Shanta waddan ee ugu wanaagsan in lagu noolaado adduunka

Dalalka

Xigashada Sawirka, Getty Images

Published
Waqtiga akhriska: 6 daqiiqo

Weligaa ma dareentaa inaad rabto inaad wax walba gadaal uga tagto oo aad u guurto waddan wanaagsan si aad nolol cusub uga billowdo?

Daraasadda "Expat Insider 2026" ayaa soo saartay qiimeyn gaar ah oo lagu sameeyay 31 waddan oo dunida ah.

Liiska waxaa lagu diyaariyey iyadoo la tixgelinayo arrimo ay ka mid yihiin tayada nolosha, fudaydka la qabsiga deegaanka cusub, fursadaha shaqo iyo horumarinta xirfadda, xasilloonida dhaqaale iyo awoodda kaydsashada lacagta, guryaha, iyo adeegyada muhiimka ah ee maalinlaha ah, sida adeegyada dijitaalka ah.

Labada arrimood ee ugu muhiimsanaa ee lagu arkay waddamada kaalmaha sare galay sannadkan waxay ahaayeen "furfurnaanta iyo saaxiibtinnimada" dadka deegaanka iyo "kharashka nolosha oo la awoodi karo."

Tobanka waddan ee ugu sarreeya, toddoba ka mid ah waxay ahaayeen kuwo u fudud dadka ajaanibta ah inay u guuraan oo ay nolol cusub ka sameystaan, halka shan waddan ay hormuud ka ahaayeen dhinaca maareynta dhaqaalaha iyo kaydsashada lacagta.

Waxaan si toos ah ula hadalnay dadka ku nool shanta waddan ee ugu sarreeya. Waxay noo sheegeen sababihii ay ugu guureen waddamadaas, sida ay ula qabsadeen nolosha cusub, iyo waxyaabaha ay tahay inay ogaadaan dadka cusub ee doonaya inay halkaas u guuraan.

1. Panama

Panama

Xigashada Sawirka, Getty Images

Panama ayaa sannadkii saddexaad oo xiriir ah sii haysata kaalinta koowaad ee liiskan. Panama waxay kaalinta koowaad kaga jirtaa adduunka labada qaybood ee kala ah shaqada dibadda iyo maaraynta kharashaadka nolosha.

Boqolkiiba 87 dadka ajaanibta ah ee ku nool Panama ayaa sheegay inay ku qanacsan yihiin noloshooda dalkaas, marka loo eego celceliska caalamiga ah oo ah 70%. Sidoo kale, 90% dadkaas ayaa sheegay inay aad u fududdahay in halkaas guri laga kireysto ama la iibsado.

Ariel Barrionuevo ayaa siddeed sano ka hor ka soo guuray Argentina, wuxuuna u wareegay xeebta Caribbean-ka ee Panama, halkaas oo ay yaallaan biyo buluug ah oo nadiif ah.

Halkaas ayuu ka helay degganaan uu ka dareemay dhawaaqa deggan ee hirarka badda, hurdo qoto dheer oo nasasho leh, tamar cusub oo subax kasta jirkiisa buuxisa, iyo farxadda dhabta ah ee ku jirta in qofku ku raaxaysto daqiiqad kasta oo nolosha ah.

"Si tartiib ah ayaan u ogaaday in tani aysan ahayn oo keliya xaalad nasasho oo soconaysa dhowr maalmood," ayuu yiri Barrionuevo, oo hadda ah maamulaha hoteelka La Coralina Island House, oo ku yaalla Isla Colón.

"Meeshani waxay leedahay hab-nololeed u gaar ah—mid deggan, tartiib ah, oo leh isku dheelitirnaan aan caadi ahayn."

2. Mexico

Mexico

Xigashada Sawirka, Getty Images

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Mexico ayaa kaalinta koowaad kaga jirta adduunka marka loo eego fudaydka la qabsiga iyo ku noolaanshaha deegaan cusub, halka ay guud ahaan kaalinta labaad kaga jirto liiska.

Ma jiro waddan Mexico kaga wanaagsan in dadka ajaanibta ah lagu dareensiiyo inay gurigooda joogaan. Boqolkiiba 73 dadka Mexico ayaa sheegay inay fududdahay inay saaxiibtinnimo la yeeshaan dadka deegaanka, marka loo eego celceliska caalamiga ah oo ah 39%.

Tirada dadka ajaanibta ah ee ku nool Mexico ee sheegay in inta badan saaxiibbadoodu yihiin dadka deegaanka ayaa ahayd laba jibbaar celceliska caalamiga ah.

"Waxaan halkan ku yeeshay saaxiibbo ka badan kuwii aan ku lahaa Chicago," ayay tiri Kirsten Rakuia, oo wax ku qorta bogga Sand in My Curls.

Iyada iyo ninkeeda waxay u guureen Puerto Vallarta sannadkii 2022. Dadka saaxiibtinnimada badan iyo kharashka nolosha oo jaban ayaa ahaa sababihii ku kallifay inay halkaas ku noolaadaan.

Waxay sheegtay in taco, oo ah cunto si weyn looga cuno Mexico, laguna iibiyo waddooyinka, uu halkaas ku kacayo hal doollar oo keliya.

Kharashkii oo dhan ee qalliinkii degdegga ahaa ee dhawaan looga sameeyay mindhicirka iyo kharashaadka isbitaalka kama badnaan $4,000.

Waa lacag aad u yar oo aanay suurtagal ahayn in qalliinka iyo daryeelka caafimaad ee noocaas ah lagu helo gudaha Maraykanka.

3. Thailand

Thailand

Xigashada Sawirka, Getty Images

Thailand ayaa kaalinta saddexaad kaga jirta liiskan caalamiga ah, dadka dunida oo dhanna waxay halkaas ka dareemaan farxad iyo qanacsanaan badan. Boqolkiiba 86% dadka ayaa sheegay inay ku qanacsan yihiin noloshooda Thailand.

Waxa ugu weyn ee nolosha halkaas ka dhigaya mid aad loogu raaxaysto waa raaxada iyo tayada nolosha oo lagu heli karo kharash macquul ah.

Thailand ayaa daraasadda kaga heshay dhibcaha ugu sarreeya adduunka marka laga hadlayo jabanida kharashaadka nolosha. Boqolkiiba 85% dadka ayaa ammaanay kharashka nolosha ee la awoodi karo, taas oo ku dhowaad laba jibbaaraysa celceliska caalamiga ah.

Bethan Jeentipraphet, oo ka sheekaynaysa markii ugu horreysay ee ay cunto waddooyinka ku iibisa ku tijaabisay magaalada Bangkok, waxay tiri: "Afartayada qof waxaan wada cunnay cunto dhammaystiran oo hal gini oo keliya nagu kacday, taas oo u dhiganta qiyaastii $1.35."

Bethan, oo ah hooyo kasoo jeedda Britain oo leh laba carruur ah, waxay Thailand uga timid Devon, UK, iyada iyo ninkeeda oo u dhashay Thailand, sannadkii 2024, iyadoo markii hore damacsanayd inay halkaas joogto oo keliya hal sano.

"Laakiin laba toddobaad gudahood ayaan go'aansaday inaanan mar dambe dib ugu laaban," ayay tiri.

4. Imaaraadka Carabta (UAE)

Imaaaraatka

Xigashada Sawirka, Getty Images

Imaaraatka Carabta waxay si weyn ugu fududaysaa dadka ajaanibta ah ee ku nool dalkaas inay la qabsadaan nolosha oo ay dhistaan xirfadahooda, iyadoo dhibco sare ka heshay dhinacyada fursadaha horumarinta shaqada iyo buuxinta baahiyaha aasaasiga ah ee dadka aan muwaadiniinta ahayn, oo ay ka mid yihiin arrimaha fiisaha iyo luqadda.

Daraasaddan waxaa la sameeyay bilihii Febraayo iyo Maarso 2026, ka hor iyo ka dib markii uu billowday xiisadda u dhexeysa Maraykanka iyo Iran; sidaas darteed, saameynta khilaafkaasi si weyn ugama muuqato natiijooyinka daraasadda.

Si kastaba ha ahaatee, dadka hadda ku nool UAE waxay sheegayaan in nolol maalmeedkoodu ay si caadi ah oo deggan u socoto, iyadoo ay jiraan oo keliya isbeddello yar yar.

Khabiirka arrimaha muuqaalka iyo sumcadda qofka, Michelle Sterling, oo hore ugu noolayd Dubai iyo Maraykanka balse hadda doorbidaysa Dubai, ayaa tiri: "Nolol maalmeedka magaalada Dubai wuxuu u muuqdaa mid caadi ah oo deggan. Waxaan aaminsanahay in Dubai ay bixiso qaab nololeed ammaan badan, raaxo badan, isla markaana kharashkiisu ka macquulsan yahay dalal badan."

5. Brazil

Brazil

Xigashada Sawirka, Getty Images

Sannadkan, Brazil ayaa markii ugu horreysay ku soo biirtay liiska shanta waddan ee ugu sarreeya. Brazil ayaa dhibco aad u sarreeya ka heshay dhinacyada farxadda, fudaydka la qabsiga deegaanka cusub, saaxiibtinimada dadka deegaanka iyo dhaqankeeda hodanka ah.

Dad badan oo ajaanib ah ayaa sheegay inay dalkaas ku dareemaan inay guryahooda joogaan, taas oo ay sabab u tahay diirranida iyo martisoorka dadka deegaanka.

Clint Manning, oo ka soo guuray Barbados si uu ganacsi isaga u gaar ah uga bilaabo magaalada São Paulo, ayaa yiri:

"Halkan, xitaa haddii aad qof cusub la kulanto Khamiista, marka Sabtida la gaaro waxaad fadhiisan kartaa gurigiisa adigoo la wadaagaya churrasco (hilib la dubay).

"Anigu waxaan ka imid Barbados, qaabka nolosha halkaasna wuxuu la mid yahay kan Brazil, sidaas darteed markii aan Brazil imid, haba yaraatee ma aanan dareemin inaan qof shisheeye ah ahay. Farqiga keliya ayaa ah in fursadaha iyo baaxadda wax walba halkan ay aad uga weyn yihiin kuwa halkaas."

Wuxuu sheegay in dad badan oo Brazil ku nool aysan ku hadlin Ingiriisiga, taasna uu u arko arrin wanaagsan.

"Waa waayo-aragnimo wanaagsan qofka sida dhabta ah u doonaya inuu barto luqad cusub," ayuu yiri.

"Sababtoo ah waxaa lagugu qasbayaa inaad ku hadasho Boortaqiis si aad shaqadaada iyo baahiyahaaga maalinlaha ah u maareyso. Halkan waxaan si fiican ugu bartay Boortaqiiska muddo aad uga gaaban muddadii ay igu qaadan lahayd inaan Denmark ama Jarmalka u tago oo aan halkaas isku dayo inaan luqadda ku barto."