Waa kuma Khaalid Maxamed, ninkii "qorsheeyay" weerarkii ugu xumaa ee ka dhacay Maraykanka?

halid Sheikh Mohammed, oo lagu eedeeyay inuu qorsheeyay weerarradii 11-kii Sebtembar 2001.

Xigashada Sawirka, HO/AFP via Getty Images

Qoraalka sawirka, Sawirka Khalid Sheikh Mohammed wax yar kaddib markii la qabtay bishii Maarso 2003
    • Author, Lisa Lambert
  • Published
  • Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo

Ninka lagu eedeeyay inuu qorsheeyay weerarkii 11-kii Sebtembar 2001 ee ka dhacay Maraykanka, Khaalid Sheekh Maxamed, ayaa maxkamad la horgeyn doonaa bisha Juun 2028, in ka badan 25 sano kaddib weerarkii ay dowladda Maraykanku ku tilmaantay "weerarkii argagixiso ee ugu xumaa ee abid ka dhaca gudaha dalka."

Garsooraha maxkamadda ciidamada milatariga ayaa go'aamiyay in dacwaddu bilaabato labo sano gudahood, isagoo sheegay in codsiga xeer-ilaalintu ku doonaysay in maxkamaddu bilaabato 2027 uu ahaa mid xilli hore ah.

Khaalid ayaa dalbaday in la gaaro heshiis u oggolaanaya inuu qirto dambiyada lagu soo oogay, iyadoo loo ballanqaadayo in aan lagu xukumin dil. Hase yeeshee, maxkamad federaali ah oo racfaan qaadda ayaa diidday codsigaas. Waxaa la qabtay sanadkii 2003, waxaana lagu hayaa xabsiga Guantanamo Bay tan iyo Sebtembar 2006.

Khaalid Sheekh Maxamed ayaa hore u qirtay inuu isagu qorsheeyay weerarkii 11-kii Sebtembar 2001, laga bilaabo billowgiisii ilaa dhammaadkiisii.

Xarunta “Camp Justice” ee Guantanamo Bay, Cuba

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Xarunta "Camp Justice" ee ku taalla Guantanamo Bay, Cuba

Garsooraha maxkamadda milatariga Maraykanka, Gaashaanle Dhexe Michael A. Schrama, ayaa xukun uu soo saaray Arbacadii ku sheegay in Maxamed iyo saddex qof oo kale oo lagu eedeeyay inay ku lug lahaayeen weerarrada la horgeyn doono maxkamadda 5-ta Juun 2028.

Dadka kale ee Maxamed lala soo taagi doono maxkamadda waxaa ka mid ah Walid bin Attash, Cali Abdulcasiis Cali iyo Mustafa al-Hawsawi.

Taariikhda la bilaabayo maxkamadeynta waxay fursad siin doontaa in la xalliyo qaar ka mid ah arrimaha la xiriira caddeymaha la hor keeni doono.

Bisha soo socota waxaa laga joogaa 25 sano markii uu dhacay weerarkii, kaas oo diyaarado la afduubay kadib loo adeegsaday in lagu weeraro xarunta ganacsiga World Trade Center ee magaalada New York iyo xarunta Pentagon-ka ee difaaca Maraykanka oo ku taalla Virginia. Diyaarad kale oo la afduubay ayaa ku dhacday gobolka Pennsylvania. Ugu yaraan 3,000 qof ayaa lagu dilay weerarradaas.

Waxaa la rumeysan yahay in Khalid Mohammed uu qorsheeyay weerarrada, isla markaana uu tababaray dadkii waday diyaaradaha kadib markii la afduubay, ka dibna uu qorshihiisa u bandhigay Osama bin Laden, hoggaamiyihii ururka al-Qaacida, kaas oo fuliyay qorshaha.

Khaalid Maxamed, oo injineernimo ku bartay Maraykanka, ayaa isaga iyo al-Hawsawi lagu qabtay Pakistan bishii Maarso 2003.

Kaddib labo sano oo wada-xaajood socday, waxaa la diiday dalab ay dhinaca eedaysanaha soo jeediyeen oo ahaa in loo oggolaado inuu qirto dambiga, balse shardi looga dhigo inaan lagu xukumin dil.

Lix bilood kaddib weerarkii ayaa la furay xabsiga Guantanamo Bay oo lagu hayo dadka loo xiray dambiyada argagixisada.

Weli waxaa xeradaas lagu hayaa ugu yaraan 15 maxbuus.

Waa kuma Khaalid Sheekh Maxamed?

Khalid Sheikh Mohammed

Xigashada Sawirka, Khalid Sheikh Mohammed’s legal team

Qoraalka sawirka, Khalid Sheikh Mohammed
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Khaalid Sheekh Maxamed waa ninka ay Maraykanku ku eedeeyeen inuu qorsheeyay weerarkii ugu xumaa ee lagu qaaday Maraykanka 11-kii Sebtembar 2001, waxaana loo arkaa inuu ka mid ahaa hoggaamiyeyaashii sare ee ururka Al-Qaacida xilligii uu Osama Bin Laden hoggaaminayay.

Wasaaradda Difaaca Maraykanka ee Pentagon-ka ayaa sheegtay in Maxamed uu qirtay inuu isagu qorsheeyay weerarka "bilow ilaa dhammaad".

Waxaa la rumaysan yahay in Maxamed uu ku dhashay Kuwait sannadihii 1964 ama 1965, balse waalidkiis waxay asal ahaan ka soo jeedeen gobolka Balochistan ee Pakistan, oo xuduud la leh Afghanistan.

Wuxuu ku hadli jiray Carabi, Ingiriisi, Urdu iyo Balochi.

Sanadkii 1986 ayuu shahaadada jaamacadeed ka qaatay Jaamacadda Beeraha iyo Farsamada ee Gobolka North Carolina ee Maraykanka.

Dabayaaqadii 1980-meeyadii ayuu u guuray magaalada Peshawar ee Pakistan, halkaas oo uu kula kulmay Osama Bin Laden.

Mohammed wuxuu caan noqday kaddib markii la fashiliyey qorshe lagu qarxin lahaa diyaarad Maraykan ah sannadkii 1995.

Qorshaha ayaa la fashiliyey kaddib markii booliisku ay heleen xog ku jirtay kombiyuutar, xilli ay baarayeen eedeymo la xiriiray qorshe lagu dilayo Pope-ka.

Sannadkii 1999 ayuu Mohammed ku qanciyay Osama Bin Laden inuu taageero qorshaha weerarradii 11-kii Sebtembar ee Maraykanka.

Kaddib weerarkii oo lagu dilay in ka badan 3,000 qof, Maraykanku wuxuu ballanqaaday abaalmarin lacageed qofkii gacan ka geysta soo qabashada ama dilka Maxamed.

Maraykanku wuxuu rumaysnaa in Maxamed uu qorsheeyay hawlgalka oo dhan, isla markaana uu diray lacagihii loo adeegsaday afduubka diyaaradaha iyo fulinta weerarrada.

Soo qabashada Maxamed ayaa loo arkay mid ka mid ah guulihii waaweynaa ee laga gaaray dagaalka ay dalalka reer Galbeedku kula jireen ururka Al-Qaacida.

Rohan Gunaratna, oo ah khabiir ku takhasusay argagixisada caalamiga ah iyo Al-Qaacida, ayaa Maxmed ku tilmaamay "khabiir ku xeeldheer qorshaynta weerarrada argagixisada ee caalamiga ah, isla markaana ka mid ah dadka tirada yar ee xirfaddan si weyn ugu takhasusay".

Ma ahayn oo keliya Maraykanka iyo Pakistan kuwa raadinayay Maxamed. Maxkamad ku taalla Faransiiska ayaa soo saartay waaran lagu soo xirayo, kaddib markii lagu eedeeyay inuu ku lug lahaa weerarkii ismiidaaminta ahaa ee lagu qaaday goob ay Yuhuuddu ku cibaadaysato oo ku taalla jasiiradda dalxiiska ee Djerba, Tunisia, sannadkii 2002.

Sidoo kale, Australia waxay doonaysay inay Maxamed ka hesho xog ku saabsan baaritaanka weerarkii qaraxa ee Bali, Indonesia, sannadkii 2002, kaas oo lagu dilay 202 qof.