Faadumo: Waxay yaraanteedii ka baxsatay 'oday qallafsan' oo lagu dari lahaa haddana waa marwada koowaad ee madaxweynaha

Sawir dhow oo ah haweeney dhoolla‑caddaynaysa. Waxay xiran tahay koofiyad madaxa lagu duubto oo cas iyo dhar u dhigma oo leh ubaxyo cagaaran. Waxay xirantahay silsilad dahab ah iyo hilqado.
    • Author, Megha Mohan, Maggie Latham iyo Alvaro Alvarez
    • Role, BBC World Service
    • Reporting from, Freetown
  • Published
  • Waqtiga akhriska: 10 daqiiqo

Waxa ay qaadatay daqiiqad kooban in Fatima Bio ay ka jawaabto markii aan weydiinnay sida ay ahayd nolosha qof magangalyo doon ah oo ku nool London.

"Way ka fiicnayd in la igu daro oday aan akhlaaq wanaagsan lahayn," ayay si kaftan u tiri, ka dibna way qososhay — iyadoo tixraacaysa qorshihii aabbaheed uu rabay inuu ku siiyo nin mar ay da' yarayd.

Wax badan ayaa isbeddelay tan iyo markaas. Sanadihii xigay, waxay noqotay jilaa, kadibna London ayay ku baratay nin iyadoo wareysi ka qaadaysay dadka reer Sierra Leone ee saameynta leh ee ku nool qurbaha, wayna guursatay. Ninkaasi wuxuu ahaa Julius Bio — kaasoo hadda ah madaxweynaha Sierra Leone.

Iyada oo ah haweeneyda koowaad ee dalka, Fatima Bio waxaa loo arkaa qof saameyn leh balse muran dhaliya — qaar ka mid ah dhalinyarada ayaa u arka cod cusub oo siyaasadda ku soo kordhay, isla markaana u dooda haweenka iyo gabdhaha, halka kuwa kale ay ku eedeeyaan inay ka tallaabsatay xadka doorkeeda, isla markaana aad ugu lug leedahay arrimaha xisbiga ninkeeda.

Waxaa lagula qayliyay laguna jees-jeesay baarlamaanka dhexdiisa, sidoo kale waxaa lala xiriiriyay dhaleeceyn ku saabsan muuqaal ay ku daabacday baraha bulshada, kaas oo uu ku jiray nin caan ku ah ka ganacsiga daroogada, inkastoo ay beenisay inay garaneyso.

Waxay si degdeg ah u joojisay qosolka oo isdejisay, si ay nooga sheekeyso sheekadii ku dhiirrigelisay inay hormuud u noqoto sharci mamnuucaya guurka carruurta ee Sierra Leone, kaas oo dhaqan galay sannadkii 2024.

Waxay ku dhowaatay inay noqoto aroosad carruur ah. Markii ay gaartay 13 jir, aabbaheed oo ahaa macdan-qode dheeman oo ka shaqeeya degmada Kano ayaa u diyaariyay guur nin ku jiray da'da 30‑meeyada, oo ay hore ugu taqaannay sidii adeerkeed ahaan.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

"Wax wadahadal ah ma jirin. Waa la go'aamiyay," ayay tiri.

Laakiin wax yar ka hor arooska, markay gaartay 16 jir sanadkii 1996, dagaalkii sokeeye ee Sierra Leone ayaa abuuray fursad ay kaga baxsato, iyadoo kaashanaysa qaraabo, si ay u aaddo UK oo ay uga dalbato magangalyo.

Fatima Bio waxay gaartay London habeenkii Kirismaska, garoonka Gatwick, iyadoo xiran funaanad khafiif ah, sida ay sheegtay, iyadoo la yaabban qabowga balse ku faraxsan fursadda nolol cusub. Waxay la degtay qaraabo fog.

"Ingiriiska wuxuu ii ahaa nimco weyn. Halkaas ayaan codkayga ka helay," ayay tiri haweeneyda koowaad. "Waxaan helay madaxbannaanidayda, kadibna waxaan awooday inaan nafteyda u dagaallamo. Hadda waxaan u dagaallami karaa dhallinyarada."

Waxa kale oo ay ku heshay UK ayaa ahaa guri ka tirsan guryaha dowladdu bixiso oo ku yaalla Southwark bartamaha London, guri ay weli haysato maanta, halkaas oo carruurteedu ay ku nool yihiin.

Guryaha noocan ah ee bulshada loogu talagalay badanaa waa ka jaban yihiin kuwa gaarka loo leeyahay, waxaana qofka codsanayaa looga baahan yahay inuu buuxiyo shuruudo gaar ah.

Todoba haween ah ayaa isu taagay sawir kooxeed oo lagu qaaday qol qurux badan oo ay ku xardhan yihiin farshaxanno ku dheggan qaab dahab ah. Haweenkaasi waa: Sophie, Duchess of Edinburgh ee Britain, Boqorad Mathilde ee Belgium, Boqorad Camilla ee Britain, Boqorad Rania ee Jordan, Dhaxal-sugaha boqortooyada Denmark Mary, Fatima Bio, iyo Marwada Koowaad ee Ukraine Olena Zelenska.

Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images

Qoraalka sawirka, Sanadkii 2022, Bio waxay ka qayb gashay xaflad soo dhaweyn ah oo lagu qabtay Qasriga Buckingham si kor loogu qaado wacyiga ku saabsan rabshadaha ka dhanka ah haweenka, taas oo ay martigelisay Boqorad Camilla, oo ay sidoo kale ka soo qaybgaleen Duchess of Edinburgh, Boqorad Mathilde ee Belgium, Boqorad Rania ee Jordan, Dhaxal-sugaha boqortooyada Denmark Mary, iyo Marwada Koowaad ee Ukraine Olena Zelenska.

Xaqiiqda ah in haweeneyda koowaad ee xilka haysa, oo ku nool qasriga madaxtooyada ee caasimadda Freetown, ay weli haysato guri nooca council-ka ah ayaa dhalisay dhaleeceyn ka timid warbaahinta Britain iyo Sierra Leone.

Iyadoo in ka badan 18,000 oo qof ay ku jiraan liiska sugitaanka guryaha ee degmada, bogga internetka ee golaha deegaanka ayaa sheegay in "xitaa dadka baahida ugu weyn qaba ay mararka qaar sugayaan dhowr sano."

Si kastaba ha ahaatee, iyadu way difaacday xaaladdaas. "Carruurtaydu dhammaantood waa muwaadiniin British ah," ayay tiri. "Aniga ayaa iska bixinaya kirada guriga council-ka. Wax dambina ma gelin."

War ay soo saartay, golaha deegaanka Southwark ayaa u sheegay BBC-da inuusan ka hadlin kiraysiyada shakhsiyaadka, balse "haddii ay jiraan shakiyo ku saabsan in kiraystayaashu ay fulinayaan waajibaadka heshiiska, waxaan sameynaa kormeerro iyo baaritaanno joogto ah si loo xaqiijiyo in waajibaadkaas la buuxinayo."

Waxaan joognaa beerta qoyska, oo qiyaastii hal saac u jirta qasriga madaxtooyada ee Freetown, halkaas oo ay inta badan kula nooshahay ninkeeda. Julius Bio, oo hore u ahaa askari, ayaa noqday madaxweynaha sanadkii 2018, waxaana mar kale la doortay 2023.

Fatima Bio oo ku sugan gudaha aqal weyn oo digaagga lagu hayo oo leh safaf qafasyo ah. Waxay xiran tahay funaanad cad oo Arsenal ah, koofi baseball madow ah, hilqado luul ah, iyo dahab.
Qoraalka sawirka, Bio waxay ku haysataa digaag iyo lo' beerta qoyska ee ka baxsan Freetown

Halkan beerta, haweeneyda koowaad waxay u muuqataa mid aad uga deggan kana raaxo badan munaasabadihii rasmiga ahaa ee aan horay ula soconnay. Iyadoo xiran jiinis iyo funaanad kubadda cagta Arsenal, ayay na kaxeysay si aan u aragno xoolaha badan ee ay leedahay, oo ay ka mid yihiin digaag, lo', iyo ari.

Sawirkan fudud ee la heli karo isla markaana dhiirrigelin leh — oo ah waji cusub oo Sierra Leone ah, halkaas oo sheekooyinka caalamiga ah muddo dheer diiradda saareen carruur askar laga dhigay, gumeysigii Ingiriiska iyo dheemanka dhiiggu ku daato — ayaa ka helay malaayiin jeer oo "likes" ah baraha bulshada. Waxay si joogto ah wax u soo dhigtaa baraha bulshada, marar badan iyadoo qoob ka ciyaareysa isla markaana si toos ah ula falgasha taageerayaasheeda.

Waxay ka hadashaa arrimo bulshada ku ad-adag sida saboolnimada la xiriirta caadada dumarka. Sierra Leone ma laha siyaasad qaran oo dammaanad qaadaysa in agabka nadaafadda bilaash looga helo iskuullada — si ka duwan Kenya, Botswana, Koonfur Afrika iyo Zambia.

Ururro ay ka mid yihiin sanduuqa carruurta ee Qaramada Midoobay (UNICEF) ayaa sheegay in gabdhaha Sierra Leone ay badanaa ka maqnaadaan iskuulka xilliga caadada, iyagoo ka baqaya inay wasakheeyaan dharkooda iskuulka.

"Gabdhuhu waxay iskuulka ka maqnaadaan ugu yaraan 80 maalmood sanadkii sababo la xiriira caadada," ayay tiri Bio. "Haddii aad ka maqnaato 80 maalmood sanad dugsiyeedka, waxay la mid tahay inaad gebi ahaanba ka maqnaato hal teeram. Weli ma helayaan sinnaanta ay u qalmaan. Taasi waa sababta aan si joogto ah u booqdo meelaha si aan u qaybiyo suufka nadaafadda ee bilaashka ah. Waxaan rabaa in gabdhuhu helaan waxbarasho si ay u noqdaan kuwo miiska go'aan qaadashada fadhiya oo naftooda u go'aansada."

Inkasta oo arrintani ay kasbatay taageerayaal isla markaana ay ka dhigtay guddoomiyaha Ururka Haweenka Koowaad ee Afrika ee Horumarka (Oaflad), haddana dad badan ayaa aaminsan inay ka tallaabtay doorka haweeneyda koowaad oo caadi ahaan loo arko mid u badan astaan ​​munaasabad oo keliya.

Nin xiran khamiis cad oo leh xarriijimo dhuuban oo cawl khafiif ah ayaa warqad codbixin ah ku ridaya sanduuq. Dad badan ayaa ka dambeeya, waxaana ag taagan laba nin oo xirnaa dhar ciidan. Gabadh yar ayaa dhinaciisa taagan oo daawanaysa waxa uu sameynayo.

Xigashada Sawirka, JOHN WESSELS/AFP via Getty Images

Qoraalka sawirka, Julius Bio waxaa dib loogu doortay madaxweynaha Sierra Leone sanadkii 2023 — muddadiisa xilka waxay ku eg tahay 2028

Waxay xubin firfircoon ka tahay xisbiga talada haya ee SLPP, iyadoo si fagaare ah u taageerta siyaasiyiin ay iyadu doorbiday, kana hadasha ololayaasha doorashada xitaa marka ninkeeda uusan joogin. Waxay sidoo kale soo saartaa muuqaallo ay ku hadasho oo ay soo dhigtaa baraha bulshada, iyadoo ku dhaliilaysa siyaasiyiin (oo ay ku jiraan qaar ka tirsan xisbigeeda) iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka.

Intii lagu guda jiray furitaanka rasmiga ah ee Baarlamaanka 7-dii Agoosto 2025, Fatima Bio waxaa ku qayliyay qaar ka mid ah xubnaha baarlamaanka. Warbaahinta maxalliga ah ayaa sheegtay inay qaadeen hees hadallo cay ah oo la xiriira haweenka ka shaqeeya galmada. Iyaduna waxay kaga jawaabtay iyadoo xiratay sameecado dhegaha oo ay muusig dhageysanayso.

Haweeneyda koowaad ayaa ku adkaysatay in qayladaasi aysan ka niyad jabin hadafkeeda.

"Tani waxay muujinaysaa in rag oo dhan aysan waxbaran," ayay tiri. "Dhammaan raggu ma aaminsana awood-siinta haweenka iyo sinnaantooda."

"Waxaan ahaa qof u ololeeya arrimaha bulshada muddo aad u dheer," ayay tiri, iyadoo sharraxaysa inay ka badan tahay qofka abaabula jadwalka qoyska.

"Waxaan dhageystaa dadka, dabadeedna waxaan u gudbiyaa dowladda. Waxaan dhageystaa dowladda, dabadeedna waxaan u gudbiyaa dadka. Sidaas ayay shaqadeennu u socotaa."

Fatima Bio
Qoraalka sawirka, Bio waxa ay sheegtay in ay u ololaysay waxbarashada hablaha "si ay miiska u soo fadhiistaan, iyaga oo go'aan ka gaaraya naftooda"

Maalmihii aan la qaadannay, Fatima Bio waxay sheegtay inay doonayso inay cusboonaysiiso sawirka dalka ay matasho.

Markii aan ka qeyb galnay munaasabadda qalin-jabinta ee dugsiga casriga ah ee si qurux badan loo rinjiyeeyay ee Choithram International School, halkaas oo ay ahayd khudbad-jeediyaha ugu weyn, gabdho badan ayaa istaagay si ay ula sheekeystaan iyada marka ay qaadanayaan shahaadooyinkooda. Waxay tilmaantay in dugsigii ugu horreeyay ee sare ee gabdhaha ee Afrikada ka hooseysa Saxaraha laga dhisay dalkaas, waxayna ku sifeysay Sierra Leone inay tahay dal lagu yaqaan dulqaad diimeed.

Sida 77% dadka Sierra Leone, Bio waa Muslimad. Si kastaba, ninkeeda wuxuu ka mid yahay 21% dadka Masiixiyiinta ah. Waxay noo sheegtay in labadooduba ay ka qayb galaan salaadaha masaajidka iyo adeegyada kaniisadda.

Waxay ahayd kadib adeeg kaniisadeed oo ay ka qeyb gashay markii ay la kulantay qaar ka mid ah dhaleeceyntii ugu xoogga badnayd.

Bishii Janaayo 2025, wakaaladda wararka Reuters ayaa soo werisay in Jos Leijdekkers, oo sidoo kale loo yaqaan "Chubby Jos", isla markaana ka mid ah ganacsatada daroogada ee ugu la doonista badan Yurub, lagu arkay muuqaal lagu daabacay baraha bulshada ee haweeneyda koowaad Fatima Bio.

Muuqaalkaas ayaa lagu sheegay inuu muujinayo Leijdekkers oo 34 jir ah, isagoo taagan dhowr saf gadaal ka ah haweeneyda koowaad iyo madaxweynaha inta lagu jiray adeeg kaniisadeed.

Leijdekkers waxaa lagu xukumay 24 sano oo xabsi ah isagoo maqan, kadib markii maxkamad ku taal Rotterdam ay ku heshay dambi ah inuu kokeyn u tahriibiyay Netherlands. Dalal badan oo Galbeedka Afrika ah ayaa inta badan loo isticmaalaa marin lagu gudbiyo daroogo ka imanaysa Latin America kuna socota Yurub.

BBC-da si madax-bannaan uma xaqiijin muuqaalkaas, kaas oo hadda la tirtiray.

Markii BBC-da ay weydiisay sida uu nin ka mid ah kuwa loogu doonista badan yahay Yurub ugu soo dhowaaday qoyska madaxweynaha Sierra Leone, waxay beenisay inay garanayso.

"Ma ogaan karo, sababtoo ah anigu ma ihi dambiile," ayay tiri. "Anigu dadka kaniisad ma geeyo. Masiixi ma ihi, Muslim baan ahay. Sidaas darteed ma aqaan cidda joogtay kaniisaddaas. Qofna kama hadli karto wax aadan aqoon."

Waxay sidoo kale beenisay wararka sheegaya in Leijdekkers ay canug u dhashay gabadheeda ay korsatay, oo ah gabadha madaxweynaha ay u dhashay xaas hore.

"Kuwaas dhammaantood waa been aanan doonayn inaan xaqiijiyo," ayay tiri.

Falanqeeyayaal ayaa sheegaya in dadka intooda badan ee Sierra Leone ay ka walwalsan yihiin sida ay nolol maalmeedkooda u maareyn lahaayeen, halkii ay ka fikiri lahaayeen Leijdekkers.

Tan iyo markii khabiir dhulka ah oo kasoo jeeda UK ay ka soo saareen dheeman dalka sanadihii 1930-meeyadii, hantida macdanta dalka si dhif ah ayay u gaartay dadka caadiga ah.

Dagaal sokeeye oo aad u xun oo socday intii u dhaxaysay 1991 ilaa 2002, oo qayb ahaan uu huriyay ganacsiga dheemanka islamarkaana taageero ka helayay ciidammadii Charles Taylor ee dalka dariska la ah ee Liberia, ayaa dilay tobannaan kun oo qof, halka malaayiin kale ay ka carareen guryahooda.

Dib u soo kabashada dalka ayaa marar badan dib u dhacday — oo ay sabab u ahaayeen cudurka Ebola ee 2014, Covid-19, iyo sare u kaca qiimaha shidaalka iyo cuntada kadib duullaankii Ruushku ku qaaday Ukraine.

Sanadkii 2022, mudaharaadyo ka dhashay qiimaha nolosha oo sarreeya ayaa ka dhacay Freetown, waxaana ku dhintay ugu yaraan 20 qof oo rayid ah iyo lix askari oo booliis ah.

Fatima Bio

Xigashada Sawirka, SAIDU BAH/AFP via Getty Images

Qoraalka sawirka, Arrimaha caalamka ayaa ka qayb qaatay sicir bararka iyo kor u kaca maciishadda

Iyadoo xaaladdaas jirto, halkaas oo cadaadiska dhaqaale ee maalinlaha ahi uu yahay midka ugu weyn ee dadka ku mashquulsan yihiin, dhaleeceyn kale oo ku saabsan hantida haweeneyda koowaad ayaa soo baxday, oo ay ka mid yihiin eedeymo ku saabsan guryo dhowr ah. Waxay diidday inay ka faallooto markii la waydiiyay in qoyskeedu ku nool yihiin daaro ku yaalla dalka Gambia iyo sida loo bixiyay kharashkooda.

"Uma baahni inaan diido. Uma baahni inaan qirto. Marka ay keenaan caddeyn muujinaysa in waxa ay sheegayaan ay run yihiin, markaas ayaan ka hadli doonaa," ayay tiri.

Kalsoonidan ayay tahay tan ka dhigtay dad badan oo falanqeeya siyaasadda Sierra Leone iyo meelo kale inay is weydiiyaan in Bio ay diyaarinayso qorshe ay mustaqbalka ugu tartanto madaxtinnimada — laga yaabee marka xilka ninkeeda uu dhammaado 2028, maaddaama uusan mar kale tartami karin.

Ninkeedu isaguna wuxuu wajahaa muranno, oo ay ka mid yihiin dhaleeceyn ku saabsan sida uu u maareeyay dhaqaalaha iyo su'aalo la xiriira daahfurnaanta doorashadii 2023. Guddiga doorashooyinka ayaa ku adkaystay in ay jireen hannaan lagu xaqiijinayo doorasho caddaalad ah.

"Ma ihi qof aad u doonaya inuu noqdo madaxweyne," ayay tiri haweeneyda koowaad ee Fatima Bio. "Waxay noqon doontaa rabitaanka Ilaahay. Aad ayaan u rumeysanahay in marka Ilaahay wax doonayo uu sameeyo… Haddii ay tahay waxa Ilaahay doonayo, qofna ma joojin karo."

  • Tani waa qayb ka mid ah taxanaha Haweenka Caalamka ee BBC World Service, oo lagu wadaago sheekooyin muhiim ah oo aan inta badan la sheegin oo ka kala imaanaya daafaha dunida.