Hawlgalka nabad ilaalinta ee Soomaaliya oo khatar ku jira iyo Maraykanka oo xannibaya taageerada Qaramada Midoobay

.

Xigashada Sawirka, Reuters

Published
Waqtiga akhriska: 3 daqiiqo

Maraykanka ayaa sheegay in iska hortaagi doono Qaramada Midoobay inay taageeraan hawlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika sannadka soo socda, waxaana sidaa muujinaya laba dukumenti oo ay wakaaladda Reuters aragtay, talaabo ay saraakiishu sheegeen inay u badan tahay inay soo afjarto hawlgalka.

Ku dhawaad 12,000 oo askari oo ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ayaa dowladda Soomaaliya ka caawiyay inay dib u riixdo maleeshiyada Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacidda, kuwaas oo weerarradoodii hore ay u gaarsiiyeen masaafo aad uga fog caasimadda, ayadoo Al Shabaab ay ku baahsan yihiin dhul ballaaran oo baadiyaha ah oo ku yaalla koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaatee, howlgalka oo loo yaqaano Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), ayaa si weyn ugu tiirsan kaalmada Qaramada Midoobay ee saadka muhiimka ah sida cuntada, biyaha, shidaalka, adeegyada caafimaadka iyo gaadiidka ciidamada.

Sida ay wakaaladda Reuters sheegeyso Madaxweyne Donald Trump, dowladda Mareykanka ayaa si weyn uga niyad jabay maamulka Muqdisho, waxayna u arkaan inay hareeyeen isqabqabsi siyaasadeed, isla markaana ay ku guuldareysteen inay ka adkaadaan kooxaha kacdoonka wada inkastoo sannado badan ay taageero caalami ah siinayeen.

Qoraal diblamaasiyadeed oo ay 1-dii Luulyo dib u eegtay Reuters, ayaa Washington waxay ku wargelisay Midowga Afrika inaysan taageeri doonin Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS) wixii ka dambeeya dhammaadka sanadkan, kaas oo wadarta miisaaniyaddiisu ay dhan tahay 500 milyan oo doolar.

Dowladda Mareykanka kama hor imaan doonto in Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay uu cusbooneysiiyo waajibaadka howlgalka Midowga Afrika, laakiin waxay ka hor imaan doontaa muddo kordhin kasta oo ay ku jirto taageerada saadka ama hawlgalka ee Qaramada Midoobay, ayay tiri.

Miisaaniyadda hawlgalka AUSSOM sannadkii hore waxay ahayd $190 milyan, laakiin maalgelinta howlgalka ayaa noqotay mid aan la hubin oo halis ah, taasoo keentay inay si weyn aad ugu yaraato. Washington sannadkii hore waxay hor istaagtay qorshe lagu beddelayo qaab maalgelin ah oo keeni lahaa lacagaha Qaramada Midoobay ay daboolayaan saddex meelood meel miisaaniyadda.

Khamiistii, Guddiga Midowga Afrika ayaa xubnaha Golaha Nabadda iyo Amniga ku wargeliyay go'aanka Mareykanka, iyagoo ka digaya inay leedahay "saameyn muhiim ah oo ku saabsan joogtaynta saadka, qaab-dhismeedka hawlgalka iyo maalgelinta Hawlgalka", sida lagu sheegay warqad ka timid Midowga Afrika oo loo diray xubnaheeda.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Afhayeen u hadlay Waaxda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa u xaqiijiyay Reuters in Washington aysan sii taageeri doonin hawlgallada UNSOS.

"Howlgalka nabad ilaalinta ayaa khatar ku jira sababtoo ah ugu dambeyntii waxaad u baahan tahay inaad awood u yeelatid inaad taageerto" ayuu yiri.

Laba diblomaasi oo si toos ah ugu dhuundaloola howlgalka Midowga Afrika ayaa sheegay inaysan sii wadi karin ilaa hay'ad kale ay beddesho taageerada Qaramada Midoobay.

Afhayeen u hadlay Qaramada Midoobay Stephane Dujarric ayaa sheegay in Qaramada Midoobay ay ka warqabto go'aanka Mareykanka. "Marxaladdan, waxaan arrintan wadahadal gudaha ah kala yeelanaynaa Midowga Afrika, Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo saaxiibada kale" ayuu yiri Dujarric.

Qoraalkeeda ay u dirtay Midowga Afrika, Washington waxay ku soo bandhigtay naqdi weyn oo ku aaddan dadaallada dowladda Soomaaliya ay ugu jirto soo celinta nidaamka iyo kala dambeynta dalka.

"Xafiiltan gudaha ah iyo isqabqabsiga siyaasadeed ayaa weli sii wiiqaya dagaalka lagula jiro Al-Shabaab iyo Daacish, faa'iidada taageerada caalamiga ahna waxay ahaan doontaa mid xadidan ilaa madaxda Soomaaliya ay u midoobaan sidii ay wax uga qaban lahaayeen caqabadaha amni iyo dowladnimo ee dalka ka jira" ayaa lagu yiri qoraalka.

Isha: Reuters