Maraakiibta shidaalka qaada ee Iiraan oo ka gudbay go'doominta Mareykanka ka dib heshiiskii Mareykanka iyo Iiraan

Iiraan

Xigashada Sawirka, Reuters

Published
Waqtiga akhriska: 3 daqiiqo

Ugu yaraan saddex markab oo shidaal ah oo sida shidaal ka yimid Iiraan ayaa toddobaadkan ka gudbay xannibaadda badda ee Maraykanku saaray, iyadoo mid afraad—oo aan wax rar ah sidin—uu ku wajahan yahay Gacanka Cumaan, sida xogta maraakiibta ay muujisay. Tani waxay timid kadib markii Maraykanka iyo Iiraan ay ku heshiiyeen heshiis qaab-dhismeed ah oo dib loogu furayo marin-biyoodka istaraatiijiga ah ee Hormuz.

Shixnadahan waxay muujinayaan in si tartiib tartiib ah dib loogu bilaabayo dhoofinta saliidda Iiraan, taas oo la filayo inay kordhiso sahayda caalamiga ah. Si kastaba ha ahaatee, baahida Shiinaha—oo ah iibsadaha ugu weyn—ayaa ahayd mid daciif ah sababtoo ah faa'iidooyinka gudaha oo hooseeya.

Maraakiibta waaweyn ee qaada saliidda ee Hero II iyo Diona, kuwaas oo midkiiba uu siday labo milyan oo foosto oo saliid ah, ayaa ka gudbay Gacanka Cumaan waxayna u socdaan dhinaca bari, sida ay muujisay xogta raadraaca maraakiibta ee Kpler iyo Vortexa.

Sidoo kale markabka Suezmax ee Sonia I, oo siday hal milyan oo foosto oo saliid ah, ayaa isna ka gudbay xannibaadda wuxuuna ku sii jeedaa Singapore, sida xogta Kpler, Vortexa iyo LSEG ay muujisay. Hero II wuxuu raray saliidda dabayaaqadii bishii Maarso, halka Diona iyo Sonia I ay rarka qaadeen 8 ilaa 9‑kii Abriil, sida ay sheegtay Kpler.

Iiraan

Xigashada Sawirka, Reuters

Markab kale oo lala xiriiriyo Iiraan, VLCC Stream, oo maran, ayaa isna ka gudbi rabaxannibaadda Maraykanka, sida xogta Kpler iyo LSEG ay muujisay.

Xannibaadda Maraykanka—oo la saaray kaddib markii Iiraan ay joojisay maraakiibta maraya Hormuz—ayaa keentay in dhoofinta saliidda ceeriin ee Iiraan ay bishii May gaarto heerkii ugu hooseeyay lix sano, iyadoo ahayd 260,000 foosto maalintii, oo ka yar shan meelood meel celceliskii 2025 oo ahaa 1.67 milyan foosto maalintii, sida xogta Kpler ay muujisay.

Sida ku cad heshiiskii hordhaca ahaa ee labada dhinac ay ku gaareen joojinta dagaalka, Maraykanku wuxuu u oggolaan doonaa Iiraan inay si degdeg ah u billowdo iibinta saliidda iyo shidaalka, sida uu sheegay sarkaal sare oo Maraykan ah maalintii Talaadada.

Rajada laga qabo in sahay dheeraad ah oo saliid ah ay ka timaaddo Bariga Dhexe ayaa hoos u dhigtay qiimaha saliidda caalamiga ah, kuwaas oo sare u kacay markii dagaalku billowday 28‑kii Febraayo, haddana gaadhay heerkii ugu hooseeyay saddex bilood.

Sidee ayuu ciriiri u yahay Marinka Hormuz?

IIraan

Xigashada Sawirka, Getty Images

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Marinka Hormuz waa marin-biyood isku xira Iiraan iyo Boqortooyada Cumaan. Inkasta oo marka la eegayo halka uu ka bilowdo iyo halka uu ku dhammaado ballaciisu uu yahay qiyaastii 50 kiiloomitir, balse halka barta dhexdiisa ay tahay qiyaastii 40 kiiloomitir, haddana qaybtaas dhexe waa mid ku filan in maraakiibta waaweyn ay maraan.

Khariiradda ama jidka maraakiibtu waxay ku tilmaan inuu yahay jid si ammaan ah loo galo, loogana baxo marinka, iyo aag kayd ah oo loogu talagalay doomaha waaweyn ee shidaalka qaada.

Sida caadiga ah, guud ahaan, maraakiibta waaweyn waa inay maraan marin aan ka badnayn 10 kiiloomitir oo ballac ah.

Marka doomaha shidaalka qaada ay marayaan Khaliijka, waxay u dhowaanayaan jasiiradaha Greater Tunb iyo Lesser Tunb, oo ah laba goobood oo uu muran ka taagan yahay, kaas oo u dhexeeya Iiraan iyo dowladaha Carabta.

Khubarro badan ayaa aaminsan in tallaabo milatari la qaado ay tahay habka ugu macquulsan ee lagu carqaladayn karo isu-socodka badda, maadaama arrintani ay horay u dhacday intii lagu jiray dagaalkii Iiraan iyo Ciraaq ee dhacay intii u dhexeesay 1980 iyo 1988.