Sidee noo basaasaan gawaarida aan wadanno?

Gabadh gaari saaran

Xigashada Sawirka, Getty Images

Published
Waqtiga akhriska: 5 daqiiqo

Culeyska miisaankaaga, dareenka wajigaagag ka muuqdo, iyo masaafada aad socoto, dhammaan arrimahaas gawaarida qaar waxa ay awood u leeyihiin in ay ururiyaan xogtaas oo ay warbixin ka bixiyaan xaaladaha aad ku sugan tahay. Qaar ka mid ah xogtan waxay xitaa kordhin kartaa kharashaadka caymiskaaga.

Waayadii hore gawaaridu waxa ay xor ka ahaayeen arrimahaas, balse Baabuurka casriga ah hadda wuxuu noqday kombiyuutar lugo leh.

Shirkado waaweyn ayaa isticmaalaya baabuurkaaga si ay lacag badan uga sameeyaan iyagoo helaya faahfaahinta noloshaada.

Haddii aad u malaynayso inaad gaarigaaga kaliga waddo oo aad xor tahay mar kale ka fikir arrintaas sidaas waxba uma jiraan, xaaladduna waa ay kasii xumaan doonto.

Shirkadaha laftoodu way kuu sheegayaan haddii aad eegto siyaasadaha ay ka leeyihiin xogaha gaarka ah ee qofka leeyahay.

Macluumaadka ay baabuurta ururiyaan waxaa ka mid noqon kara xog ku saabsan meel kasta oo aad u safarto, sida cidda kula saaran gaariga, waxa aad ka ka dheggeysaneyso raadiyaha, haddii aad suunka xirantahay, haddii aad si degdeg ah ama si tartiib ah u waddo, iyo haddii aad si xooggan u qabato bireegga gaariga.

Qaar ka mid ah baabuurta xitaa waxay ururiyaan faahfaahin aadan qiyaasi karin, sida fillicada aad sameeneyso, tusaale ma farta ayaad sanka gelisaa? Qaar ka mid ah baabuurta waxay leeyihiin kamarado loo jeediyey kursiga darawalka.

Dhanka kale, waxaa jira in gawaarida qaar oo uu ku xiran yahay internet, kaas oo saamaxaaya in uu si iskiis ah u diro dhammaan xogaha uu duubay.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Shirkadaha caymiska ayaa ka mid ah kuwa ugu waaweyn ee isticmaala xogta baabuurta, waxayna u adeegsanayaan inay dadka qaar ka qaadaan lacag badan. Laakiin way adag tahay in la ogaado halka xogtaadu ku dambayso. Qaar ka mid ah shirkadaha baabuurta ayaa qirta inay iibiyaan xogtaada, balse khasab kuma aha inay sheegaan cidda ay ka iibiyaan.

Khubaradu waxay aaminsan yihiin in inta badan macaamiishu aysan xitaa ogeyn in arrintani ay jirto oo ay ku dhacdo.

"Dadku way la yaabi doonaan marka ay ogaadaan inta xog ah ee baabuurtoodu ururiyaan oo ay ka iibiyaan dadka kale, sida shirkadaha sameeya baabuurta ama barnaamijyada dhinac saddexaad," ayuu yiri Darrell West, oo ah khabiir sare oo ka tirsan Xarunta Hal-abuurka Teknolojiyadda ee Brookings Institution ee Washington, DC. "Waxay si fudud uga dhigan tahay in noloshaada dib loo qaabayn karo ku dhowaad ilbiriqsi kasta."

Marka aad Maraykanka joogto waxa uu sahli karaa, in hay'adaha federaalka ay helaan dareenkaaga sida Ma dareemaysaa walwal yar? Sharci federaal ah ayaa kordhin doona xogta gaarigaagu kaa ururinayo.

Dhawaan, shirkadaha baabuurta ee Mareykanka waxaa lagu qasbi doonaa inay rakibaan kamarado biometrik ah oo infrared ah iyo nidaamyo kale oo baaraya luqadda jirkaaga, eegaya indhahaaga ama dhaqamada kale si loo ogaado inaad sakhraansan tahay ama daallan tahay.

Balse nidaamkan wuxuu sidoo kale furi doonaa kayd cusub oo xog ah oo ku saabsan caafimaadkaaga iyo caadooyinkaaga. Waqtigan xaadirka ah ma jiraan xeerar ama xadeyn ku saabsan waxa shirkadaha baabuurta ay ku samayn karaan xogtan.

"Maadaama shirkadaha baabuurta ay sii ballaarinayaan keydka xogaha ay haytsaan waxaa muhiim ah in la fahmo waxa dhab ahaantii socda iyo sida ay kuu saameyn karto."

Dabcan, tani waxay leedahay faa'iidooyin qaar. Baabuurta ku xiran internetka waxay noqon karaan kuwo isticmaalkoodu fudud yahay.

Dareemayaasha lagu rakibay waxay ka dhigi karaan wadista mid ammaan badan oo raaxo leh.

Waxaa suurtagal ah in shirkadaha caymiska ay go'aansadaan inay kaa qaadaan lacag yar haddii aad tahay darawal aad u wanaagsan.

Maxaad samayn kartaa si aad xogtaada u ilaaliso?

પ્રતીકાત્મક તસવીર

Xigashada Sawirka, Getty Images

Waxay iftiimiyaan nidaamyada qarsoon ee maamula nolosheenna dijitaalka ah, waxayna bixiyaan talooyin ku saabsan sida aan si wanaagsan ula noolaan karno.

Shirkadaha baabuurta waxay sheegaan inay oggolaanshaha qofka helaan ka hor inta aysan daba-gelin, laakiin dhab ahaan taasi badanaa waxay ka dhigan tahay inaad aqbasho qoraallada iyo siyaasadaha ku saabsan xogta shaqsiga, marka aad dejinayso nidaamka ee gaarigaaga ama barnaamijyada la xiriira.

UK iyo inta kale ee Yurub inyar ayey ka wanaagsan yihiin Maraykanka, halkaas oo ay jiraan xeerer oo loogu talagalay in lagu ilaaliyo xogaha aad muhiimka u ah ee qofka macaamiishuna leeyihiin xuquuqo u saamaxaya inay helaan xogtooda oo ay shirkadaha ka codsadaan inay tirtiraan.

Khubaradu waxa ay ku taliyaan in aan lagu biirin barnaamijyada telematics-ka caymiska", kuwaas oo inta badan u sahla shirkadaha in ay qaataan xogtaan.

Cilmi baaris laga sameeyey gobolka Maryland ayaa lagu ogaaday in 31 boqolkiiba darawalladu ay arkeen caymiskooda oo oo hoos u dhac yimid lacagihii ay bixin jireyn, balse 24 boqolkiiba ay kharashaadka caymiskoodu kordheen, halka 45 boqolkiiba aanay wax isbeddel ah arkin.

Gudaha UK, Midowga Yurub, iyo qaar ka mid ah gobollada Maraykanka, waxaad shirkadaha ka codsan kartaa nuqul xogta ay kaa ururiyeen, sidoo kale waxaad diidi kartaa iibinta ama in xogtaas gacan sadexaad lala wadaaggo.

Waxaad sidoo kale shirkadaha ka codsan kartaa inay tirtiraan xogtaada.

Qaar ka mid ah shirkadaha baabuurta sameeya waxay sidoo kale bixiyaan qodobbo lagu qeexayo xogta gaarka ah ee qofka oo aad adigu hagaajin karto si loo xaddido kaydinta iyo isticmaalka xogtaada.

habraacyadaan waxaad ka heli karta qeybo kamid ah gaariga ama buugga la socda ee sharaxaya buuugga.

"Ilaa nidaamka oo dhan is beddelo, ilaa aan annagu leenahay xogteenna, aan xakamayn karno xogteenna, shirkaduhuna ay nagu khasbanaadaan inay oggolaansho naga qaataan si ay u isticmaalaan, waxaan u malaynayaa in dhibaatadani sii jiri doonto," ayuu yiri.