TOOS, Iiraan oo sheegtay inay 'si buuxda' ugu diyaar garoowday cunaqabateynta dhaqaale ee Mareykanka

Taliska Hawlgallada Badda ee Boqortooyada Midowday (UKMTO) ayaa sheegtay in markab shidaal qaada uu wakaaladda u sheegay in lagu dhuftay “gantaal ama walax aan la aqoonsan”, taasina ay keentay inuu istaago xili uu marayay Gacanka Hormuz.

Kooban

Tebin toos ah

  1. War deg deg ah, Iran oo jawaab adag u dirtay Mareykanka iyo tallaabooyin cusub oo qaadi doonto

    Iran

    Xigashada Sawirka, TASNIM

    Iran ayaa ka jawaabtay hanjabaadaha Mareykanka ee cunaqabateynta dhaqaale, iyadoo sheegtay in Washington aysan weli u muuqan mid adag.

    Tehran waxay sidoo kale sheegtay inay ku kalsoon tahay in dalalka ay ganacsiga la leedahay ay iska caabin doonaan cadaadis kasta oo uga yimaada Mareykanka.

    Wasiirka Maaliyadda Iran, Cali Madanizadeh, ayaa sheegay in cunaqabateyntu aysan wax cusub u ahayn dalkiisa.

    Wuxuu sheegay in haddii dalalka ay Iran colka yihiin ay qaadaan waxa uu ugu yeeray “argagixisannimo dhaqaale”, Iran ay iyaduna leedahay habab ay uga jawaabto, isla markaana ay taqaan sida loola tacaalo cadaadiska dhaqaale, ayna arrintaas iska indho-tiri doonin.

    Madaxa Golaha Sare ee Amniga Qaranka Iran, Mohsen Rezaei, ayaa ka digay in Tehran ay diyaar u tahay inay joojiso dhammaan dhoofinta shidaalka ee dalalka Khaliijka.

    Isniintii, Xoghayaha Maaliyadda Mareykanka, Scott Bessent, ayaa sheegay in bangiyada, shirkadaha iyo waddamada sii wada ganacsiga Iran ay wajihi doonaan go’doomin dhaqaale, haddii ay diidaan inay xiriirka ganacsi u jaraan Tehran.

  2. War deg deg ah, Dad loogu baaqay in guryahooda ay ku xusaan dhalashada Nabi Muxammed NNKH cabsi jirta awgeed

    Xuska Dhalashada Nabi Muxammed

    Xigashada Sawirka, ANADOLU AGENCY

    Qoraalka sawirka, Xuska Dhalashada Nabi Muxammed

    Golaha Sare ee Arrimaha Islaamka ee Gobolka Tigray ee Itoobiya ayaa Muslimiinta gobolka ugu baaqay inay xuska dhalashada Nabi Muxammed NNKH, ku sameystaan guryahooda ama goobaha shirarka, ayna ka fogaadaan inay masaajidda tagaan marka laga reebo xilliyada habeenkii, si looga fogaado weerarrada ciidamada dalka.

    “Goluhu wuxuu sheegay in xuska Mawliidka aan lagu qaban doonin goobaha dadweynaha, balse lagu qaban doono masaajidda, halkaas oo lagu tukan doono salaado lagana jeedin doono khudbado,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed la soo saaray.

    Dadka Itoobiya ayaa maanta oo Talaado ah fasax ku jira si ay u xusaan dhalashada Nabi Muxammad NNKH, taas oo dalal badan oo dunida ah laga xuso.

    Golaha Islaamka ee Tigray ayaa sheegay in masaajidda habeenkii la xiri doono si looga fogaado weerarrada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee ay qaadaan ciidamada dowladda.

    Waxaa jira warar sheegaya in ciidamada dowladda Itoobiya ay weerarro diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ka geysteen gobolka Tigray, iyadoo weerarradaasi ay ku dhaceen magaalada Makelle iyo meelo kale oo gobolka ka tirsan, kuwaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad rayid ah.

    Weerar la mid ah kuwaan ayaa 18-kii Agoosto ka dhacay magaalada Makelle.

    Itoobiya ayaa muddo dheer dagaal kula jirtay Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray ee TPLF, dagaalkaas oo sababay dhimashada dad badan iyo barakaca kumannaan qof oo guryahooda ka hayaamay.

  3. Ciidanka Sudan oo duqeeyay fariisimo ay lahaayeen RSF

    Ciidanka Sudan ayaa la sheegay inuu duqeymo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee drones ku qaaday fariisimo ay leeyihiin ciidanka RSF ee Nyala, caasimadda gobolka Koonfurta Darfur.

    Weerarku wuxuu dhacay saacado kadib markii diyaarad weyn oo xamuul ah ay magaalada soo caga-dhigatay.

    Weerarkan ayaa sidoo kale yimid kadib weerarro dhacay dhammaadkii toddobaadka oo lagu qaaday kolonyo sahay ah oo RSF ah oo ku sugnaa Chad iyo Waqooyiga Darfur. Garoonka diyaaradaha Nyala wuxuu noqday mid ka mid ah xarumaha ugu muhiimsan ee RSF u adeegsato saadka iyo keenista hubka.

    Socodka hubka iyo qalabka milatari ee sii galaya Sudan ayaa walaac sii kordhaya ku haya beesha caalamka. Isniintii, Maraykanku wuxuu Qaramada Midoobay ka codsaday in cunaqabateynta hubka ee hadda saaran Darfur lagu ballaariyo dhammaan Sudan, isagoo ka digay in dagaalku uu ku fidi karo gobolka oo dhan.

  4. Maxaa kugu dhacaya haddii aad caano cabto adigoo kalluun cunay?

    Xilliga qaboobaha waxaa kordha dadka cuna kalluunka, sidaas awgeedna waxaa waqtiyadaas laga doodaa sheekooyin ku saabsan kalluunka, waxaana ka mid ah waxa qofka uu la kulmi karo haddii uu caano cabo marka uu kalluun cuno ka dib.

    Waxaa laga digaa in kalluunka iyo caanaha oo isla socda ay sababi karaan in uu qofka ku dhaco cudur la yiraahdo “vitiligo” oo ay Soomaalidu u yaqaannaan “baras”.

    Cudurkan waxa uu maqaarka u yeelaa calaamado kasoo muuqda meelo kala duwan. Waxaa sidoo kale jirta sheegasho kale oo ku saabsan in kalluunka iyo caanaha oo la isku daray ay horseedi karaan noocyo ka mid ah kansar-ka, inkastoo aysan jirin caddeyn dhinaca caafimaadka ah oo arrintaas taageereysa.

    Wariye caan ka ah Pakistan iyo meelo ka mid ah qaaradda Aasiya oo lagu magacaabo Uzair Rizvi ayaa bartiisa Twitter-ka soo dhigay qoraal la xiriira mowduucan oo abuuray hadal-heyn weyn.

    Uzair ayaa sheegay in hooyadiis ay aad u walwasho marka uu caano cabo isagoo kalluun cunay. Waxa uu isweydiiyay in walaaca noocaas ah uu ku kooban yahay hooyooyinka Pakistan iyo kuwa Hindiya oo kaliya ama in lala wadaago caalamka oo dhan.

    Qaar ka mid ah dadka Yuhuudda ayaa sidoo kale aad uga taxaddara in ay caano cabbaan cunista kalluunka ka dib.

    Dadka dooddan uga fal celiyay baraha bulshada qaarkood ayaa sheegay in fikraddan ay asal ahaan ka timid dalka Giriigga, iyagoo sheegay in isku darka caanaha iyo kalluunka ay abuuri karto xanuunno dhinaca mindhicirrada ah iyo shuban.

    Khubarro dhinaca caafimaadka ah ayaan ka wareysannay inay jiraan xanuunno maqaarka iyo caloosha ah oo ka dhalan kara isu geynta kalluunka iyo caanaha.

    Dr Urmila Javed oo ah dhakhtar ku takhasustay cudurrada maqaarka ayaa iyadoo arrintan ka jawaabeysa tiri: "Mowduucan waa mid la buunbuuniyay, xanuunka maqaarka ma aha mid xiriir la leh caano iyo kalluun kulmay.”

    Dhakhtaraddan ayaa sheegtay in xanuunnada maqaarka, sida baraska ay sababaan xaalado kale oo caafimaad.

    Marka ay xaaladdaas dhacdo waxaa meesha ka baxda maaddada midabeynta maqaarka waxayna dhaawacyadeeda ka muuqdaan dusha sare, sida ay sheegtay Dr Urmila Javed.

  5. Maraykanka oo abaalmarin ku bixinaya xog horseedi karta in la qabto taliyeyaasha IRGC

    Taliyeyaasha IRGC

    Xigashada Sawirka, X/RFJ

    Qoraalka sawirka, Taliyeyaasha IRGC

    Dowladda Maraykanka ayaa ku dhawaaqday abaalmarin lacageed oo la siinayo cid kasta oo bixisa xog gacan ka geysan karta aqoonsiga qaar ka mid ah taliyeyaasha hadda xilka haya iyo kuwii hore ee Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran (IRGC).

    Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka ayaa ku dhawaaqday abaalmarin gaareysa 10 milyan oo doollar, taas oo lagu heli karo xog ku saabsan afar sarkaal oo sare oo ka tirsan IRGC.

    Akoonka Rewards for Justice, oo xiriir la leh Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka, ayaa barta X ku sheegay in shakhsiyaadkan ay hoggaamiyaan cutubyo ka tirsan Ilaalada Kacaanka oo lala xiriiriyay weerarro lagu qaaday ciidamada Maraykanka, iyo sidoo kale hawlgallo dhanka internetka ah oo lagu bartilmaameedsaday kaabayaasha muhiimka ah.

    Kuwa lagu magacaabay waxaa ka mid ah Ahmad Vahidi, oo ah taliye ka tirsan Ilaalada Kacaanka; Cali Abdollahi, taliyaha xarunta Khatam al-Anbiya; iyo Hamidreza Lashgarian, oo ah taliyaha qaybta internetka ee Ilaalada Kacaanka.

    Liiska waxaa sidoo kale ku jira Saeed Aghajani, oo hore u ahaa taliyaha Ciidanka Cirka iyo Hawada ee IRGC, iyo Majid Khademi, oo hore u ahaa taliyaha sirdoonka IRGC. Labadoodaba waxaa lagu dilay dagaalladii dhowaan dhacay.

    Sidoo kale akhri

  6. Ayeeyo 100 jir ah oo daroogada ka ganacsan jirtay oo la qabtay

    Ayeeyo 100 jir ah

    Xigashada Sawirka, NDLEA

    Qoraalka sawirka, Ayeeyo 100 jir ah

    Haweeney waayeel ah oo ay mas'uuliyiintu sheegeen inay 101 jir tahay ayaa lagu xidhay Nigeria, kadib markii lagu eedeeyay inay iibinaysay xashiis.

    Kiiskan ayaa si weyn looga hadal hayaa dalkaas. Esther Ogunmabo, oo lagu tilmaamay inay tahay ayeeyo-weyn, ayaa Sabtidii lagu qabtay gobolka Ogun ee koonfur-galbeed Nigeria, sida ay sheegtay Hay'adda Qaranka Nigeria u qaabilsan La-dagaallanka Daroogada.

    Femi Babafemi, oo ah agaasimaha warbaahinta ee hay'adda, ayaa sheegay in haweeneyda oo 100 sano ka weyn laga helay "bacaha yaryar ee xashiishadda nooca ka mida ah", oo culeyskoodu ahaa 90 garaam. Waxay sheegtay inay dadka deegaanka ka iibiso.

    NDLEA waxay sheegtay in eedeysanuhu baadhayaasha u sheegtay inay u jeesatay ganacsiga daroogada sharci-darrada ah kadib markii dukaankeeda raashinka uu dab ku burburiyey. Waxaa lagu sii daayay damiin.

    Sida ay NDLEA sheegtay, mid ka mid ah gabdhaheeda oo ku nool Lagos ayaa lagu eedeeyay inay afar maalmood kasta u keeni jirtay xashiishaddaas.

    Ogunmabo ayaa markaas lagu eedeeyay inay daroogada u kala iibin jirtay dadka deegaanka iyada oo u qaybisa xidhmooyin yaryar. Agaasimaha guud ee NDLEA, Mohamed Marwa, ayaa amray in haweeneyda damiin lagu sii daayo, isla markaana loo sameeyo la-talin, maadaama ay da'deedu aad u weyn tahay.

    Damiinkaas macnaheedu ma aha in kiiska la soo afjaray; weli waxaa lagu soo oogi karaa dambi ciqaabeed. Gabadhii lagu eedeeyay inay daroogada u keeni jirtay ayaa iyaduna la xidhay. Xadhigga Ogunmabo wuxuu yimid xilli NDLEA ay sidoo kale soo sheegtay qabashooyin daroogo oo waaweyn oo laga sameeyay marinnada badda ee Nigeria.

    Gobolka Akwa Ibom, ciidamada ka tirsan NDLEA oo helay xog sirdoon oo lagu kalsoonaan karo ayaa Jimcihii hore badda sare ku qabtay doon alwaax ah oo ku sii jeedday Cameroon. Saddex qof oo saarnaa doonta ayaa la xidhay.

    In ka badan 42 kiiloogaraam oo maandooriye ah ayaa laga soo helay dadkaas. NDLEA waxay sidoo kale sheegtay inay gaartay guul ay ku tilmaantay mid taariikhi ah, kadib markii ay markii ugu horreysay qabatay daroogo sharci-darro ah oo laga soo raray Thailand.

  7. Dakhliga Al-Shabaab ee Muqdisho oo la sheegay inuu hoos u dhacay iyo tababar ay ka heleen Xuutiyiinta. Hoos ka akhri

    Warbixin cusub oo loo gudbiyey Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in al-Shabaab ay u muuqato inay wax ka beddeshay qaabka ay uga hawlgasho Soomaaliya, iyadoo yareysay tirada weerarrada balse xoogga saartay hawlgallo si gaar ah loo qorsheeyey loona bartilmaameedsaday.

    Warbixintu waxay sidoo kale soo bandhigtay sheegashooyin ku saabsan xiriirka Al-Shabaab ay la leedahay Xuutiyiinta Yemen iyo Al-Qaacida ee Jaziiradda Carabta, tababar la sheegay in boqolaal dagaalyahan loo fidiyey iyo isku dayga kooxda ee helitaanka qalab casri ah oo ay kaga hortagto diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.

    Dukumentigan oo tirsigiisu yahay S/2026/651, lana daabacay 10-kii Agoosto 2026, waa warbixintii 38-aad ee Kooxda Dabagalka Cunaqabateynta ee Qaramada Midoobay, taas oo baarta dhaqdhaqaaqyada Daacish, Al-Qaacida iyo kooxaha xiriirka la leh.

    Mid ka mid ah qodobbada ugu muhiimsan warbixinta ayaa ah in Al-Shabaab ay u muuqato inay ka leexatay weerarradii tirada badnaa ee la arkay sannadkii 2025.

    Sida lagu sheegay warbixinta, kooxda waxay qaadday weerarro ka yar kuwii hore gudaha Muqdisho iyo deegaannada ku dhow, iyadoo hawlgalladeeda ay si weyn ugu urureen Hirshabeelle, Jubada Hoose, Jubada Dhexe, Shabeellaha Hoose iyo Galmudug.

    Qaramada Midoobay waxay arrintan ku tilmaantay u wareegid "hawlgallo bartilmaameed iyo istiraatiijiyad leh".

    Tani waxay muujin kartaa in kooxda ay isku dayeyso inay si taxaddar leh u doorato bartilmaameedyada iyo waqtiga weerarrada, xilli ciidamada dowladda Soomaaliya iyo saaxiibadooda ay kordhiyeen duqeymaha iyo hawlgallada ka dhanka ah hoggaanka kooxda.

    Warbixintu ma faahfaahin noocyada bartilmaameedyada ay Al-Shabaab mudnaanta siinayso ama heerka uu isbeddelkan saameeyey awooddeeda guud.

  8. Maraykanka oo 47 sano kadib Suuriya ka saaray liiska dalalka taageera argagixisada

    Trump iyo Al-sharaa

    Xigashada Sawirka, AP

    Qoraalka sawirka, Trump iyo Al-sharaa

    Maraykanka ayaa Suuriya ka saaray liiskiisa dalalka taageera argagixisada, kaddib 47 sano. Tallaabadan ayaa looga gol leeyahay in meesha laga saaro caqabadaha hortaagan maalgashiga shisheeye, isla markaana Suuriya dib loogu daro dhaqaalaha caalamka.

    Kadib markii Suuriya laga saaray liiska Maraykanka, waxaa hadda liiskaas ku haray oo keliya saddex dal: Iiraan, Kuuriyada Waqooyi iyo Cuba.

    Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka, Marco Rubio, ayaa sheegay in tallaabadan, oo dhaqan gashay Isniintii, markii ugu horreysayna la soo jeediyay bishii Luulyo ee sannadkii hore, ay Suuriya siinayso “waddo ay ku gaarto barwaaqo.”

    Xoghayaha Maaliyadda Maraykanka, Scott Besant, ayaa sidoo kale yiri: “Tallaabadan maanta la qaaday waxay gacan ka geysan doontaa soo jiidashada maalgashi dheeraad ah oo Suuriya lagu sameeyo, taas oo xoojinaysa xasilloonida siyaasadeed iyo dhaqaale.”

    Maamulka Trump ayaa soo dhaweeyay madaxweynaha cusub ee Suuriya, Ahmed al-Sharaa, oo hore u ahaa dagaalyahan hubaysan, isla markaana mar uu Maraykanku dul dhigay abaalmarin lacag ah madaxiisa sababo la xiriiray hoggaamintiisa koox xiriir la lahayd Al-Qaacida.

    Sannadkii hore, Maraykanku wuxuu sidoo kale kooxda Islaamiga ah ee Tahrir al-Sham, oo uu hoggaamiyo Ahmed al-Sharaa, ka saaray liiska kooxaha argagixisada.

    Dabayaaqadii 2024, Jabhadda Tahrir al-Sham ee uu hoggaaminayay ayaa hoggaamisay weerar ballaaran oo ka dhan ahaa ciidamada Bashar al-Assad, kaas oo ugu dambayn sababay in xukunka laga tuuro madaxweynihii hore ee Suuriya, Bashar al-Assad.

    Sidoo kale akhri

  9. Haweeneydii taajiradda ahayd ee Nabi Muxammad ka caawisay fidinta diinta Islaamka

    Gabar Muslimad ah oo kitaab aqrineysa

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Gabar Muslimad ah oo kitaab aqrineysa

    Bisha Mowliid waxay ku beegan tahay dhalashada Nabi Muxammad (NNKH), bulshooyinka Muslimiinta qaarkoodna waxay maalmahan ku mashquulsan yihiin xuska munaasabaddaas.

    Markii uu nabiga (NNKH) dhallinyarada ahaa horumarka noloshiisa waxaa kaalin muhiim ah kasoo qaadatay haweeney ganacsato ah oo taajirad ahayd, taasoo markii dambena garab ku siisay fidinta diinta Islaamka.

    Nabiga oo dadaal badan u sameeyay faafinta diinta Islaamka waxa uu guursaday xaasas ka badan hal, balse dhallinyaranimadiisii waxa uu lasoo jaan qaaday haweeneydaas ganacsatada ahayd.

    Magaceedu waa Khadiija bint Khuwaylid.

    Khadiija waxay noqotay haweeneydii ugu horreysay ee diinta Islaamka qaadatay, taasoo ah darajo aysan dumarka kale la wadaagin. Qisadeeda waxay soo jiidataa dad badan oo xitaa aan Islaam ahayn.

    Waxay ahayd haweeney guul weyn ka gaartay ganacsigeeda, hooyo ahayd, da' ahaanna ka weyneyd nabiga NNKH markii uu guursanayay.

    Waa tuma Khadiija?

    Waxay ku dhalatay magaalada Maka bartamihii qarnigii lixaad, waxayna kasoo jeedday qoys maalqabeenno ah. Waxaa la sheegay inay dhaxal u heshay hanti badan oo uu uga geeriyooday aabaheed.

    Xitaa markii uu aabaheed dhintay kaddib, Kahdiija waxay sii wadday ganacsigeeda, iyada lafteeduna waxay kaalin muuqata ku lahayd taajirnimadeeda iyo guusha ay ka gaartay dhanka ganacsiga.

    Hantideeda waxay u adeegsan jirtay horumarinta bulshada. Waxay dhaqaale ku caawin jirtay haweenka carmalka ah, dadka baahan iyo kuwa ku xanuunsan Maka.

    Xiriirkii ka dhaxeeyay Khadiija bint Khuwaylid iyo Nabi Muxammad NNKH waxaa lagu tilmaamay mid muhiim u ahaa faafinta diinta Islaamka.

    Nabiga laftiisa Khadiija wuxuu ka caawiyay inay horumariso ganacsigeeda iyo inay sidoo kale sii ballaariso bixinta caawinaaddeeda. Intaas waxaa sii dheeraa jacaylka ay labadoodu isu qabeen.

    Iyaduna marka laga soo tago dadaalka ay ku bixisay shaqada faafinta diinta ee uu nabigu hayay, waxay sidoo kale garab ku siisay dhaqaale ahaan.

    Barfasoor Laila Ahmed, oo wax ka dhigta Jaamacadda Havard ayaa BBC-da u sheegtay in Khadiija ay kaalin muuqata ku lahayd dadaalkii uu nabiga ku hoggaaminayay dadka qaatay diinta Islaamka markii ugu horreysay ee uu soo ifbaxay.

    Markii dadka qaar ee reer May shakiga ka muujinayeen Islaamka billowgiisii, naxariistii Khadiija ayaa wax badan tartay, waxayna dad badan kusoo jiidday inay qalbiga ka jeclaadaan diinta.

    Haweeneydan - oo ka mid ah hooyooyinka muslimiinta - waxay ahayd qof caqli badan oo si xor ah u fikirta, sida ay dookheeda uga dhigtay islaamnimadana waxay qayb weyn uga gashay taariikhda.

    Laila waxay tiri: "Khadiija aad bay u hanti badneyd. Waxay jeclaatay Nabi Muxammad, sababtoo ah waxa uu ahaa nin imaan leh."

    Markii ay Khadiija ahayd 40 jir Nabigu waxa uu ahaa 25 jir. Mar walba oo uu Nabi Muxammad dareemo niyad jab, Khadiija ayaa siineysay dhiirrigelin uu kusii xoojiyo dadaalka.

    Xilli ay dad badan oo ku sugnaa gobolka maanta loo yaqaano Bariga Dhexe kasoo hor jeedeen jiritaanka Alle, Nabi Muxammad NNKH waxa uu ku adkeysanayay sidii loo rumeysan lahaa in Alle uu yahay hal.

    Taarikhdu markii ay ahayd 619 AD, Khadiija way xanuunsatay, wayna geeriyootay.

  10. Daraasad war aan fiicneyn ka sheegtay dumarka aroortii kaca

    Baarayaal UK ah ayaa warkan soo saray.

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Baarayaal UK ah ayaa warkan soo saray.

    Haweenka subixii firfircoon ayaa la sheegay inay khatar yar ugu jiraan inuu ku dhaco kansarka naasaha, sida ay sheegeen baarayaal UK u dhashay.

    Baarayaasha oo ka tirsan Jaamacadda Bristol ayaa sheegay in sababta arrintaasi keentay ay weli u baahan tahay in shaaca laga qaado.

    Waxay intaas ku dareen in daraasaddan ay muhiim tahay iyadoo laga yaabo inay saameyso haweeney walba.

    Khubarrada ayaa sheegay in daraasadda oo lagu soo bandhigay Shirka NCRI ee Kansarka ee magaalada Glasgow, ay faham wanaagsan ka bixisay muhiimadda ay hurdadu u leedahay caafimaadka.

    Qof walba wuxuu leeyahay saacadda jirka, taas oo maamusha sida uu jirku u shaqeeyo celcelis ahaan muddo 24 saacadood gudahood ah.

    Waxay saameysaa wax walba laga soo bilaabo markaan seexanno, xaaladdeenna iyo xitaa khatarta aan ugu jirno wadno-istaagga.

    Balse saacadaha jirka ee dadka isku waqti ma sheegto.

    Dadka subixii ayaa aroortii soo kaca xilli horana wax qabsada, waana kuwo daala marka la gaaro casar-liiqa.

    Dadka fiidkii ayay ku adag tahay inay kacaan xilli hore aroortii, waxayna wax qabsadaan oo ay firfircoon yihiin xilli dambe fiidkii, waxayna door bidaan inay xilli dambe habeenkii seexdaan.

    aarayaasha ayaa sidaa u maleynaya. Waxay adeegsadeen hab cusub oo casri ah oo lagu falanqeeyo daraasadda.

    Waxay baareen qaybo ka tirsan dhiigga hidda-sidaha ee DNA, kaas oo xukuma haddii aan nahay dadka subixii ama dadka fiidkii.

    Waxayna taas u adeegsadeen inay baaritaan ku sameeyaan in ka badan 180,000 oo haween oo ka tirsan mahsruuca UK Biobank iyo ku dhowaad 230,000 oo haween ah oo ku jiray daraasadda Ururka Kansarka Naasaha.

    Waxay muujiyeen in kuwa jinsi ahaan u dhisan dadka subixii ay yar tahay inuu ku dhaco kansarka naasaha marka loo barbardhigo kuwa fiidkii firfircoon.

  11. Netanyahu oo hambalyo u diray Trump

    Netanyahu

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Netanyahu

    Raysal Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo Xoghayaha Maaliyadda Mareykanka Scott Bessent, kaddib cunaqabateyntii ugu dambeysay ee lagu soo rogay dalka Iran.

    Cunaqabateyntan ayaa qayb ka ah ololaha Mareykanka ee lagu sii adkeynayo cadaadiska dhaqaale ee Tehran.

    Netanyahu ayaa qoraal uu ku daabacay bartiisa X isagoo yiri:

    “Hambalyo Madaxweyne Donald Trump iyo Scott Bessent. Waxaan idinkugu hambalyeynayaa cunaqabateyntii ugu dambeysay ee ka dhanka ah taliska Iran.”

    Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil wuxuu intaas sii raaciyay:

    “Waxaad si sax ah culays weyn u saaraysaan kalitalisnimadaas naxariis darrada ah iyo kuwa ku taageera sii wadidda gardarradeeda.

    Maraykanka ayaa ku dhawaaqay cunaqabatayn dhaqaale oo cusub oo ballaaran oo ka dhan ah Iran, isagoo sidoo kale uga digay dalalka iyo shirkadaha taageera ama ganacsi la sameeya Iran.

    Xoghayaha Maaliyadda Maraykanka, Scott Bessent, ayaa tallaabadan ku tilmaamay “weerarkii dhaqaale ee ugu weynaa abid”. Wuxuu sheegay in Maraykanku doonayo inuu jaro xiriirrada dhaqaale ee Iran, isla markaana cid kasta oo dhaqaale ahaan la shaqaysa Iran ay la kulmi karto go'doon.

    Cunaqabatayntu waxay bartilmaameedsanaysaa shan qaybood oo ay ka mid yihiin hantida dijitaalka ah, tiknoolajiyadda, dahabka, duulista iyo maraakiibta. Ku dhawaad 60 shirkadood, shaqsiyaad iyo maraakiib ayaa sidoo kale lagu soo rogay cunaqabatayn.

    Bessent wuxuu sheegay in Maraykanku doonayo inuu xannibo ilaha dhaqaale ee Iran, gaar ahaan kuwa ay isticmaalaan Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran.

    Dhanka kale, Iran waxay ku hanjabtay inay joojin doonto dhammaan dhoofinta shidaalka ee gobolka haddii dagaalku sii socdo. Iran sidoo kale waxay maraakiibta uga digtay inay maraan Marinka Hormuz iyaga oo aan oggolaansho ka haysan.

    Marinka Hormuz waa marin muhiim ah oo caadi ahaan maraan qiyaastii shan meelood meel shidaalka iyo gaaska adduunka, sidaas darteed khilaafku wuxuu sababi karaa in qiimaha shidaalka caalamka uu sii kordho.

    Sidoo kale akhri

  12. Kulan wacan akhyaarta, ku soo dhowaadatebinteenna tooska ah ee maanta. Halkan waxaad kala socon doontaan wararkii ugu dambeeyay ee caalamka iyo Soomaaliduba.