Masar oo ka carootay "caddaalad-darro", kuna eedaysay in Messi loo eexday kadib markii ay ka hartay Koobka Adduunka

Xigashada Sawirka, .
Markii waqtiga caadiga ah ee ciyaarta ay ka harsaneyd 12 daqiiqo, Masar waxay qarka u saarnayd in ay gaarto natiijadii ugu weynayd ee taariikhdeeda Koobka Adduunka.
Kooxda Faraaciiniyiinta ayaa 2-0 ku hoggaaminaysay Argentina oo ah xulka difaacanaya Koobka Adduunka, ciyaar ka dhacaysay Garoonka Atlanta, waxay u muuqatay in ay u soo bixi doonto wareegga siddeedda markii ugu horraysay taariikhdeeda.
Laakiin wax walba waxay isu beddeleen si degdeg ah.
Markii Cristian Romero uu ciyaarta ka dhigay 2-1 daqiiqaddii 79-aad, Masar waxaa laga filayey in ay difaacato hoggaanka. Hase yeeshee, waxay u muuqatay in ay jahawareertay markii kabtanka Argentina, Lionel Messi, uu afar daqiiqo kadib ciyaarta ka dhigay barbaro 2-2.
Ka dib Enzo Fernandez ayaa madax ku dhaliyay goolkii guusha daqiiqaddii labaad ee waqtiga dheeriga ah, taas oo taageerayaasha Argentina aad ugu farxeen.
Masar waxay ka hartay tartanka, iyadoo aad uga xun go'aankii garsooraha muuqaalka (VAR) uu ku diiday gool labaad oo uu dhaliyay Mostafa Zico. Diidmada goolka waxaa loo aaneeyey in Marwan Attia uu qun yar cagta uga istaagey ciyaaryahan Lisandro Martinez bilowgii weerarka, xilli Masar ay ciyaarta ku hoggaaminaysay 1-0.
Sidoo kale Masar waxay ku adkaysatay in Maxamed Saalax lagu galay qalad gudaha goobaabinta ganaaxa ee Argentina ilbiriqsiyo ka hor intii aysan Argentina dhalin goolkii guusha.
Markii garsooraha Faransiiska François Letexier uu afuufay seeriga dhammaadka ciyaarta, ciyaartoy badan oo Masaari ah ayaa garoonka dhex fariistay iyagoo rumaysan kari waayey wixii dhacay.
Wareysi kulul oo ciyaarta kadib uu bixiyey tababaraha Masar Xussam Xasan wuxuu ku sheegay in kooxdiisa "si caddaaladda ka fog loola dhaqmay" islamarkaana ay "la kulantay dulmi."
"Waxaa jirey arrimo badan oo mudan in la isku weydiiyo gudaha iyo dibadda garoonkaba" ayuu yiri Xussam oo intaas ku daray: "Arrintu waxay ku saabsan tahay kalsooni la'aan iyo sida wax u dhaceen".
BBC Sport ayaa sheegtay in ay FIFA kala xiriirtay arrintan si ay jawaab uga hesho.
Kulankan wuxuu lahaa wax kasta oo xiiso leh: gool-kulaad la badbaadiyay, gool la diiday, kaar cas iyo soo laabasho cajiib ah.

Xigashada Sawirka, .
"Maxaycaddaalad uga jiri la' isboortiga?"
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Maalin ka hor tartanka, tababare Hasan ayaa yiri:v"Waxaan u baahanahay in aan si ka wanaagsan uga soo muuqanno Koobka Adduunka."
Masar waxay timid Waqooyiga Ameerika iyadoo lagu tilmaamayay koox aan guulo badan ka gaarin Koobka Adduunka, maadaama saddexdii ka qaybgal ee hore aysan ku guuleysan midna toddobadii kulan ee ay ciyaartay.
Kadib markii ay 22-kii Juun kaga adkaatay New Zealand kulan heerka guruubyada ah oo ka dhacay Vancouver, Masar waxay hoggaanka u qabatay Argentina markii Yasser Ibrahim uu madax ku dhaliyay daqiiqaddii 15-aad.
Ciyaar dhacdooyin badan lahayd, goolhayaha Masar Mostafa Shobeir ayaa si cajiib ah u qabtay gool-kulaad uu qaaday Messi, halka Masar ay markii dambe moodday inay dhalisay gool labaad oo VAR diiday.
Markii Fernandez uu dhaliyay goolkii guusha, Masar waxay mar kale dalbatay rigoore kadib qalad lagu galay Salah, iyadoo xubin ka tirsan shaqaalaha farsamada ee kursiga keydka la siiyay kaar cas.
"Garsooruhu wuxuu ahaa nin aan caddaalad ahayn. Dulmigu wuu muuqday. Caddaalad-darraduna waxay jirtay tan iyo bilowgii ciyaarta," ayuu yiri Mostafa Zico oo dhanka weerarka uga ciyaara Masar oo is weydiiyey waxa "ciyaaraha caddaalad u diidey?"

Xigashada Sawirka, .
Falanqayn: Go'aannadii garsoorka
Wariyaha arrimaha garsoorka ee BBC, Dale Johnson ayaa sheegay in madaxii garsoorayaasha FIFA Pierluigi Collina uu dhowaan ku adkeeyay garsoorayaasha in ay oggolaadaan taabashooyinka caadiga ah ee kubadda cagta si ciyaartu u noqoto mid xawaare badan.
Marka la eego goolka Masar ee la diiday, Attia wuxuu si khafiif ah u jiiday funaanadda Martinez, wuxuuna si yar ugu istaagay suulka.
Inkasta oo qaladkaas sharci ahaan loo fasiri karo qalad, Johnson wuxuu sheegay in go'aanka VAR uusan la jaanqaadin sida guud ahaan tartanka loo garsoorayey.
Dhanka kale, wuxuu xusay in dhacdadii Saalax lagu galay xerada ganaaxa ka hor goolkii guusha Argentina ay ahayd arrin kale oo mudnayd in VAR dib u eegto.
Farqiga ugu weyn ayaa ahaa in Saalax uu ku jiray xerada ganaaxa, halkaas oo VAR u baahan yahay hubanti heerkeedu sarreeyo si rigoore loo dhigo. Sidaa darteed, goolka Argentina waa la ansixiyay.

Xigashada Sawirka, .
Saalax ma ciyaari doonaa Koob Adduun kale?
Iyadoo Messi, Erling Haaland iyo Kylian Mbappé ay si joogto ah goolal uga dhalinayeen tartankan, Maxamed Saalax wuxuu tartanka ku dhammeystay hal gool oo keliya, kaas oo uu ka dhaliyay New Zealand 22-kii Juun.
Kulankii Argentina, Saalax ma uusan samayn hal laad oo bartilmaameed leh ah mana uusan bixin baas muhiim ah.
Saalax wuxuu jiri doonaa 38 sano marka la garo Koobka Adduunka 2030 oo lagu wado in ay wadajir u martigeliyaan dalalka Morocco, Portugal iyo Spain.
Iyadoo Cristiano Ronaldo (41 jir) iyo Luka Modrić (40 jir) ay u muuqato in ay ciyaareen Koobkii Adduunka ee ugu dambeeyey, lama oga in Saalax uu afar sano kadib mar kale hoggaamin doono Masar.
Dhanka kale, bixitaanka Masar ayaa ka dhigay Morocco kooxda keliya ee ka soo hartay 10-kii kooxood ee qaaradda Afrika ku lmatalayey tartankan.
Afar sano ka hor, Morocco waxay noqotay dalkii ugu horreeyay ee Afrikaan ah ee gaara nus-dhamaadka Koobka Adduunka.
Kooxda Atlas Lions waxay wareegga siddeedda ku wajihi doontaa Faransiiska, kulan ka dhici doona Boston Stadium Khamiista.
Inkastoo Koobkan Adduunka uu Masar ugu dhammaaday murugo, haddana wuxuu dadweynaha Masar ku reebay yididiilo hor leh uu muujisay in xulkoodu ka tirsan yahay quwadaha ugu waaweyn kubadda cagta adduunka.















