Maxaa ka mid ah arrimaha Badda cas ee ay ku heshiiyeen Masar iyo Eritrea

Xigashada Sawirka, Al Ahram
Masar iyo Eritrea ayaa kala saxiixday heshiis isku xira gaadiidka isaga gudba badda cas.
Booqashadii uu dhawaan ku tagay magaalada Asmara wasiirka arrimaha dibadda Masar Abdellahti waxa uu la saxiixday heshiisyo dhanka gaadiidka iyo ganacsiga ah oo u dhaxeeya labada dal.
Heshiiska ayaa dhigaya in labada dal ay isku xiraan gaadiidka badda.
Ujeedada isku xirka khadka maraakiibta ayaa ah in la horumariyo adeegyada ganacsiga iyo saadka ee labada dal iyadoo laga faa'ideysanayo fursadda ah in la helo deked, ayuu yiri.
Intaa waxaa dheer iany ku heshiiyeen in Masar ay khibradda u leedahay dhismaha dekedo casri ah iyo tareeno ah ay la wadaagaan Eritrea.
Wafdiga Masar ee tagay Eritrea waxaa ka mid ah wasiirka arrimaha dibadda Badir Abdellah iyo wasiirka gaadiidka Kamel al-Wazir.
Waxay ku safreen awaamiirta madaxweyne Abdul Fattah al-Sisi, fariintiisana waxay gaartay madaxweyne Isayas Afewarqi, sida uu sheegay wargeyska Al Aharam.
Wafdigan ayaa waxaa ku wehlinaayay safarkooda ganacsato u dhalatay dalka Masar, waxaana laga wada hadlay waxyaabaha ay ka qaban karaan dalka Eritrea.
Labada dal kamay wada hadlin oo kaliya isku xirka dekedahooda ku yaal badda cas ee sidoo kale waxay ka wadahadleen ammaankeeda.

Xigashada Sawirka, AFP
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Wasiirka arrimaha dibadda Masar Abdelatti ayaa sheegay in waddan kasta oo badda cas ku yaalla ay mas'uuliyad ka saaran tahay inuu xaqiijiyo ammaanka xeebihiisa.
Waxa uu sheegay in dal shisheeye uusan ku lug yeelan karin sugidda ammaanka Badda Cas.
Inkastoo aan la magacaabin dalka uu Abdellah ula jeedo, haddana Itoobiya waxay noqotay dalka marar badan codsaday in uu helo deked.
Labada dal midkoodna si waafi ah ugama jawaabin dalabaadka Itoobiya.
Taas bedelkeeda, waxaa laga cabsi qabaa inay horseeddo colaad u dhexeysa Itoobiya iyo Eritrea.
Dowladda Masar ayaa markii ay saxiixday heshiiska waxay muujisay inay taageersan tahay madax-bannaanida Eritrea. Waxa uu sidoo kale ku baaqay in la xasiliyo dhammaan dalalka Koonfur Afrika.
Dowladda Eritrea ayaa muujisay xiriirka soo jireenka ah ee kala dhaxeeya Masar, waxayna ka mahadcelisay taageeradooda.
Waxay muujisay rabitaankeeda ah in ay si wadajir ah uga shaqeyso arrimaha siyaasadda iyo dhaqaalaha ee danaha labada dhinac.
Masar waxay bilawday inay xiriir adag la samaysato Eritrea, markii ay Eritrea u dagaalamaysay inay ka go'do Itoobiya. Xiriirka dalaka deriska ah ayaa dhawaanahan xumaaday.
Taasi waxay ka cadhaysiisay Eritrea markii ay Itoobiya bilowday inay u soo bandhigto dekedda.
Itoobiya ayaa ku andacoonaysay in aysan helin jawaab ay ku qanacdo codsigeedii ahaa in si nabad ah ay u isticmaasho dekedda Eritrea. Waxay tan iyo markaas codsi la mid ah u jeedisay Soomaaliya. Ka dib, markii ay Itoobiya heshiis is-afgarad ah la saxeexatay Somaliland, waxa cirka isku sii shareeray xiisadda gobolka.
Taas waxaa markiiba ku soo biirtay Masar markii ay Eritrea muujisay taageerada ay u hayso Soomaaliya.
Masar ayaa horay ugu guuldarraysatay in Itoobiya ay heshiis kala gaarto Biyo xireenka weyn ee Itoobiya (GERD) waxayna sheegtay in ay u istaagi doonto xornimada Soomaaliya.
Waxa ay sidoo kale sheegeen in maamulka xeebaha uu khuseeyo oo kaliya dalalka leh dekedaha.
Itoobiya ayaa wax ka yar 60 KM u jirta Badda Cas, waxayna sheegtay in dhibaato kasta oo dhanka ammaanka ah oo ka dhacda Badda Cas ay tahay mid walaac ku ah amniga dalkeeda.
Sababo ganacsi iyo nabadgelyo qaran awgeed, Itoobiya oo ah dal ay ku nool yihiin in ka badan 120 milyan oo qof, ayaa dalbanaysay in marin ay u hesho badda.
Masar iyo Eritrea ayaa hadda gaaray heshiis ku saabsan isku xirka dekedahooda.
Masar ayaa ogolaatay inay Eritrea kala shaqeyso dhinacyada gaadiidka, dhismaha, daawada, macdanta, jidadka tareenada iyo qaybaha kale.









