You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Muxuu yahay qorshaha Iiraan soo bandhigtay ee lagu furayo Hormuz, balse uu Trump ku gacan sayray
Trump ayaa diiday soo jeedintii Iiraan ee ahayd in la furo marinka Hormuz si ganacsiga loogu oggolaado inuu halkaas maro muddo toddobaad gudihiis ah.
"Iiraan dhibaato badan ayay martay, waxayna doonaysaa inay heshiis gaarto iyadoo si degdeg ah u furaysa marinka Hormuz" ayuu Trump u sheegay weriyeyaasha mar uu ugu warramayey Aqalka Cad.
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan, Cabaas Araghchi, ayaa bartiisa Telegram-ka ku qoray in dalkiisu uu aaminsan yahay soo jeedinta ku saabsan marinka Hormuz, isla markaana uu weli sugayo jawaab caadi ah oo uga timaada dhinaca Mareykanka.
Cabaas Araghchi ayaa u sheegay weriyeyaasha xilli uu ka qaybgalayay Shirweynaha Guud ee Qaramada Midoobay maalintii Jimcaha in heshiis lala galo Mareykanka la gaari karo haddii la fuliyo shuruudaha ay Iiraan rabto.
Marinka Hormuz, oo ay maraan shan meelood meel (1/5) sahayda saliidda adduunka, ayaa xirnaa tan iyo markii uu billowday dagaalka Iiraan.
"Waxaan si buuxda ugu gacanta ku haynaa (marinka Hormuz), saliid badanna way ka gudubtaa" ayuu yiri Trump.
"Waxay doonayaan inay heshiis gaaraan, taasina waa wax wanaagsan. Waan jeclahay heshiiska. Laakiin heshiiska la soo jeediyay waa mid aan la aqbali karin," ayuu yiri.
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan, Cabaas Araghchi, ayaa sheegay inaysan wax cusub ahayn in Trump uu sameeyo hadallo isugu jira kuwo wanaagsan iyo kuwo is-khilaafsan.
Si kastaba ha ahaatee, wuxuu sheegay in Iiraan ay qaadan doonto go'aankeeda ka dib marka ay dhegeysato jawaabta Mareykanka ee ka imaanaysa dhinacyada dhexdhexaadinaya.
Maalintii Jimcaha, ee 25-kii Febraayo, wargeyska Wall Street Journal ayaa soo xigtay sarkaal Mareykan ah oo sheegay in Trump uu golahiisa wasiirrada u sheegay inuu doonayo inuu weerar cusub ku qaado Iiraan.
Diblomaasiga reer Iiraan, Cabaas Aragchi, ayaa u sheegay weriyeyaasha maalintii Jimcaha: "Waddada badda waa la furi karaa haddii la buuxiyo shuruudaha lagama maarmaanka ah, dhaqdhaqaaqa caadiga ah ee maraakiibta baddana wuxuu ku soo laaban doonaa sidii caadiga ahayd muddo toddobaad gudihiis ah.
"Tallaabada ay tahay in Maraykanku qaado ma aha mid cusub. Waa in la hirgeliyo waxa ku xusan Heshiiskii is faham (MoU) ee la saxiixay. Hadda go'aanku wuxuu u yaallaa Maraykanka" ayuu yiri.
Madaxweynaha Iiraan, Massoud Pezeshkiyan, ayaa u sheegay CBS News intii uu ku guda jiray shirka Qaramada Midoobay in wax walba ay ku soo laaban doonaan sidii caadiga ahayd haddii Maraykanku hirgeliyo Heshiiska faham ee bishii Oktoobar.
"Waxaan ku heshiinnay iyadoo lagu saleynayo Heshiiska is-faham ee lagu saxiixay Pakistan. Haddii Maraykanku uu qaado waddadaas, wax walba waxay ku soo laaban doonaan sidii caadiga ahayd" ayuu yiri.
Si kastaba ha ahaatee, Maraykanku ma doonayo inuu wadahadal la bilaabo Iiraan iyadoo la raacayo Heshiiskaas is-faham sida ay sheegtay Christian Fontenros, oo ka tirsanaan jirtay Golaha Amniga Qaranka xilligii maamulkii ugu horreeyay ee Trump. Sababtu waxay tahay in Maraykanka lagu dhaliilay saxiixa heshiis faa'iido u leh Iiraan.
Sida uu dhigayo Heshiiska is-faham ee ay labada dal saxiixeen, xabbad joojin iyo furitaanka Marinka Hormuz ayaa ahaa tallaabooyin lagu bilaabayo wadahadallo ku saabsan xabbad-joojin dhammaystiran oo laga gaaro arrinta Iiraan.
Heshiiska oo ka kooban 14 qodob ayaa dhigaya in Iiraan aysan waligeed samaysan hubka nukliyeerka. Waxaa sidoo kale lagu heshiiyay in Maraykanka, Iiraan iyo xulafadoodu ay joojiyaan weerarrada milateri ee dhinacyada oo dhan.
Hase yeeshee, Maraykanka iyo Iiraan ayaa tan iyo markaas jebiyay heshiiska, waxayna qaadeen weerarro isdaba-joog ah oo ay isku geysteen. Labada dhinacba waxay isku eedeynayaan burburka heshiiska.