TOOS, Trump oo ka sameeyay in ka badan 1 bilyan oo doollar oo dakhli ah lacagaha dhijitaalka ah ee crypto sannadkiisii ugu horreeyay ee uu dib ugu soo laabtay xafiiska

Trump oo ka sameeyay in ka badan 1 bilyan oo doollar oo dakhli ah lacagaha dhijitaalka ah ee crypto sannadkiisii ugu horreeyay ee uu dib ugu soo laabtay xafiiska

Tebin toos ah

  1. Maxaad ka taqaanaa diyaaradda dagaalka Turkiga ee T129 ATAK iyo howlgallada loo adeegsaday hadda ka hor?

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, .

    Dhowr diyaaradood oo ah kuwa qumaatiga u kaca ee nuucoodu yahay T129 ATAK ayaa galabta lagu soo badhigay munaasabad ka dhacday magaalada Muqdisho, taas oo la sheegay in lagu xusayay maalinta guusha qaran ee Turkiga sida uu baahiyay talafishinka dowladda Soomaaliya.

    Waxaa goobjoog ahaa goobta munaasabadaan mas'uuliyiinta dowladda federaalka qaarkooda sida wasiirka gaashaandhigga dalka.

    Wasiirka ayaa sheegay in diyaaradahu ay muujinayaan taagerada Turkiga ee dhismaha hay'ada difaaca Soomaaliya.

    Maxay tahay T129?

    Diyaaradaha T129 ATAK waa diyaarado siyaabo kala duwan u dagaallama iyagoo loogu talogalay in ay si dhow u taageeraan ciidamada iyo howlgalada sahanka. Diyaaradahan waxay sidoo kale awood u leeyihiin in laba saacadood ay hawada ku jiraan.

    Habka ay u kala wareegayaan iyo sida tooska ah e ay u beegsan karaan cadowgooda ayaa ka dhigay in ay noqdaan kuwa tayadoodu sareyso.

    Waxaa ku xiran diyaaradahan hub casri ah oo ay ku jiraan kuwa darandooriga u dhaca iyo gantaallada. Sidoo kale diyaaradahan qumaatiga u kaca waxaa lagu yaqaan in ay si saxan u weeraraan goobaha ay doonayaan iyagoo degdeg jihada ay doonaan ugu wareegi kara.

    Diyaaradahan qumaatiga u kaca ee wax weerara waxaa la sheegay in ay yihiin helikobtarada ugu waxtarka badan noocyadeeda, waxaana loo adeegsan karaa sidoo kale duqeymaha meelaha aan fogeyn.

    Awooda diyaaradahan waxaa ka mid ah in ay ku dagaallami karaan cimilo kasta, waxaana ujeedkii hore ee loo sameeyay uu ahaa in ay daboolaan baahida ciidamada Turkiga.

  2. Ninka 'ka tirsanaan jiray sirdoonka Soomaaliya' ee hadda ka midka ah hoggaamiyaasha sare ee al-Shabaab.

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, .

    Waa uu magacyo badan yahay, laakiin kan rasmiga ah waa Cabdiraxmaan Maxamed Warsame. Waxa uu caan ku yahay magaca Mahad Karate. Sida ay shaacisay dowladda Mareykanka, waxaa la rumeysan yahay in uu ku dhashay magaalada Xarardheere ee gobolka Mudug.

    Waxa uu dhashay intii u dhaxeysay sanadihii 1957 1962-dii. Waa ku xigeenka hoggaanka ururka Al-shabaab, waxaa na la sheegay inay hoos tagaan qeybta awoodda badan ee sirdoonka kooxdan ee Amniyaadka loo yaqaanno iyo xitaa qeyb ka mid ah maamulka dhaqaalaha ee kooxdan. Mareykanku waxay sheegeen in uu ku hadlo afafka Soomaali, Carabi iyo Sawaaxili.

    Kahor Al-Shabaab iyo burburkii doaladdii Soomaaliya, waxa uu Mahad ka tirsanaan jiray sirdoonkii Soomaaliya ee dowladdii kacaanka, sida dad kala duwan oo aqoon u leh Mahad u sheegeen BBC.

    Ma ahan isaga oo keliya, laakiin rag kale oo badan oo ka tirsanaan jiray ciidamadii dowladdii Kacaanka ayaa ka hor burburka iyo ka dib ba ku biiray ururrada Islaamiga ee hubeysan ee Soomaaliya.

    Kuwoodda ugu magaca dheer waxaa ka mid ah Xasan Daahir Aweys, oo ahaa hoggaamiye sare oo ka tirsanaa ururkii Itixaad oo mar ahaa kan ugu ballaaran, ugu na awoodda weyn ururrada islaamiga ah ee Soomaaliya. Waxaa la rumeysan yahay in uu Mahad ka mid yahay aas-aaseyaasha kooxda Al-Shabaab, laakiin ma ahan nin magaciisa iyo muuqiisu ba ay aad u shaac baxeen billowgii kooxda.

    Waxa uu ku eedeysan yahay in uu door weyn ka qaatay weerarro iyo qaraxyo ay kooxdu ka geysatay dalalka deriska ah oo ay Kenya iyo Ugaandha ka mid yihiin.

  3. War deg deg ah, Guddoomiyaha Baarlamaanka Iiraan oo ka hadlay qodobbo xasaasi ah

    Iiraan

    Xigashada Sawirka, EPA

    Mohammad Baqer Qalibaf, oo ah Guddoomiyaha Golaha Wadatashiga Islaamiga ah Baarlamaanka Iiraan, isla markaana ah mas’uulka sare ee kooxda wadaxaajoodka ee Iiraan wadahadallada Mareykanka, ayaa wareysi dheer oo telefishinka laga sii daayay kaga hadlay horumarradii ugu dambeeyay, oo ay ku jiraan dhaliilaha gudaha ee maalmahan dambe sii xoogeysanayay.

    Qayb ka mid ah wareysiga ayuu ku yiri:

    “Meel kasta oo ay lagama maarmaan noqoto inaan dagaallanno, waan dagaallami doonnaa. Meel kasta oo aan heshiiskan is-afgaradka ku sii wadi karno wada-hadal, waan sii wadeynaa. Ogaada in sida Lubnaan ay noogu tahay xariiq cas, maamulka iyo madax-bannaanida Iiraan ee Marinka Hormuz ay yihiin arrin aan shaki ku jirin, waxaana halkaas ku sugi doonnaa amniga sida ugu wanaagsan.”

    Qalibaf ayaa sidoo kale yiri:

    “Shacabkeennu waa inay ogaadaan in dadka rumaysan hadallada Trump ee xun oo aan doonayn inay aqbalaan hadalladeenna ay hal mar uun ku kalsoonaadaan walaalkooda Muslimka ah. Haddii aad aniga, Qalibaf, dhibaato siyaasadeed ii qabtaan, maxaad shacabka ugu dhibaysaan? Tani runtii caddaalad ma aha. Miyaannaan safka hore joogin? Miyaannaan doonayn inaan difaacno xuquuqda shacabka? Maxaad arrintiinna shakhsiga ah iyo khilaafkiinna siyaasadeed u soo dhex geliseen arrimaha qaranka? Ma waxaad doonaysaan inaad dhaawacdaan xuquuqda shacabka? Taasi waxay ka fog tahay caddaaladda.”

    Isagoo ka hadlayay furitaanka Marinka Hormuz, oo uu sheegay inuu ka mid yahay qodobada heshiiska is-afgaradka ee u dhexeeya Iiraan iyo Mareykanka, iyo wada-hadallada u dhexeeya Iiraan iyo Cumaan ee ku saabsan maamulka marin-biyoodkaas, wuxuu yiri:

    “Waa inaanan Marinka Hormuz u beddelin wax lid ku ah ujeeddadiisa. Qiimaha marinku wuxuu ku jiraa in isu socodka maraakiibtu uu maalinba maalinta ka dambeysa kordho, ee ma aha inuu yaraado.”

  4. War deg deg ah, Trump oo la shaaciyay inuu ka sameyay dhaqaale tiro badan lacagaha dhijitaalka ah

    Trump

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa sannadkii hore ka helay in ka badan $1 bilyan milyan oo dakhli ah macaamil ganacsi oo la xiriira lacagaha dhijitaalka ah ee cryptocurrency, sida lagu sheegay warbixintiisa khasabka ah ee shaacinta hantida ee sannadka 2025-ka.

    Warbixinta oo ka kooban 927 bog ayuu ku sheegay inuu helay $635 milyan oo xuquuqda dakhliga ah oo ka timid lacagta dhijitaalka ah ee Trump meme coin, taas oo si weyn hoos ugu dhacday qiimaheeda tan iyo markii uu bilaabay, saddex maalmood ka hor inta uusan xilka la wareegin.

    Waxa kale oo uu sheegay inuu helay in ka badan $500 milyan oo dakhli ah oo ka yimid World Liberty Financial, oo ah shirkad ka shaqeysa lacagaha dhijitaalka ah, taas oo ay aasaaseen wiilashiisa iyo carruurta ergaygiisa Bariga Dhexe gaarka ah, Steve Witkoff.

    Trump ayaa sidoo kale malaayiin doollar oo kale ka helay ganacsiga hantida maguurtada ah iyo alaabooyin sita magaca Trump.

    Si kastaba ha ahaatee, Aqalka Cad ayaa beeniyay in Trump uu dhaqaale ahaan uga faa’iideysanayo xilka madaxweynenimada.

    Dakhliga ku cad warbixintan cusub ee shaacinta hantida ayaa aad uga badan tii uu ku sheegay warbixintii 2024, markaas oo uu shaaciyay inuu helay in ka badan $600 milyan oo dakhli ah.

    Hase yeeshee, Aqalka Cad ayaa mar kale beeniyay inuu jiro wax iska hor imaad danaha isagoo xusay in Trump uu ganacsigiisa ku wareejiyay sanduuq maamul oo ay maamulaan wiilashiisa.

    Ku xigeenka afhayeenka Aqalka Cad, Anna Kelly, ayaa sheegtay in madaxweynuhu uu si sharaf leh uga dhigay Mareykanka “goobta dunida ee lacagaha dhijitaalka ah .”

    Waxay bayaan ku tiri:

    “Madaxweynaha iyo qoyskiisuba weligood kuma lug yeelan, mana ku lug yeelan doonaan, wax iska hor imaad danaha ah.”