalada Kacaanka ayaa sidoo kale soo saaray muuqaal ah markab laga soo saarayo biyaha, waxayna ku nuuxnuuxsadeen hadalkooda ah in "Marinka Hormuz uu xiran yahay."

    Sebtembar 17, Ilaalada Kacaanka ayaa ku dhawaaqay "qabashada" markab aan cidina saarnayn oo Mareykan ah.

    Waqtigaas, CENTCOM ayaa xaqiijisay warka, iyadoo sheegtay in markabka quusa uu "la kulmay cillad farsamo" intii uu ilaalinayay biyaha gobolka.

    Afhayeen u hadlay CENTCOM ayaa yiri: "Markabkaanwuxuu ahaa nooc duug ah oo aan ururin macluumaad xasaasi ah mana wadanin qalab radaar ama dareemayaal sare."

    Si kastaba ha ahaatee, IRGC waxay sheegtay in markabkaan uu "shaqaynayo."

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrisan karto:

  13. Iran oo sheegtay suuragalnimada weerar Maraykanku ku qaado dalkooda

    Afhayeenka ciidamada Iiraan ayaa sheegay in xaaladda Mareykanka ee gobolka aysan "wanaagsanayn," taasna ay tahay sababta ay u suuragal tahay inay ku kacaan "gardarro militari."

    Sarreeye Guuto Maxamed Akraminia ayaa uga digay in ciidamada Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan ay "si buuxda ugu diyaar garoobeen inay la dagaallamaan cadowga."

    Horay, afhayeenka sare ee ciidamada qalabka sida ee Iiraan ayaa uga digay Mareykanka inay "la kulmi doonaan dharbaaxo" haddii ay faragelin ku sameeyaan Marinka Hormuz.

    Abolfazl Shekarchi ayaa sidoo kale sheegay in Mareykanku "uusan haysan waddo kale oo uu ku baxsado marka laga reebo inuu ka baxo Galbeedka Aasiya," wuxuuna kula taliyay in sida ugu dhakhsaha badan ee ciidamada Mareykanku uga baxaan gobolka, ay yaraan doonto khasaaraha soo gaaraya.

    Digniinta ka imaanaysa saraakiisha militariga Iiraan ayaa ku soo beegmaysa xilli Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu diiday qorshaha ay Iiraan soo jeedisay ee ku saabsan furitaanka Marinka Hormuz iyo yareynta xiisadda.

    Horay, wargeyska Wall Street Journal ayaa soo weriyay, isagoo soo xiganaya saraakiil Mareykan ah oo aan la magacaabin, in Donald Trump uu filayo in duqeymaha cirka ee Mareykanka ay dib u billaaban doonaan ka dib doorashooyinka dhexe ee dalkaasi.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrisan karto:

  14. Daadad iyo dhul-go' dilay 15 qof oo ku sugan Hindiya iyo 4 kale oo ku sugan Nepal.

    Roobab mahiigaan ah iyo duufaanno ayaa sababay daadad iyo dhul-go' ka dhacay dalka Hindiya iyo dalka deriska la ah ee Nepal, taas oo sababtay dhimashada ugu yaraan 19 qof, halka 10 shaqaale ahna la la'yahay ka dib markii ay webiyadu soo buuxdhaafiyeen jiiyinkooda.

    Gobolka Uttar Pradesh ee dalka Hindiya, 15 qof ayaa dhintay shan kalena way ku dhaawacmeen 48-kii saac ee la soo dhaafay, iyadoo ay burbureen 117 guri, sida ay sheegeen mas'uuliyiinta gobolka oo soo saaray war-saxaafadeed.

    Dalka Nepal, afar qof oo ay ku jiraan saddex carruur ah iyo haweeney ayaa dhintay ka dib markii dhul-go' uu ku dumay gurigooda xilli ay hurdeen tuulada Nishi Khola ee degmada Baglung.

    Sidoo kale lama oga halka ay ku sugan yihiin 10 shaqaale oo u dhashay Nepal ka dib markii baraf soo rogmaday (avalanche) uu aasay xeryihii saldhigga buurta Himlung Himal — oo dhererkeedu yahay 7,126 mitir — taas oo ku taal degmada Manang ee waqooyiga Nepal.

    Shaqaalaha ayaa dhisayay teendhooyin loogu talagalay dadka ajaanibta ah ee buuraha fuula, kuwaas oo aan goobta joogin xilligii ay musiibadu dhacday. Mas'uuliyiinta dalka Nepal ayaa ka digay suurtagalnimada inay daadad degdeg ah (flash floods) ka dhacaan 49 ka mid ah 77-da degmo ee dalkaasi.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrisan karto:

  15. Heesihii laga helay kombiyuutarkii Usaama bin Laden

    Sanadkii 2017 kii, CIA da Maraykanka ayaa baahisay ku dhawaad afar boqol oo dukumenti oo laga helay kumbiyuutarkii Usaama Bin-Laden oo ay ku soo qaaten weerarkii ay ku dileen.

    Dukumiintiyadaan ayaa isugu jiray codad, masawiro iyo muuqaalo. Sagaashan boqolkiiba xogta laga helay kombuyuutarkiisa waxay ku qornayd carabi, laakiin waxay u muuqatay in uu baranayay luuqado kale, sababtoo ah waxaa ku jiray qoraalada laga helay kombiyuutarkiisa, joornaalo ku qoran af Ingiriis.

    Xogtaan waxay sheegaysaa in bin Laden uu xiisayn jiray music ga oo uu haystay heeso u badan Hindi iyo kuwa kale oo lagu sameeyay afka Pashto ga ee looga hadlo waddanka uu waqtiga ku qaatay ee Afghanistan.

    Waxyaabaha laga helay gurigiisa waxaa kamid ah buugaag uu qoray Maulana Maududi oo ah aasaasaha xisbiga Jamaat -e- Islami ee ka dhisan Pakistan.

    Waxyaabaha laga helay computer ka bin Laden:

  16. Madaxweyne xigeenka Shiinaha oo war farxad u ah Falastiin ka sheegay shirka Qaramada Midoobay

    Khudbaddii uu ka jeediyay Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, Madaxweyne Ku-xigeenka Shiinaha Han Zheng wuxuu ku baaqay in la ixtiraamo madaxbannaanida iyo amniga dalalka Bariga Dhexe.

    “Shiinuhu wuxuu aaminsan yahay in madaxbannaanida iyo amniga dalalka Bariga Dhexe, oo ay ku jiraan dalalka Khaliijka, ay tahay in la ixtiraamo. Hawlaha warshadaha caalamiga ah iyo silsiladaha sahaydu waa inay ahaadaan kuwo deggan oo aan kala go’ lahayn, ganacsiga caalamigana waa in la ilaaliyaa,” ayuu yiri.

    Mr. Han wuxuu sidoo kale ku baaqay in la aqoonsado madaxbannaanida Falastiin iyo dib-u-dhiska Qasa.

    Wuxuu sidoo kale yiri: “Shiinuhu wuxuu doonayaa inuu horumariyo geeddi-socodka maamulka Daanta Galbeed iyo dib-u-dhiska Qasa kaddib colaadaha, iyadoo lagu salaynayo mabda’a ah ‘Falastiiniyiintu ha maamulaan Falastiin.’”

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrisan karto:

  17. Barcelona oo xiisaynaysa Haaland iyo qodobo ciyaaraha oo xiiso leh

    • Barcelona ayaa weli isha ku haysa weeraryahanka Norway ee Erling Haaland, oo 26 jir ah, waxaana la filayaa inuu noqdo xulashadooda koowaad suuqa kala iibsiga xagaaga. (El Nacional)
    • Real Madrid ayaa sheegtay in Trent Alexander-Arnold, 27 jir, uusan qorshaynayn inuu kooxda ka tago, inkastoo Arsenal iyo Liverpool ay danaynayaan saxiixa daafaca England. (TeamTalk)
    • Manchester United ayaa si dhow ula socda daafaca bidix ee reer Spain Alejandro Balde, 22 jir, kaas oo laga yaabo inuu Barcelona ka tago bisha Janaayo. (Mundo Deportivo)
    • Bayern Munich ayaa diyaar u ah inay Barcelona u gudbiso dalab dhan £69 milyan oo ay ku doonayso weeraryahanka Spain ee Dani Olmo, 28 jir. (Sport)
    • Liverpool iyo Manchester United labaduba waxay danaynayaan daafaca reer Netherlands Micky van de Ven, laakiin lacag aad u badan ayaa loo baahan doonaa si Tottenham loogu qanciyo inay iibiso 25-jirka. (Caught Offside)
    • Daafaca Fikayo Tomori, 28 jir, iyo khadka dhexe Ruben Loftus-Cheek, 30 jir, ayaa la filayaa inay AC Milan ka tagaan sannadka dambe marka qandaraasyadoodu dhacaan bisha Juun. (Gazzetta – Talyaani)
    • Bayern Munich ayaa sidoo kale danaynaysa daafaca reer Portugal ee Benfica Tomas Araujo, 24 jir. (Bild)
    • AS Roma ayaa lagu wadaa inay laba jibbaarto qiimaha ay ku doonayso khadka dhexe ee Manu Koné, iyadoo qiimihiisa Janaayo laga dhigi doono £86 milyan, kaddib markii Chelsea ay xagaagii diiday dalab £43 milyan ah oo ay uga gudbisay ciyaaryahanka reer France. (La Gazzetta dello Sport)
    • Daafaca Real Madrid Raúl Asencio, 23 jir, ayaa xagaagii helay saddex dalab oo waaweyn, oo ay ku jireen kuwo uga yimid Chelsea iyo Liverpool, balse wuxuu go’aansaday inuu kooxda sii joogo. (Marca)
    • Daafaca reer Spain Alex Jiménez, 21 jir, ayaa amaah ugu biiray Fiorentina isagoo ka tirsan Bournemouth. Heshiisku wuxuu siinayaa kooxda Talyaaniga fursad ay si rasmi ah ugu iibsato £17 milyan. (Tuttomercatoweb)
  18. Gantaalka ugu halista badan xilligan ee yaalla Afrika iyo dalka haysta

    Ciidanka Aljeeriya ayaa markii ugu horreysay xaqiijiyay inay haystaan ​​gantaalada Iskander ee hypersonic, iyagoo sii daayay muuqaallo muujinaya gantaalka oo la ridayo intii lagu jiray tababar.

    Gantaalkan waxaa la rumeysan yahay inay haysteen militariga dalka sannado badan, inkastoo xaqiijin la'aanta hore ay muujinayso u janjeersiga militariga Aljeeriya ee ah inaysan ku dhawaaqin iibsashada hub cusub.

    Iskander waxaa loo arkaa gantaalka ballistic-ga ugu awoodda badan adduunka waxaana la ogyahay in loo dhoofiyay Armenia iyo Aljeeriya oo keliya iyaga oo ka helay Ruushka, halka Kuuriyada Waqooyi iyo Koonfurta Kuuriya ay soo rideen gantaallo la mid ah iyada oo loo maleynayo inay ka faa'iideysanayaan tignoolajiyada Ruushka.

    Gantaalkan wuxuu gaaraa masaafo dhan 500 oo kiiloomitir iyo isaga oo leh bartilmaameedyo saxnaan sare leh iyo dhaqdhaqaaqa awooddiisa ee uu ku safri karo xawaare sare, taa oo adkeyneysaa in la qabto.

    Soo bandhigidda Iskander waxay ka dambeysay markii uu qarxay dagaal heer hoose ah oo u dhexeeya Ciidanka Morocco iyo kooxaha fallaagada ah ee kala duwan.

  19. Wakiilka Maraykanka ee NATO oo ka hadlay diidmada Trump ee soo jeedinta Iiraan

    Wakiilka Maraykanka ee NATO,Matthew Whitaker, ayaa sheegay in Donald Trump uu saxan yahay in uu diiday soo jeedintii Iran ee ahayd in muddo toddoba maalmood ah la furo Marin-biyoodka Hormuz.

    “Iyagu [Iran] waxay aad ugu baahan yihiin heshiis,” ayuu yiri Mr. Whitaker, isagoo xusay in Mr. Trump uu guulo badan ka gaaray go’doominta badda iyo cunaqabateennada.

    Waxa kale oo uu yiri: “Laakiin tallaabooyinkan aan dhammaystirnayn ama heshiisyada muuqda ee ay soo jeedinayaan si ay sumcad uga helaan masraxa caalamka sinaba looma aqbali karo.”

    Diblomaasiga Maraykanka ayaa sidoo kale ka hadlay walaaca dadweynaha ee ku saabsan qiimaha sare ee saliidda iyo shidaalka: “Ugu dambayn, marka xaaladdan si guul leh loo xalliyo, marka dagaalladan lagu soo afjaro si waafaqsan danaha Maraykanka iyo xulafadiisa, waxaan suuqa ku arki doonnaa sahay badan oo saliid iyo gaas, waana in arrintaasi dhacdaa sida ugu dhakhsaha badan ee suurtagalka ah.”

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrisan karto:

  20. Haweenaydii 10-aad oo maydkeeda laga helay Johannesburg iyo caro ka dhalatay dilalkaas

    Booliiska Koonfur Afrika ayaa sheegay inay meyd kale ka heleen xaafad ka tirsan Johannesburg, taasoo tirada haweenka halkaas meydkooda laga helay bilihii u dambeeyay ka dhigaysa toban.

    Meydka ayaa la helay subaxnimadii Sabtida, waxaana aqoonsaday saaxiib ay fiidkii hore wada joogeen baar.

    Taliyaha booliiska ee deegaanka ayaa sheegay in ciidamadiisu aysan meesha ka saari karin suurtagalnimada ah in uu jiro gacan-ku dhiigle - si is-daba-joog ah u gaysanaya oo weli baxsan, isagoo xusay isku ekaanshaha ka dhexeeya 10-ka dhimasho ee ka dhacay Ekurhuleni iyo mid kale oo ka dhacay Soweto.

    Dilalkan ayaa dalka oo dhan ka dhaliyay caro iyo walaac xooggan oo ku saabsan baaxadda rabshadaha loo geysto haweenka dalka, kaas oo ka mid ah dalalka adduunka ugu sarreeya marka laga hadlayo rabshadaha ku salaysan jinsiga.

    Meydka ugu dambeeyay ayaa laga helay qabuuraha ku yaalla xaafadda Tembisa, oo waqooyi-bari kaga beegan bartamaha Johannesburg.

    Booliisku waxay wax yar kaddib soo saareen bayaan ay ku sheegeen in baarayaasha goobaha dambiyada ay goobta ku sugnaayeen, iyagoo ururinayay caddaymo. Saraakiishu weli si rasmi ah uma aysan shaacin magaca qofka dhintay.

    Saaxiibtii haweeneyda ayaa u sheegtay warbaahinta qaranka ee SABC inay aqoonsatay dharkii saaxiibteed ee ay xalay hore xiratay, markii sawir meydka ah loo tusay.

    “Ma garanayo waxa aan carruurteeda u sheegi doono,” ayay tiri iyadoo ilmada iska tirtiraysa. “Waa xanuun badan.”